Thursday, April 26, 2012

Yuusuf Indhacade oo ka hadlay hubkii Shabaab ka heshay Siinka dheer

Yuusuf Indhacade oo ka hadlay hubkii Shabaab ka heshay Siinka dheer

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Yuusuf Maxamed Siyaad (Yuusuf Indhacadde) ayaa maanta markii ugu horaysay waxa uu ka hadlay hub la sheegay inay shabaabku dhowaan ka heleen misna kala baxeen guri ku yaallay deegaanka Siinka dheer ee dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.
Hubkani oo ahaa sida uu sheegay Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab Cabdilcasiis Abuu Mascab hub ay helaan kii ugu badnaa abid ayaa lahaanshihiisa waxa uu dhaliyay muran xoog leh oo dhex mara dhinacyada mar uu soo hadal qaaday hubka la helay Xasan Daahir Awees ayaa ku sheegay inay hubkan leeyihiin beelo Islaam ah waa sida uu hadalka u dhigaye halka ay dad badan oo weliba ay ku jiraan qaar xogogaal ahina ay tibaaxayaan in hubkani uu lahaaYuusuf Maxamed Siyaad (Yuusuf Indhacadde) uuna halkaasi ku qarsaday xili uu ahaa gudoomiyaha Xisbul Islaam garab ka mid ah oo markii danbana ku biiray dowlada Labada Shariif halka warar kalena ay tibaaxayaan in hubkani ay lahaayeen rag ka tirsan beesha Cayr oo iyagu ku midaysnaa magaca Xisbul Islaam.
Dhanka kale Yuusuf Maxamed Siyaad (Yuusuf Indhacadde) oo hadlay dhankiisa ayaa waxa uu sheegay in hubkii dhowaan laga helay guri ku yaalla deegaanka Siinka dheer aanay lahayn ururkii Xisbul Islaam oo uu kamid ahaan jiray.
Balse waxa uu tilmaamay in hubkaasi ay lahaayeen rag katirsan Al Shabaab oo meesha ku qarsaday waxaana uu tilmaamay in xaq darradii ay shabaab galeen hadda dhexdooda kasoo baxday sida uu hadalka u dhigayYuusuf Maxamed Siyaad (Yuusuf Indhacadde) .
Si kastoo loo dhigaba waxaan shaki ku jirin in hubkaasi lahaanshihiisa aanu ka fogayn Beesha Cayr oo iyadu gobolka Shabeelaha hoose xoog ku haysatay in mudo ah inta ayan Shabaab gebi ahaanba kala wareegin gobolka.

No comments:

Blog Archive