Saturday, May 19, 2012

JARSO OROMO SHEEGANAYA

: Baaqyadii beesha Jaarso


Submitted by webmaster on Thu, 2011-10-20 21:35

Oct 20 2000

by Araarse Cumar Dhibaayo - Anigoo ka mid ah waxgaradka beesha Jaarso ee ku dhaqan wadanka gudihiisa (Itoobiya) waxaan jecelahay in aan halkan wax yar ka idhaado baaqaq ay dhawaanahan saxaafadda ku baahinayeen qurba joogta beesha Jaarso.



Sida aan ogsoonahay qabiilka JAARSO waxay degaan Ajarsa goora, Gursum (Fiyaanbiiro) iyo Jigjiga; waxay u kala baxaan lix qabiil oo kala ah (Wara dhanqo, Wara Sayo, Walaabi, Dawaro, Wara oogo iyo Oromo); Waxay la dhasheen qabaa’ilada sida Ito, Noole iyo Ale, waxaana laysku yidhaa AFAAN QALDHO. Qabiilka JAARSO waxay xidhiidh fog iyo walaaltinimo ka dhexaysay qabiilka GERI KOOMBE oo ay lahaayeen xeer ay ku dhaqmaan oo la odhan jiray xeerka GERI iyo JAARSO ama Xeerkii Garaad Aadan iyo gulantidii Badhaase Mide.



Haddaba waxaa beryahan danbe jira qoraalo iyo baaqyo ka imanaya qurba jooga beesha JAARSO oo aad moodid inayna ka turjumaynin ujeedooyinka saxda ah ee ay beeshu aaminsan tahay ama qabto. Beesha JAARSO markay fiirisay danta guud ee beesha waxay waxgaradkooda, odayaashooda, haweenkooda, dhalinyaradooda, siyaasiyiintooda iyo ganacsatadooda dal iyo dibadba ay qaateen go’aan ah in aan ku biirno Maamulka OROMADA ama Maamulka Kililka Afraad iyada oo ayna cidna nagu qasbin kaasi oo soo jiitamayay ilaa 1991 dii, iyadoo dawlada federaalka Itoobiya qaaday afti codayn ah sanadkii 2004 tii kaasi oo ay JAARSO isku raacday 99.9% inay yihiin Oromo kuna biiraan maamulka Oromada marka laga reebo qabaleega biyada oo ay degaan Wara Haamo oo ka soo jeeda wara dhanqo. Waxaan u sheegayaa waxgaradka qurba jooga ee beesha JAARSO inaan ka raysanay maamulkii xaaraanta ahaa ee soomaalida mudadii aan ku biirnay maamulka OROMIYA marka la fiiriyo dhinaca waxbarashada, caafimaadka, isgaarsiinta,wadooyinka, biyaha, beeraha iyo xoolaha.



Sidaasi darteed waxaan u sheegayaa qurba jooga beesha JAARSO in Jaarso laga maamulo Kililka Afraad ee Oromiya, maamulka degaanka Soomaalidana waxaa naga dhexeeya deris wanaag mana hoos tegno masuuliyiinta ismaamulka soomaalida sida madaxweynaha, gudoomiyaha xisbiga iyo baarlamaankaba ee haddii aan cadaadis ama cadaalad daro aan kala kulanay Gursum, Ajarsa goora ama Jinacsani waxaa haboon inaan u gudbino maamulka Oromiya kana fogaano cabashada iyo yuusta joogtada ah ee aan u gudbinayno maamulka ismaamulka soomaalida oo aan beri hore ka tegnay; haddii kale arrintu waxay noqonaysaa (geeloow karantiyo hilaacyada bari iskuma heshide mid uun ku hiro mid uun ku hagaag).



Waxaa kale oo aan u sheegayaa masuuliyiinta kililka shanaad ee ismaamulka soomaalida iyo qurba jooga beesha JAARSO in aan u gudbinay dawlada federaalka Itoobiya in magaalada JIGJIGA laga qaado afti codayn ah, anaga oo aaminsan in magaalada JIGJIGA la raaciyo ama la hoos geeyo ismaamulka Oromiya, lagana raro magaalo madaxda degaanka soomaalida oo lagu celiyo Godey, Dhagaxbuur ama Qabridahare. Haddii ay taasi dhici weydana laga dhigo magaalada Jigjiga mid sida Addis ababa ama Diridhaba oo ay u siman yihiin qoomiyadaha Itoobiya.



Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan in qurbo jooga beesha JAARSO ka fogaadaan cabashada ay u soo gudbinayaan masuuliyiinta kililka shanaad ee soomaalida taasi oo lid ku ah rabitaanka beesha jaarso maadaama ay hore si buuxd ugu codeeyeen ku biirista maamulka Oromiya isla markaana ay ku qanacsanyihiin go’aankodaas. Haddii aad u arkaysaan go’aankii aan horey u qaadanay ee aan kaga mid noqonay kililka afraad ee Oromiya inuu khalad ahaa, waxaa haboon in beesha waxgaradkeedu ka wada tashado go’aan loo dhanyahayna laga gaadho.



Ugu dambeyntii waxaan halkan ka caddaynayaa in beeshayada Jaarso ku qanacsantahay ka mid ahaanshaha Kililka Oromiya, Waxyaabaha ay hadda wadaan qurba joogtuna ay madmadaw soo kala dhexgelin karto mas’uuliyiinta maamulka Oromiya iyo beesha Jaarso maadaama loo arki karo in beeshu meel kale u socoto oo aanay ku qanacsanayn ku biiridda walaalahooda kililka 4aad.



Haddii aad haysaan wax talo ama tusaale ah waxaad igala soo xidhiidhi kartaan magacayga iyo Emailkayga hoos ku qoran.



Araarso Cumar Dhibaayo; Jigjiga; Itoobiya

Ajarsagoore2010@yahoo.com

MAHADSANIDIIN.



Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com

Posted in
Add new comment »



Araarse Cumar Dhibaayo Waa aniga

Submitted by Anonymous (not verified) on Mon, 2011-10-24 16:26.

Waxaan ahay ninka qoraalkan soo qoray; Waxaan idiin sheegayaa inaan ahay nin dhalad JAARSO ah ahna Warandhaqo kana ah Wara Axamed oo ku kalsoon ama ku faanaaya OROMONIMADIISA; waxaa wax laga naxo ah in la af lagaadeeyo qabiil aan walaalo nahay oo aan dadka iskugu xigno oo aanan sina u kala gu,i karin iyo shaqsiyaad ka soo jeeda qabiilkaas oo sharaf leh; balse aan ku kala tegnay siyaasad.Waxaan idin leeyahay qoraalka waxa ku qorani ma runbaa mise waa been matalan inaan OROMO ku biirnay inaga rabitaankeena oo afti laqaaday oo inaga teena hadday noqon lahayd macal JIGJIGA,TULLIGUULEED iyo degaanada hoostega maanta ay OROMO ahaan lahaayeen; wax aan teela dhiganay ma jirin ee haddii Tulliguuleed degmo noqotay ma anagaa soodaanta keenay; nimanyahaw JAARSO talaa la gudboon oo ah ama OROMO aan ku adkaysano ama dhulkii OROMO aan ku darnay aan soo celino Walaalaheen GERINA aan si cadaalad ah aan wax u wada qaybsano; Waad og tihiin in GERI iyo JAARSO ay lahaayeen LIX XILDHIBAAN oo ay si cadaalad ah wax u wada qayb san jireen;GERI waxaan ku raadsanaa waa gardaro ee JAARSO dhinac ha ku adkaysato; JAARSO nin iga jecel ma jiro sharafteeda iyo jiritaankeeda balse waxaa la yidhi GARTA INTAAD GEEDKA TEGIN AYAA LA AKHRISTAA ee JAARSO haddii aan nahay aan cadaalad u soo noqono oo dulmiga iyo khaqdarada aan raadinayno aan dayno.

.khayaaliga aan iska dayno

Submitted by Anonymous (not verified) on Mon, 2011-10-24 15:46.

Walaalayaashayda Jaarsow Araarse runbuu ku hadlay.Ma garanayo waxa aynu soomaali xiligan iskaga dhejinayno inagoo ilaahay inaga dhaliayay laandheerayaasha geeska afrika ee Oromo. Walaalayaal waa laga soo gudbay waqtigii jaarsanimada iyo oramonimada laga carari jiray ee qaar badan oo inaga mid ihi ay Geri, Ogaadeen, leeli Kase iyo Xarla sheegan jireen. Waxaan idin leeyahay soomaali waa dad aan deris nahay mana nihin Soomaali ee ku faana oromonimada. ogaadana Tuulo yar oo Tuli guuleed la yidhaahdo ayaa ka hadlaysaane mustaqbalka Oromo iyadaa geeska afrika oo dhan u talin doonta. Sharafta ayaynaan iska qaadin horaan go'aan u gaadhnay dibna uga noqon mayno.



wiil oromo

.Waa kuma Araarse Cumar Dhibaayo?

Submitted by Anonymous (not verified) on Sun, 2011-10-23 12:32.

Waa nin Gerri- Jaarso ah ma aha JAARSO! waa nin ay ka buuxdo nacaybka JAARSO oo ay dhuuxa iyo lafaha ka gashay. Ninkan waxaa la yiraahdaa

HASSAN DUALE wuxuu ku magac dheer yahay (HASSAN JABHAD) wuxuu ku noolyahay Alberto, Canada. Imika ka horna waxan oo kale ayuu kusoo qoray shabakada Wardheernews oo uu markaa tifaftiruhu ahaa nin isna beeshiisa kasoo jeeda oo la oran jiray Faisal Abdi Roble.



Ninkan wuxuu rabaa inuu beesha JAARSO kaso horjeediyo walaalahayo Jidwaaq iyo Ogaden. Waxgaradka beelaha Ogaden iyo Jidwaaqna way ogyihiin waxani inuu san run ahayn.



Walaalahayo Gerri-jaarso waxaan leenahay cuqdadda idinku jirta iska saara aduunyada waa laga taga yaaye.



Ina libaax san ka taabte

Hargeisa, Somaliland

.Araarsoow war li'idaa!

Submitted by Anonymous (not verified) on Sat, 2011-10-22 15:14.

Bismillah, Marka hore waad salaaman tihiin bahda shabakadan caan baxday ee Kilil5.com iyo dhamaan shaqaalaha iyo tifaftirahaba. Waxaa walaalayaal wax la layaabo ah dee ninkan ku shaxaad tagaya magaca beesha JAARSO ee leh JAARSO Jinacsani unbay leedahay ee Jig-Jiga iyo agagaarkeeda toona waxba kuma leh. War ninkan ma wuxuu iloobay boqortooyadii DAWARO inay ahayd boqortooyadii xukumi jirtay Gobolka Jig-Jiga oo dhan ilaa laga gaadhayo carro Oromo. Jaarso taariikhday kililka 5aad ay kula deehay (Library-yada) Maktabadaha aduunka iyo Ethiopia gudaheeda ayay yaalaan qofkii raba inuu ogaado. Dhiig badan iyo aduun baa loo waayay xorayntii Gobolka Ji-Jiga waxaana kaw ka ahaa beesha Ji-Jiga. Garaadadii iyo Suldaanadii beesha JAARSO taariikhda Ethiopia ayaa xustay. JAARSO community waxa uu Alle ku manaystay dhul barwaaqo ah oo kuyaal Carriga Ethiopia.



Waxaan sidoo kale xasuusiinayaa qoraaga iyo akhristayaashaba in beeshu hadii ay maamulka Oromia ku biirtay aysan ahayn DAMBI ama Soomaalinimadoodii ay maydhantay! waar dee nimanyahow runta aan isku sheegno. JAARSO waa layaqaanaa waa nimankii libaaxyada Ji-Jiga ka saaray. Ji-Jigana iyagaa loogu yimid. Qudhiin iyo xaradiin bal hareeraha Ji-Jiga cida degta ama beeraha ku leh wa ayo? dee waa JAARSO.



Waxa qudha ee ay beeshu codsanaysaa'i waxa weeyi xaqeedii inay hesho. Hadii ay heli weydana, waxaan ku dhawaaqanaynaa kilil gooniya ama Wax la qaybsan doonaa beelaha walaalahayo sida CIISE, GADABUURSI iyo Shiikhaal. Waligayoow mucaarad maan noqon, hasa yeeshee imika ayaan bilaabaynaa. Annagaa waligayow ka talin jirnay Ji-Jiga imikana jagadii madaxweyne nimada ayaan rabnaa. Waxaan kula talin lahaa Cabdi iley inuu kursiga baneeyo.



Inna Libaax san ka taabte,

Hargeisa, Somaliland

.JAARSO ILOOWSHO DHAWAA MA UMULBAA

Submitted by Anonymous (not verified) on Sat, 2011-10-22 10:27.

Ileen af aanad lahayn lama aamusiiyo, Jigjiga iyo jinacsani waxay isku jiraan in ka yar soddon Kiilomiter; Somaali oo dhana way ogayd go'aanka iyo mawqifkii ay JAARSO qaadatay ee ay ku biireen maamulka OROMIYA, nimanku ma xishoodaan miyaa somaalidu waxay tidhaa Ama Afeef Hore Lahaw ama Adkaysi Danbe Lahaw; Ogaada Oromo iskama iman ee idinkaa u yeedhay oo ku biiray la idima qasbin; imikana waxaad ku socotaan inaad Jigjiga oo ah magaalo madaxda umadda soomaaliyeed aad ku dartaan OROMO haddii ay idiin suurto gasho ama ay tiina ahaan lahayd;Nimanyahawn JAARSO hadal idiinma furna ee markaad Jinacsani soo celisaan oo aad raali gelin bixisaan inuu khaldanaa mawqifkiinii hore ayay umada soomaaliyeed idin sugaysaa; AFKII AAD SHALAY KU TIDHI OROMO AYAAN AHAY SIDEE AYAAD MAANTA UGU ODHAN KARTAA SOOMAALI AYAAN AHAY waar JAARSO xishooda oo wax isku fala ha noqonina beerka jecli xaydha jecli.



DAACAD.

.jaarso maaha ree jeesa ee waa ree jira oo aduunaka laga yaqaan

Submitted by bulshawi (not verified) on Mon, 2011-10-24 15:10.

asw dhamaan bulshada somaliyyed ] waxaan leehay ninkan leh jaarso iyadaa shalay dooratay oromia in ay racdo waa runtaa lakinse imikaba kamay bixin xaqeediina way ku naaloonaysaa ee waxay rabtaa xaqii ay ku lahayd DDS ama gobalka JIGJIGA xaqii ay ku lahayd oo dhamaystiran wan ku doodi doontaa ilaa ay ka helayso jaarsana waa ta maanta kaliyaatav ee iska leh dhamaan tuulooyinka ka ag dhaw jigjiga sharci iyo sharci la aanba way ku helaysaa xaqeeda saaxiib suuq madow lagu cuni maayo xaqeeda oo gobolo aan ogahay la gayn maayo jaarsana ilaa ay ka arkayso maamul xalaala o shacbiga dds ethiopia maamula marna isku dhiibimayso kaligood taliyaashan ay qabyaaladu ku dheeraatay ee kala qaybinaya uma soomaaliyeed waayo waxaan ar kaynaa DHAMAAN QAYLA DHAANTA KA SOO YEEDHAYSA BEELA SHEEKHAASH IYO CIISE G,BUURSI JAARSO AKISHO IYO QAR KALOO BADAN IYO BARTIROO AAN IMIKA MOODO IN XAQIISII LALAAYAHAYBA BY HALMASEEGE AW GEEDI .inuu GERI yahay waxaa kuu

Submitted by caydiid (not verified) on Sat, 2011-10-22 07:02.

inuu GERI yahay waxaa kuu cadaynaya sxb wuxuu yidhi jaarso waxay ku nooshahay jigjiga ,jinacani iyo ajasagoore walee waa cajiib war maxaad tuli uga reebtay.



nin jaarso ah hadii aad tahay tuli guled oo ah halbowlihii jaarsada ka maadan reebtaan, laakiin adigu waxaad uga reebtay oo aad jigjiga ugu soo dartay way cadahay. laakiin Alla kaa jari beesha aad ka been abuuratay

.kolay qoraalkan kuwa soo

Submitted by cali yare (not verified) on Sat, 2011-10-22 06:54.

kolay qoraalkan kuwa soo qoray iyo kuwa commentka ka soo dhiibtay waa dad is og wayna iska cadahay cid kalana ma ahin ee waa dadkan tuli nagu haysto.



walaahi bay ka tahay inaydaan jaarso waxba ka qaadaynin inaga iyo idinkana waynu is naqaan ee GERIYOW is cadeeya, Jaarso waa la og yahay waxay tahay, waxaadna doonaysiin inaad beesha jaarso iyo qabiilada kale aad iska horkeentan taasina dhici mayso.



GERI cuqdad jaarso waxba ka qaadi maysiin Tulina waa loo kala hadhi insha allah, soomaalina way og tahay damaca jaarso iyo wanaaga jaarso

.WAA WAREEY JAARSO WAXAY TIDHI

Submitted by mahamed (not verified) on Sat, 2011-10-22 03:17.

marka horeba qaladka ugu wayn waxaan galnay markii hore ee dhulka soomnaalida oramadu qaadanaysay ayaan ku daawanay codayntii gari iyo oromo iyda oo arintaasi ahayd inaan u galno soomaali iyo oromo

qaladkaa aan galnay awgeed ayaa keentay inaad jaarso maanta ku riyootid jigjiga oo ah halbawlihii soomaalida arintaasi waxay dib noogu celinaysaa dhulkii hore soomaali inay kaa soo cesheto

jigjiga aan u diyaar galawno inaan kararno jaarso iyo oromo oramadaadana ku faan maamulka suubana waxaan ku amaanayaa sida cadaalada ah ee uu ula dhaqmay jaarso waayo hore ayay madaxdii hore idiinku il duufeen sidii cabdi jibriil taasina way dhamaatay

.beeni raad ma leh

Submitted by mukhtaar (not verified) on Sat, 2011-10-22 03:03.

mar ka hore waxaan cadaynayaa anigoo ku hadlaya magaca beesha jaarso in uusan ahayn nin u dhashay beesha jaarso uuna yahay nin dambile ah doonayana inuu ka been abuurto beesha jaaarso oo la yaqaan waxay tahay.



mida labaad waxaan cadaynayaa in uusan jirin nin waxgarad ah oo ka dhashay beesha jaarso misena la yaqaan oo la yidhaahdo araarso cumar dhibaayo.



markaa waxaan dadka ogaysiinaynaa in uusan ninkani ahayn nin beesha jaarso udhashay ama ka mid ah waxgaradka beesha jaarso waxaanan ka codsanayaa warbaahinta iyo umada soomaaliyeedba inay ka fooginaadaan shaqsiyaadka ku qaraabanaya magaca beesha jaarso isla markaana bahdilaya iskana hor keenaya umada soomaaliyeed dhexdeeda

.Tuug magaca beesha Jaarso ku qaraabsanaya

Submitted by Anonymous (not verified) on Fri, 2011-10-21 10:47.

walaahi waxaan ku dhaaranayaa anigoo ka mid ah dhalinta jaarso in uusan jaarso ahayn ninka waxan soo qoray oo uu yahay nin doonaya inuu magaca ka dilo fikir qaldana ka gudbiyo iskuna diro beesha jaarso iyo bulshada soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia.



qudhun nooocaagaas oo kala ah waala yaqaanaa waxaad tahay iyo waxaad damacsan tahay.

in jigjiga doorasho laga rida iska daayee walaahi hadaanu nahay dhalinta jaarso waxaanu ku talo jirnaa sidaan u soo celin lahayn magaalada jinacsani iyo dhamaan dhulka ay doorashada beenta ku qaateen.



Ku: kilil5 waxaan idinka codsanayaa inaydaan soo gelin waxkasta ama qoraalkasta oo uu nin tuuga doonayana inuu bulsho dhan ceebeeyo inaad soo galisaan wuxuu soo qoray, waxaanan idinka codsanayaa hadii wax la idiin soo gudbinaya inaad ka fiirsataan qofka soo qorayna aad ogaataan waxa uu yahay.



waad na mahadsan tihiin

.Waa Yaab

Submitted by Barre (not verified) on Fri, 2011-10-21 05:20.

Marka hore wuu salaaman yahay Araarso, waana ku mahadsan yahay sida uu dooddiisa u soo gudbiyay. Waxaan rajaynayaa in ay ku qancaan qolada Jaarso ee baaqyada hore soo dirtay. Midda labaad shacbiweynaha Soomaaliyeed waxa la gudboon in ay dhulkooda iyo degaankooda ilaashadaan, kuwa sida xaqdarrada ah loo wareejiyay ee maamuladii hore dayaceenna soo celiyaan. Hadda sheekadu Jigjiga ayaabay maraysaa, Dir Dhabena la ilow. Waar meesha ka kaca intii aynu isku maqnayn baa dalkeenni la dhacaye.



Barre

.Marka Hore araarso waadku

Submitted by Anonymous (not verified) on Fri, 2011-10-21 01:29.

Marka Hore araarso waadku mahadsantahy inaad sidaad runta ah noogu soo bandhigto Xaalada dhabta ah ee Jaarsada, lakiin waxaa iga yaabiyey inaad sheegato magaaalda Jig-jiga , Runtii waxaan u malaynaa inaad ku nooshahay riyadii Oromada ee ahayd anagaa iska Leh Jig-jiga , Hargaysa iyo Ilaa Boosaaso, Walaal waxaan rabaa inaan kuu cadeeyo, Jig-jiga waa magaalo magaalana Qabiil Ma laha, Laakiin Deegaan ahaan Cida iska Leh waa layaqaanaa, waxaa iska Leh Jidwaaq, Aftida aad sheegaysana waligeed dhici mayso, ee waxaan kuusheegayaa in jig-jiga tahay magaalo Somaaliyeed oo aan Cid aan somaali ahayn sheegan karin, Hadii aanu shaqaale Kadhignay Qowmiyadaha Kale oo aan shaqo u abuurnay micnaheedu ma aha in wax ku leeyihiin, ugu dambayntiina waa sidaas u sheegtaye ku ekow Oromadaad sheegatay Kuna Faan Oromonimadaada, aan Kuu raaciyo jig-jiga gobolka waxaa wada dega dhamaan sommalida qabaa iladooda inta badan waana dad ay soomaalinimadu ay ku dheertahay.



Jama nuur jig-jigaawi

.@jijiga man

Submitted by Anonymousflexer (not verified) on Fri, 2011-10-21 07:30.

haa .@jama nuur jig-jigaawi

Submitted by flexer (not verified) on Fri, 2011-10-21 07:28.

@jama nuur jig-jigaawi waxaan ku sheegaya horta in aad khayali iska dhadhicisay ood aminsantahay in jidwaaq iska ledahay degan ahan had kaso jedo jijiga jidwaaq maxad kau haysa jijiga ama aad ku ledahay dharartina wad so gasha habeenkina wad ka carawda... mida kale aayad shaqo uu abuurtay jaarso marnaba shaqo umadan abuurin iyaga shaqo ku abuuray mida dawlada haka hadlin shaqdu dawlada un mahan.... by the way... ninkan qoraga ah runta ayu shegay jaarso haday oromia racday iyada ikhtiyarka qadatay oo ismamulka somalida waxba uma qabaan jaarsan waa qabiil baladhan ha moodin jiidwqa in ay ka badantahay oo dhan la isku geyay dhulka ay deganyihine waa dhulka barwqada ah... waxaan mar labaad ku sheegaya khayaliga ka bax .......

.riyo run ma noqoto

Submitted by Anonymous (not verified) on Fri, 2011-10-21 06:17.

asc horta waad ku mahadsantahay hadii aad tuugtii aad ku cadaysay laba shaadhlayaasha

waxaan dulqadan kari wayay arinta aad ledahay jigjiga ayaan afti uu qaadaynaa jigjiga jaarso cidi ka ma aha

jigjiga waxaa iska leh jidwaaq

adiga oo aan reer siciid gadhayn iska dhaafe ogaadeen ayaan hadalkaa

odhan karin

.walee jidwaaq in seefta ogaadeen jaarso ka hayso ma ogo

Submitted by deeqsi05 (not verified) on Mon, 2011-10-24 06:03.

HORTA WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN SHAQAALAHA KILIL5COM OO AAN LEEHAY WAAD SALAAMAN TIHIIN SXB YAAL IN KA DIB NIN KAN LEH JIGJIGA JIDWAAQ AYAA ISKA LEH WAXAAN LEEHAY JIGJIGA NINKA INDHAHA U SHIDAA ISKA LEH EE KA DHEXMUUQDA JIGJIGA WAXAAD SOO GALISA DAAYE WAXBA KUMA LIHID JIDWAAQ WAXA UU LEEYAHAY WAA QABRI BAYAX SXB JIGJIGA HADA SIDAA U EEG AYAA ISKALEH HAREERA HEEDA AYAA GANACSI KULEH GUDA HEEDA WAA JAARSO ADIGUJIDWAAQOO JILIB JAARSO AAN GAADHAYN OO AY JAARSO KAA HORTAAGAN TAHAY XASUUQII YUHUUDA MID LAMID AH OO OGADEN KAAGA YIMAADA AYAAD LEEDAHAY JILIB REE SICIIDA GAADHI MAYSO MABAAD DHALAN AYAAN U MALAY NAYAA SXB EE AABAHAA SU AAL TAARIIKH BOQORTOOYADII DAWARO EE DHIIGA IYO DHEECAANKU KAGA DHAMAADEEN JIGJIGA SXB WAXAAN KUU SHEEGAYAA IN AY JAARSO IMIKA AY BEELAHA WALAALADOO EE KALA AH AKISHO JAARSO IYO GADABUURSI CIISE ISAAQ SHEEKHAASH AY WADA DHISI DOONAAN NIDAM KU SALAYSAN IS MAA MUL GAARA WAA LAFA MAROODI KSA SACUUDIGA .beenta iska daa nin gariyaad

Submitted by Anonymous (not verified) on Sun, 2011-10-23 04:16.

beenta iska daa nin gariyaad tahay dadkana ha iska horkeenin

.GARI MAAHA

Submitted by axmed (not verified) on Tue, 2011-10-25 02:27.

Walaalayaal waxaan idim leeyahay gari idinlama hadlin cida idinla hadashay waa ninkaa is cadaynaya ee dawada ha ka raadinina meel ayna idnka jirin

.marka hore waxaan salaamaya

Submitted by kulmiye (not verified) on Mon, 2011-10-24 04:07.

marka hore waxaan salaamaya bahda saxaafada ee kilil5

marka labad waxaan salaamaya dhamaan dadka fikradah ka dhiibanaya iyo kuwa akhriyaya

horta waxaa qurux badan in runta laga hadlo oo laga gudbo cadiifada cuqdiga iyo kaabo qabiilnimada

run ahaantii beesha hadda la magacaabay waa beel somaliyeed oo dantooda mooday inay ku jirto oromia

hadaba waxaa iswaydiin oromia ma ka heleen wixii ay ka doonayeen

jawaabtu waa maya sababtoo ah oromo iyada ayaa shacabkeedii meel ay geeyso la' marka tiisaba daryeeela ta kalana kudara

markaa beeshu waa ku hungowday damaceediii

marka waxaan leeyahay dadka sheeganaya inay oromia uroontahay waar masaakiinta yaaan la marin habaabin waxa ka jira jinacsani waan ognahay waxaa ka jira deeganada kale waan ognahay

marka waxgaradka beesha waxaan ugu baqaaya inay raadiyaan waddadii loogu soo noqon laahaa somalinimada dhibaataadana looga bixi laahaa

dadka beenta shaqada ka dhigtayna waxaan odhaan laahaa war ilaahiina ka boqo bessha kadaayaa waa daaalantahee

mid na ha laga waantoobo taas oo ah in la colaysiiyo beeelaha walaalaha ah

.Answer: Improve

Jaarso waa qabiil oromo ah

Jaarso waxay deegaan ahaan degtaa Dalka Ethiopia, Jinacsani, Tuli Guuleed, Fayaan biiro iyo kuwo kale oo badan.

Beesha Jaarso waxay ka kooban tahay 6 jilib.

waale beenta maaha sxb niin kii jaarso garanaya uunba garanaya sxb cadawgeda haa unolato jarso sxb

4 comments:

leader said...

Jaarso waa Oromo,lamana gabanayso dad iyo deegaankeeduna waa isu filan yahay riyo maalmeedka lala wareegayana wax masoo kordhinayso dhabtana maanta lajooga isu duubni ayaa wax lagu ahaa niman wax lahayna ku asturnaa

leader said...

Jaarso waa Oromo,lamana gabanayso dad iyo deegaankeeduna waa isu filan yahay riyo maalmeedka lala wareegayana wax masoo kordhinayso dhabtana maanta lajooga isu duubni ayaa wax lagu ahaa niman wax lahayna ku asturnaa

Anonymous said...

MrGerikoombe

Salaamu calaykum, runtii qabiilka jaarsada iyo Geri koombe waa dad lahaa taariikho dheer iyo xidhiidh hore oo looyaqaanay xeerka GERI IYO JAARSO.

Baryahan danbe dadka fidno ayaa la dhex dhigay, waxay ila tahay in wanaaga la ilaaliyo, wixi dhib dhacay waxa ka badan wanaagii ka horeeyey.

umadu way isku baahan tahay , waa in aan dadka walaalhaa dab la dhex dhigin.

koley dhaqan, iyo wada deganaansho iyo derisnimaba way inaga dhaxaysaa.

Salaamu calaykum all geri and jaarso clans, let us have a common understanding that will develop our people.

peace and love
mrgerikombe

kadir josef said...

waxa aad u cajiba in adiga oo JAAARSO AH , ISLA MARKAANA ah qabiil ay si fiican u soo wada dhaqmeen beesha geri koombe aad rabto in aad dhulka somaliyed ku darto OROMO, Waa wax aan u fiicnayn dhaqankii ay lahaayeen beelaha geri kombe iyo jaaarso , hadii aad taariikhda dib u raacdo waxa beelahaas lagu yaqaaanay isku duubni , inkasta oo uu dhacay daagaal geri iyo jaarso oo aan loo baahnayn , aniga oo ku hadlaya magaca beesha geri , waxa aad u fiicnayd in la soo celiyo xidhiidhikii iyo xeararkii geri iyo jaarso , taasi oo hadii la isku calool fayoobaado laba reer iyo somaliba gaadhsiin karta heer sare.

Blog Archive