Friday, October 26, 2012

HEESO IYO MIDHO

Cakuye LaabteydaSong: Cakuye Laabteyda


Artist: Xabiibo Xasan Tooxow

Category: Kaban

Views: 1970



17 ArailCourierVerdanaTahoma Share15Jaceylkaan igu ligligan

laxowga haba igu hayee

waxan lasii yaabanahey



Siduu lisha owrka iyo

laleema la'aan shiishkiyo

leebka iyo toogta iila helayee



Cakuye laabteyda baas

midaan lurka ii lugeyee

cakuye

anaaa luqunteyda suray

cakuye

lugooyada doontayoo

anaa looyaan u dagaayee

cakuye



Lamaano isdiidan iyo

jaceylkaan leyliga

inaan ku mitido libkiyo

talaabo uma dagan iraah

dhanma kumaan leylsaniyo

go'aan li'idaayee

cakuye



Anaa laabteydaa

anaa dhalanteed ku lumay

anaa liiladowda tuntay

anuu ila simay jaceyl

anuu i laazimey jaceyl

meelaan uga laabo iyo laheyn

jid iga leexshay

waa igu dowgaleyee



Cakuye iliqyo iyo yaxaas

anaa libta siyaayee

cakuyee

anaa is loogayee

lugooyada doontayoo

anaa looyaan u dagayee

cakuyee



Lamaano isdiidan iyo

jaceylkaan leyliga

inaan ku mitido libkiyo

talaabo uma dagan iraah

dhanma kumaan leylsaniyo

go'aan li'idaayee

cakuye



http://www.nomadlyrics.com/heeso-e298a98d8-cakuye+laabteyda.html







Song: Aayatiin ku waar

Artist: Xabiibo Xasan Tooxow

Category: Kaban




Cishqi (Qarami)

http://maalmo.com/hees/f/farhia-fiska_cishqi-4.html

ONKAD TAHLIL

http://maalmo.com/hees/a/abdi-tahliil_onkod.html

Onkod roobku madaayo

aarna taaha madaayo

anna taa ma ilaawoo

jacayl ood rogan maayo

oon hilaac bi in maayo

ayro weerar madaayo

ninlihi aamusi maaayo

ergo geesi madiidoo

ilaah tiisu ma oosho

calaf la iska ma ooto

ubax dayr ma qarsoomo

godka lay iskuma aayo

ifka la isu tudhaayee

iilka la isma gar gargaroo

aboor la iskama baajee

nabsi hayga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.



Lyrics by Maalmo.com

Asaagay usha toosan

iyo ooda hagaagsan

hayiinkii asabaadee

madigii afar deeqa

inantiina ilwaadsan

ee asluubi u dheer tahay

sidaan u asteysto

kuu eegana yaaye

hadaan aamin idhaahdo

waa aqoonta haweene

oo rag iiga danbeeyo

halka ay ka cawayso

uur ku taalada maada

arimidiisa jacaylka

anigu soo dhaxli maayo

nabsi hay iga amaahan

axdigii ina dhex yiiliyo

ha iloobin aqoontee.



Sida oogta hilaaca

ileyskeeda cadceeda

amaantaada libaaxa

malaa waanad ogeyne

ayaan uurkiyo maanka

wadnahayga agtiisa

sida aayad ku taalaa

uumiyaha u tusaayee

haadii aanu ibleysku

iga kaa anbineynin

inaad ii tudhi weydo

eegi maayo koley

arin kuuma hambeynee

araartii haku deeqdo

sina hayga adkeysan

nabsi hayga amaahan

axdigii ina dhexyiiliyo

ha iloobin aqoontee







Maxaan kaaga beeraa

Abdifatah Yare Ft Fiska Kaban



http://maalmo.com/hees/a/abdifatah-yare_maxaan-kaaga-beeraa.html





Iga mudan Fiska Kaban

http://maalmo.com/hees/f/fiska-kaban-f_iga-mudan-3.html



Garasho iyo wanaag

Abdifatah Yare Ft Fiska Kaban

http://maalmo.com/hees/a/abdifatah-yare_garasho-iyo-wanaag.html







.

No comments:

Blog Archive