tag:blogger.com,1999:blog-664890954748781340.post8724172490698593516..comments2024-03-19T16:57:45.885-07:00Comments on The Somali Dir Clan's History: Codka Beesha Direed: The Oromo Worship Of Waaq (waako) Same as Somali WaaqleUnknownnoreply@blogger.comBlogger4125tag:blogger.com,1999:blog-664890954748781340.post-79162036996662678902018-09-07T04:57:14.254-07:002018-09-07T04:57:14.254-07:00somali clans with wag in their name
jidwaaq
barwa...somali clans with wag in their name

jidwaaq
barwaaq
takalwaaq
siiwaaqroon
habartiwaaq
WarWaaq,
NaxariisWaaq
Waaqmahadle,
BiddeWaaq
WaaqJire, CiqWaaq
DiintiWaaq
DoorWaaq
alWaaq, Waaqdoor

THe proto-Cushitic word for God is Waaq and even many things in the Somali language alludes to the shared

used of waaq as the denomination of God.

Examples:

barWAAQo = living in plentiful and content (Signify as something of god's doing)

garWAAQsan = to be convinced of something (cannotation implies testimony to the conviction of God)

WAAQdhaaco = sacrificial slaughtering (slaughter for the purpose of God)

caWAAQib = what happens to you (fate which is in the hand of God)

ku dhaWAAQ = announce or proclaim something (religious conotation implies proclaiming belief in God)

WAAQsasho = to get something lost back (testifying God's intervention in helping you recover)

Waaq in Arabic وا 02; means protector!

One of God's many's attributes is being a protector

Allah (swt) has 99 names, some of which include the attribute of being a protector and Waaq is one of the oldest

arabic words for protector وا 02;

Caabud-waaq = worship of the protector

Ceel-waaq = the well of the protector

Jid-waaq = the path of the protector

Takal-waaq = tireless protector

Cabud Waaq. Ceel Waaq(El Wak)

jidwaaq
barwaaq
takalwaaq
siiwaaqroon
habartiwaaq
WarWaaq,
NaxariisWaaq
Waaqmahadle,
BiddeWaaq
WaaqJire, CiqWaaq
DiintiWaaq
DoorWaaq
alWaaq, Waaqdoor

want to know if Somalis worshipped waaq? And if you had to be galla to be a waaq worshipper?
Somalis, Oromos, and Afars and Boronas all worshiped the sky god of the heavens and the Earth before the arrival of the Abrahamic religions. Waaq is still celebrated among the Cushitic people maybe in subtle ways. Such as when Somalis say "Barwaaqo!which is a saying for goodness and celebration and happeniness. Literally it means "The Blessed Rain of Waaq" other things that have to do with Waaq are: Jidwaaq (A sub clan of Darod) and Cabud Waaq (Servent of Waaq) and Ceel Waaq (Well of Waaq), Dhaqan Waaq (Culture of Religion of Waaq). Waaq today is nonmous with Allah, he has many names like Eebe (Universal Father).

Anonymousnoreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-664890954748781340.post-92196334803761746262018-09-07T04:55:45.578-07:002018-09-07T04:55:45.578-07:00Guntii iyo gebogebadii, waxa ay culimada taariikhd...Guntii iyo gebogebadii, waxa ay culimada taariikhda diimaha wax ka qoraa rumeysan yihiin in Waaq aanu ahayn sanam, balse uu Eebbaha (Allaha) aynu caabudno la wadaago sifooyinka kor ku xusan sida kelinimada, uumidda uunka oo idil, maamulidda iyo ka warheynta abuurtiisa ama uunkiisa, inuu yahay ili ma qabatay aan u dhisaaleysnayn sida sanam oo kale iwm. Waxa kale oo halkan ka muuqan karta in magaca Waaq uu ka habboon yahay adeegsiga erayga ay Masiixiyiintu adeegsadaan ee ah “God” oo marmarka qaarkood la dheddigeyn karo sida “Goddess”. Waaq se waa ka geddisan yahay sidaas awgeed aanay dhibaato ku jirayn adeegsigeeda, si la mid ah erayga “Eebbe” oo kale.

Ahmed Abdi “Dalmar”
dalamarnow@hotmail.com

(1) Waxaad barbar dhigtaa aayadda Qur’aanka Kariimka ah (Eebbe waa la-caabudaha Samada iyo la-caabudaha arlada) Suurat-ul-Zukhruf: 84.

(2) Barbar dhig aayadda Qur’aanka Kariimka ah (Waa uumaha uunka maamula (Qayuum), ma qabato lulmo iyo hurdo (midna), wuxuuna iska leh yahay waxa ku sugan cirarka (samooyinka) iyo arlada). Suurat-ul-Baqara: 255

(3) Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia (2008), Greenwood Press

(4)Waa magaalo ku taal dhulka Waqooyi Bari ee Kiiniya

(5) Waa magaalo ku taal koonfurta Soomaaliya

(6) Waa meel cidlo ah oo aaney joogin cid ama wax naftu wehelshato, oo colaad ama abaar looga dhaqaajiyey. Si kale haddii loo dhigo, dadyowgii hore ee Waaqa u hoggaansami jiray waxa ay ku tilmaami jireen meesha “waaq la’da ah” meel “ay ka maqan tahay naxariistii Waaq”.

(7) “Weligay iyo Waaqey”, ereyadan waxa loo adeegsadan jiray dhaarta. Waxaana beddelay “Wallaahi, Billaahi, Tallaahi”. Waxa se loo adeegsadaa marka laga hadlaayo arrin ugub ah, oo qofka dhahayaa ay la yaab ku tahay ama ugu horreysay. Sida: Weligay iyo waaqey isha maan saarin saan-caddaale ama nin caddaan ah.

(8) Waxa loogu yeedhaa fad (daruur) xambaarsan roob culus

(9) Barwaaqo waxay tilmaameysaa “dhibcihii Waaq”. Carruurta Soomaaliyeed waxa la baraa inayan farta ku fiigin daruuraha roobka xambaarsan, iyadoo la rumeysan yahay in ay keento ayaan-darro dhalisa in daruurtu kala yaacdo.

(10) Waa qabiilo Daarood ah oo deggan Herer barigeeda (carriga Itoobiya)

(11) Taqal-waaq, Dardaar-waaq iyo Jid-waaq waa saddex reer oo Daarood ah oo la siman qabiilka Ogaadeen, waxana u degaan ah Jigjiga iyo Diri-dhaba dhexdooda. Jid-waaq waxa ka farcama Abaskuul iyo Bartire.

(12) Eeg buugga “Saints and Somalis – Popular Islam in Clan-based Society”, ee uu qoray I. M. Lewis, The Red Sea Press, Inc, Asmara, Eritrea 136-137

(13)

(14) I. M. Lewis, Peoples of the Horn of Africa – Somali, Afar and Saho, 1955, London, International African Institute.

Anonymousnoreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-664890954748781340.post-13547897277198194012018-09-07T04:54:32.422-07:002018-09-07T04:54:32.422-07:00Arrimahaas kor ku xusan oo idil, waxa cad in diint...Arrimahaas kor ku xusan oo idil, waxa cad in diintii Waaq ay ahayd mid sugeysa kelinimada Eebbee (at-tawxiid). Waxaanay aad uga duwan tahay diimaha kale ee lagu tilmaamo inay bilow yihiin (primitive religions ama bidaai’) ee ka jira meelo badan oo arlada siiba Afrika – diimahaas oo ku dhisan aragti falsafadeed oo ah in noole iyo ma-nooleba ay arwaaxi ku jiraan (animism). Haddaba, qaadashada fudud ama sida degdegga ah ee ay Soomaalidu u qaadatay diinta Islaamka, waxa lala xidhiidhin karaa runta ah in ay Islaamnimada uga horreysay diinta Waaq oo iyana ku dhisnayd kelinimada Eebbe (Sarree oo Korreeye), taasoo u fududeysay inay si dhib yar ula jaan qaadaan(3).

Waxa ilaa maanta af-Soomaaliga laga dhex heli karaa erayo toos loola xidhiidhin karo eraygan “Waaq”, sida: Gar-waaqsi oo muujinaysa in ay gari tahay ta Eebbe, Eebbena (ama Waaq) yahay ka keliya ee wax simi kara ama garsoor sugan sameyn kara, Ceel waaq(4), Caabud Waaq(5), waaq la’(6), weligay iyo waaqay(7), Waqal(8), barwaaqo(9) oo tilmaam cad ka bixinaysa deegaan badhaadhe ah oo ka dhashay roob wacan. Sidoo kale, bal u dhug yeelo magacyadan qabiilooyinkan: Dardaar Waaq oo badanaa loo bixin jiray ilmaha ugu dambeeya ee nin iyo ooridii, waxaana looga jeedaa ‘nimcada Eebbe kii ugu dambeeyey’, Gacal waaq (kii Eebbe jeclaa), Jid Waaq(10), Tagaal Waaq(11), Sidoo kalena erayga Waaq waxa laga dhex heli karaa hees-hawleedka dumarku ku heesaan markay cawska sameynayaan ama dareerinayaan:

Cawskanow sabool diidow,
Waaq aan suuqa lagu dhigin oo(12)
Soddon lagugu baayicin oo
Yaa sameeyey lagu odhon ee

Waxa iyana mudan in la is dul taago erayga “waqooyi” oo aan ahayn oo keliya meel-u-jeesad (jiho) bal se lagu tilmaamo dhulka waqooyiga Soomaaliya/Somaliland oo ay ku jiraan gobollada Bari, siiba dhulka buuraleyda ah. Magacan waxa lala xidhiidhin karaa magacyada faca weyn ee ah “Arladii Bunt iyo Araladii ilaahyada” (The Land of Punt and The Land of Gods)(13) oo tilmaam ka bixinaaya in waqooyiga Soomaaliya ahaan jiray dhul barakeysan oo ay xitaa ku dhaadan jireen Masaaridii hore.

Isla meel ka mid ah dhulka buuraleyda Somaliland waxa jira dhowr meelood oo magacyadaas iyo wax u eeg xambaarsan sida: Waaq-eel oo ah goob ku taalla Buurta Gacan Libaax, Waaqderiya oo iyana ku taal xeebta gobolka Sanaag Bari, oo ka sii foororta buuraleyda hodonka ku ah xabkaha beeyada iyo meydiga, kuwasoo (xabkahaas) horreyso iyo haatanba leh adeegsi diineed.

Meelaha qaarkood carriga Soomaaliyeed, ku dhaqanka diintii Waaq waa ay soo dhowaatay ilaa qarnigii hore (20aad) bilowgiisii. I. M. Lewis oo xiganaaya Cerulli waxa uu xusay in Waaq laga caabudi jiray meelo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, siiba Gobolka Gedo, waxana weliba intaas u dheerayd caadada ah in ay qabaa’ilka qaarkood xididka dhiigga ee xaw-xawlaha ah ee cunaha dhinaciisa ku yaal (xablal wariid am jugular vein) ka mudi jireen lo’da isla markaana ay cabbi jireen dhiigga ama caanaha ku darsan jireen sida Masayga reer Kenya(14).

Haddaba, in kastoo ay jirto in diintii Waaq aan hadda lagaga dhaqmin carriga Soomaaliyeed, haddana waxa jira dhaqammo iyo caadooyin hadhaadi ah oo weli ka fuqi la’ bulshada Soomaaliyeed oo uu ugu door roon yahay saar-ku.

Anonymousnoreply@blogger.comtag:blogger.com,1999:blog-664890954748781340.post-23912212499005495282018-09-07T04:52:25.523-07:002018-09-07T04:52:25.523-07:00Qoraal hore oo aan u bixiyey “Wanaagsane Afkaygoow...Qoraal hore oo aan u bixiyey “Wanaagsane Afkaygoow, Waaqbaan Baryaayaa, Weydnimo ka Dheeroow” oo aan kaga hadlay wadeecada uu ku sugan yahay af-Soomaaligu ayaa akhristeyaasha qaarkood fal-celin si toos ah iiga soo direen. Waxay qaarkood wax iga weydiiyeen: Kumuu ahaa Waaq? Ma sanan buu ahaa? Iyo weydiinno la mid ah. Haddaba qoraalkan waxaan isku deyayaa inaan ku iftiimiyo arrinkan.

Ka hor intaan diinta Islaamku soo gaadhin carriga Soomaaliyeed, waxa la sheegaa inay dadyowgii ku noolaa carrigani ku dhaqmi jireen, xilli xilliyada ka mid ah, diin lagu magacaabi jiray “Diintii Waaq”. Erayga Waaq waxa lagu tarjumaa Eebbahii cirka iyo uunka oo idil (si la mid ah: Rabi’l caalamiin). Waaq waa jire iyo jooge ay caabudi jireen dadyowga ku ab-tirsada sawraca Kush (Cushitic) oo ay ka mid yihiin Oromoda, Saho, Canfarta iyo Soomaalidu. Oromada iyo Soomaaliduba waxay u yaqaaniin Waaq inuu yahay lehaha (ka iska leh) iyo joogteeyaha arlada oo idil (Bartles, 1983, Lewis, 1955 1956), waxa kale oo ay rumeysanaayeen inuu yahay uumaha (abuuraha) iyo maamulaha uunka oo idil, lehna waxa ku sugan cirka (samooyinka) iyo dhulka(1) , isla markaana qaabka uu wax u uumay yahay mid dhammeystiran, maamulidda abuurtiisana si joogto ah ula socda oo aysan wahsi, lulmo iyo hurdona ka jeedinin(2). Sidoo kale, waxay rumeysnaayeen in Waaqyahay ili-ma-qabatay una qaabeysnayn wax dhisaalan oo joog iyo muuq leh (sida sanam oo kale).

Anonymousnoreply@blogger.com