Saturday, July 7, 2018

Sawiro Deegamada Towfiiq ee Saleeban Cabdalle Surre Dir- Reer Agoon


Degmada Towfiiq ee Gobolka MUDUG oo Ku Tallaabsatay Hormar Dhinacyo Kala Duwan. (Sawiro).



Degmada Towfiiq ee Gobolka MUDUG oo Ku Tallaabsatay Hormar Dhinacyo Kala Duwan. (Sawiro).
egmada Tawfiiq waa Degmo maamul ahaan hoos timaadaa Puntland waxaana hoos yimaada tuulooyin badan sida:
Ceel dhanaane
Xingaras
Galhagoog
Buq qallooc
oo dhamaantood ka tirsan gobolka Mudug, kuna yaal waqooyi bari ee gobolka khaasatan dooxada caanka ah ee Golol waxay degmadani aad ugu wanaagsan tahay xoolaha la dhaqdo sida ariga, idaha iyo geela maadaama ay ku taal dhul cadduun ah waxaa kaloo degmadani alle ku manaystay biyo macaan degmadani waxay aasaasantay bilowgii 2000.
Dhinaca Horumarka
Inkastoo degmadani jiritaankeedu kooban yahay hadana waxaa run ahaanti aad iyo aad wax loogu farxo ah in ay si xawli ah u kobcayso oo horumarka ay gaarayso marba marka ka dambeeysa iyo koritaankeeda sii korayo. waxaa sanadkii 2011-ka laga hirgaliyay degamada Cabdulahi insaaniya Primary and intermediate school iyadoo waliba la gaarsiiyay adeega isgaarsiinta ee Golis Telecom waxaa sidoo kale la bilaabay dabayaaqadii 2013 dhismaha isbitaalka guud ee degmada Tawfiiq General Hospital, sidoo kalena la dhagax dhigay mashaariic isugu jira ceel biyooddyo, Guryo martida ama Hotelo yaryar, suuqa weyn ee bacadlaha iyo xarumaha maamul oo ay ka mid yihiin saldhig bilays iyo xarunta dawladda hoose waliba waxaa sii soconaya qorshayaasha lagu hormarinayo degmada ee dhinacyada kala duwan ee adeega bulshada iyo bilicda magaalada sida: Waxbarashada sare, caafimaadka, korontada, biyaha, ka faaiideysiga kheyraadka bada iwm.
Towfiiq markaad 15 km ka baxdo ayaad madaxa gelineysaa dhul xeebeed baaxad weyn ee badweynta India.
Dhanka Maamulka
Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku guuleysatay in ay Maamul hoosaad u dhisto Degmada Towfiiq kaddib markii dawladda Puntland ay wafdi xoogan oo ay arintaasi u xilsaartay ay gaareen degmada Towfiiq isla markaana ay u dhiseen maamul hoosaadkii Golaha Deegaanka Degmada Towfiiq oo ka kooban 17 Xubnood, iyagoo xubnaha Xildhibaanada
Golaha Deegaanka ay soo doorteen Duqa Degmada Towfiiq iyo Kuxigeenkiisa. Degmadan ayaa leh maamul wanaagsan kana adkaatay nabad galyadeeda oo aan wax amni darro ahi ka jirin iyadoo dalka intiisa badan qalalaaso ka jirtay hadaba dadka nabada jecel ee degmadan waxay aad ugala shaqeeyeen maamulada dariska ah dhimista khatarta burcad badeeda.
Goloha wasiirada Puntland ayaa maamul ahaan u aqoonsaday magaalada degmo buuxda sanadkii 2013 ka dib markii ay arkeen inay Tawfiiq buuxisay shuruudihii degmo dhan kasta.
Hadaba waxaan ku boorineynaa dhamaan jaaliyadaha qurbo jooga ee bulsho weynta soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaankaas baaxad 250 km oo wareega ku fadhiya inay u diyaar garoobaan horumarinta iyo dhiirigelinta maamul wanaag ee loo siman yahay.
Filo Goor dhow sawiro Dheeraad ah.
sawirka-1aaad-towfiiq
sawirka-3aad-300_towfiiq
sawirka-4aad-300_towfiiq
sawirka-5aaad-towfiiq
cowslafil.com



https://www.google.ca/search?q=towfiiq+degmada&safe=active&tbm=isch&tbo=u&source=univ&sa=X&ved=0ahUKEwjPsLyq5ubbAhUO-lQKHfLlAooQsAQIaQ&biw=1366&bih=651#imgrc=_


Degmada Towfiiq Oo Laga Hirgeliyey Mashaariic Kala Duwan, Iyadoo Gudoomiyaha Degmadaas Uu Ku Baaqay In Laga Qeyb Qaato Hormarinta Degmada (Sawir)

Waxaa dhawaan la daah furay mashaariic lagu hormarinayo Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug mashruuca wejigisa hore oo lagu bilaabay Ceelkii Degmada ayaa la daahfuray 7 bishan aan ku jirnee ee february.

Furitaanka Ceel qodista waxa kasoo qeyb galay dad weyne aad u tiro badan iyo wafdi  isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ah oo ka socoday Maamulka Puntland, waxaana sidoo kale lagu wada dhawaan in la bilaabo dhismaha saldhiga Degmada Towfiiq  iyo gurigi Degmada ay laheyd.
Dhawaan Degmada waxa la gaarsiiyey daawo ay Dowlada Federalka ugu deeqday Maamulka Puntland waxaana mahadnaq aad u balaaran usoo jeediyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay howlaha kala duwan ee laga bilaabay Degmada oo hada soo kobceysa.

Gudoomiyaha Degmada Maxamed Cabduqadir  ayaa  dadka kasoo jeedo Degaanka Towfiiq ku wargeliyey in dhibaatada ugu weyn ee degmada  ka jirto ay tahay wado xumo, waxa uu tilmaamay in Hey’adahII imaan lahaa deegaanka ay imaan karin sababo la xiriira wadada oo aad u bur bursan.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa dadka qurba joogta ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii Degmada Towfiiq kor loogu qaadi lahaa dhismaha wadooyinka iyo ka hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin bulshada.

http://markanews.net/blog/2016/02/11/degmada-towfiiq-oo-laga-hirgeliyey-mashaariic-kala-duwan-iyadoo-gudoomiyaha-degmadaas-uu-ku-baaqay-in-laga-qeyb-qaato-hormarinta-degmada-sawir/

Degmada Bacaad Weyn ee Beesha Surre Dir - Qubeys

Daawo Sawirada: Degmada Bacaadweyne Ee Gobolka Mudug Oo ay ka Socdaan Mashaariic Horumarineed

Waxaa dhawaan Horumar la taaban karo ay ka socdeen degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka socday dhisamayaal badan.
Degmada ayaa sidoo kale waxaa laga hirgelayay Adeegyada Aasaasiga ah, sida goobaha Waxbarashada iyo goobaha Caafimaadka, waxaa sidoo kale laga hirgeliyay Saldhig Booliis.
Dhanka kale waxaa degmada aad u booqanaya ama kusoo laabanaya qurba joogta degmada, sida uu noogu waramay Gudoomiyaha degmada Bacaadweyne Axmed Daahir Macallin.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu shegay Tuulooyin badan oo hoos taga Degmada Bacaaadweyne, sida Jiicdheer, Qeydaro, Qayo Cad, Barag Ciise ay ka sameeyeen Adeegyo Aasaasi ah oo ay dadku u baahnaayeen.
Sidoo kale Axmed Daahir Macallin ayaa Amaan ballaaran u jeediyay Qurba Joogta degmada, oo ka qeeb qaadanaya Horumarka Degmada.
Degmada Bacaadweyne waxay 200 oo Kiiloomitir ujirtaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
bacaadweyne_01
bacaadweyne_02
bacaadweyne_03
bacaadweyne_04
bacaadweyne_05
bacaadweyne_06
bacaadweyne_07
bacaadweyne_08
bacaadweyne_09
bacaadweyne_10
bacaadweyne_11
bacaadweyne_12
bacaadweyne_13

Video Beel Weynta Madaxweyn Direed : Warar iyo muuqaal ku saabsan beelweynta Madaxweyne direed

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Geeridii Halyeygii Muj.C.Koosaar Third SNM Chairman-Marxuum Cabdiqaadir Koosaar Cabdi Geele

Image


Wednesday, December 29, 2010



Tixdan gabayga ah oo aan ugu baroordiiqaayo halyeygii weynaa mujaahid Marxuum Cabdiqaadir Koosaar Cabdi Geele oo lagu dilay 12 07 1987, Magaalada Mustaxiil ee kutaala kilalka shanaad ee soomaalidu degto ee katirsan dalka Itoobiya Ilaahay naxariistiisa haka waraabiyee marxuumku waxa uu halkaa u tegay hawl shaqo, (xalin khilaaf )asaga oo kamid ahaa gudi xubno badan ka kooban oo isugu jirta saraakiil , siyaasiyiin iyo aqoon yahan katirsan maamulkii xaq u dirirka ahaa ee SNM.Markii halkaa lategay ee la arkay inaan khilaafku dhamaanayn oo ay go´aan sadeen in la soo noqdo laakiin aanay soo noqon Abdiqaadir iyo gaariye, iyaga oo gaariye lagaga yimi mustaxiil Abdiqaadirna Qabritahare markii uu waayey warqada dhaq-dhaqaaqa ee uu ku soo noqon lahaa, xubnihii kale se ay iyagu heleen halka gaariye isagu ugu hadhay degmada Mustaxiil hawlo shaqo oo ku saabnsaa khilaafka lootegay meesha,masuuliintii kale se ay Diridhaba ku soo noqday balse Cabdiqaadir uu uga hadhay warqad la´aanta uu Qabritahare mudada sadexda bilood ah uu joogay,sida ay maamulkii SNM noo sheegay,tiraba laba warqadoodna uu u soo diray gudoomiyihii SNM Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo nasiibdaro se aanu wax jawaab ah ka helin Marxuumku.





Hadii aan khilaafka meesha loo tegay wax ka yara taabto wax jiray ciidan Hawiye ah oo SNM katirsanaa oo degenaa tuuladaa Mustaxiil madaxna uu ka ahaa ninkii la odhan jiray Gorgor ee Habar Gidir iyo saraakiil kale oo ubadan Habar Gidir waxa markaa dhacday in la isu qabto laba qaybood ama laba reer sida Xawaadle oo askarta u badnaa doonayeyna in ay SNM ka mid ahaadaan iyo qaybta Habar Gidir oo uu hogaaminayo Gorgor oo doonaysay in ay ku biiraan SSDF, markaa xawaadlaha ayaa qaylo u soo dirtay maamulkii SNM ee joogay Diridhaba iyaga oo doonaayay in ay ku hadhaan SNM hubkana kala hadhaan qolada ku wareegaysa SSDF.

Waxa Gaariye ii sheegay laba sedex jeer in ay saraakiil Habar Gidir ah ku wada hadleen Cabdiqaadir magaalada Qabritahare, laakiin aanay waxba isku afgaran balse markan ladili doono ay ugu yimaadeen kuna yidhaahdeen waxaanu diyaar u nahay in aanu khilaaf-kii soo af jarno ee ina keen Mustaxiil baynu kuwada hadlaynaaye oo aanu gogosha wada hadalka dhigaynaaye, isla maalintiina uu dhacay wixii ay shirka ku sheegayeen oo isu bedelay mu´aamarad iyo khiyaamo,fiidkii markii gabalku dhacay ee shirkii guul daraystayna ay halkaa Cabdiqaadir , Gaariye iyo xubno kamid ah qoladii Xawaadle ay iska raaceen oo ay tageen meel ay deganayd Faisa Cabdillaahi doob ilkoole oo meesha deganayd daarad-deediine ay gogol u dhigtay marxuumka iyo ragii lasocday, gaariye se uu gogoshii u doontay meeshii hore ee uu seexan jiray si ay daaradan u wada seexdaan balse uu rasaasta maqlay asaga oo soosocda meeshiina uu soo gaadhay Cabdiqaadir oo mayd ah iyo inantii oo ka dul baroora-naysa.Ilaa maalinimadii dambena ay sugayeen in cidi uga timaado xaruntii SNM ee Diridhaba halkaana ay ugu yimaadeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo Axmed Warsame Baalcade abaaro duhurkiina halkaa lagu xabaalay.

Image

Akhristayaal raali iga ahaada waan idinku dheereeyey hadalkee kuna soo dhawaada tixdan gabayga ah .

Inkastaan guwaynoo Cabdow, guudku i cadaaday
Haduun baan waxaan goohijiray, aan godkii degaye
Gujona kayga kuma soo lisee, waa gal ii xidhanay
Waa godomo soo maaxda oon, waaqood go´ahayne
Goortaan u baahdaba anaa, gaawe soo dara e

Marku gabaygu kaasoo go´ee, gawraxyada dhaafo
Ee gaws dambeed-kiyo tashiga, guulka ugu hoydo
Gafimaysid oo waa inaad, madasha gaysaaye

Gaariyaw su´aal gara hadaan, gacal ku waydiiyo
Koosaar guyaal badan ayaa, garab ahaydeene
Gurigiisa waataa wax badan, talo gorfayseene
Guutooyin- kuu kula dhisaa, gubay kacaankiiye
Gayigii amxaarada hadii, Eebe idin geeyey
Garma-qaatayaashiyo guntiyo, gobolkii uu joogay
Golihii hagoog-naa markii, hadalku guumoobay
Gorgor-baa habkaba sii dhigiyo, garabadiisiiye
Gaadhiga ninkii lagu siday, gaadhka ka hayeene
Iyagaa gefkeed-iyo lahaa, gumura- deediiye
Gabalkoo markaa dumay hadii, gaadme lagu toogtay
Gantaalaha rasaas-tiyo hadii, gumuc la leefsiiyey
Gahwii inantu keentiyo markay, gogoshi dhiigawday
Gonda-haaga waakii ku go´ay, geesi-lahubaaye
Nin-uu gogosha maydkii u yaal, gama´a loo diidye
Garbadii shabeeliyo biyii, godonka xiimaayey
Guntigii adoon furan waxaad, gees walba u roortay
Guuraha habeen-kii waxaad, godobtii baadhaysay
Gadiid-kiyo hadhnimadii hadii,lagugu soo gaadhay
Garbadii xabaashiyo markaad,goofki dhinac joogtay
Hogii lagu gambiyay iyo markaad, iilka gelinaysay
Gaariyoow halyeygii miyaad, gabay la,aan aastay
Godka lagu janeegii miyaanad,kaba dul geeraarin


Afartaa garaad-kiyo caqliga, hadal ku gaaxnaa dheh
Gole wayn su,aal aan la rabay, gogol dhigeedii dheh
Afar kalena waa gocashadiyo, waxaan la goohaayo


Goolaftan mooyee rag-baan, gole ka fuulayne
Sidii Cali galaal uga gabyaa kula gudboonayde
Gabashada ragbaan lagu aqoon,oo gilgilanlaaye
Xaaji Aden baan gaabsadeen, goola dhalin-laaye
Salaan-baa gantaal ridi-lahaa, qaaradaa guba
Ali Jaamac baa gudan lahaa hal aan gaboobayne
Garyaqaan Abdi-iyo Qaasin-baa, guufgto kicinlaaye (Abdi iidaan)
Gahayr iyo hubaal Timacadaan cidiku gaadheene
Gidigood janada Eebe-heen, gurada hawdhigo,e
Gocashda waxaa iigu wacan, waa gunaad jira e
Garbadh weeye xaajada hadaan, laga garaabayne
Gadhase iyo maxay soo qoreen gobolka kii haystey(gadhase=tadhase)
Gudidii dilkaa igmaday, hubantiday gaadhay
Gebigaba wixii dhacay, miyey gunaanad-kii sheegtay
Gamashiga maxaa dhiiladii looga wada gaabshay
Nimankii gadeedaba yiqiin, yaa ka gaasiraye
Hadraawi-ba go,uu ka huwadee waa gambiyi laaye
Gabooyaha xagooduu baryahan geedi-gaw raraye
Dhul-gariir intuu tirinayuu gabay-ba Koosaare
Gudoonkii maxaa maxamedow godolki kuu diiday
Gaydhii qaboobayd maxaa gobona kuu waayay
Gaa-gaxu xaguu kaaga yimi gororna waa maadhe
Gaariyoow halyeygii miyaad, gabay la,aan aastay
Godka lagu Janeegii miyaanad, kaba dul geeraarir

Afartaa garaad-kiyo caqliga hadal ku gaaxnaa dheh
Gole wayn su,aal aan la rabay gogol dhigeedii dheh
Afar kalena waa gocashadiyo waxaan la goohaayo


Mudaan gaata mayaan lahaa, way giraangirine
Geerigo´an kuwii kugu xidhiyo, kii ku kala gooyay
Gees-kastaba markii aan u rogay, waa gudboonyiine
Guracii ninkaas lagu xanibay, maanka geliwaaye
Garaad-kaba bal waydii hadii qalinku kuu gooyay
Geesiyadii shahiidaa lahaa, guushan maanta ahe
Geesh-kii ragbaa gubay arlada, gaadhka ka ahaaye
Gaashaan-layaal iyo dablii, ganayey baaruuda
Wixii gaas-dhegooliyo halgamay, guurti odayaala
Gabanada naftooda uhuraa, gaadhay kumanaane
Gadh-cas iyo aqoon-yahan wixii, nacab-ku googooyay
Garanwaa wixii ay dileen, gaari iyo caydi
Gobanimada tii loo dhintaa, gobi u aydaaye
Gudoomiye la jecel yuu ahaa, goraygi koosaare
Gobaninimo horyaal buu ahaa , lana gudoonsiiye
Guluub-kii xorayntuu ahaa, gubayay kaaraaye
Gashaan-dhig weyn buu ahaa, goobta dirireede
Ninaan guusha laga qaadin oo, gaadha-buu ahaaye
Geesi lagu hirtaa buu ahaa, geerida horteede
Galaw-daba nimaan barininoo , guluf kacshuu ahaaye
Go´aamada siyaasiya nin-kii gacanta loo taagay
Gidigood quruumqaha ninkii, kuu af garanaayey
Tabahiisa gaarka ah ninkii, hawl u gudanaayay
Durdur aan go´ayn buu ahaa, gu iyo jilaale
Guurti buu ahaa xaajo adag, soo gunaanade e
Garta nin ay u dhiibtuu ahaa, gaaliyo islaame
Gurgur-shuu ahaa aan didayn,oo garsoore ahe
Nin gargaara buu haa kuwaan, goosan kara hayne
Galad lagu manaystuu ahaa , waanay garanayne
Garashada ilaah siiyey-baan, cidi ku gaadheene
Geerida ayaan maalin qudha, gaabis noqonayne
Guuloow janada gee aday gooni kuu tahaye
Aamiin<<<<<<<<




N.B.Gobanimada tii loo dhintaa gobi u aydaaye

By Abwaan Cabdiwelli Yalas Cabdi Geele

Sunday, July 1, 2018

Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin-Beesha Gurgure Madaxweyn Dir ( Tacsi 2015 Nov 3dii)


Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin Oo Todoba Sano Kahor Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

Beesha Gurgure Madaxweyn Dir

November 3, 2015

 

Waxaa Maanta oo kale sanadkii 2008-dii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya Allaha u naxariistee marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee soo maray hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi oo ahayd hormuudkii fanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa geeridiisu timid ka dib markii ay la soo derseen xanuuno iyadoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn ee kaalinta weyn  ka soo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed kaas oo uu kusoo jiray ku dhawaad 50 sano, waxaana abwaanka lagu xusuustaa riwaayado iyo heeso badan oo lagu soo bandhigay masraxyada dalka, kuwaas oo aan marnaba duugoobeyn

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ma ahayn oo keliya abwaan wax curiya ee wuxuu sidoo kale ahaa heesaa cod halaasiya leh dadkuna aad ugu riyaaqaan marka dhagahooda ay soo gaarto hees uu ku luuqeeyo Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Taariikh Nololeedkii Abwaan Cabdi Muxumed Amin

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, waxaa uu ku dhashay Gabiley 1935-tii, Waxaa uu ahaa Sugaan yahan iyo Abwaan Soomaaliyeed

Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa.

Waxaa dalka Sweden lagu daabacay, buug loogu magacdaray Diiwaanka Hilin Hayaan, oo lagu uruuriyay murtidii, maansooyinkii iyo heesihii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Waxaa buugan daabacay ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxaana uu ka kooban yahay buugan ilaa 296 bog.

Abwaanka Cabdi Muxumed Amiin ayaa ahaa Suugaanyahan aad ay u tixgeliso bulshada Soomaaliyeed oo caanka ka ahaa waddanka Somalia.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah:-

Haddii Dayaxii La Tagay”, Ma Doonayaan in aynu Dowlad ahaano”, Dadka Dhinica ka raac, ururka Caafimaadka, Muufow, Muufo Macaan.

Abwaanka waxaa uu leeyahay ilaa 120 hees, waxaa uu ahaa Wadani.

 

 

 

Allaha u naxariisto Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo xalay ku geeriyooday Nairobi

 

Allaha u naxariiste Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ka mid ah abwaanada Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ayaa barqanimadii maanta lagu aasay, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan iyo qaar ka mid ah abwaano iyo fanaaniin.


Marxuum Cabdi Muxumed Amiin oo ku xanuunsanayay mudooyinkan Cusbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xanuun is biirsaday oo ay ku jirtay Beer xanuun uu u dhintay.


Allaha u naxariistee Cabdi Muxumed Amiin oo aad loogu soo xusuusan dooni suugaantiisa kala duwaneyd ee u badneyd kuwa wadniga ayaa waxaa uu dhashay sanadkii 1935-tii, waxaana uu ku dhashay Deegaanka Gabilley oo u dhaxeysa Magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa.


Abwaanka wuxuu fanka ku soo biiray 1953-dii, isagoona xilligaas usoo wareegay Magaalada Muqdisho oo inta badan waxbarashadiisa ku qaatay, waxaana uu ka mid noqday hal abuurayaal caan ah oo alifay heeso Wadani ah.





Dhowaan ayay aheyd markii Suugaantii uu sameeyay Abwaanka lagu soo bandhigay Buug, waxaana suugaantiisa oo ka koobneyd afar marxaladood oo ka bilaabatay 62-dii ilaa 2006-dii waxaa lagu qoray buug loogu magac daray "HILIN HAYAAN" kaasoo lagu soo daabacay Dalka Sweden.


Dadka soomaaliyed ayaa abwaan Cabdi Muxumed ku soo xasuusan doona Heesihiisa caanka ahaa Sida Heestii CEYNAANKA NOO HAAY, LAANGARUUSAL iyo heestii caanka aheyd ALLOW MAXAAN GUD ABEESA GALAY, heestaasoo abwaanka laftiisa ku qaaday Magaalada Cadan ee Dalka Yemen sanadkii 1980-kii, xilligaasoo lagu dilay Dalka Ethiopia rag ay saaxibo ahaayeen.


Sidoo kale dadka soomaaliyed ayaanay ilaabi doonin heestii LAANGARUUSAL oo ay ku luuqeysay fanaanada Saado Cali Warsame, waxaana heestaas uu fanaanku alifay xilligii dalka uu ahaa cago barar, isla markaana dadka tujaarta ahi ay iibsan jireen Laangaruusalka, oo xilliyadii hore ahaa gaariga kan ugu qaalisan.


Allaha u naxariistee Abwaanka ayaa ifaka kaga tagay saddex wiil iyo shan gabdhood, waxaana Abwaan Cabdi Muxumed Abwaan oo dhowaan tagay Magaalada Nairobi uu doonayay inuu kaga sii gudbo Magaalada LKondon, halkaasoo ay ku casuumeen kooxo fanaaniin ah oo dooneysa inay bandhig faneed ku soo bandhigaan.

 

Saturday, 11 April 2015

"Maxaan Keligeey Hammiyay" Cabdi Muxumed Amiin


Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUNwuxuu ahaa mu’allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wada socdeen. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud. Allah ha u wada naxariisto.

 

 Xabbaduhu Cabdi wey dhaawaceen wuuse ka badbaaday. Dabadeed Yemen ayuu u qaxay. Magaalada Cadan wuxuu ku tiriyay hees ay ka muuqdaan murugo iyo ciil fara badan. Laakiin wadata rajo iyo guul uu hubo oo uu higsanayo. Sheekada Cabdi Muxumed waxaan ka dhegeystay wareysi saacad ah oo uu weriye Yusuf Xasan uga qaaday abwaanka magaalada Djibouti oo uu markaa joogay. Wareysiga hadda ka hor ayay sii deysay BBC.

 

 

 

 

Maxaan hog abeeso galay

 

Maxaan halaqyo ugu tegey

 

Maxay miciyo i heleen

 

Maxaan waabaay hirqaday

 

Oo Maxaan geerida ka harayee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Maxaan keligeey hammiyay

 

Kuwii hiil iigu xigay

 

Hareertay maxaan ka dayay

 

Muxuu igu dumay habeen

 

Oo Maxay ilmo hibiq i tidhiyee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Maxay talo iga hab tidhi

 

Maxaan hiil mooday Jiin

 

Oon sidii caanaha hirqaday

 

Habsaamay oon hadalka gabay

 

Oon u hoyday meel aanan hubinee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Badweynta maxaan hirqaday

 

Maxaan gacan haadis galay

 

Maxaan xumbo halabso idhi

 

Intaan naftu iga haf odhan

 

Kalluunle ayaa i helayee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Hobeey Caashaq huursanow wah

 

Hobeey Hurdan taaganow wah

 

Hobeey Ubax ii hireey wah

 

Hobeey Guul aan hubooy wah

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya.

 
 
 
 
 
 

Daawo Gabayadii iyo Heesihii Cabdi Muxumed

 

Wednesday, June 27, 2018

BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN ( Madaxweyn Dir)

XILIBAAN XASAN ISAAQ  YACQUUB (GEESCADE):  BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN LEH BALSE WAXAAN KU SABIRNAY IN QARANKA SOOMAALIYEED BADBAADO RABO MAANTA


See the source image


Xildhibaan Geescadde

Xilibaan Xasan Isaaq Yacquub  Gees Cade oo isagu ku sugnaa shirka soomaalida ee wadanka kenya Mudada ka socday ayaa sheegay in Beesha Reer aw Saciid ay Saami Culus ku leedahay Deegaanada Soomaaliya, Xilibaanka oo sii Hadlayana waxa uu Yiri Sidan , 
Beesha Reer Awsaciid  waxa ay kala dagaan Gobolo kala duwan iyo Deegaanobalaaran oo kukalo baahsan dalka oo dhan ku waas oo leh dagmooyin iyo tuulooyin faro badan waana lala dagaa beesha deegaanadaas qaarna iyada kaligeed ayaa dagta , 
Deegaanada beesha reer awsaciid waxa ka mida , 

Gobolka Gedo

Dagmada Baardheere gaar ahaana Tuulada Hureeyn tuulada Dhoobleey iyo TuuladaDeqaani Tuulada Markableey waxaa daga beesha oo qurainta kalle waa lala dagaa, 
Beesha waxeey ku leedahay Dhulkaan dhul Daaqsin iyo Waraabka Beeraha labadaba waxaana Saaran 12 Mator oo waraab ah oo ay ledahay beesha reer Awsaciid 

Gobolka Bay  

Beesha Reer Awsaciid waxay ka dagtaa Buur waxaana si gooniya udagnaa Tuulada BuuloFulaay Dagmada Ufuroow waxaan ku leenahay Dhul Beereed xaga Roobka iyo daaqsin wayn oo xoolaha Reer Awsacid Ku dhaqmaan, 

Gobolka Shabeelaha Hoose

Beesha Reer awsaciid waxa ay  si xoogleh wax uga dagtaaDagmada Qoryooleey taas oo Daaqsin ahaan si wayn aan ujogno xaga beerahana waxaan ku leenahay dhul balaaran, 

Gobolka Jubada Dhaxe

Dagmada Saakoow waxeey beeshu ku leedahay ama ka dagan dad aad u badan oo gaaraya Boqolkiiba %40 Caanaha iyo Qoryahana anaga Keena  Tuulooyinka BaroowDiinle Buulo Cadeey Baarka Muumin Dhooroow iyoDhakaajo waxaa nala daga Soomaali kalle Balse  Aqlabiyada Anagaa Leh Tuulooyinkaas oo aan ku leenahay Beero waween iyo Daaq Faro Badan TuuladaDhakaajo oo qorshuhu ahaa in loo aqoonsado Dagmo Buuxda waxey la Kulantay Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya Naafeeyay

Gobolka Jubada Hoose

Deegaanka Qooqaani iyo Dhoobleey Waxaan ku leenahay Deegaan waynTuulada BeerXaani waxaa si madax banaan udaga 40% kiiba beesha oo kaliya  inaga ayaana Keena Caanaha iyo Qoryaha Gobolka oo dhan Tuulada BuuloGuduud iyoYoontooy waxaan ku leenahay Daaqsin iyo Beero Labadaba iyo Lix Matoor 

Hiiraan

 Waxa ay Beesha Reer Awsaciid Ka Dagtaa Deegaanada Soosocda,
Dagmada Baladwayne Tuulada Kabxanleey waxaana noo saaran ilaa iyo Sideed Matoor oo waraaba  Deegaan Daaqsined oo Baadxad Badan waan ku leenahay, 

Banaadir

Beesha Reer Awsaciid waxa ay dagantahay 30%kiiba  gaar ahaana Caasimada Soomaaliya Ee Muqisho     

Waqooyiga Soomaaliya  

Waxa ay beesha Rer awsaciid ka dagtaa Dagmada Gibileey Gaar ahaana Tuulooyinka sheek iyo meelo kaloo badan 
Marka anagu waxaan nahay beel baaxad badan oolagu xisaabtami karo Waxana Xilibaanada Soomaaliyed ka Helnay Hal Xilibaan waana is kaga Qanacnay Maadaama Maslaxada Soomaaliya Laga Talinayo Maanta Ayuu Yiri Xilibaanku
Beesha Reer Awsaciid Waxa ay ukala Baxdaa Sidan  
  • 1-     Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah
  • 2-     Faarax Saciid
  • 3-     Abiikar Saciid
  • 4-     Sacdi Saciid
  • 5-     Nuur Saciid
  • 6-     Cali Saciid
  • 7-     Cismaan Saciid
  • 8-     Xuseen Saciid
  • 9-     Xasan Saciid
  • 10-   Cumar Saciid
Xilibaan Xasn Yacquub GesCade oo War Saxaafadeed  ka soo saaray Magaalada Nairobi
 

27 ka mid ah golaha wasiirada DFKMG, maalintii magcaabida Dec 1, 2004


Magacyada Wasiirada DFKMG

27 ka mid ah golaha wasiirada DFKMG, maalintii magcaabida Dec 1, 2004 | Xarunta KICC ee Nairobi, Kenya |
ISHA SAWIRADA: China Daily News

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Kumeelgaarka  ah ee Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, oo ka hadlayeye xafladii magcaabida golaha wasiirada: Dec 1, 2004 | Nairobi Kenya

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Ali Mohammed Ghedi, oo ka hadlayey xafladii magcaabida 27 kamid ah 31da xubnood ee golaha wasiirada. Goobta: Nairobi, Kenya | Dec 1, 2004
Wasiirada oo lamagcabay December 1, 2004 magacyadooda iyo qabiiladoodu waa kuwa hoos ku qoran [Magacyada wasiirada oo keliya kala soo bax ama ka daabaco halkan... Guji]

  Magaca Wasaarada Magaca Wasiirka Qabiil
WASIIRADA
1-Wasaarada Arimaha GudahaEng. Xusseen Maxamed Faarax Caydiid Hawiye-Habargidir-Sacad.
2-Wasaarada Amniga QarankaMaxamed Qanyare Afrax Hawiye-Murusade
3-Wasaarada Hantida Qaranka&Qalabaynta Maxamuud Sayid AdanDaarood Mareexaan
4-Wasaarada Dib uheshii siinta iyo Xiriirka Jaaliyadaha Dibada Maxamed Ibraahin Xaabsade Digil iyo mirifle Liisaan
5-Wasaarada Dekedaha& Gaadiidka Bada Maxamuud Cabdulaahi Jaamac(Sifir) Dir-Isaaq- Habar Jeclo
6-Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur Hawiye-Ceyr
7-Wasaarada Hormarinta Reer Miyiga iyo Daaqa
 
Maxamed Maxamuud Guulleed (Gacmodheere) Hawiye- habargidir-Sulaymaan.
8- Wasaarada Arimaha DibadaC/laahi Sh Ismaaciil(Dir-Biyamaal)
9-Wasaarada  Awqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Maxamuud Cumar Finish(hawiye-Abgaal)
10-Wasaarada Batroolka iyo Tamarta Yusuf Axmed Maxamed(Darod-Awrtable)
11-Wasaarada  BeerahaXasan Maxamed Nuur Shaati Guduud (Raxanwayn_Hariin)
 12-Wasaarada Boostada iyo IsgaarsiintaAxmed Jaamac Jingali(Darod-Dhulbahante)
13-Wasaarada Dalxiiska iyo Ilaalinta Deegaanka Axmed Maxamed(Muuse Dhari)
14-Wasaarada Tastuurka iyo Arimaha FederaalkaC/lla Deeroow Isaaq(Raxanwayn-Jilible)
15-Wasaarada Dhalinyarada iyo IsbooritigaMaxamed Warsame Cali(isaaq-Habar Awal)
16-Wasaarada Dib u dhiska iyo Dib udajintaBare Adan Shire (Darod-Marexan)
17-Wasaarada GaashaandhigaCabdiraxmaan Maxamuud(Daarood-Warsangali)
 18-Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo DhulkaCali Ismaaciil Cabdi Giir(Darod-Leelkase)
19-Wasaarada GanacsigaAl Xaaj Muuse Suudi Yalaxow(Hawiye-Abgaal)
20-Wasaarada GarsoorkaSh Adan Madoobe (Raxanwayn-Hadamo)
21-Wasaarada  Hoowlaha Guud iyo GuryantaCusmaan Xasan Cali Cato(Hawiye -H/Gidir)
22-Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta SareXuseen Maxamuud Sh Xuseen(Raxan wayn-Dabare)
23-Wasiirka  Horumarinta iyo Daryeelka QoskaFoowsiyo Maxamed Shiikh(Digil iyo mirifle Eelaay)
24-Wasaarada Xanaanada iyo XoolahaXuseen Ceelaabe Faahiye (Dir-Gudabiirse)
25-Wasaarada Dhaqan Celinta maleeshiyooyinkaMaxamed Bootaan(Hawiye Duduble)
 26-Wasaarada  IskaAshiga GobolkaIsmaaciil Maxamed Hure Buubaa(Isaaq-Garjaxis)
27-Wasarada  Kaluumaysiga iyo khayraadka BadaXasan Abshir Faarax(daarod-majeerten)
28-Wasaarada Maaliyada Saalim Cali YabaroowRaxan wayn-jiido
29- Wasaarada Qorsheenta iyo Iskaashiga CaalamigaC/risaaq Cusmaan Xasan Daarood-Dashiishe
30-wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Ibraahin Adam Xasan(digil iyo Mirifle-leysaan)
31-Wasaarada WarfaafintaCali Fiqi (baraawe)
32-Wasaarada  WarshadahaCabdi Maxamed Tarax(Darod-Ogaden)
33-Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble(hawiye -Xawadle)
34-Wasaarada        CaafimaadkaC/Casiis Sh Yuusuf (Dir-Sure)
WASIIRU DOWLAYAASHA
 Wasaarada Beeraha Moowliid Macaane Maxamud Beesha Shanaad-Jareer-weyn
 Xafiiska raysul wasaaraha
 
Maxamed C/laahi Kaamil Dir
 Xafiiska Madaxwaynaha Khalid Cumar Cali Digil Iyo Mirifle
 Xafiiska Xukuumada & Baarlamaanka Axmed C/laahi Daakir
 
Dir-Isaaq
 Arimaha Dibada Ibraaim Sh Cali Jeebo Hawiye/Abgaal Waceysle
 Amniga Qaranka Axmed Sh Axmed-----
 Warfaafinta Salaad Cali Jeele Hawiy-Abgaal-Harti
 Qorshaynta&Iskashiga Caalamiga Ibraahim Maxamed Isaaq---
WASIIR KU XIGEENADA
 Wasaarada Arimaha Dibada
 
Xasan Axmed Jaamac Darod- Majerten
 Wasaarada Awqaafta&Arimaha Diinta
 
Cali Sh Maxamed Nuur ---
 Wasaarada Batroolka&Tamarta Axmed Cumar Gaagaale ---
 Wasaarada Beeraha Xirsi Adan Rooble Hawiye-Saruuur
 Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta C/kaafi Macalin Xasan Digil iyo Mirifle -Garre
 Wasaarada Caafimaadka Cismaan Maxamuud Dufle Hawiye-Awdaajeen
 Wasarada Dalxiiska iyo Duurjoogta Muqataar MUUNYE Bishaar ---
 Wasaarada Deegaanka & Ka hotaga Aafooyinka Cali Xareed ---
 Wasaarada Dastuurka & Arimaha Federaalka Maxamed Axmed Kulan Darod-Majerteen
 Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Bashiir Maxamed Adan Hawiye-Sheekhaal
 Wasaarada Dib udhiska iyo dib u dajinta C/kariin Cige Guuleed Dir-GidiBiirsay
 Wasaarada Gashaandhiga Saalax Cali Faarax Hawiye-Gaaljecel
 Wasaarada Gaadiidka Cirka & Dhulka Yuusuf Maxamed Qayr Dir
 Wasaarada Ganacsiga Aamiin Maxamed Shiikh Digil Iyo Mirifle
 Wasaarada Garsoorka C/rashiid Maxamed Xidig Daarod-Ogaden
 Wasaarada Hoowlaha & Guryeenta Maxamed Cali Bilaal ---
 Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdalla Boss Axmed Dir-Isaaq
 Wasaarada Horumarinta Haweenka& Daryeelka Qoyska  Khadiijo Maxamed Diiriye
 
Beesha Shanaad-Yaxar
 Wasaarada Xaanaanada Xoolaha Cabdi Axmed Dhuxuloow (dhagdheer)Hawiye-Murusade
 Wasaarada Dhaqan Celinta Maleeshiyooyinka  Tababarada Xasan Isaaq Yacquub ----Dir Madaxweyne Dir
 Wasaarada Iskaashiga Goboleedka Axmed Maxamed Goonle Darod-Dhulbahante
 Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Maxamed Jaamac Furux Hawiye-Saleymaan
 Wasaarada Maaliyada
 
Maxamed Xasan Ibraahin Hawiye-Xawaadle
 Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cismaan Maye Beesha shanaad- Banaadiri
 Wasaarada Warfaafinta Cabdalla Xaaji Cali Dir-Isaaq
 Wasaarada Qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah Ciise Wehliye Maalin Hawiye- Murusade
 Wasaarada Arimaha Gudaha
 
Yuusuf Maxamed C/qaadir Darod-Mareexaan
 Wasaarada Dekedaha &Gaadiidka Bada Mire Xaaji Faarax Darod-Majerten
 Wasaarada Hantida Qaranka & Qalabeenta
 
Maxamed Cabdi Xasan Beegos Digil Iyo Mirifle
 Wasaarada Dib udhiska & Xiriirka Jaaliyada C/laahi Axmed Cabdulle ---
 Wasaarada Waxbarashada  Xuseen Maxamuud Muus Dir
 Wasaarada Horumarinta Miyag & Daaqa Saciid Xasan Shire ---
 Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cusmaan Xuseen Digil Iyo Mirifle

Blog Archive