Wareysi Dheer oo aan Layeelanay Mudane Warsame oo Dalka Itobiya ku xeel dheer.
Su'aal Dirsame : Bal dhalinta reer konfurta Direed een kala aqoon reer tolkood wax uga sheeg Madaxweyn Dirka Galbeedka Somalia. Dhamaan Dirka dagan konfurta markii ay maqlaan Madaxweyne wexey la soo boodaan inta badan laba hobol oo Wabari ku jiray, sida Baxsan iyo Cabdi Muxummed Amiin Gabyaga, heesaga, wadaniga weyn. Dhalinta waxa kale eey yaqaanan atirisho Faynus Sheikh Dahir, siiba kuwa majajilada ruwayadaha daawada. Laakin dalkas Somali Galbeed iyo deeganada ma yaqaanan dhalinyarada reer Xamarka ah sideyda, bal waxa nooga sheeg, Madaxweyn Dir itaad Ka aragtay ?
Sida ay u kala baxaan noo sheeg horta ?
Mudane Warsame Jawaab: Marxaba anigoo hadalka soo koobi doona. Saad ogsontahay Dir wuxuu dhalay 4 wiil oo kala ha:
1)Madaxweyn
2)Maahe Dir-Isaaq;Biimaal;gadsan; dabruube iyo Bajimaal
3)Madoobe Dir-waa Ciise iyo beelo soo raaca oo isaga ladhashay lana dagan
4)Dir-Mandalluuga koonfurta dagan (sida Makahiilka, Nuure, Buufow, Reer Majuun, Reer xasan) iyo Gadabuursi (beel weynta Samaroon Saciid)
Horta Madaxweyn uma dhalan anigu (waxaan Ka soo Jeedaa Surre Dir). Laakin aad iyo aad ayaan u baaray, oo ku darsay beeshan balaaran ee Madaxweyne Direed. Dhowr safar oon Somalia, Kenya iyo Etioobiya meelaha ay dagaan ayaan ku soo maray, kadibna waxaan baaray oo yara raad raacay buugagta ay qoreen reer galbeedka. Marka, waxad odhan kartaa wax woogan ogahay, laakin cudurdaar, hadii aan wax is dhaf dhafiyo ha la ii dulqaato, hana la i saxo hadoow, oo foorumku waa furan yahay iyo comments kuba.
Madaxweyn wuxuu Dhalay:
Maxamed
Ali
Yaxye
Hordare
Maxammed iyo Ali madaxweyn ayyeenu inta badan aan maqalnaa oo kala ah:
Gurgure (maxammed)
Akisho
Gariire
Guure
Waro Waro
Obo
Reer Aw saciid
Layiile
Madigaan
Iyo Barsuug
Reer Dayo ( Wardaay)
Jiido Geedle Cali Madaxweyn ( Wajis iyo Sifir)-Qoryoolley area.
2. Hordare waa sadex (Etiyoobiya iyo jubada Hoose)
Alaabweyn
Ijaaje
Khayre
3. Yaxye waa reer zona Jubbada Hoose North of Kismayo & wamo
Dheere Madaxweyn
Waxa kale oo Jira beelah oo Waqooyi Galbeed iyo Itobia dagan:
Dalbis
Leyiille
Dayle
Guurejenno
Su'aal Dirsame :Deegaanada Bal noo kala sheeg, Mudane Warsame ?
Horta madaxweyn Dirku waxaa uu deegan ahaan, asasiyan uga yimaadaa Galbeedka Somaliyada Itoobiyo Guumeysato siiba laga bilaabo Erer, Harrar, Shiniile, ilaa Qabri Bayax. Laakin laga bilaabo 1600 ilaa 1890 kii ,xiligii gumeystiihii Menelik, boqorkii Itobiya uu qabsaday Harrar ilaa maanta waxaa ku dhacay Madaxweyn Dir kala daadsanaan iyo xoogaha jah wareer oo ay u kala guureen konfurta Itoobiya ilaa Afdeer, oo Doloow Ado u dhaw, ilaa Bay iyo dooxooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Tusaale, Guuraha oo 180,000 ruux gaaraya, ilaa Afdheer ilaa Guure Dhaamoole oo Jarati iyo Gooblka Liiban ayaay usoo qaxeen, itooda badan waxa aa u burburiyay Menelik boqorkii Itoobiya 1890kii oo gibir ama canshuur baad ah ku qoray. Beesha Guure iyo Mandalluug waxa ay barigaa ka tageen intooda badan Tog Faafan oon ka fogeeyn Jigjiga iyo Harrar.
Qeybo kala oo Madaxweyne Dir ah qarnigii 1500, markii Mujaahid Axmed Ibraahim Qaazi (Axmed Guurey) la jabiyay ayaa waxaa jiidhay Oromo fara badan oo qabsatay, Harrar iyo nawaxigeeda.
Waagaas waxaa Galbeedka ka qaxay dadka ay ka mid yihiin, Quraanyow Maxamed Xiniftire Mahe Dir ama qaybta Garre ee Dirka ah oo deegan ahaan dagay Bay, Awdheegle, ilaa Nageele. Qurac oo Mahe Dir Xiniftire ah waxa ay dageen Magalo tuulo dalka Aruusada Oromoda ah ku taal, sidoo kale Guurah oo dagay dhankaas xuduudna la leh Aruusada. Jiido Ali sidoo kale qarnigii 1600 ayay soo dageen Bay iiyo Jubo/Shabeelle Valley.
Sidoo kale, beelah Biyomaal, Bajimaal, iyo Dabruub ayaa ka mida beelah Mahe Dir ee ay Madaxweyn Dir iska soo raaceen dhankaan Harrar iyagoo soo raacaya wabiga Shabeelle ama Wabiga Jubba. Qaar Iimey iyo dhankaas ayay aadeen, Qaar shabeelle ayay soo raaceen oo waxa ay dageen Bay, Jubbada hoose iyo shabeelle. Marka, beello boqollal sanno ka hor daganaa konfurta iyo qaar dawaan ka daba yimid ayaa jira.
Beelaha dhawan ka yimid Galbeedka waxaa ka mid ah Gadsanka, Mandaluuga iyo beesha reer Aw Saciid ee fananada aad jeceshahay, Dirsame eey ka dhalatay, Marow Faynuus Sheekh Dahir.
Dirsame Su'aal :Mexeey u kala baxaan Aw Saciidka ?
Beesha Reer Aw Saciid waxa ay u kala baxaan Abkeey Xaaji oo Adeer ah iyo Farah, Abikar, Sacdi , Nuur, Ali, Cismaan, Xuseen, iyo Cumar.
Halkaan Ka daawada Sawirada iyo Bilicda Casimada Labaad ee Gurgure Dir ,Hurso: http://www.hurso.com/Photos/Index.html
Markaa waa beel aad u balaaran oo kala dagta: Ijaara, wajaale, Arabsiyo W.G Somali land ilaa Qabri bayax, Diraa dhabe, Fayanbiiro, Gura Dhaamoole, Diraa Dhabe, Jigjiga, Hadana u sii fiday Maiso, Awash,Hurso,Erer goota, Harar, Kismaayo, Buaale, Luuq ilaa NFD Garseen Lake Tana area iyo Doolow Nageele xageeda. Marka dad badan oo aan lasoo koobi karin oo Malyuun Kor u dhaaf aya weeye.
Akisho
Bil Matalan, Akisho waxa ay ku leeyihiin magaaloyin ka Waqooyi Galbeed ka xiga Hargeysa beero sida beerah ku yaal Odjiid agagaarkeeda oo ay isla dagaan is na dhalaan beesha Yoonis Jibriilka. Ingiriiskii ayaa waxa ka qoray ganacsatada iyo beeraleyda beeshan, siiba Warre Kiyo Reer Carre Cumar Bullalle iyo lafahooda sida Addo Carre iyo Reer Daud Carre ( Caddale Daud iyo lafta Geelle Daud)
Mudane Dirsame maxay ku dhacdaa ama loo moodaa in Ogadeenku ugu badan yihiin Gobolka Somali Galbeed ama dhulkan Xabishidu guumeysato ee Region 5, hadii arinku saad shegeysid yahay ?
Ogadeen boqolkiiba 30 % xitaa ma gaadhan dad ahaan dadka ku nool Gobolka Somali galbeed. Qiyaastii beesha Ciise xitaa ayaa uga badan. Dirka dalkaa dagana waa Gurgure, Gadabuursi, Beelweynta Isaaq, Gadsan, Guure, Gariire, Surre oo leh Fiqi Muxummed, Nacdoor, Fiqi Khayre, Fiqi Yaxye, Mandaluug, Akisho, Obo, Bajimaal Quraanyow Maxammed Garre iyo Dabruube. Marka waa wax saxafadaha reer galbeedka (western media) laga dhaadiciyay. Dirka waxaa weheliya Karanle Hawiye, Murille, Hiraab. Waxa agaakan dagan Shiikhaal, beelo Raxanweyn ah iyo Garre Marre, Duubo, iyo Digoodi ba. Marka waa iska probaganda raqiis ah oo hir gashay.
Tuusaale ahaan:
Iimey Dir ayaa ugu badan, waa run Ogaden Reer Amadin iyo beesha Duubo waa dagan yihiin.
Jarati iyo Liiban: Dir ayaa majority ah ilaa Waladayo, Doolo, Guure Dhamoole.
Godey: Iimey West iyo East iyo Booley
Gashaamo: Sida Nusdariiq, Kabtinuur, Qabri Dahare
Kalaafo Ilaa Mustaxiil. Bajimaalku waxa ay dagan yihiin iyo Dir kaleba magaalooyinka Gumar, D'are, Niman, Mayko, Qodi dudul, Burdhinle, Mustahiil
Baalle, nageele, dhanka kale Fayaanbiiro, Hara Maayo, Maiso, Gobolka Shiniille oo dhan Fiiq.
Ma lasoo koobi karo adeer. Hada ka hor ayaa shirkii Kenya lagu qabtay ayaa odayaal Darood iyo Hawiye ah oo Dir la yaaban ayaa waydiiyay wiil yar oo Surre Dir ah, " Waryaa Dir badatee, meeqa Gobol ayaa dagtaan?
Wiilkii Surre isagoo isku kalsoon ayuu yiri, " War adeerayaal Darood iyo Hawiyow idinkaa fudud ee is xisaabiya, wixii soo haran anaa leh, hadii aan dhaho carro Dir aan xisabinaa, waagaa baryi oo hadana baryi, marka idinkaa fudude, oo koobane lana xisaabin karaa deegankiine dee sheegta halkaad dagtaan, halkaan dagana waa dagaa anigoo Diree.
Mahadsanid Mudane Dirsame. Waxaan rajeyneynaa in aad nagala hadashid tarikhaha aad uruurisay, anaguna waa dabic doonaa.
Wareeysigu waa socon doona, kolba markii aan E-mail ka helno
Glossary
Gurra -a group of Dir living between wabi Gastro and Dumale. Gurra Dhaamole, Afdeer, lands of the Guure Madax weyn Dir, group very related to Akisho and Gurgure numbering over 260,000.
Gurra- top
Gurro- ear
Gurratti- Black
Qurac- Mahe Dir Group living in Magalo, Bale.
THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Pages
▼
Monday, September 6, 2010
SHIRTA BEESHA BIMAAL CADOYINKII HORE EE BIMAAL
FANTASIYADA SHIRTA MUNAASABADA DABSHIDKA
EE KURTA SHIIKH IYO JILIB MARKA
Baydhabou,Jammaame,jun 21, 2006 (Jammaame)
Waxaan jeclahay inaan wax ku soo kordhiyo qoraalkii Enj. Cabdul-Qaadir Abiikar oo u mowduuciisa aha "MAXAAD KA TAQAANA KURTA SHIIKH?" oo ku soo baxay websaydka Jammaame taarikhda 28/5/006
Munaasabada shirta Kurta Shiikh ee Jammaama iyo tan Jilib ee Marka, waxay la xiriiraan munaasabada dab-shidka oo la qabto sannad kasta 22-ka mise 23-ka July (luulyo), munaasabadaas waa dabaaldeg loo sameeyo sanadka cusub oo soo galayo. Dabaaldeg sanadeedkaan waxaa si weyn looga sameeyaa dhammaan gobollada Soomaaliya laga soo billaabo Hiiraan (Beled-weyne) ilaa Jubbada Hoose, marka laga reebo magaalada Kisimaayo iyo tan Afmadow oo aan laga aqoonin caadada dabaaldegga loo sameeyo dabshidka sanadka cusub.
Ka hor intuusan gumeysiga soo gelin Soomaaliya dhammaan gobollada inta koofur ka soo xigta Beled-weyne waxay isticmaali-jireen sanadka munaasabadiisa lagu muujiyo dabshidka, sanadkaan waa sanad Shamsiya ah oo ka kooban 365 maalmood iyo lix saac, sanad kasta waxaa lagu magacaaba maalin ka mid ah maalmaha asbuuca, sida sanad-Axad, sanad-Isniin iwm. Habeenka dabka la shidinayo haddii uu yahay habeen Axad, sanadkaas waa sanad-Axadeed.
Dadweynaha gobollada isticmaala habsanadeedka dabshidka inkastoo aysan haysanin kalendar qoran haddana marna ma qaldayaan tiriska maalmaha sanadka oo dhan. Dabshidka sanadka cusub waxaa la qabta kaddib markay dhammaadaan 365 beri ee sanadkii hore. waxaana la raba sanadka dabkiisa la shitay habeen Axad inuu ku dhammaado maalin Axad taasoo ah in la rabo maalinta ugu dambeyso ee 365 beri inay noqoto maalin Axad, si habeenka xiga oo habeen Isniin ah loo shito dabka sanad-Isniin.
Habtiriska maalmaha sanadka oo laga isticmaalo gobollada ku dhaqma sanadka dabshidka waa hab iska sahlan. Waxaa lagu tiriya in maalin walba oo asbuuca ka mid ah inay sanadka ka soo gelayso 50 jeer marka haddii la tirinayo maalmaha sanad Axadeed, tirada waxaa laga billaabaya Axad oo la siinayo 50 maalmood ilaa laga gaarsiyo Sabti intaasoo ah 7 x 50 = 350 maalmood, kaddib waxaa tirada lagu soo celinaya Axad waxaana la leeyahay 3 Axad(seddex Axad) = 15, marka 350+15= 365 waana inta beri oo u sanadka ka koobanyahay caadi ahaan, marka waa sanad Shamsiya ah.
Ha yeeshe habtiriska kor ku xusan afartii sanadba mar ayuu qaldama, taas waxay dhacdaa mataal ahaan markii sanadkii ku billawday Axad oo la rabay inuu Axad ku dhamaado, mise 365 beri, aysan sidaas noqonin oo ay soo baxdo maalin dheeraad ah, marka dadka isticmaala habtirsiga sanadeedkaas inkastoo aysan si cilmiyan ah u fahmasanayn sababta keenta isgefka tirada, haddana way dareemaan, waxayna yiraahdaan "sanadka waxaa galay isgef. (waxay la socoto sababta afartii sanaba hal mar oo bisha febrayo ay noqoto 29 beri) waxaana keenay sida an la socono 6-da saac oo sanadka dheeriga ku ah markii laga bixiyo 365-ta beri, lixdaas saac oo afartii sanadba isku noqota 24 saac mise hal beri waana maalinta dheeriga ku noqonaysa 365 caadiga ahayd, kana dhiga sanadkaas 366 maalmood.
Lakiin inkastoo uu soo galo isgefka oo kor ku xusan haddana dabka waxaa la shidanaya sanadka dhamaaday malintii dabkiisa la shitay maalinta xigta, metaal haddii sanadka dhammaaday u aha Axad dabka waxaa la shidanaya habeen Isniin inkastoo uu isgef uu ku jiro.
Dadka isticmaala sanadka dabshidka oo sida an soo xusnay ah sanad Shamsiya ah waxaa kaloo ay isticmalaan 12 bilood, bilahaan oo badi ahaan wada leh magac Carab waa bilo Qamariya ah mise ku saleysan tirada maalmaha bisha-dayaxaha, marka waa sanad iyo bilo an isla soconin. Isla socosho la'aanta sanadka iyo bilaha waxaa laga fahmaya munaasabada dabshidka oo ah bilowga sanadka oo an ku lahayn bilahaas bil iyo maalin mucayin oo si joogta ah loogu qabto munaasabada dabaaldegga dabshidka, marka munaasabadaas waa mid wareegta oo mar walba la qabto bil iyo maalin hor leh, halka bilaha sanadka Shamsiyaha ay munaasabadaas ka gasho badi ahaan 22-ka mise 23-ka July.
Haddii an u soo noqono dabaaldegga munaasabada dabshidka, gobollada iyo degmooyinka way ku kala geddisanyihiin habka fantasiyada dabaaldegga, haddii laga reebo hal arrin oo tan Shirta. Shirta waa fantasiyada tan ugu qiimaha badan dabbaaldegyada, waxaa lagu muujiya badi ahaan hab dagaaleedka beelaha, waa dhoolla-tus waxaa ka qayb gala waayeel iyo dhalinyaro iyo dumarba, ragga wuxu soo qaadanaya hubka dagaalka sida toorrey, warmaha, gashaanka, qaanso iyo fallaarro, seefaf iwm. Ragga waayeelka ah waxay u badanyihiin inay soo xirtaan dhar banaadiri ah oo cad-cad kaasoo ah hal go' weyn oo inta hoos laga soo xirto lagana rido labada garbood dhaxdana looga xirto suun ballaaran oo ay ku xirantahay toorrey mise billaawe-gees cadde oo si fiican u muuqda.
Fantasiyada shirta waxay u badantahay dhadhaqaaq oo socod ah iyo gaashandhaw iyo socod safar dheer ah oo la tiigsanayo in lagu tago meel mucayin oo horey caado looga dhigtay in sanad walba la tago, meelahaas oo badi ahaamba lagu xoolo qasho.
Haddii an wax ka xusno habka fantasiyada shirta beelaha Biimaal oo ku aaddan munaasabada dabaaldegga dabshidka waa mid si weyn u qurux badan oo shaqsi kasta oo arka qiiro weyn gelisa. Maalinta ugu weyn oo laga ciido tuulooyinka iyo baadiyaha deegannada Biimaal waa maalinta Shirta dabshidka, waa maalinta uu Biimaal yiraahdo "iidda ka hor aya orkaada la dhaqdaa".
Shirta waa laba qayb oo kala ah qaybta hore oo ah mid jilibada hoose ee beesha ay isku uruursanayan si loo wada yimaado goobta weyn ee isku immaashada guud ee beesha oo idil waxaana laysugu baaqayaa buun yeeris badan buunkaas oo laga maqlayo tuulo kasta. Taas waxaa xiga dhaqaajin mise socodsiin la socodsiinaya Shirta weyn ee tolka markaas oo dhammaan inta Shirta joogto ay dharkooda iyo qalabkooda dagaal ay wataan sida an kor ku soo xusnay, waxaana meesha shirta jooga niman ku caanbaxay yeerista buunka oo haddii hal mar ay ka wada dhawaajiyaan buunkooda uu dhulka gariirayo.
Shirta guud waxa marka hore la geynaya guriga Ugaaska oo ah Sacad -Gacal-adeer, Ugaaska wuu u soo duceynaya Shirta, haddana waxaa la tegaya guriga Islowga oo ah Saleymaan reer Ciise oo asigana Shirta u duceynayo, ugu dambeyntii Shirta waxay tegaysa guriga Faqayga oo Mahadwaaq reer Faqi Faqayga wuu tacdaadaya wuxuuna bixinaya tahliil la doonayo in lagu wada firdhiyo Shirta tahliishaas la firdhinayo waxaa la doonayo qof walba oo shirta ka qaybqaadanayo inay jirkiisa gaarto.
Kiddib Shirta waa la dhaqaajinaya, waxaana laysku daba safaya jilibyada
beesha waxaa safka hore gelaya
Seeme (Kalafow) iyo Sacad oo wada ah curudka Biimaal.
Safka labaad waxaa geliyaa Daadow
Safka sedexaad waxaa gelaya Ismiin
Safka afaraad waxaa gelaya Cabdi-Raxmaan mise Gaadsan.
Kaddib markii sida kor ka muuqato loo wada safo beesha oo idil waxaa hor istaagaya Malaaqa beesha oo jilibka Gamaasi ah asigaana dhaqaajinaya horsoconayana Shirta. Waxaan jeclahaya inaan halkaan ku soo xusuusto Malaaq Cali gaab Xasan Cumar oo waqti badan ahaanjiray hoggaamiyaha Shirta Beesha Biimaal ee deegaanka Jammaama oo geeriyooday Ilaahay ha u naxariisto Jannadiisana ha ka waraabiyo.
Beesha Biimaal ee degmada Jamaame Shirteeda waxaa la geeya Kurta Shiikh oo ku dhaw xeebta Gees-guud iyo Ceel Hele,halkaaso oo lagu xoolo qasho laguna soo duceysto.
Dhinaca kale Beesha Biimaal ee Shabeellaha Hoose Shirteeda waxaa la geeya tuulada Jilib oo ka tirsan degmada Marka. Tuulada Jilib waxaa loo geeya Sheekh ka tirsan Shiiqaal reer AwMuraad, waxaana halkaas lagu gowracaa afarta cad-cad oo kala ah rati cad, dibi cad, orgi cad iyo wan cad. Dhammaan xoolaha la gowracayo waxaa gowracayo Shiikha Shirta loo geyey mise nin u asiga amray, waxana lagu gowracaya xoolaha mindi loo isticmaaleyey gowracaas ilaa 350 sano ka hor, waa mindi u haayo ab ka ab reerka Shiikhaas ilaa muddadaas sidaas u fog.
Beelaha sida weyn u maamusa fantasiyada iyo dabaaldegga dabshidka waxaa ka mid ah beelaha dega Afgooye iyo tulooyinka degmadaas. Afgooye waxaa lagu qabta sanad walba munaasabada Istunka oo ah caado la yaab leh oo dhalinyarada ka qayb qaata ay isku garaacaan si naxariis la'aan ah, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in meedad laga qaado goobaha u istunka ka socday. Ciyaarahaan mise isdilkaan istunka dad badan oo dalxiis ah ayaa si ay u dawadaan uga imaanjiray waddamada dibedda.
Cali Cumar:
Sablaale1@hotmail.com
C/jabar Axmed Tifow.