Pages

Sunday, September 5, 2010

OGADEENYA MISE SOMALI GALBEED

Daarood iyo Isaaq, Dir iyo Gadabiirsi, Digoodi iyo Galadi

By Cabdale Faarax Sigad
Wakhtiyada qaarkood dadka soomaalidu midnimada way wada jeclaayeen waxana jirtay in ay aminsanaayeen meelkasta oo dalka ka mida oo ay tagaanba in ayna cidi ka xigin taasina waxay sobobtay in dadkii soomaliyeed iskugu yimaadaan magaalada Muqdisho. Laakiin nasiibdaro waxa fikradii dadka somalidu qabeen burburiyay dadkii deggaanka u lahaa Muqdisho iyagoo ka qixiyay dadyawgii kale ee somaliyeed magaladaa Muqdisho. Taasina waxay sobobtay in ilamaa malintuu ina BARE dalka ka baxay loogu tagiwaayay hawiye magala madaxdii dalkii la odhanjiray somaliya. Iyadoo hadaba arintu ay sidaa tahay ayay maantana rabaan hawiye dadkii ay qixiyeen in ay marlabaad qasab ku soo noqda yidhaahdaan.
Tixdan gabayga ahina arimhaa ayay ku saabsantahay waxana layidhaa magaceeda.
AKHRIS WACAN
Daroor iyo Qardhiyo Daalo guudkeeda
Dooxada Shabeeliyo Saylac dacalkeeda
Dadwixii kunoolaa Afmadow ee Xamar dagaan mooday
Dalxiis uma ahayn Hawiye kumana soo duulin
Daljacaylku waakii kuyidhi diida gobalkiina
Daaraha is huwan waa kuwii Xamar doolarka uquudhay.
Dad jacaylku soomali wuu wada damqaayaaye
Dakharada Amxaaruhu anay igu dul yaalaane
Degmadayda waakii kadhigay daaro laga guuray
Dambi kama galin ee kufrigu diin nacaybuu iigu soo duulay
Danta guud ayaan doonayoon kula dagaalayay.
Diridhaba iyo jigjiga waxaan ugu dadaalaynay
Dabka waxa loogu dhacay danaha soomaale
Ducufloow Amxaaraha dahab masiiyeene
Dakadaa Barbara uguma deeqeene
Duntay oo midnimo somaliyeed qalbigu waa ka dayriniye
Dantu waxay itidhi baan haatan day dayiye
Dambigaana waxa iskale kuwii Xamar ku soo duulay
Daaraha ragii dumiyay, ee dumarka laynaayay.
Daarood iyo Isaaq, Dir iyo Gadabiirsi, Digoodi iyo Galadi
Dhamaan Digile iyo midhifle ragii diddiyay weeyaane
Deriskii macaanaa kuwii dacar qadhaadh siiyay
Degaankii Muqdisho ragii looga dalan doolay
Dariiqyada ragii joogsadee dumarka baadhayay
Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye.
Darraad bay ahayd markay xamar naga dareersheene
Da’adii maalintaa dhalataybaan dafadba u hayne
Dir Hawiye ninkii aan ahayn maalintii lagu dambaab maayay
Dadkii laga badnaa malintaa maxaa looga dhigay duunyo
Diintu way jirtaye malintaa maxaa loo damqani waayay
Duubbabkii Hawiye maxaa maalintaa dilay damiirkooda.
Durbaanada latumi waa damaashaade
Dulmiguu Hawiye gaystay buu midkale noogu darayaaye
Duntay oo midnimo kama dambayn Xamare
Dantii guud Hawiyaa diloo dooxay waahoree
Daaroodku wakaa dalkiisii nabad ku daaqaaya
Degmadooda Gadabuursi iyo Isaaq waa kuwaa
dewo macaan siiyay
Digile iyo midhiflana waa kuwaa dawlada macsuumay
Dulmigu wuxu ku hadhay kuway Hawiye deris ahaayeene.
Dulmigaad fashaa aduu kugu danbeeyaaye
Duulkaa Amxaaraa Xamar ku soo duuli
Daarahay dheceenbaa Hawiye looga dacarayni
Dambiguu galuu Hawiye maali dambarkiisa.
Dagaal oogayasha muqdishana diin uma adeegaane
Daacad nimo kadheer odayada madaxa duuduuban
Dadkayguun bay rabaan inay ku duulaane
Damacoogu kadaran duulka xabashaade
Damaashaadka bixi ragbaa damac la daanshoone
Dagaal iyo dil baa loo dabaal dagiye
Diggrigii ILLAHAY laysku damac maanta
Dad baa sheegtay oo nagu dagaalaya
Dooduna dalkaagaan xukumi iyo diiday weeyaane
Darxumana maqaatee waan ka diriraaye.
Daayinoow ILAAHOW daacad baan ahaye
Dabka ay wataan Hawiye ha isla doontaane
Deyr nooga noqo adaan kaa dalbanayaaye
Aamiin!!!!!
Cabdale Faarah Sigad sigad12345@yahoo.co.uk
Soomaligalbeed mise ogadeeniya dood furan iyo jawaabo

By: Maxamed Xussein Cabdi

maodobe30@hotmail.com

________________________________________
marka horee waxaan salamaya umada somaligalbeed oo dhan meel
kasta ay joganba gar ahaan dadka daneeya danta guud ama magaca inaga dhexeeya
ee ah somali marka waxa moda ama kuu cadba in dadka majoratigisu
kalaqaybsanyahay fikir ahaan
1- groub ogadeeniyaa doona oo raba in laqato magacaas
2- gruoub somali doona oo raba magaca somaligalbeed in laqaato

marka waxaan donayaa inaan kuhoraysiyo jawaabaha an sugayo
belahaa ogadeen in aan wax ka ogaado jawabohoda kaladuduwan
mesha ay ubadan yihiin ogadeeniya mise somali galbeed

ogadeenka somalida jeecel iyo kan ogadeeniyada jeceel oo qabiil jeceel
inlagumagacaabo dhuul inaga dhexeeya sida magaca ogadeeniya waxaan donayaa
inaan ogaado caqliyada kaladuwan ama fikiradaha kaladuwan ee shakhsiyadka u
dhashay besha ogadeen kala aminsanyahiin manacaytamayo qabila lamacayikaro
lakiin waxaan jeeclahay inaan lakala faidaysto akhristaw ha moodin inaan
ogadeen necbahay ama dan kale kaleeyahay
waxaana aminsanahay anigu sida taan hoos kuqoran

1- anigu waxaan ahay niin somali galbeed ah ama kiliilka5
manajeecli inaad dhahdaan dhul loga badan yahay ogaadeen
inaad tirahdaan ogadeeniya 1

2-marka xigtana waxaan ahay niin jidwaaq absame ah
mana jecli inaad magaca ogadeeniya melkasta lamartaan 2

3-marka sixigtana dhukani waa inaga dhexeeya jidwaaqna wuxuu daga sida
gobalada jigjiga dhagaxbuur qoraxay intaaba jidaaq wakasobaxaa
xildhibanaddodu iyo kurasidooduba 3

4-marka xigtana absame dhulmakallalahaan jiriin oo wala wadadagi jiray
oo walaalo baa lahaa waxaana wali dhaxdagan ogadeen
beelo absame ah sida WAYTEEN - BAALCAD - IYO GALIMAYS
DHULA KULEE MAGALOYINA KULEE IYO DEGGANO
waxaa intaa sii dheer nimanki dinta waxbadan inagabaray
sida SHEKHASH IYO SHARIF INTASO DHANA MAJECLAA
MAGACAA Ogadeeniyaa lakiin waxay jeceel yihiin somali state in ethiopia ama
Somali galbeed ama killika 5 4

5-waxaa intaa siidheer walaleheen somalidakalee eynu waligeen
wadanolaan jirnay oo inaladaga ISAAQ DHULBAHANTEE MAJEERTEEN
CIIISE JAREERWAYNE DAGOODI GAREE GARI JAARSO AKISHO
MAREEXAAN HAWIYEE REER AW XASSAN gadbuursi
intasina waxay jeceelyihiin magaca somali inynu wax kuwadadonano
oo ma jeeclaa magaca ogadeeniyaa in aad dhahdaan dhulka ay dagan oo
ayleeyihiin ab ka ab 5

marka waxaan raba intaa aan shegay iyo ogadeenka jeceel magaca ogadeeniya yaa
qaldan
ma anaga qaldan oo somali dona oo donayna magaca somali inaynu
wax kaga raadsano ethiopiada aan la dagno
iskumeelna nogu soohagagan magaca somali
haday dagal noqoto iyo haday tahay wax laqaybsiba

intaa waxaan kudarayaa anigu ma tageerayo niin kudoodayaa
meel naga wada dhexaysa inu kumagacaboo qabiilka Ukasoojeedo
sida OGADEENIYA MAJEERTEENIYA AMA ISAAQLAND
marka sidee baynu kuheelna murayad layska dhex arko
oo niin walba iska dhex arko oo inga wada dhexaysa
lakiin hadi niin kaligi iska dhex arko nimanki aywada lahayeena murayada
udiido maxaa dhacaya niinkasi kaligii uunbu ahaan
dadkasina waligood masodhawynayaan niinka murayadii lawada laha
kaligii sheegtay ee didday inlayska dhex arko macneeheedo

Qore
Maxamed Xussein Cabdi
maodobe30@hotmail.com
________________________________________

________________________________________
RE-Soomaali Galbeed mise......
Qaali yare Cabdi
ciseeye2006@hotmail.com

marka hore waxaan halkan salaan hawada usoo marinayaa dhamaan bahda radiojigjiga oo noo suura galisay inaan halkan kadhiibano waxii fagradayada ah oo kusaab san dhinaca magaca dhulka waraaqdana waxaan ku wajahayaa ama aan usoo dirayaa inaan kaga qaybqaato marnaamijka loogu magac daray soomaali galbeed mise ogaadeeniya waxaana kacodsanaa bahda radiojigjiga inaan jawaab kahelo markay waraaqdani idin soo gaadho horta anu waxaan ahay nin udhashay gobalka soomaali galbeed ama kilalka 5 aad qofba sida uu uyaqaano waxaana ahay arday wax kabarta midkamid ah wadamada carabta jaamacad kutaala horta waxaan aad iyo aad uga danqadaa dhul aanu ogaadeen kali daganayn balse looga badan yahay inaa hadana lagu magcaabo ogaadeeniya taasina waxaan u arkaa meel kaga dhan intakale ee aan ahay ogaadeen ee dagan gobalka soomaali galbeed taasina waxaan u arkaa inay tahay dhaan daban gaale hor yaac yaacaya dad caqligoodu aad uliito waxaana ugu nasteexaynayaa dhamaan shabaabka kadhashay beesha ugaadeen inay kahadhaan figradan qaldan waayo fikirka qaldani wuxuu kaaridaa waraar hadaba waxaa jira inaa inbadan oo kamid ah dad aan waxba garanayn lagu maaweeliyo ogaadeeniya taasina waxaan u arkaa inay tahay daal bilaa faa iido ah waxaan aamin sanahay anigu marka lasoo qaado qadiyada soomaali galbeed sidan 1, horta dhulka madagana odaageen oo kali balse waa looga badan yahay islamarkaa waad garan kartaa khalad ka halkaa kujiraa 2, marka la yidhaahdo ogaadeeniya waxaa meesha kabaxaya dhamaan dadkii kale ee daganaa gobalka oo cid walba leh waxaana kamid ah absame oo ah kii ugu dhawaa ogaadeen oo xataa ayna jirin dhul ukala qayb sanaa balse reerkii ogaadeenaba waxaad ku arkaysaa wayteen baalcad jidwaaq iyo galimays sidoo kale waxaad arkaysaa reer kii meel dagan ee jidwaaq ahba in ladagan oo ahogaadeen ah ama galimays ah ama beelaha kale ee absame ah sidaa darteed aad bay uqaldan tahay figrada odhanaysaa dhulka halagu magacaabo ogaadeeniya 3,waxa uu gumays tuhu kumagacaabay meela badan oo dhulka kamid ah magacyo kukhaas ah hadba intii daganayd halkaa sidaa darteed waxaa ila quman oo aan dhamaan dadka soomaali galbeed kugoobaabinayaa inay dhibka horyaala iska dhaafaan oo ay usoo noqdaan waxa ay dan toodu kujirto waa qaali yare oo idin leh waa inoo markale
________________________________________
Qaran mise qabiil?

mohamuud geeble
mohamoudgeeble@hotmail.com

Runtii waxaan aad uula yaabaa markaan arko koox reer soomaali galbeed ah oo
qabiil u olalaynaya moodayana in qabiil wadan lagu xorayn karo dadkana raba inay
ka dhaadhiciyaan figradooda qaybinta ah iyagoo waliba taageero iyo aqoonsi u
raadinaya urur qabiil, dhulka soomaali galbeed maaha mid uu degen yahay ama uu
leeyahay hal qabiil ee waa deegaan balaadhan u ka dhaxeeya qabaa'ilo badan oo
soomaaliyeed haba loo kala badnaadee ama ha lagu kala degaan waynaadee, bal
akhristoy wax yar dib u jaleec taariikhda halgankii jabhada xoraynta soomaali
galbeed (WSLF) waqtigii koobnaa ee ay dagaalkii xoraynta ku jirtay iyo guulihii
balaadhnaa ee ay soo hoysay, miyaynaan odhan karin taasi waxay ku timid
midnimadii shacabka, wadaninimada oo xiligaas aad u xooganayd iyo waliba
taageeradii hagar la'aanta ahayd ee aan ka helnay walaaladeena soomaaliya oo
hiil iyo hooba inala garab taagnaa?.

kolay anigu aragtidayda waxaan ku jawaabi
lahaa HAAAAA, waliba abaal aan dhamaanayn ayaan uuga haynaa dadkii aan
taageerada ka helnay ee xorayntaas inagala qayb qaatay, markaad dhanka kale ka
eegto dadka iyagu qabiilka u olaleeya ayaa waxay qabaan in dagaalkii 1977-1978
uu ahaa mid ay soomaaliya waday oo ay dano gaara ka lahayd doonaysayna in ay
dhul aysan lahayn ku hanato.

Qof walba oo reer soomaali galbeed ah wuxuu jecel yahay in dhulkiisu xoroobo oo
taasi waa mabda'a laga midaysan yahay laakiin waxaa aad loogu kala tagan yahay
qaabka iyo magaca lagu dagaal gali karo, dad baa qaba in magaca soomaali galbeed
aanan waxba lagu heli karin oo ay la haboon tahay in wax lagu raadiyo magaca
ogadeen iyagoo sababtana ka dhiga dhulka ayaa loo yaqaanaa, dadkale oo aan anigu
ka mid ahayna waxaan qabnaa in magacan dambe uu yahay mid qabiil laga dhax
arkaayo umadana kala fogaynaya oo aanan waxba lagu raadin karin ee magaca
soomaali galbeed uu yahay midka umada midayn kara qabiil ama kooxna aanan u gaar
ahayn.

waxaan maqaalkan ku soo gabagabaynayaa hadii aanan la helin midnimo iyo is
afgarad qabiilka iyo danaysigana aanan laga dheeraan in uu halgan kastaaba ahaan
________________________________________
Ogadenia Somali galbeed ama Bariga Ethiopia ama
killilka 5aad

Amaana E .G
Abdeeqa@hotmal.com

Ascw yaa Ahli Wa asxabi
Axyaa wadani
Salaam ka dib sidan ku soo aqriyey mqaladii Ra,ayi ka hadalka ee ku qora bogga
qoraalka dad waynaha ee Radio jigjiga, bal intaanan u guda galin fikradeyda
sidan asxabtii hore wax u soo qorey anigoo ka raad racayo aan nafteyda yar
bayamiyo waxan ahay gabar absame ah ( Ogadeen ) micna wayn ii samayn mayso yaan
ahay ama aa tahay aqristoow balse waxaa micna ii samaynaysa bandhiga shucuurtada
wadaniyeed, iyo dareenkada dadnimo, waxan wada og nahay in dal inaga maqan yahay
geesiyiin badana inooga dhinteen hadanu nahay dadka u dhashey deegankan, ninba
magac isla soo meel taag, sida Ogadenia, Somali galbeed, killilka-

shanaad,jidwaqeenia,shiiqalenia, iyo waliba magacyo kale oo aad ku soo biirin
doontaan mustaqbalka soo socda sidaan umada wadankasi u dhashay ay ku hamiyaan
ama absame haku abtirsadaan ama qawmiyadaha kale ee wadanka kunooliba ha
ahadane,waxaa laga soo Hadley in magaca dalka yahay mixnada ugu wayn ee hortagan
xoreyntiisa amaba halganka ka soconi la,ayahay balse aniga waxan qaba fikrad ka
duwan taasi oo ah marka (1) waa maxay wadani ma magacbaa meel loo yaqaano mise
waa ruux jecel dalkiisa? iyo dadkiisa inuu dhibta kasaro kana dhiidhiyo xumaha
loo gaysanayo kuna boorriyo wanaga iyo wada jirka dadkiisa?
(2) magac wax ma
xoreeyaa mise geesiyaal ka gilgishay gumeysi yaa wadan xoreeya??, hadaba aniga
Aragtidayda gaar ahaneed waxan u soo jeedinayaa umada reer Ogadenia ama Somali
galbeed inay runta isu sheegaan khaas ahan umada isku magawdo absame oo noqday
odax ku muday iyo mid la isaga bixinayo, inagoo ruuxna ruux uusan eedayn magacna
ka dhiganin geed aaynu ku gabanayno maxan u xiisayni wayney ama isugu dayi-

wayney midnimadeena oo ah mid muqadis ah? hadaynu nahay umad meel ka soo wada
jeeda dhiig ahaan iyo deegaan ahaan ba, runtii waxaad moodaa in is eegashadan
dadkan wada dhashey ay sababi doonto in arladaba gacantooda ka baxo,maxay ku
nuugta ama ka nuugtaa!!! wana tan ay dad badani sugayaan idinkaana ku dhiiri
gelinaya sugitankaas ay sugayan inay dalkiina ka qataan cidlo, ninbaa waxuu soo
qorey dalka waxa d
By Amaana E.G



Yaa Dagan Somali Galbeed
waan kudhashey waa dhexmaray. soomali oo dhan ayaa degan from D/M to hawiye. xujofure ayaa ugu saxsan, ogaadeen waabadanyihiin laakiin kamabadna qiyaastii 45% dadka dhulkaa dega. hadii absameha kale lagudaro waxay noqonayaan 55% qoti 10% harti(mj+dhul) 15%. geri 4%, bartire 1%.
aniga waxay ilatahay in qabiilada soomaali oo dhan laga helo dhulkaas. marka la eego siday u kala badan yihiin waa sidan
1- ogaden
2- ciise
3- gadabursi
4- gurgere
5- isaaq
6- hawiye
7- small darod clans (bartire, geri, abasgul)
8- gaboye
9-har
1) Ogaden
2) Iidor (siiba Garxajis nimanka la yiraahdo)
Harti
Ogadeen
Ciise
U badan Ogaadeen iyo Garxajis..iyo in yar oo Harti(Hagar AAdan iyo Baciidyahan) ah iyo Arab iyo Habar Awal( Reer Samatar, Reer Gadiid), Abskuul(Faarax Guuleed) , Bartire oo Bulaale u badan iyo Sheekhaal, ciise kumaan arag waligayna maan maqal iyo Gedbursi waxana daga oo kale niman Habar Jeclo ah(Reer Daahir).
U badan Ogaadeen iyo Garxajis..iyo in yar oo Harti(Hagar AAdan iyo Baciidyahan) ah iyo Arab iyo Habar Awal( Reer Samatar, Reer Gadiid), Abskuul(Faarax Guuleed) , Bartire oo Bulaale u badan iyo Sheekhaal, ciise kumaan arag waligayna maan maqal iyo Gedbursi waxana daga oo kale niman Habar Jeclo ah(Reer Daahir).
 25% tirada dadkaas.Ciisaha iyo Jidwaaq iyo Jaarso iyo Karanle ,iyo Garre

Dhulka waxaa dagen Absaame 95%
1- Ogaadeenn 64%
2- (Jidwaaq)30% Abskuul, Bartire iyo yabaree
3-Gari 4%
4-Isaaq 1%
SHeekhaal
KABLALAX, MAREEXAAN IYO DAAROODKA KALEBA,
HAWIYE: KARANLE,HIRAAB IYO GUGUNDHABE
DIR:ISXAAQ, CIISE , GUDABIIRSE , GURE IYO GURGURE
DIGIL IYO MIRIFLE: WAA DEGAAAN
INTA KALE: JAREER, CARUUSO , ADARI , CARAB I
(AW'iyo OGAADEEN ) aan idiin fasiro erayga aw' waa sheekhaal iyo Gaadsan

Isaaq hawd iyo Awaare buu ogaadeen ka soo galaa.
Jidwaaqna xaga xarshin buu kasoo galaa.
Ciise Jabuuti ilaa dire dhabo buu degaa...
Gadabguursi marka boorame laga yimaad ee jigjiga loo soo socdo buu degaa..
Wax hawiye la yidhaa maqal mooyee aragti mahayo.
Jidwaaq iyo ciise waxaa u dhexeeya GERI, ilaa jinacsanay..
Majeerteena xaga wardheer bay degaan..
Wardheer iyo JigJiga, labadaas magaalo ee aan aniga ku nollaa waxaa ugu badan JIJIGA GERI iyo JIDWAAQ, WARDHEER HARTI iyo GERI.
Biciidyahan Reer Weyd ku laayeen Wardheer
AAWEY GARE GEELBADANE?
AAWEY GURRE?
AAWEY DIR?
AAWEY SHEEKHAAL?
1-AKISHO 100% JIG-JIGA MAAGAALO MADAXDA AKISHADA
AAWEY KARANLE ?



No comments:

Post a Comment