SILCIS-GURGAARTE IYO GOOBROON
Geesi SILCIS-GURGAARTE IYO GOOBROON Waxaa jirtay sheeko aan qoraal laga haynin, ee khuseysa laba qolo ee ka mid ah ummadda somaaliyeed ee kala duwan, haddana dhulkaa aad ogtihiin wadaaga : magacoodu waxaa uu ahaa : Silcis-Gurgaarte iyo Goobroon. Labadaa qolo ee wada beeraaleey ahaa, inkastoo ay wada degganaayeen dhulka agagaarka Afgooye , haddana waxaa gacan sarreeyey qolada Silcis-Gurgaarte, oo ahaa dad 'ani' ah, sida la sheegayna kibirkoodu gaarey xad in marka la weydiiyo su'aasha : - 'Jeli iyo Jelli yaa weyn ?' Jawaatoodu noqoto : ' Jeli ayaa weyn' ( Jeli oo marna sidaa loo qoro marna Giali- waa tuulada ay degganaayeen Silcis-Gurgaarte oo weli ka jirta agagaarka 'Jambaluul, Ra'yimoog iyo Arrinmoog'/ Jelli na waa Tafsirka Quraanka awal iyo aaqira). Markey xoolahii iyo xukuumaddiiba gacanta ku dhigeen, Silcis-Gurgaarte waxey go'aamiyeen haddana in:- : 1-Gobroontu canshuur joogta ah bixiyaan ; 2-ilmahii u dhashaana la soo sheego, si loo tirakoobo. Qofkii ku xadgudbo labada amarna, laga taqalluso. Si ay u meelmariyaan amarka koowaad, dadkuna u kala soocaan, Silcis-Gurgaarte waxey gooyeen in ilbaabada guryaha Gobroontu degganaayeen, in bidix loo rakabo ama loo dhiso, kuwa Silcis-Gurgaartana midig loo rakabo, si guryaha loo kala garto. Si ay u hubiyaan hirgelinta amarka labaad, waxey Silcis-Gurgaarte ka dhistey magaalada gees-ka-geeskeeda, ayagoo safan, dhismo la yiraahdo 'raar': mid walba ka sameysan afar tiir oo midkasta qof saaran yahay. Markaana,qofba qofka kale u baaqaya, una sheegaya ilmahii dhashaaba, ama arrintii la doonaba. (Waa isgaarsiin casri ee ka horreysey tan waqtigaa). Markii ay shacbigii Gobroontu ee magaalada u adkeysan waayeen sida loo xirxiray, waxey go'aansadeen in ay iska kiciyaan Silcis-Gurgaarte. Gobroontu, inkastoo laga gacan sareeyey, haddana waxey ahaayeen dad ku dheereeyey Quraanka, xirfadda ay ka gaareena 'asraarta'na weli lama arkin. Sidaa awgeed ayey shir u fariisteen, bilaabeena inay 'Burji xisaabaan' ( sida aad ogtihiin Burji macnihiisa la soo gaabiyey waa 'awood, quwad, xoog' ; burji xisaab= waxa u tilmaamayaa ama xisaabayaa, awoodda qofka raba inuu dagaal galo.) Burji xisaabintii waxey soo saartey in Gobroontu aysan haba yaraatee, nasiib u laheynin iney keligood iska saaraan Silcis-Gurgaarte, ee loo baahan yahay in ay 'cid burji sare' ay gacan ku siiso ujeeddadoodu. Waxaa jirtey waagaa, in qolooyin ka yimid waqooyiga ay badar u soo doonan jireen dhulkaa beeraleeyda, qolooyinkaa waxaa ka mid ahaa qolo la yirahdo Wacdaan Cosmaan (waa Abgaal Cosmaan walaalkii). Burji-xisaabintii Gobroontu, cirka ayeey isku tallaashey markii magaca Wacdaan-Cosmaan lagu darey xisaabta; waxaa markaa dantu qasabtey in gogol loo dhigo Wacdaankii : heshiisna meeshii ka dhex dhaco ayaga iyo Gobroon. Asraartii ka soo baxdeyna heshiiskaa, ay ku fillaatey in ay kiciso Silsicis-Gurgaarte - illaa iyo haddana lama hayo meesha ay ku dambeeyeen-. Sidaa ayuu Wacdaan-Cosmaan maanta weli ku deggan yahay dhulkaa Afgooye: dhinaca Lafoole iyo Balbayeeri, dhulkaas oo aan horey u ahaan jirin deegaankooda caadiga ahaa. ERAY BIXIN Dad ani ah = dad kibir badan F.G.:- waxaa kaloo la sheegay in magaca Afgooye ahaa mid ay Silcis-Gurgaarte u bixisey tuuladaa, canshuurta ay ka qaadayeen darteed; 'Jeli' oo marna loo qoro 'Giali' = waa tuulada ay degganaayeen Silcis-Gurgaarte, oo weli ka jirta agagaarka 'Jambaluul, Ra'yimoog iyo Arrinmoog'; Jelli : tafsiirka Quraanka, awal iyo aakhir; 'raar': dhismo sida tan maanta laga helo xabsiyada et is-daba tirsan, ilaalana dul saaran tahay; 'asraar' ama 'asma'= waa Quraan dadka lagu gubo, laguna kiciyo; waxaa tusaale mudan in qolo kasta ee soomaliyeed ay tirsaneyso dad ku dheereeya cilmiga asraarta, ama asmada, laakin xirfadda ay ka gaareen Goobroontu weli lama arag mid la mid ah;( sixir) 'Burji xisaab'= waxa u tilmaamayaa ama xisaabayaa, awoodda qofka raba inuu dagaal galo
posted to THE History of SAMAALE TRIBES?. at Sun Sep 11 07:44:29 -0400 2005.
Beenaale weeynaadey in kee kakeentetey beenta in taas laeg
ReplyDelete