Pages

Thursday, September 15, 2011

BEESHA MADOOBE DIR Maxaad ka taqaana xeerka Ciise





Maxaad ka taqaana xeerka Ciise


Feb 17, 2010
Waxaanu halkan idinku soo gudbinayna xeerka Beesha ciise oo dhawaan caleema saaratay Ugaas aad u da'yar. Beesha ciise waxay ka mid tahay beelaha aad dhaqanka ugu adag isla markaana leh dhaqan aad u wanaagsan oo aad u facweyn.






Ciisuhu wuxuu xeerka u kala saaraa laba qaybood :


1.1. «Xeer Ilaah» oo ah dhammaan wax aliyo wixii dabiici ah ee adduunka jira sida, (dharaarta iyo habeenka, xiliyada, dhalashada iyo dhimashada, iwm …). «Xeer Ilaah» waxa kale oo ka mid ah Risaalooyinkii Ilaahay ku soo dejiyay Nebiyadiisii iyo Rasuulladiisii ee uu ku caddeeyay wixii xaaraan ah iyo wixii xalaal ah iyo shuruuc kale oo badan.


1.2. «Xeer oday» (ama xeerka dadku dejisteen). Waa dhammaan shuruucda ay dadku samaysteen si ay uga hor tegaan, una xaliyaan dhibaatooyinka ku iman kara beel gaar ah. Sidaa darteed, waa xeer ku sar-go’an baahida iyo hab-dhaqameedyada u gaarka ah bulshada loo dejiyay. Waxa keliya oo dejin kara shuruuc cadcad, oo ka jawaabaya rabitaanka dadka, rag aad u yaqaan ummadda.



Xeerka Ciisuhu waxa kaluu ka kooban yahay 12 kaboood. Lix waa la aasay baa la yidhaa, lix na waa lagu dhaqmaa. Lixda lagu dhaqmo waxay kala yihiin :


1.1. «Kabta dhiigga» : oo loo dejiyay dhagarta oo lagu mago boqol iyo dhaawaca xubnaha jidhka oo isaga na lagu mago mawlaxo (ama buullo).
2.2. «Kabta dhaqaaqasha» : oo loo adeegsado xalinta wixii muran ah ee la xidhiidha xoolaha.
3.3. «Kabta dheerta» : oo ah xeerka kala haga arrimaha qoyska, sida xigsiinta, dumaasha iyo wixii gef ah ee laga galo haweenka.
4.4. «Kabta dhaqanka» : oo qeexasa qaabka loo magacaabo Ogaaska, Gandaha iyo Guddida, iyo hawlaha ay u xilsaaran yihiin.
5.5. «Kabta dhulka» : oo ah sharciga u yaal dhulka Ciisuhu wadaago.
6.6. «Kabta dhiblaha» : oo ka kooban dhammaan axdiyada lala galo ummadaha kale, sida Cafarta, Oromada, iwm, iyo beelaha kale ee Soomaalida si loo xaliyo dagaallada iyo murannada iman kara.



Waxaan idin xusuusinaynaa in Xeerka Ciisaha lagu dejiyay, dhammaadkii qarnigii XVIaad (lix iyo tobnaad), meesha la yidhaa Sitti oo u dhexaysa Ayshaca iyo Hadhagaala (dalka Itoobiya). 44 oday oo uu hormood ka yahay Xasan Gadiidshe ayaa halkaa ku shirayey muddo 12 bilood ah si ay uga doodaan arrimo badan oo la xidhiidha qaybaha, dhegaleyyada iyo qodobada xeerka, iyo hay’adaha iyo arimaha ay u xil-saaran yihiin.



Muddadaa 12ka bilood ah ee ay fadhiyeen, odayadu waxay is weydiiyeen su’aalahan muhiim ah :


1.1. Waa maxay Xeerku ?
2.2. Beeshee baa lagu dhaqayaa ?
3.3. Ujeedooyinkiisu maxay yihiin ?



Dhammaan su’aalahaas odayadu waxay ka bixiyeen jawaabo faahfaahsan.



Waa maxay Xeerku ?



Nimankii Xeerka dhigay waxay su’aashaas kaga jawaabeen maahmaahyo tiro badan oo badhkood yihiin dhegeleyyo xeer. Marka hore Xeerku waa waxa aadamahu kaga duwan yahay nafleyda kale : «meel aan Xeer lahay waa lagu xoloobaa» ama «dad aan xeer lahay waa xoolo». Hindisaha Xeerku markuu dhaliyey dadnimo, dabadeed waxa qasab noqotay in la dejiyo sharci cad oo kala haga beelsha, qof kaste na ku qanacsan yahay. Hore ba odayadu waxay aaminsanaayeen mabaadii’da ay ka turjumayaan weedhahani : «xeer ninkii dhigay waa u darajo, ninka ku dhaqma na waa u deyr, ninka ka danaysta na waa ku dambi» iyo «Xeer-diid waa Allah-diid».



Odayada Xeerka dhigay waxa aad ugu dheeraa sidii ay xubin kaste oo beeshooda ka tirsan u bari lahaayeen u na fahamsiin lahaayeen in xeerku lagama maarmaan u yahay badbaadada naftooda iyo hantidooda. Sidaa darteed, waxay xeerka ku tilmaameen kab qofka ku sar-go’an oo ka celisa qodaxda iyo dhammaan wixii kale ee durrayn lahaa : «Xeer waa kab lagu socdo». Waxa kale oo maahmaahdan macnaheedu yahay in sharci kaste uu ku sar-go’an yahay bulsho gaar ah.



Maahmaahda odhanaysa «Xeer looma xoola yara» ayaa iyaduna tilmaamaysa in dadku u siman yihiin xeerka. Waayo xeerku si mid ah ayuu dadka u ciqaabaa oo ma tixgeliyo hantida uu qofku haysto ama qoyska uu ka soo jeedo, taas la’aanteed na uu qiimo beeli lahaa.



Fikirkaa sinaanta waxa xoojinaya maahmaahdan kale ee odhanaysa «Xeer waa ged jeerin ah». Jeerinku waa geed gaaban balse aad u ballaadhan oo aanan laga tallaabsan karin. Sarbeeb ahaan maahmaahdu waxay tilmaamaysaa in an xeerka laga gudbi karin, raggii dhigayna ka ma xuquuq badna dadka intiisa kale. Xeerku ma oggola eexda, in la isku tanaasulo se ma diido oo waxa la yidhaa : «xeer waa xeer, xaagaan na laga ma tego».. «Dad xeer lihi caydh ma leh», ayaa la yidhi. Taasi na waxay ka marag-kacaysaa sida ay raggii Xeerka dhigay ugu werwerayeen in xubin kaste oo beelshooda ka mid ahi ay dhaqaale ahaan si sharaf leh oo madax bannaan ugu noolaan lahayd. Waa Xeer dadnimo ku dheehan tahay baa la odhan karaa.



Deeqsinimadaasi waa deyr lagu gudbayo damac ku iman kara kuwa aan hanti haysan. Waayo Xeerku waa difaaca nolosha iyo hantida dhaqaale. Meel aan Xeer jirin badhaadhe ma yaal, sida ay sheegayso maahmaahdani : «Xeer la’aani wa xugun iyo xoolo la’aan». Meel xooggu xeer yahay, aadamuhu wuxuu halis u yahay in uu dabar-go’o, horuumar dhaqaale oo waarana lama hanan karo.



Beeshee baa Xeerka lagu dhaqayaa ?



Xeerka waxa loo dejiyay beel dadkeedu wadaagaan saddex :


1.1. wada deg
2.2. wada ded
3.3. wada duulaan



weedhahani mid kaste ba waxay leedahay laba macne, waa na kuwan :



Wada deg :



- dad ku wada nool dal ama degaan mid ah (oo la dhigma dawlad ama qaran)

- koox oday mid ah ka soo tafiirantay (ereyga daadeg), oo u dhiganta qabiil.



Wada ded (qari, tir) :



- Waa beel ka midaysan ka-hor-tegga iyo xallinta dhammaan dhibaatooyinka soo food saara.

- Macnaha labaad waa mid diini ah (aas, duug maydka). Sidaa darteed waa beel wadaagta diin mid ah iyo dhaqan mid ah.



Wada duulaan :



- Bulsho habaysay difaaceeda

- Beel himilooyin bulsho oo mid ah leh (midaynta aqoonta iyo awoodda si loo baahi tiro dadkoo dhan)



Duqaydu waxay xeerka ku saleeyeen midnimada iyo is maqalka dadka ku dhaqmaya. Si kale haddaan u dhigno, xubnaha beelshaasi waxay leeyihiin taariikh mid ah, dal mid ah iyo dhaqan mid ah. Kuwaasi na waa salka ay ku fadhdhiyaan qarammada casriga ahi.



Dhibaatooyinka ay tahay in Xeerku naga bedbaadiyo waa kuwee ?



Iyagoo og in dadku sameeyaan dambiyo nuuc kaste leh, laguna tilmaami karo mid riyo ah in la rajeeyo dabar-goynta dhibaatooyinkaas, duqaydu waxay sheegeen in xeerku dadka ka difaaco dembiyada kala ah :


•Damac
•Duul
•Dil
•Dhac



Dhibtu waxay ka bilaabantaa damaca hantida qof kale. Ka dib, waa la duulaa si xoog iyo qayra-sharci ah loogu soo boojiyo hanti dad kale. Dagaalka dhex mara weerarka iyo iska-caabinta ayaa sababa dil iyo dhac. Halkaas na waxa ka dhalata biili. Sidaa darteed, dadka mas’uuliyadda dembiyadaas leh waxay mutaystaan ciqaabo aad u adag si ay na u dhicin mar kale falal waxyeello u keeni kara deganaanshaha beelsha.



dhanbaalnews@yahoo.com

No comments:

Post a Comment