http://www.raxanreeb.com/?p=39952
Afahayeen Beesha Qubeys ee North America oo ka Hadlay Dagaalka Bacaadweyn ee G.dhaxe
Afahayeen Beesha Qubeys Mursal M Mohamud
Mursal M Mohamud oo ah Afahayeen Beesha Qubeys ee north america isla
Markaana ah Xubin ka tirsan Xubin Guurtida Beesha surre ee ku dhaqan waqooyinga America Ayaa walac weyn ka muujiyey dastuurka cusub ee hada la sameenaya Dowlada faderalka iyo kii horeyba u jiray sabaabo jiro owgeed.
Mursal waxuu ku tilmaamay marka horeyba dowlada ma sugin amaanka dalka oo Dhan mana sameen hoowshii loo soo doortay saansaan dowladnimona meesha kuma Muuqato sidaa owgeed uma maleenayo in aay sameen doonaan dastuur dadka wada Farxad geliyo (qaasatan beelweynta surre )
Sidoo kale Md Mursal oo ka hadlay dagalka ka socda Bacaadweyn ee gobolada dhaxe Ayaa waxuu yiri waan la socanaa dagalka lakiin waxaa haboon in aay xabada joojiyan Labada beelod isla markaana aay wada hadal ku dhameestan qilaafkooda waa haday Nabadu dan Ugu jirto labada beelod waxaa uu intaas uu sii raacshay gardarada guul Laguma gaaro nina gurugiisa isaga oo nool gurbaan laguma garacan karo ee waxaa Qurxoon in uu caqliga shaqeeyo ayuu yiri Md Mursal .
Mudane Mursal oo la hadlaayey umaddaha kale ee dhinac ka degaan degaanka ee iyagu Sheegay in Aay ka dhax wadaan heshiish waxuuu yiri Md Mursal way fiican tahay in Dadka Deriska aay ka shaqeeyan heshiishka labadaa beelood balse hadaan loo Bisleen Heshiishka soo lesma oran karo idinkaba dhibaato adinka soo gaari karto ileen Soomaalida waa umadda iska eed badan marka waxaa ila qurxoon reeraha is Heysto bal marka horeyba iyaga haka soo fulo heshiish in aay u wada baahan yahiin iyo in kaleyba hadii kale waxaa filiya in uusan macno badan sameen karin heshiish hal Dhinac oo keliya ka yimid.
Afhayeenka  oo si aad iyo aad u Cabeeranaya wax garadka iyo aqoon yahanka ka soo Jeeda Beesha Qubeys in aay ka gaabiyeen deganadii aay ka soo jeeden in aay wax U Qabadkoodii loo baahna ka seexden hadana la doonaya in dastuurka lagu ansixiyo qadabo aan Beesha Qubeys ka gadmi karin sidii aan ku naqaanay dowladihii hore 1960 iyo waxii Ka dabeeyey Md Mursal oo hadalkiisa sii wato ayaa waxuu yiri in uusan Aqoon saneen Waxaa loo yaqaano 4.5 sababtoo ah diinta islaamka ma qabto in sidaa dadka loo kala Fogeeyo isla markaana la yiraahdo dowlada waa shareeca islaam waa wax aan umadda Soomaliyeed iyo Aqoon yaheenkeeda ka gadmi karin.
Tuesday, March 9th, 2010 at 09:01 pm Afhayeenka Beesha Qubeys Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)
Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com
Gaalkacyo (RBC Radio):- Afhayeenka mid ka mid ah beelaha dagaalku ku dhexmarayo deegaanka Bacaadweyne ayaa RBC Radio, uga warbixiyey xaaladaha deegaanka iyo dagaalada halkaasi ka dhacay.
Afhayeenka Beesha Qubeys Cali Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in deegaanka Bacaadweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay ay deganeyd oo aysan ka dhicin wax dagaal ah, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan baaqyo nabadeed oo ka soo gaaraya maamulada kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasi oo lagu dalbanayo in la joojiyo colaada ka socota Bacaadweyne iyo deegaanada ku geedaaman ee koonfurta gobolka Mudug.
Waxaa uu Afhayeenku sheegay in dagaaladani ay soo cusboonaadeen bishan kowdeedii, kuwaasi oo ka kala dhacay deegaano miyi ah iyo deegaanka Bacaadweyne, waxayna geysteen sida uu sheegay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana waxaa uu ku sheegay in ay yihiin dagaaladu kuwa soo noq noqday.
 AMAÂ
Afhayeenku mar uu ka hadlayey waan waan laga dhex wadey labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo oo la sheegay inuu fashilmey, waxaa uu sheegay in dhinacood uusan aheyn halka uu ka yimid fashilka, balse dhinaca beesha kale uu ka socon waayey.
Mar uu ka hadlayey Afhayeenka Beesha Qubeys deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa uu ku sifeeyay deegaanadaasi in ay yihiin kuwa ay degan yihiin beesha Qubeys, isla markaana cid waliba oo Soomaali ahna ogtahay, cida gardaran ee dagaalka qaadey sida uu hadalka u dhigay.
Cali Shiikh Yuusuf waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka Bacaadweyne ay ka cabanayaan in maamulka Ximin iyo Xeeb uu ka qeyb qaatey dagaalka oo ay dhaleeceynayaan.
Ugu dambeyn Afhayeenka Beesha Qubey isaga oo ka hadlaya xalka ugu dambeeya waxaa uu sheegay in ay ogol yihiin dhinacooda wax walba oo xal ah oo lagu qaboojin karo colaada ka soconeysa deegaanka Bacaadweyne.
RBC Radio.
http://www.raxanreeb.com/?p=40232
Aniga - February 23, 2011
2:04 pm
Bacada salaan,
Xasan inaar waan ku salaamay inkastoo aad dadaashay hadana waxaan garan waayey meesha aan ku noqday Reer Shirwac Gabeyre, aan ku saxee waa Reer Shirwac Jimcaale. Waxaase dhici kara maadaama aan deris nahay qolo Reer Ayaanle Sacad ah oo iyagana Reer Shirwac Jimcaale la yiraahdi in markaa inaga nalaga dhigaya Reer Shirwac Gabeyre, lool intaa danbe waa iga kaftan cidna magac awoowe ma badali karto.
waxaan ahay Qubeys, Axadoobe, Reer Aminle, Sabriye Maxamed, Reer Shirwac Jimcaale. ee ma maqal (Reer Shirwac Gabeyre) ee bal dib isugu noqda oo soo hubiya oo abtirka saxa waa war loo baahan yahay, ninkaan oo kalena weli ma arag siduu cida u kala yaqaan.
Nabadeey.
Sabriye Maxamed - March 9, 2011
6:28 pm
a,s,c waxaan rabaa inaan halkaan kasoo gudbiyo aragtidayda waxaad moodaa isku dayga uu,isku dayay inuu dadka baro siduu ukala baxo qubeys asagoon ulahayn aqoon buuxdo sida aan u,arko uuna kabuuxo qalad badan waayo waxaa jira jifooyin kamid ah reer toonle aan lasoo hadal qaadin aana ahayn faqi cumar kana yaren fac ahaan lasiman ama layaqaano ama kuwa aan udhalan faqi cumar oo uu kadhigay mana aha in waxaan aqoon loo lahayn in loo adeegsado meediyaha ama webabka waxaa fiican inuu qofka daraasad badan kusameeyo dadka uu kadhashay dadka baro waxaasa kaxun in laqaldo loo baro dad badan oo udhashay qubays hadaan laxusin kuwana laf ayan udhalan lagu magacaabo waa nasiib daro waxaan u,arka in lamrin habaabinayo siduu qubeys ukala baxo mana ubaahno waxaadan aqoon ulahayn inaad sharaxdo aniga sida aan u,aqaano ama aan ubartayna waxaa kabuuxa qalad badan fadlan isku day inaad saxdo hadaadan aqoona halugu saxo oo ula noqo walaalahaaga yaqaana mahadsanidiin
maxamed xuseen qeeylooy - April 7, 2011
1:21 pm
asc waxan slamaya walalahke noo sharaxay beesha qubeys macalin iyo sidey u kala baxaan wana ku mahad san yahay walal maxamad hadad noogu so kordhin karto wax kale uu walalken katagay noogu soo dar wad mahad santihiin
rayi - April 24, 2011
4:42 pm
asc inta badan qoraalka abtirka loola jeedo
waxaan filiyaa inoo qalad ku jirro
cabdi qani - June 19, 2011
10:04 am
asc
bacada salaan wuumahadsanyahay walaalkeen khayr allaha siiya
wuxuu inoo iftiimiyay wax inaga qarsoonaa wayna fiican tahay in
nala baro halka aan kasoojeedo iyo abtirkanagaba
jaamac maxamed maxamud - June 20, 2011
10:24 pm
Asc walal ka abtiris qubeys mcalin noo shegay waa mahad sanyahay
Innkaani ali muus magaalo hadduu yahay anigana waa zubeyr macalim c,qadir ee soo dhawoow walaal gacmo furan
Cali muus - September 6, 2011
8:55 am
walalayal iga rali ahada mar ka hore mid xig ta wan idin salamay maxan idin weydinaya qubeys kan iyo shalnadan ad ka shekeyneysan ma dad jira mise wad ciyareysa dad dir ah o san leh miya jiro fadlan ha iga fahmina khalad wayo ma an arag qof in dho iyo af leh o laso tagan qubeys
MudugNet, Khamiis 1da Luulyo, 2010.
Koofurta Mudug waxaa ka dhacay dagaalo cuslaa sanadii 2004-2006 kasoo salka ku hayay aanooyin qabiil iyo murano xagga deegaanka dhulkaa. Dagaalkaasu wuxuu ahaa mid foolxun oo ay waxka hurinayeen reer Puntland. Ilaa hadda majirto hishiis rasmi ah oo laga gaaray dagaalkii dhexmaray Sacad iyo Saleemaan oo ku saabsan deegaanka ay beesha Saleemaan ku haystaan Sacad oo ah deegaanka Galinsoor iyo Hobyo. Maalin dhaweyd nin u hadlay maamulka Cadaado oo TVGa Universal warsatay wuxuu ku celceliyay in dhulka ay ka kooban tahay maamulka labaxay 'Ximin iyo Xeeb' ay kamid yihiin deegaanka Galinsoor iyo Hobyo taasoo muujinaysa in colaadi taagan tahay.
Dadyowga dega koofurta Mudug deegaanku iyo dhulku waa u kala soocnaa waligood, suurtagalna ma ahan qarnigan 21naad oo dadku wada baraarugay in dhul boob la isku sameeyo taasoo ciddii isku dayda ay la kulmi doonto dagaalo adag iyo mashaakilo loo caalwaayo. Waxaa kaloo haboon mar haddii aysan suuragal ahayn inla kala gar baxo, si cadaaladi kujirtana loo hishiiyo, in markaas qabiilkastaa deegaankiisa iimaansado oo aan la isku xadgudbin. Soomaali waxay ku maahmaahdaa ' dhul ninkiisii baa iska leh'. Shareecada Islaamka waxay qabtaa in dadku aysan is-dulmin balse haddii dulmi dhaco in markaas lagu kala baxo Shareecada Islaamka qoladii diidana la go'doomiyo.
Dagaalada lagu hoobtay oo dhowr jeer ka dhacay deegaanka Bacaadweyne oo u dhaxeeye beelaha Dir/Qubeys iyo Saleemaan wuxuu salka ku hayaa deegaan iyo dhul, dagaalkaasoo hadda socda dad badanina ku dhinteen. Dad badan oo waxgarad ah kana soo jeeda koofurta Mudug baa qaba in beesha Saleemaan ay ku gar daran yihiin dagaalka kasocda deegaan Bacaadweyne waayo deegaankaasi waa deegaan loo yaqaan beesha Qubeys. Dhowr jeer oo labada beelood ay hishiis nabadeed isla gaareen waxaa jabiyay beesha Saleemaan. Gartu EEbbe bey leedahay waxaana waajib ku ah beelaha dega koofurta Mudug in ay xaqa la saftaan oo joojiyaan qabiilkii dulmi iyo dhul balaarsi wada waayo dhul boob nabad iyo caano lagu helimaayo.
Sidoo kale, waxaa xasaradi iyo guux colaadeed ka taagan yahay deegaanka xarardheere sababtuna waxaa weeye beesha Saleemaan oo xoog ku qabsatay deegaanka Xarardheere oo u awood sheegatay walaalaha reer Saruur oo iyagu iska leh deegaanka Xarardheere, arrintaasoo u baahan in beesha Harbar-Gidir ay si deg deg ah xal ugu hesho inta aysan talo fara ka bixin. Magaca ay labaxeen walaalaha Saleemaan ee 'Ximin iyo Xeeb' waa magac tilmaamaya dhul balaarsi iyo colaad hurin waayo beesha Saleemaan deegaankoodu maleh dhul xeebeed waana arrin lawada ogyahay.
Gunaanadkii, waxaa haboon in Culumada, nabadoonada iyo waxgaradka maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Galgaduud ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si xalwaara oo nabadeed loo helo islamarkaasna loosoo afjaro dagaalada raqiiskaa, micna daradaa iyo muranada xaga dhulalka oo ka aloosan koofurta Mudug. Haddii nabad iyo darisnimo wanaagsan larabo, waa in Shareecada Islaamka lagu kala baxaa oo aan cidna ladulmin, cidnana aan loo ogolaan in ay boobto dhul aysan lahayn. Waxaa kaloo waajib ah in beesha Habar-Gidir ay kala dhexgasho beesha Qubeys iyo Saleemaan, si cadaalad ahna loo xaliyo dhulka ay isku hayaan labadaas beelood. Sida uu hadda jawigu yahay, ma muuqato in beelaha wada dega Koofurta Mudug ay samaystaan maamul ay ku mideysan yihiin waana amuur aad u drugsan sida xaqiiqdaa. Mararkan waxay ku haboon tahay in nabadda la Xoojiyo oo boogaha jira ladhayo intii mudaa oo jiil cusubi imaanayo !!
Wabilaahi Towfiiq.
Waxaa Qoray: X. Cabdi-Cad
Odayaasha Bacaadweyn oo eedeyn u kulul u jeediyay maamulka Xubin iyo Xeeb.
January 7, 2011 by Afgoye
Odayaaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Beesha Qubeys ayaa si kulu ugu edeeyay maamulka Xubin iyo xeeb inuu mas’uul ka yahay Colaada,iyo xiisadaha dagaal ee ka Ogan Degaanadda Hoos yimaada Bacaadweyne ee u dhaxeeya Beelaha Saleman iyo Qubeys.
Sheikh Axmed Faarax oo ka mid ahaa Gudigii odayaashii dhexdhexaadinta Degaal beeleedka Bacaadweyn ayaa ku Edeeyay maamulka Cadaado inuu ka dambeeyo dhibaatadda iyo colaada beelaha halkaasi kuwada nool,iyadoo ujeedada ay ka leeyihiina ay tahay sidii Beesha Qubeys si qasab ah uga mid noqdaan maamulka Xubin iyo xeeb.
Sheikh Axmed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maamulka ka jira Cadaado uu doonaayo in dadka ka soo jeeda Beesha Qubeys si awood ah ku ogolaysiiyaan maamulka Xubin iyo Xeeb,balse Beeshaasi aysan Si qabasab ah ku aqbali doonin waxa ay doonayaan Reer Cadaado ayuu yiri nabadoon faarax.
“Waxaa nala yiraahdaa Beesha Qubeys kama tirsanin Xubin iyo Xeeb,xubin iyo Xeeb waxaa dhistay Beesha Reer xaaji saleman iyaga ayaana iska leh,waxay Danta labada beelood ay ku jirtaa in nabad iyo is xaq dhowr lagu wada noolaado ayuu yiri nabadoon Sheikh Axmed Faarax.
Dhinaca kale maamulka Xubin iyo Xeeb ayaa beeniyay Edeymaha ka soo yeeray Odayaasha Beesha Qubeys ee ku aadan colaada Bacaadweyn,waxaana maamulka Xubin iyo Xeeb uu sheegay iney ciidan kala dhexgala labada maleeshiyo u iri doonaan goobaha ay isku horfadhiyaan.
© Dalmarmedia.com
HobyoNet Update News 01-05-2011.
Odayaasha ayaa sheegay in dagaalka ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee ku lug leeyihiin burcadbadeed fadhigoodu yahay Caddaado, kana wardiiday nabad-doonadooda.
HobyoNet, Mog-Som
Axmed Sh. Xasan
Odayaasha dhaqanka beesha Qubeys ayaa si cad u sheegay in odayaasha dhigooda ah ee Caddaado ay sheegeyn in dagaalka uu yahay mid ay hogaanka u hayaan kooxo burcad badeed ah oo aan war u heyn abaarta deegaanadaas kajirta.
Max’ud Warsame oo ka mid ah nabad-doonada beesha Qubeys ayaa yiri “Xildhibaan furux ayaa 2 bilood ka hor inoo sheegay in dagaalku yahay mid burcad badeed ay waddo, balse aysan la qabin reer Caddaado”.
Sidoo kale, xasuuqi dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mircooleed ee nawaaxiga Galinsoor ayaa ah mid muddo laga soo abaabulayay magaalada Caddaado oo qaar ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Burcadadeeda ay si wadajir ah isaga kaashadeyn.
Dagaalada ka dhaca gobolada dhexe intooda badan waxaa ku lug leh Burcadbadeed, dagaalada intooda badan waxa ay ku soo beegmaan marka burcadbadeeda la siiyo lacagaha madaxfurashada ah.
Xhobyo@hotmail.com
Back to Home
ssCopyright © HobyoNet.Net, All Rights Reserved. Designed & Hosted by AfroTech
XarardheereKa socoto Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.Xarardheere waa degmo xeebeed oo ku taalo gobolka Mudug ee woqooyiga Soomaaliya, waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.Degmadaan waxaad ka heli kartaa waxyaabo farabadan, waana degmo dalxiiseed oo qaboow, waa degmada maanta ugu wanaagsan xaga nolosha ee degmooyinka Soomaaliya. Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadgashay dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmadan waxaa degan qabiilada hoos ku qoran oo ka kooba
Waceysle - Maxamaed Cade (abgaal Cismaan)
Shiikhaal Loobage (Shiikhaal)
Saruur (Habargidir)
(Jaaji)
[Wax ka bedel] taariikhda degmadaDegmadan inta aynu ka heyno taariikhdeedu aad bey u farabadan tahay tusaale waxaa lasameeyey maamulkii ugu horeeyey 1896. Waqtigaasi illaa 1919 waxaa guddoomiye ka,ahaa.
1.Gacal Kuul Sebriye (Saruur) 1896-31.
2.Muxumed cali colow (waceysle) 1931-39.
3.Sheikh mohamud mohamed(shiikhaal)
4.Axmed Faarax (Dir-Qubeys)
5.Faarax aadan (Awrtable)
6.Maxamuud Dhabaneey (Saruur)
Sidaa ayey isaga dambeeyeen sidaanu taariikhda ku heyno. Wxaa kale oo jiray caaqilo kale oo badan oo soo maray degmada sida: Caaqil Mohamed Kediye (Waceysle,Abgaal) Caaqil Jimcale Osoble Dufle (Ceyr) caaqil xaaji maxamed axmed liiban(ceyr) Caaqil Siyaad Kaagaca weyn (Seleman) taariikhdan iyo magacyadan intaba waxaan kasoo diyaarinnay. Buugga: please websteku ha.ilaalsho anshaxa iyo sharafta qaba,ilada soomaalida oo magacyada qaldan looga qoray waxaan kaxumahay beesha ugu badan beelaha dagan miyiga iyo magaalaba in marna marti kanoqotay magaalada marna magaceeda looqoray si qaldan beesha ;( ahmed faarah) qubeys ; waa beel inta taariikhda kuqorn ilaa 775 sano daganayd xarardheer waxayna kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan dhinca deexda waxay ubdan yihiin xoola dhaqato sida adhiga iyo loda sido kale waa kaluumaysato waxay leeyihiin nabadoono iyo ugaasyo siyaasi yiin aana halkaan lagu soo koobi karin tusaalu ahaan sida nabadoo (xasan wehelye rooble ') (: xasan mataan:: oo ilaa 1930 1960ki nabadoon ka. Ahaa dadka isku yiraa reer banaan oo dhan iyo kuwakake o farabadan marka walaalayaal magaca badal plz change jaaji to change)_) ahmd faarax) ( qubeys) by abshir gunid: waana buug wax badan kaqoray habkii ay isu xakumi jireen soomaalidu qarniyadii dhexe.
Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan tuulooyin dhowr ah sida. Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, degmada Jowle, Burjirriqo, Gaan, Keynaan, Caad, Cagacadde, Ilbir, Bur-sebriye iyo Deegaan.
Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere siyaasiyiin caan ah sida: [ Cabdirashiid Cali Sharmaarke]], madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69). (Jeneral Salad Gabayre Kediye),Wasiirkii Gashaandhiga ee dowladii kacaanka, kana mid ahaa aasasayaashii golaha sare ee kacaanka. [Maxamed Siciid (Jentelmaan)]], xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1954-69). [Nageeye Gacal Kuul]](Garxiir) halyey aad looga yaqaan deegaanka ahaana korneyl 1968-69.
Walaal sida aynu ku hellay buuggan ka sheekeynaya taariikhda Xarardheere dhib ayeynu ka marnay markaa fadlan waxba haka bedelin qoraalkan adigoo mahadsan haddii aad u baahantahay wax intaa dheer laxiriir matxafka taariikhda geeska africa gaar ahaan soomalida ee Roma itely.
shir weyne oo xalay ka,dhacay magalada mombasa shirkaan waxaa iskugu yimid dhalinyarada beesha QUBEYS iyo dhalinyarada beesha SALEEBAAN
shir weyne oo xalay ka,dhacay magalada mombasa shirkaan waxaa iskugu yimid dhalinyarada beesha QUBEYS iyo dhalinyarada beesha SALEEBAAN shirkaani ayaa looga hadlaayay colaadaha ka,taagan deegaanadeena. shirkaan ayaa waxuu ka,dhacay hoolka weyn ee NEW PALME TREE ee magalada mombasa shirkana oo ahaa markii ogu horeesay oo la,qabto mid ceynkaan oo kale ah ayaa waxaa ka,soo baxay bayaanaadkaan soo socdo,,,,
TIXRAACA HISHIISIIN LABA BEELOOD OO WALAALO AH
Kadib bur burkii dowladii militariga 1991 xaaladii dalka waxeey gashay fowdo qas iyo jah wareer waxaa umadi la soo gudboonaaday dhibaatooyin fara badan dagaalo sokeeye bur bur hantiyeed mid guud iyo mid gaar ahaaneedba .
Intaas ka,dib ayan waxaan go,aansanay in aan dhax galno dhibaatooyinka ka,dhacayo deegaanadeena .in aan ka,qeeb qaadano joojinta dagaalada sokeeye ,iyo in aan joojino ,dhiiga daadanayo,hantida bur bureeso,iyo in aan abuurno is dhaxgal, wada noolaansho ,is aaminid, iyo is ixtiraam labada bulsho
Ujeedooyinka aan higasnayno
Ka,dib falanqeen iyo wada tashi aan ku sameenay kulan aan sameesanay ayaan waxaan u aragnay in aan sameeno qodobada soo socdo si aan u gaarno hishiis labada beelood ee walaalaha ah .
1: isku xirid iyo wada sahqeen labada dhaliyaro ee ka,soo jeedo labada beelood ee reer Mombasa.
2: isku xirid iyo wada shaqeen odoyaasha ka,soo kala jeedo labada beelood ee ku nool magalada Mombasa
3: qabasho shir weyne loo wada dhanyahay ,dhamaan dhalinyarada, odoyaasha, ka,soo kala jeedo labada beelood ee Mombasa
4: isku xirid iyo wada shaqeen dhalinyarada, odoyaasha labada beelood ee ku,nool Nairobi
5: qabasho shir weyne loo wada dhanyahay dhamaan dhalinyarada ,odoyaasha, labada beelood ee kunool dalkan Kenya
Mabaadii'da
isaaminid
daacadnimo
cadaalad
ixtiraam
wacyogilin
howlkarnimo
Waxaa ku saxiixan warqadaan:
1:hajir adam xuseen
2:axmed cali geedi
3:max,ed farax gedi
4:caydiid c/lahi yusuf
5:c/lahi abdi muxumed
Shir Weyn oo ay Yeesheen Beesha Qubeys oo Ka Dhacay Dala Swedan. | Print | E-mail
Thursday, 29 July 2010 11:09
Shirkan ka Dhacay Dalka Sweden ay Yeesheen Beesha Qubeys. oo ay ka soo qeyb galeen qeybo muhiim ah sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka,haweenka, dhalinyarada iyo culumada diinta ee beesha qubeys ee wadanka Sweden. intii uu shirkaasi socday waxaa lagu lafa guray arimo badan oo ay ka mid yihiin mideynta, iskaashiga iyo wax wada qabsiga beesha sidoo kale waxaa laga wadahadlay joogteynta xiriirka jaaliyada qurbaha kala dhaxeeya bulsho weynta kale ee gudaha ee ku nool dhamaan deegaanada ay beeshu degto ee dalka Soomaaliy
intii shirweynuhu socday waxaa kaloo si toos ah shirka ugu qeyb qaadanaayey Jaaliyada beesha Qubeys ee wadanka Mareykanka oo ayagu uga qeyb galay habka teleconference taas oo ay aheyd ujeedadu kala warqaadashada xogta iyo warbixinada beesha ee ku wajahan dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta deegaanada ay beeshu degto iyo waliba ka qeyb galka dadaalka geedi socodka nabada ee dalkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay dad magac iyo maamuus ku leh beelweynta direed oo iyaguna talo iyo tusaale walaalnimo ka dhiibtay intii uu shirku socday.
Shirkan oo aan Aheyn Kii ugu Horeeyay ee ay isugu Yimaadaan Beesha Qubeys Waxaana La Filayaa in Kulamo Kale oo looga Hadlayo Hurumarka Beesha in ay ku yeeshaan Jaaliyadaha Dibada ..
Xubnaha jaaliyada beesha Qubeys
1- Axmed Xirsi Jimcaale
2- Cali Cabdullaahi Koraaye
3- Maxamed Duqow Nuur
4- Cali Cabdi Axmed (Cali Baashi)
5- Assad Ugaas C/laahi Xaashi
6- C/risaaq Cismaan Xasan Diirshe
7- Shukri Cali Mursal
8- Ibraahim Cali Xuseen Fiqi
9- Maxamuud Yuusuf Dhoore
10- Cabdullahi Cali Siyaad
11- Yaasiin Maxamed Siciid
12- Cabdullahi Cali Mursal
13- Maxamed Xirsi Xuseen
14- Aweys Ibraahim
15- Drs. Hodan Maxamed Xaashi
Waxaa Daabacay .Cabdi Raxiin Caylaawe
Mataanyare3@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
http://www.dhaah.com/calaamka/index.php?option=com_content&view=article&id=728:shir-weyn-oo-ay-yeesheen-beesha-qubeys-oo-ka-dhacay-dala-swedan&catid=1:warka&Itemid=2
http://dhaah.com/calaamka/index.php?option=com_content&view=article&id=732:xaflada-ciidulfidriga-ee-beesha-qabeys-uk&catid=1:warka&Itemid=2
Baaq Nabadeed oo Ay Soo Saareen Beelaha Qubeys iyo Saleebaan oo ka dhacay Magaalada London ….
April 12, 2010 | Filed under: Wararka Somalia | Posted by: admin Shir ballaaran ay isugu yimaadeeb Beelaha Qubeys iyo Saleebaan kana dhacay maagalada London taariikhda markay ahayd 10_04_2010 ayaa laga soo saaray baaq nabadeed..
shirkaan waxaa laga xusay walaalnimada soo jireenka ee labada beelood u dhexeeya,iyo inuu dagaalkani yahay kii ugu horreeyay ee taariikhda soo jireenka dhex maray ,waxayna alle ugaga baryayaanin fitnadaas ilaah ka damiyo.
waxgaradka labada dhinac waxay indheer garadka ugu baaqeen in dhinac ka noqdaan cidii nabadda diidda ,cid kasta oo nabadda ka shaqeynaysana ay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin .
waxgaradki ka soo qayb galay shirkaasna waxaa ka mid ahaa
****BEESHA QUBEYS****
1)NABADOON XASAN AADAN SHIRWAC
2)NABADOON CISMAAN COSOBLE HIRAABE
3)AXMED MACALLIN CABDULAAHI
4)XUSEEN AXMED MUUSE
5)LIIBAAN CISMAAN COSOBLE
6)AXMED CABDI MATAAN
7)CUMAR CALI FIQI
8)MAXAMED CALI XAREED
****BEESHA SALEEBAAN****
1)AVV.XUSEEN DIIRIYE (carabeey)
2)NABADOON MAXAMED CALAS QAAREY
3)MAXAMED AADAN GUULEED (GACMO DHEERE)
4)DAAHIR IIDLE FAARAX
5)ABDUQAADIR AHMED NUUR
6)HARBI FAARAX.
GUDOOMIYAHA BEESHA QUBEYS EE UK MR.LIBAN OSMAN OSOBLE.
KU¬SIMAHA GUDOOMIYAHA BEESHA SALEEBAAN EE UK MR.DAHIR IDLE FARah
Xigasho Cowslafil
http://www.hidaha.com/2010/04/baaq-nabadeed-oo-ay-soo-saareen-beelaha-qubeys-iyo-saleebaan-oo-ka-dhacay-magaalada-london/
Beelo dagaal isaga diley 20 qof
GAROWE ONLINE
Inta la ogyahay 20-qof oo u badan dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal maanta laba beelood ku dhexmaray deegaan ku yaala bariga Gobolka Mudug, waxaana dagaalkaas ku dhaawaacmay 40-qof oo kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada maleeshiyo ay gacmaha iskula tageen, ayna taasi keentay in dhimashada iyo dhaawaca dagaalka ka dhashay ay fara badato, iyadoo dagaalkan oo socday 5-saacadood uu qaboobay barqonimadii maanta.
Beelaha uu dagaalku u dhexeeyo oo kala ah Qubeys/Dir iyo Saleebaan/Habargidir ayaa wuxuu ka dhashay markii weerar lagu qaaday deegaan ay dagto beesha Qubeys, waxaana laga dareemayaa deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen sasaan colaadeed.
"Dagaalku wuxuu ahaa mid xoogan, waxaana ku dhintay 4-qof oo shacab ah, inta kale waxay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, welina deegaanada lagu dagaalamay waxaa lagu arkayaa maydadkii dagaalka ku dhintay" ayuu yiri Max'ud Axmed oo ka mid ah dadka deegaankaas ku noolaa.
In ka badan 10-qof oo haween iyo caruur isugu jiray ayay ku dhaawacmay rasaastii ay labada dhinac dagaalka u adeegsanayeen, kuwaasoo isku dayayay inay ka baxsadaan deegaanka uu dagaalku ka qarxay.
Dagaalkan ayaa daba socday dagaalo labada beelood horay u dhexmaray, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay loo kala qaaday degmooyinka Gaalkacyo iyo Xarardhere oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Beelaha uu dagaalku u dhexeeyo ayaa ku muransan dhulalkii ay ku dagaalamayeen mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoo beesha Saleebaan ay sheeganayso dhulka, halka Beesha Qubeys ay iyaduna sheegayso in dhulka ay iyadu leedahay.
Heshiisyo hore oo dagaalka laga gaaray ayaa fashilmay; iyadoo labada dhinac ay u tagayaan gumadyo ciidan, waxaana dagaalkii maanta ka qaybqaadanayay gaadiidka dagaalka, inkastoo aanay jirin wax guulo ah oo dagaalkaas laga gaaray.
http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Beelo_dagaal_isaga_diley_20_qof_gazette.shtml
No comments:
Post a Comment