Guutada uu Cali-baadiye hor-kacay, waxay kamid ahayd ciidan gaas ah oo afar guuto ka kooban, kuwaas oo lagu diyaariyay xero ku tiil meel u dhow degmada Luuq. Xubnaha ciidankaasi waxay u dhasheen qowmiyadaha Oromada ah oo ku nool koonfurta Itoobiya iyo beelaha Soomaaliyeed ee halkaas kula dhaqan. Xoogga halkaas lagu hayay, ururintiisu waxay bilaabatay intaanan la dhisin golihii dhexe ee jabhadda Soomaali Abboo, bartamihii sanadkii 1976-kii. Ciidankaas oo tiradoodu ay dhamayd 8.500 oo nin, waxaa soo ururiyay raggii madaxda ka ahaa jabhaddii Soomaali Abboo oo dowladda Soomaaliyeed ay u dirtay in ay gudaha ka keenaan dhallinyaradii diriri lahayd. Tababarkooda waxaa odey ka ahaa sarkaal ka soo baxsaday ciidamada Itoobiya oo magaciisa la yiraahdo G/ Dh. Selaesse Boqow Jilow. Isaga oo darajadiisu tahay gaashaanle ayuu Soomaaliya isu soo dhiibay. Dabadeed Soomaalida ayaa hal darajo u kordhisay oo u dhiibtay xilka tababaridda cidanka jabhadda Soomaali Abboo. Sarkaalkan oo dhalashadiisu ay ahayd Booran, waxay meel wax ku soo wada barteen hoggaamiyihii Itoobiya Mengistu Xayle Mariam, kaas oo ay is yiqiineen tan iyo shan jirkoodii.
Boqow Jilow gaaska uu hayay waxaa lagu magacaabi jirey LIIBAAN. Guutada 1-aad ee gaaska waxaa odey ka ahaa nin la yiraahdo Taakalo, oo u dhashay reeraha Guji. Ciidankan ayaa dhamaantiis waxay ahaayeen kuwo u dhashay beeshaas. Magaca guutadada waxaa la oran jirey DAHABLEY. Guutada 2-aad oo ciidanka waxay u dhasheen beesha Caruusha, waxaa odey u ahaa Waaqow Guuto, oo ahaa guddoomiyii jabhaddii Soomaali Abboo. Waxaa guutadan la oran jirey GANAALE. Guutada 3-aad waxaa la oran jirey DIRE. Waxay ahaayeen Soomaali, beesha Garre. Odey waxaa u ahaa Xasan Goorow oo isagu beesha u ahaa odey-dhaqameed. Guutada 4-aad waxay la magac ahayd gaaska, oo waxaa la oran jirey LIIBAAN. Ciidankeeda oo soomaali soocan ahaa, waxaa ku urursanaa rag u dhashay beelaha Dagoodiye iyo Mareexaan. Waxaa odey u ahaa Maxamad Xaaji oo u dhashay Dagoodiye, kana mid ahaa odeyaasha beesha. Gaaskan, inkasta oo uu sitay magac jabhadeed, misana sida jabhaddii Soomaali Galbeed, ayaa waxaa looga talinayay wasaaraddii Gaashaan-dhigga ee Soomaaliya.
Gaashaanle Cali-baadiye, ciidan ah guuto isku dhafan oo gaaskan laga soo ururiyay ayaa loo dhiibay si uu uga qeyb-qaato dab-shidkii dagaalka. G/ S. Maxamad Cumar Jees oo isagu ahaa sarkaalka ay dowladda Soomaaliyeed u xil-saartay maareynta gulufyada lagu bixinayo dagaalka, ayaa Cali-baadiye ku wareejiyay ciidankii iyo waajibaadkii la doonayay in uu fuliyo. Sarkaal la yiraahdo Ciise Cabaade oo ku magac-dheeraa Ciise-keyse, ayaa isna jirey oo loo xil-saarey in uu Cali-baadiye la amba-bixiyo ciidanka, kaas oo la socday illaa ay ciidanku gaareen Beled-xaawo. Guutadan waxay qaadatay magacii gaaska ee ahaa Liibaan.
Cali-baadiye, intuusan ka bixin Xamar, wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad Siyaad. Wuxuu ula tegay qorshe ku saabsan waddadii uu ciidanka sii marin lahaa. Sarkaalkan wuxuu doortay in xuduudda Keenya uu la galo ciidanka. Dabadeed uu halkaas uga tallaabo Itoobiya. Isga oo arinkaa ka waramaya, Cali-baadiye wuxuu yiri :
" Anigaa iska lahaa talada lagu galay xuduudda Keenya. Waxaa ila ogaa oo keliya madaxweyne Maxamad Siyaad Barre. Taasna waxaa kallifay, ciidamo iga horeeyay oo waddadaa maray ayaa qaarkood jidka loo galay oo si xun loogu gumaaday. Anigu inaan halkaas marin baan go'aansaday. Markaan dejiyay qorshihii socodka aan ku marayo xuduudda Keenya, madaxweynaha ayaan u tegay si aan ula socodsiiyo qorshahayga. Waxaa ku iri : Halkaas baan marayaa. Waxaa aniga layga yaqaan inaan ciidanka geliyo gudaha Itoobiya, waana uu iga aqbalay. Xataa saraakiisha iiga hooseeyay ciidanka, waxaan la socodsiiyay markii aan ciidanka dhaqaajiyay ". (Wareysi aanu la yeelanay Cali-baadiye. 28/ 3- 1977-kii. Soomaaliya. Gaalkacayo).
20/ 6- 1977-kii ayay ciidankii bilaabeen in ay ka dhaqaaqaan tuulada Geed-weyne oo u dhexeysa Doolow iyo Luuq. Gaashaanle Cali-baadiye wuxuu halkaas ka kaxaystay ciidan tiradoodu ay ka dhaafsiisnayd 1.500 oo nin. Waxaa u rarnaa awr 50 gaarayay oo ay sahayda u saareyd. Raadiyo rakaal ahna waa ay siteen. Ciidanku, socodkii horeba waxay afka saareen waddada aadda Ceel-waaq. Waa ay ku raad gadanayeen oo isha cadowga ayay kaga gabbanayeen. Markay marayeen meel magaalada Beled-xaawo u jidha 7 km. oo dhanka koonfureed ah, ayay u leexdeen dhanka xuduudda Keenya. Toos bay markaa uga tallaabeen xuduudda. Waxaa ciidanka caado u ahayd in ay habeenkii socdaan, maalinnimadiina, difaac adag xirtaan.
22/ 6- 1977-kii ayay ahayd markay gudbeen xuduudda Keenya. Dowladdii Keenya waxay ogaatay ciidankan xooggan oo gudaha u soo galay. Waxay markiiba kaga jawaabeen in ay soo diraan koox ka tirsan ciidamadeeda sida aadka ah u tababaran ay ugu talagaleen laalada xuduudda. Ciidankaas oo tiradoodu ay ahayd 150 nin, waxay foodda is-dareen kooxo kamid ah kooxihii difaaca ee ciidamadii jabhadda. Meesha laysku helay waxaa la yiraahdaa Jirma, waxay Mandheera u jirtaa 25 km. oo gudaha Keenya ah. Labadii kooxood markii ay is qaabileen, dagaal wacdaro leh ayaa lagaga yaabsaday ciidamadii Keenya. Dharbaaxada loo geystay ciidankii soo duulay waxaa laga garan karaa 137-ka qori, nooca faalka ah oo ay jabhaddu goobtii ka urursatay. Sida uu Cali-baadiye inoo sheegay, ciidankii Sawaaxiliga, waxaa nolol ku baxsaday tiro aanan ka badnayn toban askari.
Arintaan waxay mudan tahay in lagu hakado oo laga cashar qaato. Xilligaas, sida ay u kala sareysay tayada labada kooxood oo diriray ayaa waxaa u kala sareeyay tayada labada shacab iyo labada dowlad. Waxay ahayd xilli ay Soomaali jaho keliya u jeedday. Wanaaguna mid buu u ahaa oo wanaag buu ahaa, xumuhuna mid buu u ahaa oo xumo ayuu ahaa. Iyada oo ay jirtay goldaloolo siyaasadeed, iyada oo ay jirtay taageero la'aan caalami ah, misana niyad-wanaagsan oo ay ka mideysnaayeen wiilka jooga Hargeysa iyo kan jooga Beydhabo, ayay ahayd halka ay tamarta ka helayeen naftooda hurayaasha u is-taagay in ay soo dhiciyaan qadiyadda ummadeed.
Aragtiyada siyaasadeed ee mucaaradka iyo mu'ayadka leh, waa mid uu aadamigu ka siman yahay. Goor kasta waa ay jidhay, meel kastana waxaa laga helayaa bulsho mucaarad iyo mu'ayid leh. Laakiin in kubadda meel loo wada laado ayaa lays dheer yahay. Casharka qiimiga leh oo aanu dhacdadan ka helayno baa waxay tahay, Gaashaanle Cali-baadiye, isaga oo mucaarad ku ahaa rijiimkii markaas jirey, ayuu misana naftiisii u huray qadiyaddii weyneed ee umadda ka maqneyd. Midda bulshada ka maqan oo ay mudnaantu tahay in la gartaa, taas weeye.
24/ 6- 1977-kii, goor ay fiidkii tahay, ayaa ciidankii waxay ku soo beegmeen degmada Raamo. Magaalada bartankeedii ayay socod ku mareen iyaga oo kooxo ah. Waxaa jirey ciidan ku sugnaa xero magaalada ku tiil, kuwaas oo aanan soo bixin. Goor qeybo ciidankii ah ay magaalada dhex-marayaan, ayaa ciidankii Keenya waxay kor u rideen ifiyaha loo yaqaan bulla-leyr. Cali-baadiye oo ka waramaya xaaladdii habeenkaas wuxuu yiri :
" Saacaddu waxay ahayd sagaalkii fiidnimo. Annagoo magaaladii aan ka dhamaan, oo qeyb naga mid ahi ay ka baxday, qeybina ay ku harsan tahay ayaa keenyaatigii ay cirka u ganeen bulla-layr farihii ka batay. Markaasaa aaggii oo dhan wuxuu noqday maalin cad. Ciidanka aan watay qaarkood, bulla-layrba markaasaa ugu horeysay. Qaar badan oo kamid ah waxay u yaaceen buur weyn oo dhinac kaga taalay magaalada Raamo. Intayadii kale markaan magaaladii ka dhamaanay baan koox si deg-deg ah ugu dirya, si ay qoladaas habawday dhinacayaga u soo mariyaan. Dhamaantaya habeennimadii baanu isu nimid. Waagu wuxuu noogu baryay meel aan ka fogeyn Raamo ". (Isla marjicii hore).
Ciidankii Keenya ee Raamo joogay, habeenkii bay fahmeen xoogga meesha maraya. Isgaarsiin bay kula hadleen taliskoodii. Waxay u sheegeen xoogga maray degaanka. Markaasaa subaxdii waxaa bilaabatay in ay dayuurado soo kiciyaan, si ay hawada uga weeraraan ciidanka jabhadda. Nasiib wanaag dayuuradahaas oo si talan-taalli ah isu weydaaranayay, dabkoodii wuxuu ku qubtay goobo khaldan. Waxay afka saareen buurtii ay xalay ku carareen kooxihii ka fiigey bulla-leyrka. Waxaa halkaas ku dhaqnaa beelo kamid ah Oromada la yiraahdo Murille.
Beelahan oo ah kuwo aad u taabacsanaa maamulka dowladda Keenya, ayaa dayuuradihii weeraray degaanka waxay u geysteen dhaawac xooggan. Waxaa duqeyntii looga laayay dad iyo xoolo. Goor ay galabnimadii tahay oo duqeyntii la joojiyay ayaa odeyadii Murille u yimaadeen madaxdii ciidanka jabhadda. Waxay uga warameen dhibkii ay dayuuraduhu u geysteen dadkii iyo xoolihii. Islamarkaa waxay muujiyeen in ay la caadifad yihiin Soomaalida iyo halgankooda. Markuu gabbalkii dhacay, ciidankii jabhadda, waxay bilaabeen socod intii ka deg-deg badan, si aanay ciidan lug oo weerar ah u soo gaarin.
" Isla habeennimadaas waxaanu gaarnay meel la yiraahdo Garsey oo Raamo u jirta 40 km. Geel baanu halkaa ku qalanay. Maalintii meeshaas baanu joognay inta gabalku ka dhacayay. Fikrad ayaa la ii keenay oranaysa aan caawano ku hoyano meesha, waayo cid na daba socota ma jidho. Xuduuddii Itoobiya waxay noo jidhaa 10 km. Anigu waan ka cudur-daartay in habeenkaas meeshaa lagu hoydo. Laakiin saraakiishii ciidanka iiga hooseeyay ayaa waxay isku raaceen taladii. Markii taladii la goostay ayaan ka digay in waabarigii weerar nagu iman karo. Ciidankii ayaan qaab difaac u habeeyay. Qeyb waxaan u celiyay 7 km. oo gadaal ah. Waxaan amar ku siiyay, haddii ay cadow arkaan in eeyan la dagaalamin oo ay iska qariyaan illaa ay u soo gudbaan xaggayaga. Ciidanka intiisii kale, meel jiq ah ayaan ku habeeyay. Goor ay saacaddu tahay labadii duhurnimo ayaanu maqalnay gariirkii socodka ciidanka ". (Isla marjicii hore).
Dhaqdhaqaaqa ciidanka Sawaaxiliga iyo tayadooda, waxaa jabhadda la soo socodsiinayay beelhii Murille oo aad uga caraysnaa dhibaatooyinkii ay dayuuradaha u geysteen. Ciidanku wuxuu ahaa mid xooggan oo aad u hubeysan. Waxay wateen ugu yaraan 10 ah gawaarida gaashaaman (Bee-Bee). Waxay ku tala-galeen in ay ugaartaan haraaga ciidanka jabhadda oo sida malohoodu ahaa in dayuuradihii ay wiiqeen tabattoodii. Markii ciidankii Sawaaxiliga ay soo dhaafeen kooxdii jiidda hore la dhigay, waxay bilaabeen in ay rakibtaan madaafiic ay siteen.
Ciidankii iyo gawaaridoodii, markii ay la sinnaayeen aagaggii danbe ee loo galay, ayaa Cali-baadiye uu u baaqay si mar qura loo weeraro. Halkii baa tacshiirad lagu boobay. Kooxdii jiidda hore joogtay, iyaguna xaggoodii ayay dab-xir ka soo sameeyeen. Wixii oo dhan halkii ayay ku gubteen. Wax yar ayaa ka baxsaday. Ciidamadii jabhadda Abboo waxaa halkaas ku furteen 255 qori oo faal ah. Soomaalida waxaa goobtaas kaga dhintay hal sarkaal oo magaciisa la oran jirey Macallin Isaaq. Isagu wuxuu ahaa ninka iska lahaa taladii lagu haray oo habeen labaad goobtaas lagu seexday. Dagaalkaasi wuxuu dhacay 26/ 6- 1977-kii. Isla habeenkaas ayay ciidankii u gudbeen xuduudda Itoobiya. (Isla marjicii hore).
Kol haddii dadkii guga u da´ay gamashi keynaanay
Waxaan galo waxaan gudo haddii layla garan-waayay
Anna inaan guntiga dhuujistaa igu gar weeyaane
Maxaa golaha ceebeed i dhigay ma li´i gaadiide
Gardarro iyo is yeel-yeel ma jiro ruux ku gelayaaye
Ninna uma gegsado leedda-fuul sida gamaankiiye
Gabashiyo in-badan baan ku jirey inaan is-gaabshaaye
Garba-duub maxaa ii xir-xiray gibilka maan tuuro
Maan guusha Eebaa hayee nabadda geed saaro
Isagaa i garab siine maan geesinimo yeesho
Giir-yaale fulay baan ahaye gacanta maan qaado
Anba gacashi laygama rabee maan afraha gooyo
Geeska Afrika maan xumaan ugu garaar daayo
Intii aniga lay kala gor-gorin goolka maan dhaliyo (Dhoodaan).
Galabta uu dagaalkaas dhacayo, habeenimadeedii ayay ciidamadii jabhadda Soomaali Abboo, ay ka tallaabeen xuduudda u dhexaysa Keenya iyo Itoobiya iyaga oo bad qaba. Gaashaanle Cali-baadiye wuxuu ku guuleystay qorshihiisii socodka ciidanka oo uu Keenya la dhex mushaaxay. Dabadeedna toddobaadkii ugu horeeyayba wuxuu bilaabay in uu fuliyo waajibaadkii la soo faray oo ahaa weeraro baraha degaanka oo ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen fariisimaha.
Waxaa xusid mudan in labadan dagaal oo guutada Liibaan ay la gashay ciidamada Keenya ahaayeen kuwii taariikhda ugu horeeyay uguna danbeeyay oo ay isaga hor yimaadaan ciidamada labada dowladood (Soomaaliya iyo Keenya). Soomaalidu waxay sheegtaan gobolka waqooyi-bari ee Keenya. Dhulkaas oo kamid ah shantii gobol ee dowladihii Soomaaliyeed u qadiyadda ahaa, ayaa waxaa ku dhaqan beelo Soomaaliyeed iyo kuwo Oromo ah oo la walaal ah qowmiyadda Soomaalida. Siyaasadda dalka lagu hagayay, xilligii dowladihii rayidka iyo middii ciidamada, ayaa markasta waxay ka gaabsanaysay in weerar iyo xoog lagu doono gobolkaas. Ujeeddadu waxay ahayd, iyada oo marka hore la doonayay in Ogaadeenya xoogga la saaro, oo aanan dhowr foronte laysku furin.
Laakiin arintii dhacday baa xiisad ku kordhisay xiriirkii labada dal. 29/ 6- 1977-kii, nin u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Keenya, wuxuu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed ay ku soo xad-gudbeen xuduudda dalkooda. Ninkaasi oo shir-jaraa'id ka war-bixinayay, wuxuu xusay in ciidanka soo galay xuduuddooda ay dhan yihiin 3.000 oo nin, kuwaas oo ka tirsan XDS. Wuxuu hadalkiisii raaciyay in ciidankaasi ay dagaallo kedis ah ku soo qaadeen meelo kala duwan oo kamid ah xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in marka ay Keenyaanku sii deynayaan warkan ay tahay xilli ciidankii jabhadda ay u tallaabeen Itoobiya.
1/ 7- 1977-kii, ayay JDS ka jawaabtay warkii ay sii daayeen Keenyaanka. Nin u hadlay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warkii Keenya mid been-abuur ah oo fidno looga dan leeyahay. Nikaasi wuxuu yiri sidan :
" Warka ka soo baxay Keenya oo sheegaya in 3.000 oo ka tirsan XDS ay ka gudbeen xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Soomaaliya, waa war aanan sal iyo baar lahayn. Ma jiraan ciidan Soomaaliyeed oo ku duulay ama damacsan in ay ku duulaan Keenya. Meesha la sheegay in uu dagaalku ka dhacay waxaa la yiraahdaa Raamo. Waxay ku taalaa xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Itoobiya. Islamarkaa aad bay uga fog tahay xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Keenya. Waa wax la yaab leh in weerarka la sheegay oo dhacay isniintii ay bishu ahayd 26-kii juun, uu noqdo mid la faafiyay maalintii arbacada oo bishu ahayd 29-kii juun. Waxay taasi tilmaan cad u tahay, in wararkan ay faafinayaan, dad doonaya in ay xumeeyaan xiriirka in-dhowaalaba soo wanaagsanaanayay ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya. Sida lawada ogsoon yahay gobol walba oo Itoobiya kamid ah, waxaa gudahiisa ka taagan dagaalo, kaas oo quruumaha la gumeysto ay ku doonayaan xoriyaddooda. Keenya waxay dhowaan, dhowr jeer qiratay in dalkeeda ay dhinaca Itoobiya ka soo galeen dad qaxooti ah. Haddii ay arrimahaasi wax ka jiraan, waxaa markaas suurooba in dagaalku uu dhex-maray dadkaas iyo ciidamada Keenya ".
(Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 2/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).
No comments:
Post a Comment