THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Pages
▼
Tuesday, December 12, 2017
Kulan Looga Hadlayey Dhaqanka Oo Marka Ka Dhacay, Wax badan Ka Ogow Shanta Biimaal iyo Adeerkood iyo Nabadoon Cabdow Bood-Makaay(Sawiro)
ulan weyne ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada Beel-weynta Biimaal oo ay ka mid yihiin, Culimaa’udiinka, Duqeyda dhaqanka, Waxgaradka, Dhalanyada Haweenka iyo mas’uuliyiinta Beesha ayaa looga arinsanayey arimo ku saabsan dhaqanka Beesha.
Gogosha shirka waxaa fadisay Beesha Kalafow, seeme Biimaal oo horey uga mid aheyd afarta Ermege oo qaaraan iyo ku dhaqanba la aheyd Beesha reer Ugaas Sacad Ermege.
Kulankan oo Beelaha Biimaal ay goob joog ka ahaayeen waxaa ka horeeyey kulan hore usoo dhex maray Sacad Ermege iyo Kalafow Seeme Biimaal, oo Ood wadaag ka ahaa arin kasta.
Waxay isku soo raaceen in Kalafow uu gooni u istaag uu sameeyo uu ka duu duubto dhaqankii iyo qaaraankii uu la wadaagi jiray Sacad (reer Ugaas) islamarkaana uu ahaado Beel ka mid ah beelaha Biimaal sida afarta Ermege iyo Adeerka oo Dabruube ah oo hada ay ka dhigaan shan Biimaal iyo adeerkood.
Shirarkii ay yeesheen oo ay isku soo afgarteen in loo kala qaado howlahooda ayaa is afgarashadooda waxaa qeyb ka ahaa in kulan weyn loo qabto Biimaal si loo ogeyssiiyo natiijooyinka kulamadii hore usoo baxay, loona weydiisto Ogolaasho la mid ah tan laga helay Sacad oo horey ay ugu mideysneyd Kalafow.
Shirka ayaa marka hore waxa daah furay mid ka mid ah Culimada Kalafow ee Gogosha fadisay, waxaana warbixin uu ka dhiibay shirarkii hore u dhacay iyo natiijooyinkii laga gaaray iyo halka maanta uu joogo, waxaa ka daba hadlay Odayaal matalayey Sacad Ermege oo shirka ka sheegay in Kalafow Seemee Biimaal uu xor u yahay rabaanshihiisa ayna soo dhaweeyeen hadii ay yihiin Beesha reer Ugaas ee Sacad, ayna ku gowracanyihiin go’aanka uu Biimaal-weyne ka qaato.
Waxa ugu dambeyn lasoo jeediyey in Biimaal oo alla uu ka dhigay qowmiyad jirta oo xilliyadii hore loo soo maray jufooyinka iyo beelaha ay noqdeen kuwo isku darsaday dhistooda iyo adeegyadooda si ay uga gudbaan waqtiga markaasi culeyska badnaa, ay hada xaq u leeyhiin in Ood wadaagooda ay kala qaataan.
Beesha Kalafow oo meesha ka saartay hadaladii hore u jiray sida afar Biimaal iyo adeerkood oo hada ka dhigtay Shan Biimaal iyo adeerkood ayaa Nabadoon u dooratay Cabdow Shacabdi Bood Makaay oo ah Odey dhalinyaro oo wax badan fahamsan.
No comments:
Post a Comment