June 14, 2014
Arinta micnaha weyn sameyneyso ayaa ah in saraakiisha aan
magacyadooda idiin soo gudbineyno ay ku dagaalamayaan hubka iyo
gaadiidka loogu deeqay Somalia si hubkaasi dalka cadow looga difaaco.
Sidoo kale Saraakishan iyo ciidamada ay madaxa u yihiin waxay mushaar
ahaan u qaataan lacago deeq ahaan loo siiyey Somalia. Waa kuwan
magacyada Saraakiisha iyo Guutooyinka ku lugta leh dagaalada Sh/hoose:
Guutada 5aad: Guutadan waxaa taliye u ah Xasan Dheere, waxaa hoos
yimaado taliyeyaal urur oo dagaalada si toos uga qayb qaadanayey, waxay
kala yihiin taliyeyaashaasi:
1- Axmed Cabdulle Absuge, waa taliye Abgaal/Hawiye, wuxuu ka howl galaa aagga Jannaale ilaa Qoryooley.
2- C/laahi Hurdaaye, Waa taliye u dhashay Abgaal/Hawiye, wuu ka howl galaa Afgooye, Awdheegle ilaa tuulada Muuri.
3- C/qaadir Nuur Xasan, Waa taliye u dhashay Xawaadle/Hawiye,
maleeshiyaadka uu taliyaha u yahay si toos ayey uga qayb qaateen
dagaalka.
Guutada 3aad : Guutadan waxaa taliye u ah GOOBAALE oo ka soo jeedo
Habargidir, ma la yaqaano meelaha ay ka howlgasho, waa mooryaan
isbaarooley ah, waxaa hoos yimaado horjoogeyaal fara badan una howl gala
sida taliyeyaal urur, waxaana ka xusi karnaa:
1- Liibaan Madaxey – waa Habargidir
2- Nuur Jiido – waa Habargidir
3- Bashiir Madoobe – waa Habargidir
Ciidamada deegaanka hal sano gudaheeda waxay dhowr jeer dharbaaxsho
kulul ku dhufteen mooryaanta guutada 3aad ee uu GOOBAALE hogaamiyo,
kadib markii uu soo noqnoqday jabka soo gaarayo maleeshiyaadka
Habargidir ee ku mideysan guutada 3aad ayaa waxaa dagaalka ku soo biiray
guutada 5aad si ay u caawiyaan maleeshiyaadka Habargidir oo ay ka
dhexeyso haybta Hawiye iyo dhulbalaarsi.
Waxaa xusid mudan in dhammaan guutooyinka 3aad iyo 5aad ay hoos
tagaan taliska qaybta 12aad ee uu taliye qayb u yahay Maxamuud Qaafow oo
isagana Abgaal ah.
info@markacadey.com
info@markacadey.com
Source Markacadey.com
No comments:
Post a Comment