Pages

Friday, September 10, 2010

SALDAANADA SAMAROON SACIID GADABUURSI --- SALDANAD GURGURE TARIIKH

Barashada Taariikhda(Sooyalka ) Samaroon waa lama Huraan (By Dhiirane)

July 26 - (alnuur)-Warsanmag-Umadaha aduunkan ku nooli waxay leeyihin Tariikh ay ku faanaan oo ay

ku soo dhaqmeen.Waxay taariikhdaasi iyo soyaalkasi ka bilaabma Qoyska,ka dibna Qoomiyad ama Gobol

ayuu u gudbaa waxana uu sii gudbaa qaran Sida qaranka Somalida ilaa iyo qaarad sida qaaradda

Afrika.Umadda Somaliyed waxay wadagtaa taariikh ay ku wada faanaan oo oo gees ilaa gees laga tix

galiyo wadankeena.Meelaha Taariikhdaas ay ceegaagto waxa ka mid ah Gobolka Awdal oo ah meelaha ugu

qanisan tariikhdeena. Caasimadda Saylac waxay ahayd qarniyaal xudunta soyaaalkeenna B.C Ciise ka

hor ilaa bilowgii xadaaradda Islamka.

Beelaha Samaroon waxay nasiib u helen in degaankoodu uu noqdo Awdal iyo Caasimadda Saylac taasoo u

suurta galisay inay helaan Xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn.Waxa beelaha Samaroon u suuragashay

iyagoo degaankaa ilaahay ku abuuray ee Ilbaxnimada qaniga leh inay samaystaan hogaan iyo maamul u

adeega danahooda.Qarnigii 10 naad waxa ay doorteen Ugas Cali makahiil dheere inuu noqdo

Ugaaskoodii ugu horeeyey.

Qodobadan waxay ka mid ahaayeen xeerarkii Gadabuursigu samaysteen

1. Waxay go’aamiyeen oo isla waafaqeen dhamaantood inuu ahaado Ugaaska Gadabuursiga noqdo Ugaas

Cali. Sidaas ayuuna ku noqday Ugaaskii ugu horayay ee loo doortay madaxnimada. Ayna ahaato

boqornimadaasi tu ku kooban reerka uu ka dhashay Ugaas Cali oo kaliya. Hadduu Ugaasku geeriyoodo

in uu Ugaasnimada uu ka dhaxlo wiilkiisa ugu wayn, ayna u kala qaataan boqornimada siday u kala

wayn yihiin, haddii wax murani ka yimaado marka caleen saarka waxaa la soo dhex dhigayaa boqolka

oday ee la taliya Ugaaska oo go’aan ka gaadhi jiray.

2. Waxa Ugaaska la talin jiray boqol oday oo Gadabuursiga laga soo dhex doorto. Boqolka oday waxaa

laga sii dhex dooran jiray afar oday oo Ugaaska mar walba la jooga, waxaana lagu magacoodu wax uu

ahaa afartaa oday Afarta Dhadhaar.

3. Xukunka ama maamuku waxa uu ahaa mid laga wada tashado oo (Shuuro) ah. Marka arrin timaado

Ugaaska iyo boqolka oday ayaa fadhiisan jiray si ay u xeeraan arrinka marka jira, haddii uu

arrintu noqoto mid aan wali hore loo arag waa Ugub arrinku bay odhan jireen. Haddii arrintu noqoto

mid hore loo soo arkay oo xeer ka xeer ka yaalo waxay odhan jireen arrintu waa Curad. Wixii ugub

ah xeer cusub bay ka soo sari jireen. Amuur hore loo arkay haddii yahay arrinku waxaa la raacayaa

xeerkii ka jiray.

4. Marka ay timaado in la caleemo saaro Ugaaska marka hore waa in boqolka oday ansixiyaan, ka dib

waxaa la iskugu yeedhi jiray raga madaxda ka ah beesha Gadabuursi oo ka kala yimaada jililb kaste

oo Gadabuursi, taas waxay ahayd in loo dhanaado caleemo saarkaa marka taagan.

5. Maalinta la caleemo saarayo Ugaaska oo ahayd xaflada ugu wayn waxaa loo agaasimi jiray sida,

waxaa Ugaaska la gayn jiray ceelka la yidhaahdo BAGI. Marka lagu sii wado Ugaaska ceelkaas waxa uu

sii fuulaa faras cad, waxaana sii galbin jiray Ugaasku isagoo dhexda ugu jiro 50 farda fuul oo

dhlinyara ah oo fardahoogii wata lagana soo xulay inta jilib ee uu ka kooban yahay Gadabuusigu.

Dhalinyaradaasi waxay ku labisan jireen laba go’ oo cad cad iyo waran gaashaan. Ceelkaa waxaa ku

samaysan dhegax cad oo wayn. Dhagaxaa ayuu Ugaasku ku dul fadhiistaa uu ku maydhan jiray. Marka uu

maydho waxaa Ugaasku ku labisan jiray laba go’ oo cadcad oo cusub.

Marka Ugaaska laga soo celiyo ceelka waxaa la keeni jiray guri si fiican loo daleeyay oo la dhisay

intuu uu ku maqnaa ceelka Bagi. Waxaa meesha ku sugi jiray Gadabuusi aad u fara badan. Ugaasku wax

uu fadhiistaa ardaaga gurigaa. Seddex gabdhood ayaa soo hor dhigi jiray seddex gorof oo ay ku kala

jiraan caano lo’aad, caano geel, iyo caano adhi. Ugaasku isagoon garanayn caanaha ku kala jira

gorofyadaa ayuu mid inta uu qaado ayuu kabadaa, Gadabuursi goobta joogay ayaa hugun iyo mashxarad

isku dari jiray. Waxay ay rumaysnaayeen caanaha uu hor kabaday Ugaasku in ay xoolahoogu noqon

doonaan ku tarma.

Laga bilaabo sacaada waxaa guriga agagaarkiisa lagu qaban jiray wax lagu magaacabo Tumasho oo

iskugu jira cayaaro, farada ku ciyaar, waxay na socon jirtay cayaartaa iyo dabaal dagaasi muddo

todoba cisho ah.

6. Waxaa kale oo xeer ahayd in qabiilooyinka aan jaarka nahay ee inagu meersan in lagu la dhaqmo

nabad, lagu na dadaalo nabadayn haddii uu khilaaf yimaado oon dagaal lagu dagdagin.

7. Xukunka xagga diyada in la raaco sida Shareecada Isaamku dhigayso.

8. Umuuraha guurka,furiinka, iyo dhaxalka in la raaco sida ay tidhi Shareecadu dhigaysaa.

9. Waxaa kale oo xeer ahayd (Gadabuursi waa beel ee ma ah bah) taas waxay sheegaysaa in

Gadabuursigu siman yahay oo laga fogaado qabyaalada Gadbuursiga dhexdiisa. Waxaa ka marag kacaya

xeerka marka Gadabuusigu uu ciyaarayo ciyartiisii GUCUSTA labada kooxood ee wada ciyaaraya waxay

la kala bixi jireen magacyo ka fog qabiil. Magacyada ay la bixi jireen waxaa kala ahaayeen Agoon

iyo Abooleh, Dacar joog iyo Dhagax joog, Cankaable iyo Quude, Doob iyo Goobaale.

10. Waxaa jiray lix Oday oo Xeerbeegti ah, oo xeerka Gadabuursiga aad u yaqaana hayayna xeerarka

marka la dajiyo. Wixii xeer ah ee la isku qabto ama lagu murmo lixdaa oday ayaa loo gayn jiray

arrinka taagan. Waxay sheegi jireen waxii xeer ah ee ka yaala dhacdadaa iyada ah. Ragaasi waxay

aad ugu dadaali jireen xaga Deedifada ama (Difaaca).

Barashada Tariikhda Ugaasyadeenna.

Dhalanka waxa lagu abiibiyaa barashada Tariikhdooda waxana loogu soo gudbiya siyabo kala

duwan.Waalidka iyo da,da kaa wayn ayaa qayb ka qadata gudbinta taariikhdaas.laakiin qaadashadeeda

iyo kaydinteda waa lagu kala fiicanyahay.Waxa jira dad aad u xiiseeya taariikdooda isla markana

isku daya inay wax ku kordhiyaan amaba xil iska saara inay sii gudbiyaan.Runtii anigu waxan

taariikhda iyo xadaaradda Samaroon bartay oo aan xiiseeyey anoo yar oo dhigta dugsiga hoose.Ilaa

iyo imika o aan DA,ahayna weli xiiso badan baan u hayaa Tariikhdeena iyo inaan u gudbiyo jiilka

iga yar.Waxan ahaa qiyaastii 10 jir markii aan ogaaday in Samaroon Boqor lahaa ama ugaas.Waxay

ahayd J/Horato oo aan sanadkii u dambeeyey ee dugsiga hoose aan ku qaatay ka dib markaan ka soo

bedeshay dugsiga hoose ee Dila.J/Horato waxa weeye magalo qadiim ah oo dhismaheedu ka horeeyey

Borama.Waxa kaloo ku yaala J/Horato iyo cadacad athaar qadiim oo isku jirta dhismayaal qadiim ah

,Biyo xidheeno iyo talayooyin.

Waxa haddaba wakhtigaas aan ku jiray dugsiga hose e J/Horato aan ku ciyaari jiray Geed weyn oo loo

yaqaanay Geedkii Cilmi Dheere oo lagu Boqray Ugaas Cilmi.Geedkasi waxa uu ahaa Geed weyn oo

odayaashu ay hoostiisa ku shiri jireen oo ay garta iyo talooyinkaba ku goyn jiren.Qasaskii an ku

qaatay kutubta carabiga dugsiga hoose waxa ku jiray qisaskii Boqorka iyo Ibnu waas.Geedkaa Boqorka

ee lagu boqray Ugaas cilmi ee aan yaraantii ku ciyaari jiray J/Horato waxan ku ogaaday inan boqor

lahaa sidaa aduunka kale.Markii aan woxooga koray waxan ogaaday inay J/Horato ahayd halkii ay

Degmada Borama ka timid.Faarax Timajilic oo ahaa Gabayaa ayaa wufuudda xukuumadda somaliyeed ku

soo dhaweyn jiray gabayo taariikh ah oo ka waramaya J/Horato iyo boqortooyadii Ugaas Cimli.Dauud

Camir oo ah gabayaa Caan ah oo reer Dila ah oo tiriyey gabaygii caanka ee Cabdi/Tolwaa 1991 aya

gabay baroor diiq ah u diraya geeridii Faarax Tima Jilic.ayaa wax uu yidhi: "Cabsiiye iyo Faarax

baad Caliyow weydeene cidlan ka joogtaan maansadii cudada weyneyd eh".Faarax Tima jilic waxa uu i

fka kaga tagay Hal gabadh oo kaliya o u dhaxday Sh Cabdiraxman Warfaa(Aden Yoonis)

Cali Gabal waa jilib reer nuur ah o ay labada nin ka soo jeedaan, Cabsiiye waxa uu awow u yahay

Ibrahim Cabsiiye ARDAA President.Cabsiiye(Abanduule) oo geraar ku baraarujinaya Ducaale

(Abaanduule) oo jufada Jooga ayaa waxa uu yidhi" Ma Ragii ina dagay ee Ina Dawlad Wareejay ee

Dumarkeenii Dumaasha ka yeelay ayaa Dekanahoodii la sheegay oo Ducaaloy Hurudaa"

Waxa uu Cabsiiye ka hadlayaa Col ciise oo xeebta ku dagay reero u qululay oo ku dilay haldoor reer

Nuur ah.ka dib Ducaale iyo Cabsiiye Farsahodii ayey Heenseeyeen colna way hor kaceen .ka dib

Colkii Rer nuur ciise way ka argoosteen .

Ducaale Waxa uu dhalay Cabdilaahi Ducaale oo aha duqeydii Reer nuur ee Jabouti.Cabdilaahi Ducaale

oo hawl gab ka galay shaqadiisii(Retirment) waxa uu ku shaqeysan jiray baabuur xamuul ah o ubaxa

Borama-Jabouti markii dagaalkii Sokeeye bilaabmay 1988,waxa Xaaji Cabdillaahi baabuurkisii ku

Bedeshay BEEBE Technico,waxanau difaac ka galay Jufada sadex sano ka dibna waxa dilay Xaajiga SNM

1990 Jufada isagoo ku jira difaac.Cabdilaahi Ducale waxa ka hadhay rag dowr ah sida Qarboote,

Suleyman iyo alaayraxama Col.Miyir.

1982 ayaan Hargeysa imid anoo kasoo qalinjabiyey Kuliyadda Lafoole.Waxan ku takhasusay Cilmiga

Tariikhda(History Major).Waxan buugaygii qalinjabinta/Lafoole ka qoray Tariikh nololeedkii Muse

Rabiile Good (alayarxama)Biography.Waxa aad iila weynaa bal inan qof magac leh oo Samaroon ah aan

wax ka qoro waxna ka barto.waxanan aad u xiiseeyey inuu Muse Rabiile lixdankii ahaa ragii

doorashada galay ee israacii koonfur iyo Woqooyi Cigaal la Socday.Kadibna laga Reebay golihii

barlamankii Somaliyeed da, yaraan awgeed.

Arintaas markii ay ku dhacdayna ku guuleystay inuu ka qayb galo Saraakiil ciidamada oo loo Diray

Ingiriiska.halkaas oo 3 sano ka dib uu soo dhamaystay Tababar uu ku qaatay Kuliyadda Ciidamada ee

(Sandhurst Military Academy UK).Ugu dambayntiina 1969 kii inqilaabkii Ciidamada ka mid noqday

Golahihii Sare ee Kacaanka.

Waxan Muse Rabiile u sheegay markan siiyey koobi ka mid buugii Tariikh nololeedkiisi inan doonayo

inan tago woqooyi ilaa Jabouti oo aan qoro buug ku saabsan Tariikhda Awdal.Wuu igu dhiiriyey

taladaas waxanu ii qoray isagoo ahaa wasiirka Madaxtooyada waraaq cidii arinkaasi khuseeyo aan ula

tago karo oo official ah.Waxa kaloo si joogto iigu dhiiri galin jiray qoraalka iyo ururinta

tariihdaas Awdal Jamac Guray Nour(Jamac Dookh).

Waxan Hargeysa kula kulmay Duqey Samaroon ah iyo saraakiil xukuumadda ka tirsan oo aad isoo

dhaweeyey.Waxan aad u xasuustaa kaalmadoodii Maxamed Cabdi dhinbiil (Galbeedi)

Cumar shardi Buuni ,Suleyman Habane Cambalaash,Xaaji I braahim Nour,(Alaayrxama dhamantood) iyo

Maxmed Abdilaahi X.Obsiye.

Waxan Wareysigi u horeeyey la yeeshay Xaji Ibraahim Nour jamac Hargeysa .Wareysigii ku xigay waxan

la yeeshay Caaqil Ismaciil Xaaji Obsiiye oo ka yimid J/Horato oo joogay gurigii Mohamed Obsiiye ee

HARGEYSA.

Caaqil Ismacil Xaaji Obsiye oo 103 Jr ah waxa uu aad igaga Waramay Asaaskii Degmada J/Horato,

sidii loogu guuray Boorama/Beeraha qodashadoodii,Qabsashadii xabashada ee J/horato 1911,Iyo

Caleemo Saarkii Ugaas Cilmi Warfa ee J/horato 1917.

La soco qeybaha kale ee so socda .Wax badan ayaad ka baran doontaa.

Mohamed Dirane



--------------------------------------------------------------------------------


Comments

--------------------------------------------------------------------------------
Mustafe Xaaji Abdi Askar Ducaale

10-07-27 06:51:15
Marka hore salaan qaaliya oo ah mida umadaha islamku isku salaam sck . halkan waxaan jeclaystay

inaan waxooga yar ka jawaab celiyo qoraal u mohamed dhirane ku qoray webside kan alnuur, horta aad

iyaad u mahadsan tahay yariikhdan wanagsam eed halka kaga hadashay waana wax loo bahan yahay taasi

. lakin cami waxan jeclaa inay intaasi kasii badato warbixinto waayo wax lasoo koobi karayo maaha

, duacaale baladoon wuxuu aha aniga awowgay , rag aad u badan oo tafirtiisa ah iyaa hada jooga 3

nin umbaad ka sheegtay, mida kale cami col miyir wagtima iyu dhintay waayo ala yarxama iyaad

raacisay anigu nolol iyaan ku oga isago jooga markii u dambaysay cariga sweden .thamks mister

dhirane , aad iyaan idin wada salaamaya bahda alnuur oo dhan . salaam clk
MAXAAD KA OGTAHAY TAARIIQDA QOOMIYADA CAWS-LAFIL ( DIR ) by abroone

HORDHAC : qoomiyada caws-lafil ( dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda

fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka

soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid

qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka

saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;
waxaanu qaybtaan maanta ku soo qaadanaynaa qabiilka Gurgure Dir

Tan iyointii u dhaxaysay Qarnigii 10 aad ilaa Qarnigii 11aad waxaa isa soo tarayay colaadaha iyo

dagaalada ee u dhaxayay qabaa'ilada Direed iyo Amhara . dagaaladaas oo ku saleysanaa laba qaab mid

diineed iyo mid dhuleed oo ay markaas Amhara ku doonaysay in ay ku dhul ballaarsato iyo iyadoo

markaas ugu jirtey in ay soo ceshadaan dhulkii la isku odhan jirey A bisiiniya ,, Balse sida

lawada ogsoonyahay waxa jireyd sadex saldanadood oo ah saladanadaha ugu caanasanaa ee markaas ka

jireyd bariga iyo bartamaha Ethiopia' waxeyna kala ahaayeen ( 1) AWFAT' waxaana deganaa Gurgure

Dir waxeyna ku aadaneyd Halka uu maanta Gurgure Dir daganyahay Sida Awaash , Bardoode, Mataahara

Ilaa Erer, Hadaba sida uu ( Ibnu saciid 1214-74 ) ku sheegay in ay aheyd saladanada Gurgure Dir

mid Horumarsan oo ka Duwaneyd dhamaan saladanadihii markaas ku wareegsana Awfat waxaana kamid ahaa

Degmooyinka saladanada Awfaat 'cabdille oo ay Daganaayeen Jilibka cabdille ee ( Kundhibe ) '

Gurrale oo ayana ay daganaayeen ( Reer Wali Asmac ) Waa Reerka dhaxalka Boqortooyada Gurgure Dir u

lahaa Naaneysata loo Yaqaanana waxay ahayd ( Gufaatiile ) Waxaana Jirta Maahmaaah Waqtiyadaas loo

Baxshey Reer Wali Asmac ( Guffi iyo Gufaatiile Midna Yey Habeen Kuu Gabban ) oo waxey ahaayeen

kuwa Maamulkoodu iyi sidaayasdoodu ay aad u darneyd...sidoo kale waxaa kamidaa magaalooyinka ay

daganaayeen Gurgure Dir ' Seenja Oo Loo Malaynayo Iyana in ay Daganaayeen Jilibka ( Saanjeele

Waxaa kaloo Kamida deegaanada Gurgure Dir Garba luki iyo Garba cadeey

Waxey ahaayeen Jilibyada Gurgure ilaa 12 Dab kuwaasoo u kala kaca ,jilibka warjeex oo kamid ahaa

jilibyada (liibaane) ayna wada dhasheen (saanjeex ) oo Saanjeele ah ayaa waxa uu Daganaa aagga

Manze ee W / Shawa ..Hadaba abbaarihii 1128 aya awaxa ka dhax qarxey Dagaalkii ugu horeeyey ee

dhax mara Gurgure iyo Amhara dagaalku waxuu ahaa mid labada Dhinacba mid Cudud iyo Cataadba leh..

Mid Qaatey Bilooyin la' isaga soo Qeyla dhaansadey meel walba waxaase Warjeex' ku waheliyey laba

Jilib oo Gurgure Dir ooy kala Ahayeen ( Gacal ) oon u Haysano 'Gacalwaaq inuu ahaa iyo Nibidoor'

oo asna aaggaas deganaa ..Dagaalkaasi Libintiis waxaa lahaa gurgure ,,, waxaana Horkacaayey Garaad

Cabdille,,,Hadaba Saanjeele oo ahaa kan ugu deegaaan shisheeyo Gurgure Dir waqtigaaas ayaaa waxa

uu Billaabey in uu aaaggiisa xoojiyo ..waxeyna Gargaarka ka heli jireen Xukuumaddii (Awfat) ka

dhisneyd ee markaas Gurgure ku mideysnaaa Awfat, Taariikhda gurgure waa mid Buux dhaafisey Buugaan

aad u fara badan iyo Taariikhda Direedba ...waxey aheyd Barta ay DIR ta Walaalaha ay ku

Walaaloobeyn meesha la Yidhaahdo ( walaalaha ) oo 50 mayl WB ka Xigta Addis Ababa Waana Halka ay

Dagaalka Ballan ku Galeen kuna Walaaloobeen:

Ku dhawaad Sanado Badan kadib ayaa waxa soo kala Dhexgalay khilaaaf Saladanada Awfat khilaafkaas

oo ahaa mid ku Saleysan Maamulka Saladanada Awfat iyo Cidda Dhaxaltooyada u leh ( Wali Asmac ) oo

ahaa Reerka Boqortooyada Gurgure Dir uleh ayaa Markaas Hayey Saladanda Awfat waxeyna ahaayeen kuwa

Markaas Aagga Awfat iyo Intiisa kale looga Yaqiin Magaca ( Wali asmac _ Iyo Reer Wali Awbarre) Iyo

Magaca 'Gufaatiile' Taasoo ugu baxeday Goob Dagaal Waa Sida Rag Al Maqriizi ay kamid Yihiin ay

Qoreene... waxaana Qoraa kale oo uu ka mid yahay sida ( Ibnu saciid ay Aaggaas ku Sheegeen Jilibka

( Kole ) Oon u Haysano in ay Ahaayeen Jilbka Reer Kore ee Biciidaha''' Intaa kadib isla waqtigaas

ayaa waxa soo kala dhaxgaley khilaaaf Maamulkii Reer Wali Waxaana so Fara Galiyey Cumer' Sidii uu

wax uga Qaban lahaa inta uu khilaafkaasi kor isu Shareerin markay Taasi dhacdey ( Dul_Marax ) oo

Xukunka Shawa Hayey Qabeyna Gabadh ( Duriyada Reer Wali ) waa Reer Awbarre ayaa la soo Wariyey in

uuu Xadhiidh Qarsoodiya la Yeeshay Boqorkii Xabashida, Waxaana Markaaas Dusha loo Saaraey Eedeymo

ka Dhan ah Maamulkii uu Hayay Taasoo ah Khayaaano Qaran iyo mid Diimeed,, Muddo Kolkii Ay Kasoo

Wareegtay Ayaa waxaa Lagu Qabtey Waa Cumare Dagaal uu Abbaanduule ka ahaa Halkaasaana lagu Diley

uuna ku Geeriyoodey ,,Xiligaas ayaa Waxaa La Bilaabay in Dhaqanka Gurgure Dir la Adkeeyo oo Reerka

Boqorka Xeer Gooniyaa loo Dhigo Gabdhaha Reer Boqorna aan loo Dhisin Cidii ka Baxsan Maamaulka

Reer Boqor.. Taasaina Waxey Keentay in Dagaal Hor leh ay Cumar iyo Wiilkiisii Cali ay ku Qaadaan

Amiiradii Reer Makhzuum ee Saladana Shawa Ayagooo Dhawraya Sumacada Boqortooyada Gurgure Dir

waxeyna ka Takahluseen Dhamaan aaamiradii Reer Makhzuum oo ay Laayeen 1285eeg ( Huntigford 1965

;55.109,9 ):

Hadaba Kadib Markii Labada Walaalo ( Cumer iyo Cali ) ay Guluf ku Qaadeen Saladanada Shawa ayaa

Misna waxa Bilawdey Dagaalo Aad u Culus in Ay Ka Dhax-Qarxaan Saladanada Gurgure Dir ee Awfat' iyo

Amaxaaro Waqtigaas waxaa Caynaanka u Hayey Gurgure Dir Suldaaan Xaqqudiin oo ahaa SAuldaanka 14-

aad ee Beesha Sanadkuna waxuu ahaa '1321' Kadib Taariikhda Dhalasaha Nabi Ciise' Waxaana Mudda Yar

uun kadib Hadana Hogaaanka Beesha Gurgure Dir u Qabtey oo la Caleemo Saartey Suldaaan Sabrudiin

Waxaana Dhacey Mudadaii la Caleemo Saarey Suldaan Sabrudiin Ka Dib Dagaalkii ugu Darnaa ee

Dhaxmara Gurgure iyo Gaalada,, Dagaalkuna waxuu Socdeyd Bilooyin Wuxuuna Doonayay Suldaan

Sabrudiin in uu ku Qaado Weeraro Lagu Cidhib-Tirayo Gaalada ,,,Waxuuna Ahaa suldaankii 15-aad ee

Saladanada Awfat Hadaba waxaa Haleeshey Suldaan Sabrudiin Awood Yari Taasoo U Keenatey in uu Ka

Gurto Ciidamadiisa Gabi-ahaan Goobihii Difaaca Hore ee Saladana Awfat, Waxaa Gaaalada Horkacayey

Dagaalkaas ( Camdu Siyoon ) Wuxuuna ka soo Hooyey Guula Lataaban karo oo Muhiim ah Ayna Kamid

Ahaayeen in uu W/Shawa Gacanta Kudhigo Nasiib Daro Waxaa Soo Shaac Baxdey Waqtigaas oo la isla

Dhaxmaraayey in Camdu Siyuun uu Ka Taageerey ( Jamaaludiin ) Sidii uu ula Wareegi lahaa Maamulka

Awfat,,,, Jamaaludiin oo asagu ahaa Boqorka 16-aad ee Soo Mara Jamaahiirta Gurgure Dir Balse waxey

Isku Maan-dhaafeen Jamaaludiin iyo Camdu-Siyoon Waxyaabo Qaarkood oo Tanaasulaad ah Waana uu Ku

Gacmo-Saydhay Talooyinkii Markaa uu Wateyd Camdu-Siyoon Hadaba Wuxuu Kolkii Danbe la Heshiiyey

Nasrudiin oo Walaakood ahaa in uu Boqro Balse Mujtamaca Gurgure Ma uusan Aamin-saneyn Boqortooyada

uu Iskii U Xulayo Camdu-Siyoon eeg ( Tamrat1972; 125 .8.5),,
Lasoco Qaybaha xiga ee Taariiqda Qoomiyada Caws-lafil ( Dir )

Waxaa Soo Diyaarshay Suxufi Abroone
AGOON FOQAL AGOON says:
September 11, 2010 at 4:44 am Beesha GURGURE oo Taageeradoodii Kusoo Shubtey Kulmiye & Suldaanka

Guud ee Beesha oo Hadalo Taariikhiya Ku Dhiibtey
Heestii Hambalyo iyo Fanaankii Weynaa ee Caanka ahaa Sir Maxamud Cumar

Text Size
Increase | Decrease | Normal

Hargeysa, (sli) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay galab xaflad soo dhaweyn ah u

sameeyey beesha GURGURE oo ka mid ah beelaha degan Somaliland oo sheegay inay taageeradoodii iyo

cududoodiiba, si miisaan leh ugu biiriyeen xisbiga Kulmiye.

Xafladan oo ahayd mid si aad u heersaraysa loo soo abaabulay, isla markaana lagu qabtay Hotel

Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga

KULMIYE, oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md C/raxmaan C/qaadir,

Guddoomiyaha ololaha gobolada galbeedka ee xisbigaas, xoghayaha guud ee xisbiga, Xildhibaan

Nacnac, Xildhibaan Kijaandho iyo odayaal, dhalinyaro, aqoonyahano iyo haween ka mid ah beesha

GURGURE ee iyagu sheegay inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbigan si uu ugu guuleysto doorashada

madextooyada,

waxa ugu horayn madasha ka hadlay Suldaanka guud ee beesha Gurgure Suldaan Axmed Sh. Muxumed X.

Ibraahin waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ waxaanu nahay beesha qudha ee raacday halgankii

beelaha ku abtirsada SNM, waxaanay beeshu ka soo horjeedsatay damacii Siyaad Barre ee ahaa in uu

beesha hubeeyo si ay ula dagaalanto SNM taasina way noo cuntami wayday in aanu dadkan aanu

walaalaha nahay ee aanu wada dhalanay in aanu wax ku lidi ah la nimaadno, horta beeshu waa ta sida

yeeshey wakhtigii halganka.

Hadaba hadaynu ka hadalno ta maanta beeshu waxay garatay iney codkeeda ku taageerto xisbiga

KULMIYE, laakiin waxaan leeyahay hadaad KULMIYE tihiin ha balan qaadina sida Rayaale wax aydaan

qabanayn, Nafna Ilaahay kumuu kalifin wax ayna fulin Karin, markaa ha balan qaadina wax aydaan

fulin Karin”.Ayuu Yidhi Suldaan Axmed Sheekh Muxumed Ibraahim,Suladaanka Guud ee beesha Gur-gure.
AGOON FOQAL AGOON says:
September 11, 2010 at 4:57 am MAXAAD KA OGTAHAY TAARIIQDA QOOMIYADA CAWS-LAFIL ( DIR ) by abroone

HORDHAC : qoomiyada caws-lafil ( dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda

fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka

soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid

qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka

saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;
waxaanu qaybtaan maanta ku soo qaadanaynaa qabiilka Gurgure Dir

Tan iyointii u dhaxaysay Qarnigii 10 aad ilaa Qarnigii 11aad waxaa isa soo tarayay colaadaha iyo

dagaalada ee u dhaxayay qabaa’ilada Direed iyo Amhara . dagaaladaas oo ku saleysanaa laba qaab mid

diineed iyo mid dhuleed oo ay markaas Amhara ku doonaysay in ay ku dhul ballaarsato iyo iyadoo

markaas ugu jirtey in ay soo ceshadaan dhulkii la isku odhan jirey A bisiiniya ,, Balse sida

lawada ogsoonyahay waxa jireyd sadex saldanadood oo ah saladanadaha ugu caanasanaa ee markaas ka

jireyd bariga iyo bartamaha Ethiopia’ waxeyna kala ahaayeen ( 1) AWFAT’ waxaana deganaa Gurgure

Dir waxeyna ku aadaneyd Halka uu maanta Gurgure Dir daganyahay Sida Awaash , Bardoode, Mataahara

Ilaa Erer, Hadaba sida uu ( Ibnu saciid 1214-74 ) ku sheegay in ay aheyd saladanada Gurgure Dir

mid Horumarsan oo ka Duwaneyd dhamaan saladanadihii markaas ku wareegsana Awfat waxaana kamid ahaa

Degmooyinka saladanada Awfaat ‘cabdille oo ay Daganaayeen Jilibka cabdille ee ( Kundhibe ) ‘

Gurrale oo ayana ay daganaayeen ( Reer Wali Asmac ) Waa Reerka dhaxalka Boqortooyada Gurgure Dir u

lahaa Naaneysata loo Yaqaanana waxay ahayd ( Gufaatiile ) Waxaana Jirta Maahmaaah Waqtiyadaas loo

Baxshey Reer Wali Asmac ( Guffi iyo Gufaatiile Midna Yey Habeen Kuu Gabban ) oo waxey ahaayeen

kuwa Maamulkoodu iyi sidaayasdoodu ay aad u darneyd…sidoo kale waxaa kamidaa magaalooyinka ay

daganaayeen Gurgure Dir ‘ Seenja Oo Loo Malaynayo Iyana in ay Daganaayeen Jilibka ( Saanjeele

Waxaa kaloo Kamida deegaanada Gurgure Dir Garba luki iyo Garba cadeey

Waxey ahaayeen Jilibyada Gurgure ilaa 12 Dab kuwaasoo u kala kaca ,jilibka warjeex oo kamid ahaa

jilibyada (liibaane) ayna wada dhasheen (saanjeex ) oo Saanjeele ah ayaa waxa uu Daganaa aagga

Manze ee W / Shawa ..Hadaba abbaarihii 1128 aya awaxa ka dhax qarxey Dagaalkii ugu horeeyey ee

dhax mara Gurgure iyo Amhara dagaalku waxuu ahaa mid labada Dhinacba mid Cudud iyo Cataadba leh..

Mid Qaatey Bilooyin la’ isaga soo Qeyla dhaansadey meel walba waxaase Warjeex’ ku waheliyey laba

Jilib oo Gurgure Dir ooy kala Ahayeen ( Gacal ) oon u Haysano ‘Gacalwaaq inuu ahaa iyo Nibidoor’

oo asna aaggaas deganaa ..Dagaalkaasi Libintiis waxaa lahaa gurgure ,,, waxaana Horkacaayey Garaad

Cabdille,,,Hadaba Saanjeele oo ahaa kan ugu deegaaan shisheeyo Gurgure Dir waqtigaaas ayaaa waxa

uu Billaabey in uu aaaggiisa xoojiyo ..waxeyna Gargaarka ka heli jireen Xukuumaddii (Awfat) ka

dhisneyd ee markaas Gurgure ku mideysnaaa Awfat, Taariikhda gurgure waa mid Buux dhaafisey Buugaan

aad u fara badan iyo Taariikhda Direedba …waxey aheyd Barta ay DIR ta Walaalaha ay ku Walaaloobeyn

meesha la Yidhaahdo ( walaalaha ) oo 50 mayl WB ka Xigta Addis Ababa Waana Halka ay Dagaalka

Ballan ku Galeen kuna Walaaloobeen:

Ku dhawaad Sanado Badan kadib ayaa waxa soo kala Dhexgalay khilaaaf Saladanada Awfat khilaafkaas

oo ahaa mid ku Saleysan Maamulka Saladanada Awfat iyo Cidda Dhaxaltooyada u leh ( Wali Asmac ) oo

ahaa Reerka Boqortooyada Gurgure Dir uleh ayaa Markaas Hayey Saladanda Awfat waxeyna ahaayeen kuwa

Markaas Aagga Awfat iyo Intiisa kale looga Yaqiin Magaca ( Wali asmac _ Iyo Reer Wali Awbarre) Iyo

Magaca ‘Gufaatiile’ Taasoo ugu baxeday Goob Dagaal Waa Sida Rag Al Maqriizi ay kamid Yihiin ay

Qoreene… waxaana Qoraa kale oo uu ka mid yahay sida ( Ibnu saciid ay Aaggaas ku Sheegeen Jilibka (

Kole ) Oon u Haysano in ay Ahaayeen Jilbka Reer Kore ee Biciidaha”’ Intaa kadib isla waqtigaas

ayaa waxa soo kala dhaxgaley khilaaaf Maamulkii Reer Wali Waxaana so Fara Galiyey Cumer’ Sidii uu

wax uga Qaban lahaa inta uu khilaafkaasi kor isu Shareerin markay Taasi dhacdey ( Dul_Marax ) oo

Xukunka Shawa Hayey Qabeyna Gabadh ( Duriyada Reer Wali ) waa Reer Awbarre ayaa la soo Wariyey in

uuu Xadhiidh Qarsoodiya la Yeeshay Boqorkii Xabashida, Waxaana Markaaas Dusha loo Saaraey Eedeymo

ka Dhan ah Maamulkii uu Hayay Taasoo ah Khayaaano Qaran iyo mid Diimeed,, Muddo Kolkii Ay Kasoo

Wareegtay Ayaa waxaa Lagu Qabtey Waa Cumare Dagaal uu Abbaanduule ka ahaa Halkaasaana lagu Diley

uuna ku Geeriyoodey ,,Xiligaas ayaa Waxaa La Bilaabay in Dhaqanka Gurgure Dir la Adkeeyo oo Reerka

Boqorka Xeer Gooniyaa loo Dhigo Gabdhaha Reer Boqorna aan loo Dhisin Cidii ka Baxsan Maamaulka

Reer Boqor.. Taasaina Waxey Keentay in Dagaal Hor leh ay Cumar iyo Wiilkiisii Cali ay ku Qaadaan

Amiiradii Reer Makhzuum ee Saladana Shawa Ayagooo Dhawraya Sumacada Boqortooyada Gurgure Dir

waxeyna ka Takahluseen Dhamaan aaamiradii Reer Makhzuum oo ay Laayeen 1285eeg ( Huntigford 1965

;55.109,9 ):

Hadaba Kadib Markii Labada Walaalo ( Cumer iyo Cali ) ay Guluf ku Qaadeen Saladanada Shawa ayaa

Misna waxa Bilawdey Dagaalo Aad u Culus in Ay Ka Dhax-Qarxaan Saladanada Gurgure Dir ee Awfat’ iyo

Amaxaaro Waqtigaas waxaa Caynaanka u Hayey Gurgure Dir Suldaaan Xaqqudiin oo ahaa SAuldaanka 14-

aad ee Beesha Sanadkuna waxuu ahaa ’1321′ Kadib Taariikhda Dhalasaha Nabi Ciise’ Waxaana Mudda Yar

uun kadib Hadana Hogaaanka Beesha Gurgure Dir u Qabtey oo la Caleemo Saartey Suldaaan Sabrudiin

Waxaana Dhacey Mudadaii la Caleemo Saarey Suldaan Sabrudiin Ka Dib Dagaalkii ugu Darnaa ee

Dhaxmara Gurgure iyo Gaalada,, Dagaalkuna waxuu Socdeyd Bilooyin Wuxuuna Doonayay Suldaan

Sabrudiin in uu ku Qaado Weeraro Lagu Cidhib-Tirayo Gaalada ,,,Waxuuna Ahaa suldaankii 15-aad ee

Saladanada Awfat Hadaba waxaa Haleeshey Suldaan Sabrudiin Awood Yari Taasoo U Keenatey in uu Ka

Gurto Ciidamadiisa Gabi-ahaan Goobihii Difaaca Hore ee Saladana Awfat, Waxaa Gaaalada Horkacayey

Dagaalkaas ( Camdu Siyoon ) Wuxuuna ka soo Hooyey Guula Lataaban karo oo Muhiim ah Ayna Kamid

Ahaayeen in uu W/Shawa Gacanta Kudhigo Nasiib Daro Waxaa Soo Shaac Baxdey Waqtigaas oo la isla

Dhaxmaraayey in Camdu Siyuun uu Ka Taageerey ( Jamaaludiin ) Sidii uu ula Wareegi lahaa Maamulka

Awfat,,,, Jamaaludiin oo asagu ahaa Boqorka 16-aad ee Soo Mara Jamaahiirta Gurgure Dir Balse waxey

Isku Maan-dhaafeen Jamaaludiin iyo Camdu-Siyoon Waxyaabo Qaarkood oo Tanaasulaad ah Waana uu Ku

Gacmo-Saydhay Talooyinkii Markaa uu Wateyd Camdu-Siyoon Hadaba Wuxuu Kolkii Danbe la Heshiiyey

Nasrudiin oo Walaakood ahaa in uu Boqro Balse Mujtamaca Gurgure Ma uusan Aamin-saneyn Boqortooyada

uu Iskii U Xulayo Camdu-Siyoon eeg ( Tamrat1972; 125 .8.5),,
Lasoco Qaybaha xiga ee Taariiqda Qoomiyada Caws-lafil ( Dir )

No comments:

Post a Comment