Saturday, February 4, 2012

Dagmada Dilla

Dagmada Dilla waa dagaan beereed oo ku yaalo gobolka awdal Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Dagmada Dila waxaa dagan ilaa 100,000 oo ku filiqsan dhamaan dagaanka, magaalada gaar ahaana waxa dagan 30,000 oo qof. Dagmada Dila waa dagaan beereed aad u balaadhan oo ay ku tiirsantahay jamhuuriyada Somaliland. reer ahaan waxa dagan dagaankan beelo ka mid ah beesha reer nuur ee samaroon gaar ahaan beesha maxamuud nuur. Waana Degmada ugu Dadka badan gobolka Awdal.

Magaalada dila waxa ay caan ku noqotay markii laga furay dugsi hablo la qoro sanadkii 1958 ee noqday kii soomaaliya ugu horeeyey. degmada Dilla waxaa ka soo jeeda hal abuuryo Fanaaniin iyo qorayaal aad u fara badan, waxaana ka mida hadii aan qaarkamida soo maga caabo, Fanaankii ugu horeeyay ee afka somaliga ku heesa isagoo waliba isagu heesta samaystay .waa Cabdi Sinimoo, Gabayaaga caan baxay ee gaiyiga soomaalida oo dhan laga yaqaan, sida Cabdillahi Aamin Aare, Daauud caamir, Fanaaniinta Caanka ah. Cabdi Faarax Kaamil Naftiihure, Hibo Maxamed Hoodoon Hiba Nuura, Ubax Daahir Fahmi.

Hobyo

Hobyo

http://so.wikipedia.org/wiki/File:Sultan_Yusuf_Ali_Kenadid.jpg
Yuusuf Cali Keenadiid
Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee Degmada Xays, Waxayna ku Taalaa xeebta Dowlad Goboleedka [ximan iyo xeeb ]] State ee xeebta Badweynta Hindiya. Magaca Hobyo marka uu baxay iyo sida uu u baxay midna si saxa looma yaqaan, hasayeeshe waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inu ka yimid laba ereay oo kala ah: “ Hoo Biyoh” sababtoo ah magaalada dhulka xeebta ayaa biyo aad u macaan oo wax ka yar laba feet lagu gaaro. Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Khaliijka .

Magaalada Hobyo Waxaa Dega Beesha Sharafta Badan Ee reer xaaji saleebaan oo Kaliya.

1885 ka hor deegaanka, sida dhulka Soomaaliya ay oga talin jireen nabadoonada-ugaasyada-malaaqyada-wabarada,ayaa waxaa nabadoonadii xiligaas ka talin jiray hobyo iyo agagaarkeeda ka mid ahaa DUQOWDII beesha ee xiligaas,Mohamuud Ayaanle Guuuleed, Cali Cumar, Guuleed Faarax, iyo Shiikhow Caalin, sidoo kale waxaa jirey ganacsato ukal gooshi jirtey Magalada Hobyo iyo Magalada Cadan waxana kamid ahaa AUN nin la oran jire Cali Barre-dheere.1884 markii shirkii Baarliin Reer Yurub ay Afrika qaybsadeen. Talyaaniguna Gobollada Koonfureed uu saanyaday ayuu heshiis la galay Yuusuf Cali (Keenadiid) oo ka soo jeeday Baargal ee Bari, wuxuna Talyaanigu soo siiyay hub iyo dhaqaale farabadan oo uu ku qortay ciidamo iyo dad adoon ah oo laga keenay Afrikada Bari. Sida laga warqabo Talyaanigu dhulka Soomaaliya toos uma qabsan ee qabaailkii Soomaalida ayuu xiriir la samaystay sidaas ayuu tartiib-tartiib dhulka ku wada qabsaday.

Waxana jirtay Laba nin oo Boqortooyo sheegtay waqtigaas oo kala ahaa tii Baargaal oo uu madax ka ahaa Cusmaan iyo tii Hobyo ee reer Keenadiid in labaduba ay Dawladii Talyaaniga wakiil ka ahaayeen oo ay mushaar ka qaadan jireen Talyaaniga.

1885 aya Keenadiid oo dooni wata ka soo degay marsado Hobyo, wuxuna codsaday in loo oggolaado badeeco u wato inu meesha kaga ganacsado, isla markaasna wuxu bilaabay dhismo markii dambe isku rogoy qalcad. Si kastaba ahaatee Keenediid xeelad aan xoog ka marnayn ayu ku degay Hobyo ,isagoo markii dambana Boqor isku magacaabay.Keenadiid xukunka waa laga riday oo dawladdii Ingriska iyo Talyaaniga ayaa gartay in loo dhiibo wiilkisa Cali Yuusf kaasoo isagoo gacan ka helaya dowladdii Talyaaniga soo xukumay Hobyo ilaa 1925.

Talyaanniga marki uu talada ka qaaday Cali Yuusuf, xilka talada deegaanka wuxuu ku wareejiyay Nabadoonnada kala ahaa: Ducaale Kaahiye, Jaamac Seed ,Nuur Cali Cumar,Maxamuud Degel, Xaashi Cilmi Guuleed, Cabdille Gorod, Maxamed Cabdi Dheere, Beered Kulan , Xasan Cilmi Fagaas iyo rag kale oo isugu jiray culumo iyo ganacsato ay ka mid ahaayeen Xaaji Maxamuud Ereg, Xasan Cadde Fiqi, Sheekh Cilmi Barkhadle, Sheekh Cali Yuusuf, Cabdi Khayre(Cabdi Kharaare), Faarax Qaarey, Cusmaan Gurey oo nabadgalyada iyo xasilloonisa iyo nabad ku noolaanshaha Gobolka Mudug qayb wanaagsan ka soo qaatay. Nin la oran jiray Khayre Gabay oo ahaa ragii gabyi jiray Qarnigii 18,una dhashay deegaanka hobyo, aya tix aanu ka hayno intan ku yiri:

Isha Qoolle oogada Hobyood uun horaa degaye

Nimankii awowgood lahaa waa adeegsimo e

Waa laga ijbaaraye marsada lama ibaaxayne.

Tixdan waxaa laga fahmi karaa in magaalada dad hore ay deganaayeen kuwaaso loo ,xoog sheegtay.

Hobyo iyo deegaankeeda waa meel Allaheena Weyni ku mannaystay nicmooyin farabadan , cimiladu waa mid dhex-dhexaad ah, waa deegaan xoola dhaqashada aad ugu wanaagsan oo biyo iyo baadku aanu ka salguurin, inta la xasuusanyahayna weli abaar weyni kama dhicin deegaankaas .

Waa dhul beereed aad ugu wanaagsan tacabka gaarahaan digirta, masaggada,qaraha, qajaarka iyo khudradda yaryar,sidoo kale khayraadka badda waxay ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu kalluumaysiga wanaagsan. Shirkadihii Soomaaliya ka sahmiyay shidaalka waxay sheegeen in Hobyo One iyo ceelhuur oo labaduba deegaanka Hobyo ah in la filayo inuu ku jiro kayd weyn ee shidaal. Waa magaalo xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn leh, waxayna can ku tahay kala duwanansha beelaha oo waa meel la wada deganyahay kuwa laga tira badanyahna aan xuquuqdooda aan marna la duudsiin oo weligeedba nabad dadku ay ku wada noolaayeen wixii ka horeeyay 2005,markaaso dad wax ma garad ah ay dagaal ka rideen magaalo xitaa aan qori iyo xabbad aan laga aqoon. Xilliyadii isticmaarka Talyaaniga markii uu Soomaaliya oo dhan qabsaday magaalada Hobyo waxay ahayd saldhigga iyo dekedda inta u dhexeysa Jowhar ilaa Bari ilaa dhulka Soomaali Galbeed.

Sheekh Calisalaad Sheekh Cabdi oo hadda ku nool gobolka- colorado-magalada madaxdiisa- DENVER,ee wadanka Maraykanka. oo in mudo ah madax ka ahaa wasaarada arimaha diinta ee soomaaliya.kana mid ahaa xisbigii SYL ahaana mudanihii ugu horeeyay ee laga soo dooortay Hobyo 1956,deegaan ahaana ka soo jeeda Hobyo, waxaa laga wariyay in uu u soo joogay 35 markab oo isku soo gaartay Hobyo xilligii Talnyaaniga uu u diyaargaroobayay weerarkii Abbisiinya ee lagu weeraray Eithopia.

Magaalada Hobyo waxay ahayd xarun weyn ee aqooneed oo fidinta iyo barashada diinta Islaamka iyo culuumta si wanaagsan uga hirgalay, waxana mudan kaalintii uu ka soo qaatay Sheekh Cali Samatar oo markii hore koonfurta ka yimid hasayeeshe markii dambe Hobyo iyo deegaannadeeda xarumo ka sameeyay kuwaaso culumo iyo dad badniba ka aflaxeen. Waxa kalo xusid mudan in farta Cusmaaniyada ay tahay Hobyo halkii ay ka soo baxday 1921, fartaaso mar ahayd farta rasmiga ee xoogaggii gobonimadoonka ee Leegada iyo xiriirka ganacsiga Soomaalida inteeda badnayd.

Wixii ka dambeeyay 1960 magaalada Hobyo waxaa la soo darsay cadaadis iyo dib u dhac qorshaysan ee kaga yimid Xukuumadihii kala duwanaa iyadoo halis (victim) u noqotay labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo xoolaha Soomaaliyaintooda badan laga dhoofiyo ahna goobo aan xooluhu ku badnayn kuna dhaqmi karin ayaa dadka deegaannadaas ka soo jeedaawaxay Hobyo oo ah goob istraateji ah dhan kasta u arkeen cadow mudan in lala dagaallamo taasoo ay si ku meel gaara ugu guulaysteen, hasayeeshe waa hawl la isaga dambeeyo oo rag iyo rabbi leh.

Dib u dhaca kale wuxuu ka soo gaarey dadka u dhashay oo aan isku xilsaarin in deegaankooda ay wax ka qabtaan,markii ay arkeen culayska siyaasadeed ee saaran ayay cadaado iyo Xamar uga soo haajireen halkii ay ku mitidi lahaayeen magaaladooda HOBYO.

Haddaba maantay dadka u dhashay deegaanka Hobyo oo aan filayo inay ku baraarugeen sida ay u horumarinayaan dadka kale iyagoo ka faaidaysanaya khayraadka iyo waaya aragnimada arrimaha dunidawaxaa la gudboon in ay u tafaxaytaan horumarka iyo gacansiinta dadkooda iyo deegaankooda. Shirweynhii lagu Qabtay Magalada cadaado 1 april, 2007 ayaa dadka u dhashay Gobolka ay ku Yagleeleen Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ayadoo Taariikhdu markay ahayd 24,April,2008lagu dhawaaqay ximan iyo xeeb State.

Hadaba Tilmaamtii, dadaalkii, iyo Taladii uu Bixiyayeen aqooyahanada ayay kasoo baxeen Dadka u dhashay Gobolka hada loo yaqaan ximan iyo xeeb State.of somalia

Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee xeebta, Waxayna ku Taalaa dhanka xeebta ee Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ee xeebta Badweynta Hindiya.

Gabaygan oo aad ka dareemayso, wadaninimo- sida ilaahay u barwaaqeeyay deegaanka Hobyo,sida dadkeedu u dayacay, sida ay mustaqbalka noqondoonto hadii ale idmo,waxaa curiyay GARYAQAAN, DR.hassan sahal Engineerka

Afbarwaaqo

Afbarwaaqo


Afbarwaaqo waa degmo ka tirsan degmooyinka gobolka mudug waxaana degan dad lagu qiyaasay 30.000qoys oo u kala dhashay beesha Surre Dir,iyo beesha shiikhaal inkastoo magalada ay dagaladi dhexmaray beesha Surre iyo beesha Sacad ku burburatay hadaan dadkeean waa dad aad u jecel horumarka waxaa hada la rabaa in laga dhiso Isbitaal iyo Dugsi hoose dhaxe sare iyo adeegyada guud waayo magalaada waa magaalo xadaarad fog leh dagaladi labadas belood dhex marayba aad u burburiyey. waxaan hoos yimadaan degmada degmooyin kale sida Towfiiq Ceel dhanaane iyo garacad iyo tuulooyin badan intaas oo ay deganyihin beesha Surre.

Bacaadweyn

Bacaadweyn


Degmada bacaadweyne waxay ka tirsantahay gobolka mudug waxana ka mid tahay ama ugu horeesaa degmooyinka wax soo saarka leh degmadaan waxay caan ku tahay beeraha waxaa sidoo kale laga qodaa cusbada waxayna degmadaan ku taal dhinaca koofureed ee gobolka mudug waxaana degmadaan dego beesha Surre qaas ahaan beesha qubeys waxaana degamadaan hoos taga tuulooyin aad u badan sida cammaara, jiicdheer, xinlabi, hooldiyaale, iyo tuulooyin aan lasoo koobi karin sidaas oo ay tahay degamadaan marna ma hoostagta maamulada gacan ku rimiska ah ee ay leeyihin beelaha sacad iyo salebaan waana ay ka madax banaantahay waxaamn degmada si aad ah looga taageersanyahay maamulka ahlusuna waljameeca ee ka taliya inta badan gobolada dhexe ee dalka somaliya

Xarardheere

Xarardheere


Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.Xarardheere waa degmo xeebeed oo ku taalo gobolka Mudug ee woqooyiga Soomaaliya, waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.Degmadaan waxaad ka heli kartaa waxyaabo farabadan, waana degmo dalxiiseed oo qaboow, waa degmada maanta ugu wanaagsan xaga nolosha ee degmooyinka Soomaaliya. Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadgashay dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmadan waxaa degan qabiilka
Saruur(madarkicis)

[Wax ka bedel] taariikhda degmada

Degmadan inta aynu ka heyno taariikhdeedu aad bey u farabadan tahay usaale waxaa lasameeyey maamulkii ugu horeeyey 1896. Waqtigaasi illaa 1931 waxaa gudtdoomiye ka,ahaa.
1.Diini Siyaad (Saruur)Iyo Shiiqaal
2.Gacal Kuul Sebriye (Saruur) 1896-31.
3.Maxamuud Dhabaneey (Saruur)

Sidaa ayey isaga dambeeyeen sidaanu taariikhda ku heyno. Wxaa kale oo jiray caaqilo kale oo badan oo soo maray degmada taariikhdan iyo magacyadan intaba waxaan kasoo diyaarinnay. Buugga: please websteku ha.ilaalsho anshaxa iyo sharafta qaba,ilada soomaalida oo magacyada qaldan looga qoray waxaan kaxumahay beesha ugu badan beelaha dagan miyiga iyo magaalaba in marna marti kanoqotay magaalada marna magaceeda looqoray si qaldan beesha ;( ahmed faarah) qubeys ; waa beel inta taariikhda kuqorn ilaa 775 sano daganayd xarardheer waxayna kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan dhinca deexda waxay ubdan yihiin xoola dhaqato sida adhiga iyo loda sido kale waa kaluumaysato waxay leeyihiin nabadoono iyo ugaasyo siyaasi yiin aana halkaan lagu soo koobi karin tusaalu ahaan sida nabadoo (xasan wehelye rooble ') (: xasan mataan:: oo ilaa 1930 1960ki nabadoon ka. Ahaa dadka isku yiraa reer banaan oo dhan iyo kuwakake o farabadan marka walaalayaal magaca badal plz change jaaji to change)_) ahmd faarax) ( qubeys) by abshir gunid: waana buug wax badan kaqoray habkii ay isu xakumi jireen soomaalidu qarniyadii dhexe.

Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan tuulooyin dhowr ah sida. Dhalwo, Dumaaye, Miliqo, Dabagalo, degmada Jowle, Burjirriqo, Gaan, Keynaan, Caad, Cagacadde, Ilbir, Bur-sebriye,iyo Deegaano kale oo badan.

Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere Rag caan ka dhex ah bulshada soomaaliyeed iyo siyaasiyiin caan ah sida: Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69). (Jeneral Salad Gabayre Kediye),Wasiirkii Gashaandhiga ee dowladii kacaanka, kana mid ahaa aasasayaashii golaha sare ee kacaanka. Maxamed Siciid (Jentelmaan)]], xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1954-69). C/Raxmaan Xaashi Xassan wasiirka ku xigeenka diinta & Awqaafta Dowladii TNG 2000-2004 Ahne Hada Ambassador Ka Algeria u Fadhiya Dowlada KMG ee Soomliya. Nageeye Gacal Kuul(Garxiir) halyey aad looga yaqaan deegaanka ahaana korneyl 1958-69. Kulan xassan Jurun (jurun) abwaanka da'da yaraay oo aad looga yaqaanay dhamaan gobalada dhexe Tiriyay neh Gobayo aad u faradan. Walaal sida aynu ku hellay buuggan ka sheekeynaya taariikhda Xarardheere dhib ayeynu ka marnay markaa fadlan waxba haka bedelin qoraalkan adigoo mahadsan haddii aad u baahantahay wax intaa dheer laxiriir matxafka taariikhda geeska africa gaar ahaan soomalida ee Roma itely.

Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo

Wednesday, June 23, 2010 7:36:17 PM
Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo ah ku soo qaaday Magaalada Dhuusamareeb oo galaaftay nolosha dad gaaraya 11 Ruux iyo dhaawac ka badan, deegaanada Cayrna ka dhigay furin colaadeed.

29 January 2009

Mogadishu: Saaka waaberigii ayaa Dagaalo culus oo gaadmo ah oo laga soo Abaabulay Tuulada Xeraale ayaa Kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca waxa ay ku soo qaadeen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaas oo gaadmo ahaa aadna u xooganaa ayaa la sheegay inuu dhexmaray kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab oo hore gacanta ugu heysay maamulka Magaaladaasi.

Dagaalkaan gaadmada ahaa ayaa iyada oo magalada dhuusamereb ay degan tahay waxaa ku soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Kooxda Ahlu sunna Waljamaaca oo laga soo abuulay gobolka Mudug, xarunna beryahan ka sameystay Tuulada Xeraale, kuwaasoo la sheegay iney Magaalada dagaal kaga soo qaadeen afarta Jiho ee Magaaladaasi soo gasha.

Labada koox Diimeedyo ayaana ka dib isweydaarsaday hub noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo la sheegay in halkaasi uu qasaare naf iyo maalba leh uu ka dhashay dagaalkaas qorsheysnaa ee lagu waxyeeleeynayo dadka deegaanka, iyadoo ka dibna Magaaladaasi laga qabsaday xarakada Al Shabaab oo maamul lagu qanacsan yahay ka sameeyey Degmada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayeen bilihii u danbeeyey.

Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee dagaalka gaadmada ah ay ku soo qaadeen kuuxda xukun doonka ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegaya inay ka dhalatay dhibaato weyn oo 11 ruux dhimasho ka soo gaartay iyo dhaawaca ka badan 25 ruux, oo isugu jira dad rayid ah iyo labada kooxood oo dagaalku dhexmaray.

Xoogaggii Alshabaab ee saaka laga xoog roonaaday ayaa la sheegaya iney hadda ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb Bannaankeeda hore, Iyadoo weli ay socoto Abaabul Labada Dhinac ah oo Dagaal la isugu Diyaar garoobayo oo qoryaha la isku afeysanayo, lana filan karo saacad kasta in dagaal ku soo cusboonaado deegaankaasi.

Dadkii deegaanka ayaa isaga qaxay Magaaladaasi, iyagoo u badnaa qoysas hore uga soo barakacay dagaalada ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa ah oo hora u soo rafaaday, haddana geedaha hoos jooga oo ay halkaasi biyo la'aan ku heysaa.

Dagaalada gobolka galgaduud ayaa beryahaan danbe laga soo abuulaa Tuulada Xeraalle, degmada Caabudwaaq, Balanbal iyo deegaano kale qarashka ugu badan bixiya oo ay ka mid yihiin Gal/Mudug iyo Gaalkacyo ee ka tirsan gobolada dhexe.

Dagaalada ku soo noqnoqnaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri Ceel ayaa runtii ah mid looga dhigayo deegaanada Beesha Cayr furin Colaadeed oo qatar ah oo iyaga la isku muquuninayo, si aysan siyaasadda iyo nabadda dalka ka socota uga qeyb qaadaan oo la isugu mashquuliyo iyaga loguna burburiyo dhaqaalahooda iyo xoogooda, maadaama ay deeganadaasi ahaayeen saldhiga muqaawamada ee wadanka laga xoreeyey, iyadoo loo danleeyahay in deegaanadooda la burburiyo oo cadwoga Tigreega iyo dagaal oogayaashii intii ay ka gooyeen hadda looga aaro iyadoo iyaga la isku adeegsanayo, balse Ragga iyo waxgaradkoodu u dhashay beesha ma aysan garan oo marna ma fahmi karin qiyaanada laga soo abaabulayo Tuulada Xeraale iyo Huurshe ee ay Gadaal ka soo riixayaan kuwa sheegta Galmudug iyo Puntland oo ay soo maalgeliyaan Jufada Reer Fiqi Muxumad Direed oo qandaraas ku soo qaadatay burburinta deegaanada Cayr iyo Barakicinta dadkooda maatada ah. ALLA DUULKU DUQONSANAA

Hogaamiye ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen Dhuusamareeb ay tahay, iyagoo u naxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada oo haddii dagaal ku sii socda ay waxyeelo weyn sii gaareyso, ayna doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa loo baahan yahay iney ka tashadaan ayaahooda oo ay ka hortagaan labadan kooxood oo magac diimeed ku dagaalamaya oo ah kuwa wada xukun doon ah, balse kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca sheegta ay u dheer tahay isir tirtirid beeleed iyo naceyb xooga iyo koboca dhaqaalaha Beesha degta Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ah kuwa markaan Calankoodu babanayo oo meel laga joogi la'yahay oo dagaalada ka dhexwada dadka deegaanada Dhuusamareeb iyo Guri ceel, laakiin iyana markooda xilli aan fogeyn uu calankoodu dhici doono, oo ay goor dhow shiikhi doonaan, balse waxaa wax laga xumaado ah iney deegaanada Cayr ay ka dhigaan furin colaadeed, oo la waayey cid u istaagta deegaankooda oo ka joojiya shaqsiyaadka aan u dhalan deegaanka oo belawadayaasha ah, oo hoosta ka wada dagaalada soo noqnoqonaya ee laga soo maalgelyo gobolka Puntland. CAYRKU WAX MA GARTAAN MIYAA?

Si kastaba ha haatee Kooxda Qaadiriyada Reer Fiqi Muxumad ee hadda hoosta ka galay magaca Ahlusuna Waljamaaca oo fidnada ka wada deegaanka, ayaa laga filayaa iney berina la soo bixi doonaan mashruucoodi hore oo ay dagaalka kula jiri jireen xerta Ahmediya iyo dariiqooyinka kale oo ay necbaayeen, marka uu dhamaado dagaalkan ay Itoobiya kaartadeeda uga tagtay iney u fuliyaan koox magaca Ahlu sunna Wajamaaca ku shaqeysata ee Reer Xeraale iyo xulafadooda, iyagana waqti yar oo tirsan ayey leeyihiin Insha allah oo waxa ay mari doonaan halka ay mareen kuwii ka xooga badnaa ee ahaa Dagaal Oogayaaha iyo Tigreega Itoobiya oo wadanka Soomaaliya ka cararay ka dib markii ay u babac dhigi waayeen weerada mujaahidiinta oo ku mitiday iska caabintooda, kuwaasoo Reer Xeraale iyo xulafadooda ku muquunin doona Qudrada Allah.

Wixii ka soo kordha kala soco somalidoon.com

Back to top

Qubeys iyo Saleebaan by HutuKing01 » Fri Mar 05, 2010

Qubeys iyo Saleebaan by HutuKing01 » Fri Mar 05, 2010

Inter-clan fighting kills 14 in central Somalia




Friday, March 05, 2010


MOGADISHU - More than a dozen people were killed and many more were hurt when two clans clashed in central Somalia, residents and community elders said on Friday.



The Qubeys clan and the Suleyman sub-clan of the Habargidir clan started fighting the previous day in Amara village, 90 km north of the pirate base town of Haradheeere. The fight was over a dispute over land ownership.


Abukar Dirshe an elder from the Qubeys clan said the fighting was sparked by long-standing hostilities over land ownership.

Blog Archive