Sunday, March 11, 2018

Firkii Hore Ee Beesha Direed iyo Tarikhdooda- Ancient Dir Folklore

Beelah Direed ee konfurta Somalia (Mudug/Galgaduud/Sh.Hoose) dagan waxa
ay sheegan in odeyga Direed uu dhalay Afar wiil oo kala ah:



Madaxeyne Direed oo curad ah, Mahe Direed oo ku xigeen ah, iyo labada
kale oo kala ah Madoobe Direed iyo Mandaluug Direed oo ugu yar da'a
ahaan marka la eego.




Taarikhiyan waxa ay rumeysanyihiin Dirka Galbeedka iyo Konfurta dagan
dhoor qodob oo ku saabsan tariikhda hore.


1)Dadka Direed in ay ka yimaadeen dhankan Galbeedka bilawgii, kunsano
ka hor.



2)Magaca Dir in uu macnahiisu yahay "Fir" ama Ab. Oo lagu macneyn karo
geesi ama Dhiire.


3)Konfurta Dirta dagan wexey rumeysan yihiin in ay Dirka xukumi jireen
Saladiin loo yaqiin ROOBLE oo ahaa ilaaliyaasha Xeerka iyo caadada
beesha.


Rooble- Xeerbeegti,Qareemo, amanduuleyaal,Roobdoonayal,iyo mareynta
reerka ayaa lagu aqoon jiray.Guud ahaana waxa ay ilaalin jireen xeerka
oo Dirku rumeysnaa in ay ka dhaxleen Dir Aji abkoodi hore. Madaxdan oo
loo aqoon jiray Roobleyaash dadku wey ixtiraami jireen ila heer xitaa
isha laguma godi jirin, oo xitaa "ILKULULe" ayaa loo aqoon jiray.



4)Waxa kaloo ay rumeysan yihiin in Zeylac magalada la yiraahdo ay Dir
badan soo jidatay qarnigii (700 AD) halkaas oo ay ka soo dageen Asxaab
badan oo Rasuulka(Caleyhi salatu wa salaam) u soo diray magaalada
Zailac Hijradii koowad. Oo dadka Direed iyo Canfarta (Oday Caliga) ay
waagii danbe ka wada asaseen labo boqortooyo oo la kala dhihi jiray
CIFAT iyo Cadal.


5)Dirta koonfurta iyo Galbeedka dagan waxa ay rumeeysan yihiin oo kale
in 1400 ay dhaceen dagaalo far badan oo xabashida iyo muslimiinta is
dagaaleen. Ilaa ay xabashida oo adeegsaneysa (Portugees)burtaqiis ay
cagta mariyeen boqortooyoyinkii Musliminta oo kuwa Direed ee Cifat iyo
Awda ka mid ahayeen.


6)Dhamaan waxa ay rumeysan yihiin Dirka in ay door weyn ka ciyaareen
fidinta diinta Somalia iyo Ethiopia dhexdooda.
Sheekhyada waaweyn ee geeska Afrika sida Sheikh Xuseen Bali, Aw
Barkadle, Awbarre iyo qaar kale ay Cadal iyo Cifad ka soo jeedan.


4)Beelaha Biyomaal iyo Suure iyo Guure waxa ay sheegan in 1600-1750 ay
u soo guureen duleedka dalka (Gobalada dhexe iyo labada wabi dhexdooda)
mudo yar ka dib dagaladii Axamed Gurey iyo Amxaarada.

Friday, March 9, 2018

Xeer ciise- Xeerka Boqortoyada Ciise Madoobe Dir


Waxa Xaqiiq ah in Xeer Kasta oo Ummadi leedahay lagu dhisay Ujeedo ka Turjumaysa Falsafada uu ku Dhisan yahay Xeerkaasi . hadaba Xeerka ciisaha oo lagu Tilmaamo ka ugu Raadraac dheer marka la eego Geeskan Afrika ayaa marka la tix raaco noqonaya mid koobsanaya Dhammaan Qaybaha Nolosha Dadka iyo duunyadaba. Waa mid kala Hagaya Ismaandhaafka Ciisaha isla markaana Qeexaya xidhiidhka ciisaha iyo Bulshooyinka kale.
Xeerkan oo ay ka soo Shaqeeyeen Odoyo Dhaqammeedyo Xeerbeegti ah Khibarad sarena u lahaa Xalinta iyo Xadaynta Mashkaladaha Bulshada ayaa u Huray Nafahoodii iyo Maalkoodiiba si ay uga Midho dhaliyaan Habaynta iyo Iskudubarridka Xeerkan. Waana ta Maanta Keentay in ay Baal Dahaba lagu Qoro Magacyadooda, Bulshaduna u og tahay Wax qabadkooda.
Qaab dhismeedka Xeerkan Ciisahe een Faahfaahintiisa hoos ku xusi Doono ayaa ah mid ku Dhisan rukuno Asaas u ah Xeerka.
Waxayna Yihiin sidatan :
1. Lix (6) Kabood.
2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160)
3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood.
4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.



A) Lixda Kabood.



Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlay waxay kala yihiin.
Dhiig • Dhaqan • Dhaqaqaal • Dheer • Dhul • Dhibleh
1) Dhiig
Kabta koowaad ee dhiiga waxay u kala baxdaa
Dhimasho ( dhimasho waxa ay ka dhigantahay labo reer ciisaha oo islaayey) Dhagar ( qof qof dilay) Jab iyo Jareexo ( Waa wixii dhaawac ah ee la isgaadhsiiyo) Boqolkii Cune. 2) Dhaqan.
Doorashada Ugaaska. Gandaha 44 nin Gudi oo ah 12 nin 3) Dhaqaqaal
oo ah xeerka qaabilsan dhaqaalaha
Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool. Ciisuhu xeer uma dhigin moodka. Noolku wuxuu ka koobanyahay ( Sagaal halaad iyo Dameer iyo Ey) Sagaalka halaad waxay u kala baxaan ( Saddex waa dhaban, Saddex wa Dhaxal, Saddexna waa Dhibaad)

4) Dheer
Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo gaysto haweenka.
Xuquuqda ay Hawenku wax ku helaan
1. Dhaban wax ku hesha 2. Dhaxal wax ku hesha.
Dhibta loo gaysto. Haweenku waxy u kala baxaan sida tan
1. Bila Cad 2. Baara Cad ( gabadha aad u yar) 3. Gambo Cad 4. Banaanay 5. Gabadh wiilsidatay. 6. Duqdii Saddex goor ka ca. 7. Gorgor 8. Gidir 9. Golo ka bood 10. Sodoh 11. Islaan xigaaleed 12. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey. 13. Xaynkeed wadha ( gabadhani xeer ma leh)
5) Dhul
Dhul ku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Beri. Hadaba Ciisuhu Bada xeer uma dhigin. Dhulku wxuu u kala baxaa ( Beer; Daaq iyo Ceel) Ciisuhu Xeerkii Siti lagu dejiyey wax Beer ah kamuu hadlin inkasta oo dad Ciisaha ka mid ahi mudo 70 sano laga joogo ay xeerka Beeraha samayteen. Ciise wuxuu ka hadlay Daaqa iyo Ceelka .
6) Dhibleh
Kabta lixaad oo ah dhibleh oo macnaheedu yahay qofkii dhibaatada loo geystay ciisuhu waxay u kala saareen. Afar dhagaleey.
Reerka ciise ( Waxa la yidhi Kuna ha ahaadaane waa nin Waxa kale oo la yidhi Ciise waa wada ciise nina nin caaro ma dheera) Ahli ( waxaa loo jeedaa Soomaalida kale) Hiirimaad ( Wixii Islaam ah ee aan ahayn Soomaali) Dhibleh ( waa qofka Gaalka ah) Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisaha Waxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.




QAAB DHISMEEDKA XEERKA CIISAHA

QAAB DHISMEEDKA XEERKA CIISAHA
Hordhac.
Beesha ciisaha oo ah beelaha leh xeer qoran oo soojireen ah ayaa waxa la soo weriyey in ay keentay in ay samaystaan xeerdardaaran hore oo ay qabeen.
Cali Abokor Maxamuud Yuusuf Ciise. Ayaa iskugu yeedhay Ciise wuxuuna yidhi waakii aabaheen inoo dardaarmay ee yidhi ‘ markaad noqotaan boqol gaashaan qaadaSamaysta xeer iyo boqor’ markaa waa in aynu samaysanaa Xeer aynu ku dhaqano iyoboqor ina maamula. Halkaana waxaa lagu doortay gandihii ugu horeeyey waxaynafadhiisteen dixda Salal waxayna halkaa ku doorteen Ugaas kii ugu horeeyey waxaynaku heshiiyeen Dhuuni ( biyo,daaqa, iyo martida) saddexdaa qodob ayeygo’aamiyeen in aan la isku diidi karan.
Xeerka ka hadalkiisu mudo badan ayuu socday waxaanala fadhiistay meelo badan iyo wakhtiyo kala duwan waxaana ka mida. Dixda Salal,Gargaara, Kartataan, Carowayn iyo ugu danbayntii oo xeerka lagu lafo gurayGunburta Siti.
Wakhtigii la jabiyey Ciidamadii Axmad guray Dadkamuslimiinta ee Sooamaalida waxa ku dhacay dhibaato wayn. Dadkii magalooyinkiiway ka qaxeen waxayna u baxeen baadiyaha.
Mudo markii sida lagu jiray ayaa Xasan gadiidshe uu ciisihii iskugu yeedhay inay isku yimaadaan Ayna habeyaan xeerkoodii si ay dadka aaye ugu reebaan Waxaanala fadhiistay Siti.
Gunburta Siti oo ah meeshii ugu danbaysay ee xeerka loo fadhiisto lagunahabeeyo ayaa waxaa la doortay 44 Gande ku waas oo mudo sanad ah halkaa fadhiyeykana hadlay waxwalba . Gandaha halkaa fadhiyey waxay lahaayeen rag culumo ah ooCilmiga Fiqiga yaqaanay kana ilaalinaayey wax walba oo Shareecada Islaamka kasoo horjeeda ,waxa ku jiray Afar nin oo amnigooga ilaanaayey. Gandaha wakhtigaawaxaa loo yaqaanay Ayo
Habdhiska Xeerka

Xeerka Ciisuhu dhisteenwuxuu u ka koobanyhay Sida tan
1. Lix (6) Kabood.
2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160)
3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood.
4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.

A) Lixda Kabood.
Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlaywaxay kala yihiin.
• Dhiig
• Dhaqan
• Dhaqaqaal
• Dheer
• Dhul
• Dhibleh
1) Dhiig
Kabta koowaad ee dhiiga waxay u kala baxdaa
? Dhimasho ( dhimasho waxa ay ka dhigantahay laboreer ciisaha oo islaayey)
? Dhagar ( qof qof dilay)
? Jab iyo Jareexo ( Waa wixii dhaawac ah ee la isgaadhsiiyo)
? Boqolkii Cune.
2) Dhaqan.
? Doorashada Ugaaska.
? Gandaha 44 nin
? Gudi oo ah 12 nin
?
3) Dhaqaqaal ( oo ah xeerka qaabilsan dhaqaalaha)
Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool.Ciisuhu xeer uma dhigin moodka.Noolku wuxuu ka koobanyahay ( Sagaal halaad iyoDameer iyo Ey)
Sagaalka halaad waxay u kala baxaan ( Saddex waa dhaban, Saddex wa Dhaxal,Saddexna waa Dhibaad)

4) Dheer
Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo gaysto haweenka.
Xuquuqda ay Hawenku wax ku helaan
1. Dhaban wax ku hesha
2. Dhaxal wax ku hesha.
Dhibta loo gaysto. Haweenku waxy u kala baxaan sidatan
1. Bila Cad
2. Baara Cad ( gabadha aad u yar)
3. Gambo Cad
4. Banaanay
5. Gabadh wiilsidatay.
6. Duqdii Saddex goor ka ca.
7. Gorgor
8. Gidir
9. Golo ka bood
10. Sodoh
11. Islaan xigaaleed
12. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey.
13. Xaynkeed wadha ( gabadhani xeer ma leh)
5) Dhul
Dhul ku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Beri. HadabaCiisuhu Bada xeer uma dhigin.
Dhulku wxuu u kala baxaa ( Beer; Daaq iyo Ceel)
Ciisuhu Xeerkii Siti lagu dejiyey wax Beer ah kamuu hadlin inkasta oo dadCiisaha ka mid ahi mudo 70 sano laga joogo ay xeerka Beeraha samayteen.
Ciise wuxuu ka hadlay Daaqa iyo Ceelka .
6) Dhibleh
Kabta lixaad oo ah dhibleh oo macnaheedu yahayqofkii dhibaatada loo geystay ciisuhu waxay u kala saareen. Afar dhagaleey.
? Reerka ciise ( Waxa la yidhi Kuna ha ahaadaanewaa nin Waxa kale oo la yidhi Ciise waa wada ciise nina nin caaro ma dheera)
? Ahli ( waxaa loo jeedaa Soomaalida kale)
? Hiirimaad ( Wixii Islaam ah ee aan ahayn Soomaali)
? Dhibleh ( waa qofka Gaalka ah)
Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisahaWaxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.

Diyaariye Ibraahim( xeer Ciise)
GANDE
I.WaaMaxay Gande ?
Gande waa erey aan wadaag ku nahay , Beesha Oromada oo aan ka wada tirsanahayBahweynta ku shitika . Ereyga Gande waxaa uu micnihiisu yahay Maguuraan xaggaluqada marka loo eego.
Marka La eego Xaga xeerka Ciisaha ‘Gande waa xeer beegti ay tiradoodu dhantahay44tan’.
tiradadan afar iyo afartanka ah waxay ka soo jeedaameel fog .oo waxaa adeegsan jiray Faraaciintii ka talin jirtay Dalka Masar .Soomaaliduna waxay xidhiidh soo jireena ayey lalahayd.
Waxaa ka loo ay leeyihiin Nimanka Taariikhda udhuun dalooli Culumadii soo gaadhsiisay Diinta Islaamka Geeska Afrika waxa aytiradoodu ahayd 44tan.Aragtidaa oo lagu kala gadisan yahay waxaa ragga qaar ayqabaan inay ka soo dageen Magaalada Zaylac isku soo wada duuboo tirada 44ka ahwaxa ay leedahay xusid gaara


I. WaaMaxay Gande ?
Gande waa erey aan wadaag ku nahay , Beesha Oromada oo aan ka wada tirsanahayBahweynta ku shitika . Ereyga Gande waxaa uu micnihiisu yahay Maguuraan xaggaluqada marka loo eego.
Marka La eego Xaga xeerka Ciisaha ‘Gande waa xeer beegti ay tiradoodu dhantahay44tan’.
tiradadan afar iyo afartanka ah waxay ka soo jeedaameel fog .oo waxaa adeegsan jiray Faraaciintii ka talin jirtay Dalka Masar .Soomaaliduna waxay xidhiidh soo jireena ayey lalahayd.
Waxaa ka loo ay leeyihiin Nimanka Taariikhda udhuun dalooli Culumadii soo gaadhsiisay Diinta Islaamka Geeska Afrika waxa aytiradoodu ahayd 44tan.Aragtidaa oo lagu kala gadisan yahay waxaa ragga qaar ayqabaan inay ka soo dageen Magaalada Zaylac isku soo wada duuboo tirada 44ka ahwaxa ay leedahay xusid gaara.
Guurtidii fariisatay Gunburta Sitti waxay tiradooduahayd 44tan . kaa soo loo qaybiyey sidatan .
* (8) Ceeleeya ah oo uu ka sideedaad uu Ceeleeyuhuku helay Curadnimo
*(8) Wardiiqa ah Wardiiqu ka sideedaad ku helay Boqornimo.
*(7) Hawlaqaada ah.
*(7) Holle ah.
*(7) Hooroone ah.
*(7) Uur wayne
Gudidii fariisatay Gumburta Sitti oo sida aan korku soo xusnay tiradoodu ahayd 44tan sidoo kale afar waxaa loo xulay inaynoqdaan gaadh , kaasoo ilaalinaya Madasha uu shirku ka dhacayo . halka Guddida44ka ahna ay gorfaynayeen talada.
II.Qaybaha Gandaha
Gande wuxuu u kala baxa Gande Ugaas iyo duca yeel.
1) Gande Ugaas waa gandaha dooranaya Ugaaska , marka uu xilka baneeyo amaba aygeeri kutimaado
2) Gande ducayeel waa Gande la furo xilli gaar ah .hadaba maxay ku kala gadisanyihiin gande Ugaas iyo Gande duca yeel ?
III.Hawlaha Gandahu Qabto
Gandaha ducayeelka doorasho looma igmanin eehawshiisu waa ducayeel , waxaana la furaa reero gaara ah.
Gande Ugaas waxa uu yahay xilkiisu xallintakhilaafaadka iyo doorashada Ugaaska
• waxaana la furaa reero gaara ah .
Gande waxa uu u kala baxaa Ciidan iyo Caado.
Caado waa sida sideeda Reer ee Gandaha la furo ,sideedaa oo kala ah .
1. -Walaal- doon Rooble Axamed ah.
2. -Wardiiq Reer bare ah

3. -Reer Guulane Reer Waraabe ah oo waliba kasii ah Hufane Sheekh.
4. Wardiiq oo Eeba Cabdala ah .
5. Sacad muuse oo reer gadiidshe oo ka ah reeraadan xasan
6- yoonis muuse oo reer macalin oo ka ah rooble saciid.
7- akhtimahure reer cadaawe ah
8- furlabe saciib oo ka ah reer xaaji.
haddaba sideedaa Reer waxaa loo yaqaan Caado, waana sideeda Reer ee salka u ahGandaha .
Sideedaa inta ka hadhan waxaa lagu soo xulaa aqoon iyo iimaan. Sidaas dartedgandaha midab kale waxaa la yidhaahdaa Ducayeel.
*Gande Ugaas waxa uu kaga duwan yahay GandeDucayeel ,Reeraha qaarkood oo ku Ducayeelka ayaan ku jirin Gande Ugaas.
IV.Xubin ka noqoshada Gandaha
Waxaa xubin ka noqon kara Gandaha ,Shakhsiyaadkabuuxiya Shuruudahan soo socda

* waa in uu ahaado Ciise Ciisa dhalay.
*waa in uu ahaado nin aan dhagaroobin .
*Waa in uu ahaado nin aan caydh ahayn .
*waa in uu ahaado nin Salaada ilaaliya.
* waa in uu ahaado nin xaasle ah.
* waa in uu bilcan ka soo jeedo oo ay hooyadii aynaahayn dumaal.
*dhaqaala ahaan ummaddu waxay ku tiirsanahayxoolaha la dhaqdo, haddaba ninka xubin ka noqonaya Gandaha waxaa laga raba inuuwato LO, haddii uu lahayna waxaa looga soo ergiseeyaa cidda ugu dhaw.
*Lo’da laga raabaa waxa ay leedahay shuruudo,taasoo ah .
*Loda waa in uu ku jirin Booli oo ay ahaato xeroudhalad ama ka soo jeedo xoogsi lahubo xalaalnimadiisa , iyadoo laga fogaanayoquudashada xaaraanta
Bulshaweynta Soomaaliyeed oo raacato u’badan , waxaay hadba u hayaamaan meesha ay ka maqlaan hayb Roobeed amase uu ka hilaaco . siay ula lagdanto nolosha adag Reer miyiga u caadada ah .
Dhanka kale hadaan ka joogsano waxaan soo tilmaamnay inuu gande yahay Maguuraan, sidaas darted waxaa adag in maguuraan iyo xoolo dhaqato ay meel iskuguimaanayn.
*Gandaha ducayeelka layidhaahdo marka Abaari dhacdowaa lakala furaa.
*Gande ugaas sababta loo dajiyey ayaa ahayd layli tirka ugaaska sidaasi darteedisagana Abaari hadday timaado waala kala furaa. Waxaase loo reebaa ugaaska laboiyo toban Odey oo joogta ah , waxayna matalaan Gandihii la ka furay xaaladaAbaareed awgeed .
V. Qarnigiii tagay iyo Gandihii lafuray
Gandihii Weeraad ooahaa Gandihii Ugaas Xasan doortay waxaa la furay WaaruF .
Waxaana laga xasuusanyahay ragga ay magacdoodu kala ahaayeen .
1) Kooshin Cabdalle oo ahaaReer Aaden Xasan oo ahaa ninkii Gundhataha udhigay ugaaska.
2) Bahdoon Dilaal ooahaa Wardiiq Yeesuf ah oo waliba kasii ah Reer Geedi Cali .
3) Buux Geele Dhinbiil oo ahaa Sacad Muuse oo ah Reer Makaahiil waxa uu uxilsaarnaa sahanka iyo xiiritaanka .
4) Ina Bila Xaas oo ahaaWalaadoon Reer Axammad ah. 5) Ina Buux Kolomeyte oo ahaa dhabac.6) GeeddiQasnad Ride oo ahaa Reer Guulane Reer Waraabe ah .
7) Muuse Dabaal oo ahaa Wardiiq Reer Xasan ah .
8) Shariif Jilaani oo ahaa ninkii Ogaaska ka xiiray . 
 
 
 
 
 http://beeshadireed.blogspot.ca/2011/05/xeer-ciise-madoobe-dir.html

Wednesday, February 28, 2018

The Mandaluug Dir of Southern Somalia and their Past Migrations From the North West to the South

 Image


1. Daauud Madaluug (Gadabursi Madaluug Dir)
2. Isaaq Madaluug (Isaaq Madaluug Dir)
3. Reer Ahmed (Ahmed Madaluug Dir)
4. Reer Xasan (Xasan Madaluug Dir)
5. Jire Madaluug Dir
6. Irrable Madaluug Dir
7. Geelwaaqle Madaluug Dir
8. Masalalay Madaluug Dir
9. Xuseen Madaluug Dir


The Madaluug Dir in Western Somali Region (So-called Ogaden) were in the 1870s pushed South in large numbers during the Menelike Amhara invasions from Tug Fafaan down to Beledweyn and Dolow region where they settled with other Dir groups.

The 1880 famines which caused Amahara millitias of Menelike to reach as far South as Beledweyn and Eel Buur in order to raid Somali herds to finance his invasion of Southern Muslim lands, pushed the Manadaluug in large numbers, dispersing them, mostly found other Dir groups and settled with their kinsmen even though impoverised.

This coupled with Ogaden/Absame raids who lost their life stock to Amhara dwindelled the once powerful Madaluug today they are about 120,000 strong but very dispersed over large territories in Western Somalia and Jubba / Shabeelle valley.

In 1880s, the Menelik forces who were expanding and raiding the farming villages of upper Shabeelle and exacting tribute from Somali nomads in villages of upper shabeelle and exacting tribute from nomades at the dry-season watering sites


These raids led to the destruction of many Dir groups which included the Mandaluug, Bajimaal, Gadsan and Suure, which caused many to move futher south.

These raids also motivated many Darood clansman like the Ogadeen and Mareehan to move inland fearing the vicious Amhara Christian raids,these Darood Somali clans fled into Somalia and away from these aggressive blood thirsty Christian Amhars.

There are nine distinct Southern Madaluug Dir in Kenya, Doollo/ Nageele and Jubba Shabelle Valley. The remaining are in Harrara and Western Somali regions.

 Makahil Mikadore and Reer Idleh

Reer Isaaq ( Largest group) Live in Godey, Qabri Dahare, Shilaaba Jarati and Jubba Shabeele valley. The Mekhaahil subclan lives in Jilib -Kismaayo area



Reer Ahmed- Shilaaba, Jarati and large numbers in Kismayo,Jamaame, Afmadow mixed with Bimaal, Suure and their Gadsan Kinsman



Reer Hassan are in Godey, Qallafe and Nageelle. Large numbers live in Hiiraan and own farms with their Suure (Fiqi cumar and Fiqi Muxummed) The Reer Nuure live West of Baladweyn. The Reer Maajuun live in Bay Region with the Quranyow Maxammed Dir and some settelled amounf Rahanweyn Eelay. The Reer Majuun and a Madaxweyn Dir group the Reer Aw Said live in this are.



Jirre Madaluug- only group remaining in Tog Faafan, Jigjigga



Masalalay- NFD Kenya Bardheere Dollow



Reer Xuseen



Samaroon Saciid of Awad proper Gadabuursi



Reer Majjuun amoung Eelay and Quranyow Maxammed Garre Dir of Bay



Makahiil large numbers amoungst Dir Bimaal and Surre of Jammaame and spreading out as far as Afmadow and Kismayo. Also in NFD amoung Quranyow and Dir of Bardheere and Doolow Ado. In this region the Mandaluug live closely with the Reer Yaxye, Dheere Madaxweyn and R. Dayo



Buufow Ethiopia near great bend of Shabeelle Xamaro Xaddad



Angoolle and Xeeble and Reer Nuure all live in Dollow but own large farms West of Beledweyn this group alone numbers about 22,000 souls.

Even though most Dir geneologies record that Dir had 4 Sons Madaxweyn, Madoobe and Mahe Dir and Mandaluug Dir which includes the Samaroon Saciid and Mandaluug clans of the south. I was suprised by the Lower Jube and Shabeelle account of the Mandaluug Dir. And this was observed in Kenya, most Mandaluug identify themselves as Mandaluug Maxammed and they Say that Mandaluug and Samaroon are the sons of Mahe Dir Maxammed Xiniftire. This claim would make the Mandaluug of south direct cousines of the Biyomaal Maxammed, Baajimal Maxammed, Quranyow Maxammed (Garre) and Dabruub. Also the Surre ( Cabdalle and Qubeys clans of South and Mudug). I was also suprised to see quite a number of Madiigaan clans who referred to Mandaluug as Abti (maternal uncles because they said their lineages were Baho Samaroon. The Madigaan and Barsuug (Barsuuk I saw identified with the numerous Mahe Dir in the region stated they were Curads of Dir because they are Madaxweyn Dir) especially the Mandaluug their are part of the same Diya groups of Madaxweyn Dir Hordare (Alaab weyne clans)



 Kismaayo: Murashax Cali Cusmaan Xirsi Oo Ku Guuleystay Kursiga Beesha Madaluug/Dir Ee Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Laga Soo Dooranayo Gobolada Jubbaland



November 23, 2016

waxaa shaley magaalada Kismaayo dib uga furmay doorashadii xildhibada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federalka gaar ahaan xildhibaanada laga soo dooranayo deegaanada Jubbaland.

Waxaa las doortey shaley hal kursi kaliya kaasoo ah kursiga beesha Madaluug Direed ee gobolada Jubbaland.

Waxaa kursiga beesha Madaluug ee Jubbaland ku tartamay musharax Cali Cusmaan Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed oo soo noqday wasiirka caafimaadka iyo xildhibaan hore.

Waxaa kursiga kusoo baxay Cali Cusmaan Xirsi oo heley 27 cod halka Dr. Axmed Aadan Axmed uu helay 23 cod.

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Federalka ee Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay hakad la geliyey kadib markii la ogaaday in murashaxiinta qaarkood adeegsanayeen laaluush si ay ugu guuleystaan kuraasta beeshooda, shaley ayaa doorashada dib looga bilaabay markale magaalada Kismaayo.


You can also find in smaller numbers today  Makador sub-clan's among the Mandaluug Dir, who the Gadabuursi belong to and the Gorgorah Dir who also partook in the Jihad along with the Habar Makador of the Gadabuursi..
 Futuh Al Habasha page 123
Concerning the Makador among the Mandaluug. 
Image
From the Scottish Geographical Society 1885

In the table above you can see "Medelluke" and "Rer Makador". One should note that the Medelluke do not claim descent from Ogaden, but rather came to be allied to them after being dispersed by the Christian Abyssinian invaders.

These Makador segments prove that the Habar Makador/Makador of the Gadabuursi partook in the jihad and they ended up isolated from the Gadabuursi Habar Makador.

Especially the one in the southern Madaluug, which a southern Madaluug brother himself explained to me that there is among them a subclan called "Reer Maxamed(Axmed) Guray of the Muse Makador"


In the future  I will mention more about the Conquest of Abyssinia and  I will discuss a controversy. Stay

Tuesday, February 27, 2018

The Surre Dir subclan The Qubeys and their Distribution in Somalia Deeganada Beesha Qubeys


 Qubeys قبيس سر در is a member of the Surre (clan). Surre is one of the sons of the greater Mehe Dir Tribe. Qubeys is brother to Abdalle Surre Dir. Surre (Abdalle & Qubeys)

Qubeys قبيس, along with Abdalle, are a subclan of the Surre (clan). Surre Mehe is a member of he Royal Dir tribe.
The Word Qubeys is an ancient Somali word which was once common amongst the traditional Somali population. The word itself means cleanliness. With the introduction of Islam and the Arabic language to Somalia over 1000 years ago, Somalis changed the tradition of naming their sons Qubeys to Dahir or Tahir or طاهر in Arabic which also means cleanliness.
The Qubeys and Abdalleh Surre Dir clans are known to have spread and taught the Islamic religion in southern and central Somalia. With the modern Somali society, it is believed that the Surre, both Qubeys & Abdalle have a large number of Faqīh (Islamic Jurists) and Islamic scholars
It is believed by various historians the Qubeys Surre & Abdalle Surre migrated from the northern part of Somalia currently known as Somaliland approximately 1316 A.D. The Surre Clan migrated to parts of southern and central Somalia as well as parts of Ethiopia and Kenya. However a small fraction of the Qubeys clan remained in Somaliland and reside in Togdheer Somaliland till this day.
Currently the Qubeys Clan reside in the following cities. Some which they inhabit alone and some where they are the majority or a significant population of the city:
  • Bacadweyne Mudug
  • Ceel-Xagar Puntland
  • Significant amount reside in Galkacyo Mudug
  • Marajiicley Galgaduud
  • Kabxanley Hiiraan
  • Baraag Ciise
  • Qaycad
  • Dhaah - Hiiraan
  • Wardheen - Hiiraan
  • Buuloburte - Hiraan
  • Dheen
  • Gawaaney
  • Jaqey
  • Qobor
  • Jamaame
  • Labaceel
  • jiicdheere
  • shabeelow
  • Golweyn
  • significant amount reside in (merca) lower-shabele
  • Significant amount reside in Mogadishu Banadir
  • Small cluster reside in Burco Togdheer Somaliland
  • Koolo Ethiopia
  • Bangale Kenya

Clan tree

  • Dir
  • Mehe
  • Surre
    • Qubeys
      • Tolweeyne
        • Axadoowe
          • Abdalla
          • cusmaan
        • Reer Toonle
          • mohamed abti-udug
          • waqantiile abti-udug
      • Yabadhaale
        • Midkasse
          • Idiris
          • Cusman afey
        • Wayaagle
          • reer baani

Dir clan, including how the Dir subclans compare commonalities and differences, the political representation

Somalia: The Fiqi Omar subclan of the Dir clan, including how the Dir subclans compare commonalities and differences, the political representation they have enjoyed leading to the "Cairo Declaration," and subsequent National Reconciliation Conference, whether they have a militia and where, with whom and against whom it is currently involved

Publisher Canada: Immigration and Refugee Board of Canada
Author Research Directorate, Immigration and Refugee Board, Canada
Publication Date 1 April 1998
Citation / Document Symbol SOM29248.E
Cite as Canada: Immigration and Refugee Board of Canada, Somalia: The Fiqi Omar subclan of the Dir clan, including how the Dir subclans compare commonalities and differences, the political representation they have enjoyed leading to the "Cairo Declaration," and subsequent National Reconciliation Conference, whether they have a militia and where, with whom and against whom it is currently involved, 1 April 1998, SOM29248.E, available at: http://www.refworld.org/docid/3ae6ab7d38.html [accessed 28 February 2018]
DisclaimerThis is not a UNHCR publication. UNHCR is not responsible for, nor does it necessarily endorse, its content. Any views expressed are solely those of the author or publisher and do not necessarily reflect those of UNHCR, the United Nations or its Member States.



Information on the Fiqi Omar subclan of the Dir clan including the manner in which Dir clans compare commonalities and differences could not be found among the sources currently available to the Research Directorate. For detailed information on the  Dir clan and their family tree, please consult pages 144-148 of Patrick Gilkes' The Price of Peace in Somalia, and the appendix on clan genealogies,  which is available at Regional Documentation Centres.
The Dir participated in the Sodere Conference which took place on 3 January 1997 at the Ethiopian hot-spring resort of Sodere, and is one of the major clan families represented in the 41-member National Salvation Council (NSC) created at Sodere and charged with the responsibility of organising a transitional government (Africa Confidential 17 Jan. 1997).
The Cairo Peace Agreement, which was a follow-up to the Sodere Agreement, was reportedly signed in the presence of Egyptian president Hosni Mubarak in Cairo on 22 December 1997 (Africa News 23 Mar. 1998), by delegates of  Hussein Farah Aydid's Somali National Alliance (SNA) and the NCS headed by Osman Ali "Atto" and Ali Mahdi Mohamed (The Indian Ocean Newsletter  6 Dec. 1997, 3). The Cairo Declaration called for another follow-up conference of national reconciliation to be held in Baidoa on 20 December 1997 but this has been repeatedly postponed and is now scheduled to take place on 15 May 1998, funds permitting, although "the real obstacle stems from the refusal of faction leader Hussein Mohamed Aydeed to pull his militia from Baidoa, as agreed in Cairo" (ibid., 4 Apr. 1998).
A 30 March 1998 Agence France Presse report states that two people were killed and five others injured during fighting between Habr Gedir and Dir clans in the Qeyder village in southern Somalia.
This Response was prepared after researching publicly accessible information currently available to the Research Directorate within time constraints. This Response is not, and does not purport to be, conclusive as to the merit of any particular claim to refugee status or asylum.
References
Africa Confidential [London]. 17 January 1997. "Somalia: The Sodere Spirit."
Africa News. 23 March 1998. "Somalia: Somali Peace Advocate Calls for Grassroots Approach." (NEXIS)
Agence France Presse. 30 March 1998. "Plus de 30 morts dans des combats à Kismayo." (NEXIS)
The Indian Ocean Newsletter. 4 April 1998. No. 806. "The Impossible Reconciliation."
_____. 6 December 1997. No. 790. "Somalia: Pipes of Peace."
Gilkes, P.S. September 1994. The Price of Peace: Somalia and the United Nations 1991-1994. Bedfordshire, U.K.: Save the Children's Fund.
Additional Sources Consulted
Africa Research Bulletin: Political, Social and Cultural Series [London]. Vols. 34 & 35. Nos. 1-12.  January 1997 - March 1998.
Country Reports on Human Rights Practices for 1997. 1998.
Horn of Africa Bulletin [Uppsala]. January 1997 - February 1998. Vols. 9 & 10. Nos. 1- 6.
The Invention of Somalia. Edited by Ali Jamale Ahmed. 1995. Lawrenceville, NJ: The Red Sea Press.
Lewis, I. M. 1994. Blood and Bone: The Call of Kinship in Somali Society. Lawrenceville, NJ: The Red Sea Press.
_____. 1988. Rev. ed. A Modern History of Somalia: Nation and State in the Horn of Africa. Boulder, Col.: Westview Press.
New African [London].  January 1997 - March. 1998.
Electronic sources: DIRB Databases, Global News Bank, LEXIS/NEXIS, Internet, REFWORLD (UNHCR database), World News Connection (WNC).
Copyright notice: This document is published with the permission of the copyright holder and producer Immigration and Refugee Board of Canada (IRB). The original version of this document may be found on the offical website of the IRB at http://www.irb-cisr.gc.ca/en/. Documents earlier than 2003 may be found only on Refworld.
http://www.refworld.org/docid/3ae6ab7d38.html

Tuesday, January 23, 2018

Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley. xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa. Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo bixi doono’’ Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno. Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’ Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay ka sheqeeyaan horumarkooda. Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo wanaagsan’’ Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen ,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno C/raxmaan Xaaji Timacade News Desk Gabiley ,Somaliland


Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley.



xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho


Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa.

Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo bixi doono’’
Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’
Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay ka sheqeeyaan horumarkooda.

Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo wanaagsan’’

Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen ,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno


 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland









Tuesday, January 9, 2018

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO









Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta Direed , qabiilka jaarso wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba

.

Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopian Waxaana la odhan jiray JAASRO SULTANATE, boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray iyaguna dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha,jaamacadaha iyo schoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray SULTANATE OF DAWARO ( Dawaro Waa Jilib ka mid beesha Jaarsi ).

waxyaalaha in la xuso ubaahan ama ay ku faanaan umada Jaarso waxaa ka midka ah oo taariikhda u gashay beesha jaarso ay ahayd qabiilkii soomaaliyeed ee ugu horeeyay kaasoo dagaal fool ka fool ah la galay dawlad ay xabashi lee tahay, Beesha Jaarso waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeer soo jireen misena caan ah kaas oo  ay isku maamulaan, xeerkaas oo la yidhaahdo Xeerka Jaarso kaasoo lagu aas aasay Tuulada Tuli Cagaagane.


Beesha jaarso waxay ku fadhidaa dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia, waxayna ku xoogan yihiin Ismaamulka Somalida Ethiopia iyo Kan Oromada, Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba af oo kala ah Afka Somaliga iyo Afka Oromada, markaan lee nahay afka oromada inta ku hadasha waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 45% inta ku hadasha afka somaligana waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 55% , beesha jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta umada ay wada degaan taasina waa dabeecadaha ay ku caanka yihiin.

Beesha Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah :
             1. Degmada Jigjiga
             2. Degmada Jinacsani
             3. Degmada Ajasa Koora
             4. Degmada Baabili
             5. Degmada Gursum
             6. Degmada Hawaday
             7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago
             8. Degmada Tuli Guuled
             9. Waxay Kale oo Ay Ku Nool Yihin Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Kililka Oromada
            10. Gobolka Liibaan
Hadaan usoo noqono beeshu waxay ka kooban tahay lix (6) jilib oo waa wayn waxayna kala Yihiin:
1. Wara dhaqo            ( Reer Dhaqo )
2. Wara sayo              ( Reer Sayo)
3. Walaabi
4. Wara Oogo           (Reer Oogo)
5.  Dawaro
6. Oroma
Erayga  Waro waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay  Reer
1. Wara Dhaqo iyaduna waxay usii kala baxdaa  Tobadaba (7) Jilib.
  • Wara Yan’a
  • Wara Yaanyo Igo
  •  Wara Maxamed
  • Wara Yaanyo Guyo
  • Wara Akaako
  •  Wara Areelo
2. Wara Sayo iyaduna waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Buuko
  •   Abiye
  •  Oroma
3. Walaabi waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Cusmaan
  •  Wara Cumar
  •  Baalcad
4. Dawaro
5. Wara Oogo
6. Orama

F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba Ah ama Sixid Aad Iga Saxaysid Wixii Ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan  jaarsocommunity@hotmail.com

Blog Archive