Monday, September 10, 2018

Garre Quranyow Maxamed and Tuuf Celebrating Dawa Zone




Dawa Zone  Film Festival Video  March 22, 2016
Jubilant Gharri people come to celebrate in Dawa Zone by the thousands.   Jubilant Gharri people come to celebrate in Dawa Zone by the thousands.   This is first Dhedhertu film, and it was created on March 18, 2016
Dhedhertu is located in Hudet district, Dawa ZONE, Southern Ethiopia. 



Dhedhertu is located in Hudet district, Dawa ZONE, Southern Ethiopia.  The Quranyo section of the Garre claim descent from Dirr, who are born of the Irrir Samal. UNDP Paper in Keyna http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf
Quranyow Maxammed Xiniftire Dir iyo Tuuf Garre
QURANYOW MAXAMED XINIFTIRE (GARRE)

Bari hore ayaa waxa Quranyow oo ka timid " naaneys" kii Quranka wax ku daweeyay ama " Quraamiyow" waxa uu la kulmay nin odey ah oo la oran jiray Tuuf oo ahaa ina Gardheere Samaale iyo Gabar uu dhalay oo xanuunsaneysa, waxaa la yiri Quranyow oo ahaa nin sheekha ayaa Tuuf wuxuu u daweeyay gabadhisi Makko ee xanuunsaneysay. Halkaan xiriir ayaa ka abuurmay oo Quranyow oo Gadhleh iyo nanaysta Quranyow u baxday iyo Tuuf Gardheere Samaale iyo walalkii Umaacia ayaa wada xididay kadibna sameystay xiriir xididnimo iyo walaal nimo ka dib markii ay galeen xilli ay Booranta Oromo iyo Arsi ay hoos galeen.
Gadhle ( Quranyow) Maxammed Xiniftire waxa uu guursaday Mako oo u dhashay Laba wiil oo ah Ilma Quranyow:
Furkesho ( Furkisho) oo dhalay 7 wiil Hoodkooy, Huredeeq, Daarawa, Birkaya, Hooytare, Kalweesh, Suubukitre.
Iyo Asaare oo Furkisho walaalkiis ah oo dhalay Baana iyo Kiliye. Waana ilma Xiniftire Maahe Dir. Quranyowga wexey sheegan Tuuf oo Sodog u ahaa Quranyow islamarkaan dhihi jiray Adeer baan kuu ahay iyo Quranyow in ay dhaxalka isku darsadeen oo uu Tuuf xoolihiis u dhiibay Quranyow Gaare kuna yidhi wilashiisi sidii Suul Goroyo Gaabta hadii aad ka hadhaan wiilkan adeerka u ahay qabana qabadheyda.

Xildhiban Jawaahir Cadaawe Cabdi (Abuurkar Cabdi Cismaan) ( Quraanyow Maxamed Xiniftrie mahe Dir )ayaa Si Weyn muqdisho ugu Soo Dhaweysay Xubin ugu Mid noqotay Aqalka Hoose Ee Koonfur G




Xildhiban Jawaahir Cadaawe Cabdi  (Abuurka Cabdi Cismaan) Waa gabar Quranyow Maxamed Xiniftire Dir (Garre) ka soo jeeda oo abaheedna wuxuu ahaa Wasiir.





Mansha Allah Farax ayay dhamaan Dir iyo Garre u tahay gabdhan Alle ha ka dhigo mid dadkeed anfacda


The Quranyo section of the Garre claim descent from Dirr, who are born of the Irrir Samal. UNDP Paper in Keyna http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf

Waamo State - Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno Badan oo Dir ah


Xukuumad lagaga dhawaaqay Kismaayo oo ay Wasiirradeeda ku jiraan xubno ay 

Kismaayo(Berberanews):- Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Lix Madaxweyne oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey dad kala duwan oo uu xilal u magacaabay, isla markaana uu ugu yeedhay golaha Xukuumaddiisa, kuwaasoo ay ku jiraan shaqsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha Somaliland oo qaarkood ay Madaxweynaha Somaliland isku beel yihiin.cumar buraale
Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah Madaxweynayaal dhawaan si gooni-gooni ah oo isku xumayn ah loogaga dhawaaqayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo la doonayey in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa ku dhawaaqay laba Madaxwayne Ku-xigeen oo Xukuumaddiisu yeelanayso  iyo  Golihiisa Wasiirrada.
Cumar Buraale oo maamulkiisa ula bxay Waamo State, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in uu soo dhammaystiray Wasiiraddiisa. Cumar Buraale Axmedl, ayaa ka mid ah tiro Madaxwaynayaal ah oo gudaha magaalada Kismaayo ku sugan isla markaana uu loolan adagi ka dhexeeyo.
Buraale ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad iyo labaad u kala magacaabay Madaxweyne Ku-Xiggeenka 1aad: Cabdillaahi Axmed Ciise, oo kasoo jeeda Hawiye, Habar-Gidir, Sacad halka Madaxweyne Ku-Xiggeenka 2-aad loo Magacaabay Cabdiqadar Daahir Cabdalla, oo isna kasoo jeeda Daarood, Majeerteen, Ciise Maxamuud.
Tallaabadan Cumar Buraale waxa uu Xukuumadda ugu yeedhay ku magacawday ayaa laga cabsi qabaa inay sii murgiso xaaladda gobolka Jubbada hoose oo ay immika ku hirdamayaan  kooxo badan oo kala taageersan wejiyo kala duwan.
Liiska Wasiiradda uu magacaabay iyo beelaha ay ka soo jeedaan, ayaa u dhigan sidan:-
1. Wasiirka Arrimaha Dibedda Suldaan Bashiir M. Geelle Dir, Biyo-Maal, Gaadsan
2. Wasiirka Gaashaandhigga Col. Yuusuf Cali Naasir- Daarood, Mareexaan
3. Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Mandow Cusmaan Abshir- Jareer Weyne,
4. Wasiirka Maaliyadda Drs Maryan Xasan Cusmaan “M. Keef” Dir Surre, Qobays
5. Wasiirka Caafimaadka Inj. Cabdi Buulle Xuseen- Gaal-jecel, Doqondiide
6. Wasiirka Warfaafinta Sheesh. Cabdinuur M. Yuusuf- Dir, Manduluud
7. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Barre Salaad Cusmaan- Gardheere Samaale, Cawra Male
8. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Sh. Saciid Diiriye Jaamac- Dir, Isaaq, Habar-Jeclo
9. Wasiirka Amniga Waamo State Dr. Xuseen Sheekh Xaaji Ganey- Digil & Mirifle, Geeladle
10. Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Ibrahim Sahal Siigaale- Daarood, Ogaadeen, Cawlyahan
11. Wasiirka Warshadaha Cabdilllaahi Xuseen Axmed- Waamo Hawiye, Sheeqaal, Awqudub
12. Wasiirka Xidhiidhka Gobollada Maamul-goboleedka iyo dowladda Federaalka Prof. Ibraahim Cabdinuur Nooleeye- Daarood, Jidwaaq, Bartire
13. Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Xasan Nuur Qalaad- Hawiye, Habar-Gidir, Cayr
14. Wasiirka Daaqaha Qaranka Col. Maxamed. M. Biikole- Daarood, Ogaadeen, Maxamed Subeyr
15. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Cumar Xuseen Caliyow Digil iyo Mirifle, Jiido
16. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekedaha Maxamed Maxamuud Tooxow- Hawiye, Abgaal, Harti Abgaal
17. Wasiirka Qalabka iyo Soocelinta Hantida Dowladda iyo Midda gaarka Loo Leeyahay Dr. Cabdillaahi Cabdi Hire- Dir, Madaxweyne Dir, Gurre
18. Wasiirka Tabobbarka iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyada Madoobe Aw-Jaamac- Daarood, Leelkase
19. Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Drs Maryan Maxamed Xuseen- Hawiye, Sheeqaal Loo-Boge
20. Wasiirka Ciyaaraha Drs Bishaaro Cosoble Cadde- Hawiye, Murursade
21. Wasiirka Kalluumaysiga Caaqil Diini Maxamed Diini- Baajuun
22. Wasiirka Xidhiidhka Aqalka Odayaasha Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur- Dir Surre, Fiqi Muxumad
23. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Dr. Maxamed Xasan Nuur- Garjante
24. Wasiirka Ganacsiga Inj. Cabdirisaaq Daahir Xuseen- Dir, Ciise
25. Wasiirka Lacagta Col. Maxamed Dhaqane Cilmi- Aar Hawiye, Xawaadle
26. Wasiirka Reer Miyiga iyo Duur-Joogta Suldaan Saciid Sh. Maxamed Cali- Digil iyo Mirifle, Hubeer
27. Wasiirka Dalxiiska Cabey Maxamed Cali- Hawiye, Saransoor, Dagoodiye
28. Wasiirka Tacliinta Sare Dr. Ibraahim Xuseen Xiiri- Dir, Gada-Boorsi ama Samaroon
29. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Inj. Muxiyadiin Xasan Afrax- Hawiye, Abgaal, Daa-uud
30. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dr Sh. Maxamuud Sh. Xasan M. Gaab- Dir, Madaxweyne, Dir
31. Wasiirka Dib-u-Heshiisiinta Maxamuud Cali Dhuux- Daarood, Ogaadeen, Bahgari
32. Wasiirka Dib-U-Dejinta Cabdikariin Cali Afrax- Hawiye, Du-Duble.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.





Saturday, September 8, 2018

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR IYO BEELAHA AY U KALA BAXAAN. BANADIR CLANS OF XAMAR CADE

BEESHA QOWMIYADA REER BANAADIR
Badmareenadii iyo qorayaashii caanka ahaa ee imaan jiree xeebaha dalka Soomaaliya Qarnigii 13aad sida xeebaha: Muqdisho, Marka,Warshiikh,Baraawe,Kismaayo. Badmareenadaasi oo ay ka mid ahaayeen : Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo, Cheng Ho, Emrico Cerculli iyo kuwo kale waxay qoraaladooda ku xuseen in xeebaha koonfur Soomaaliya ay deganaayen waagaas Qowmiyad Xadaarad fac weyn leh ( oo ay ula jeedeen Qowmiyadda reer Banaadiriga).



Ibnu Batuuta waxaa kaloo uu Buugiisa ku sheegay in magaalooyinkaasi badi ay lahaayeen Dhismooyin qurux badan oo la mid ahaa dhismooyinka caalamka waagaasi.Qoraagii Emrico Cerculli isna waxaa uu sheegay in Xamarweyne & Shigaani,Marka & baraawe ay ku yaaleen Masaajido dhismahooda muujinaaya xadaaradda faca weyn waagaasi. Waxaa kaloo ayadana xusid mudan in halgankii xuriyada dalka Soomaaliya ay qayb wayn ku laahyeen Banaadiriga sida 13 SYL oo 3 ka mid ah ayka soo jeedeen qowmiyadaas. Waxay kaloo lahaayeen xisbi siyaasadeed oo ayku mideeysaayeen ilaa 1943 oo la yiraahdo SANU.

hadaba waxaan ka soo xigtay qoraalka qabiilada Mudane Garwayne kuloow sida ay ukala baxaan reerkaas, waayo waxay dad badan moodaan in Banaadiga ayku kooban yihiin oo kaliya Hamarwayne. Taas runta ma aha, waxay degaan magaalooyin badan badanaaba xeebaha, qabiiladoodana waxay ukala baxaan sidaan: Waxaa kaloo jirta inay ku hadlaan laba lahjo, shangaani waa Maay, Hamarwayne waxay ku hadlaan Maxaa tiri.



QABAA’ILKA BANAADIRIGA EE DEGA DEGMADA XAMAR WEYNE
BANDHABOW WAA 8 Jilib.
• Ree r Aweys Cabdi
• Reer Aweys khamiis
• Reer Unturow
• Reer Quuriwayle
• Reer Sheebow
• Reer Axmed Nuure
• Reer Cali Maxamed
• Reer Gudmane

MOORSHE WAA 8 JILIB.
• Reer Baataay
• Reer Ibraahim
• Reer Maxamuud
• Reer Kalafow
• Reer Mahadow Amiin
• Reer Baa Xamiish
• Reer Haatim
• Reer Aweys Nuurow.

DHABAR WEYNE WAA 5 JILIB
• Reer Shaanshiyo
• Reer Waabaas
• Reer Maxamed Jibriil
• Reer Xaaji Qaraar
• Reer Qalinshube

ISKAASHATO 8 JILIB
• Reer Shiiq muumin
• Reer Maanyo
• Reer Indhoweyne
• Reer Cali Xasan
• Reer Buurfuule
• Reer Ceydaruus
• Reer Shamsi
• Reer Askareey
WAA 4 XAMR IYO CULUMADOODA (REER FAQAY)

Magacyada QABAA’ILADA beelaha shingaani waa 16 jilib.

• Reer sheikh
• Reer kooli
• Reer maanyo
• Reer faqi cali
• Reer asharaaf
• Reer aadan dheere
• Reer cabdisamed
• Reer baafadal
• Reer xaaji
• Reer baa sadiiq
• Reer abakaroo
• Rer yacquub
• Reer camuudi
• Reer faqay
• Reer sedaxgeedi
• Reer cusmaaneey

BEELAHA QOWMIYADDA BANAADIRIGA EE DEGA MARKA CADEEY EE 16ka KOOFI.

• REER MAANYO
• REER AXMED NUURE
• REER GARJANTE .
• REER ASHRAAF CALAWI
• REER DURUQBO
• REER KAFAAYO
• REER GAAMEEDLE
• REER SHUKUREERE
• REER ASHRAAF BIN-XASN
• REER HAATIM
• REER SHAANSHIYO
• REER JUUNJI
• REER SHEQAAL GENDERSHE
• REER SHEEQAAL JAZIIRA
• REER KHADHIIB
• REER MOORSHO

Qore abdulrazak saeed omar almaqtari
Photo

Beelah Reer Manyo-Reer Caafi oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Dir/Qubeys. waxay degaan oo kaliya Xamar Shangani iyo C/casiis, Reer Caafi


Side Ayuu ku Baxay Magaca Reer Manyo?

~ banaadiri asal ah

Magaca Reer Maanyo waa Magac ay baxsadeen dad ku midoobay ama ay ka dhaxeysay Xirfad Badeed, ahaana dadkii maamuli jiray Dekedii Xamar iyo Marko.Magacan Reer Maanyo sababta ay ula baxeena waa markii Gumeysiga Talyaniga yimid dhulka Somalia oo uu damcay in dekadii uu gacantii dadkii haayey ka bixiyo,Qabaa’iladan oo ahaa waqtigas dad dhaqaalaha Xamar iyo Marko ee Export iyo Import maamulo ayaa waxay go’aan sadeen inay magac ay ku midoobaan kuna badbaadiyaan dhaqaalahood la baxaan. Maanyo waa eray la macno ah BAD.Taariikhda Banaadiriga hadaad dib ugu noqoto waxad ogaaneysaa in banaadiri ay ahaayeen dad xirfado ku caan baxay kuna walaaloobay, magacyadoodna aad ka garan karto sida Bandhawoow oo la macno ah DUN SAMEEYE, Qalin shube oo ah kuwa Qalinka iyo dahabka sameeyo, reer Maanyo oo ah dad Xirfada Bada ku can ah iyo kuwa la mid ahba.Reer Maanyo waxay ka tirsan yihiin Qabaa’ilada Banaadiriga gaar ahaan ISKAASHATO. Reer maanyo waxay xiriir ama walaaltinimo weyn ka dhaxeysaa qabiilka Moorshe oo la isku wada yiraahdo ISKAASHATO MOORSHE. Moorshaha oo la sheego inuu ahaa Qabiilkii ugu horeeyey ee soo dego dhulkan xeebaha Somalia ayaa ah Qabiil asal ahaan ka soo jeedo Boqortooyadii Ajuuraan, Moorshe waxa la sheegaa inuu ahaa Qabiilkii soo dhaweeyey dadkan Iskaashato la isku yiraahdo.Reer Maanyo waxay kala degaan Marko iyo Xamar, waxay u kala baxaan  4 beelood oo Xamar degto iyo 4 Marko shabeelada hoose degto.Reer Maanyo waxay iskugu jiraan oo Magacas ku midesan qabiilo asal ahan ka soo jeedo Carab iyo kuwa Somali ahba waana sidan hoos ku qoran:

Xamar 4ta degto:

1=Reer Macow oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo Carab Yemen Xadramoud, Qabiilkoodana la yiraahdo Baamukhtaar,Reer macow waa beesha ugu weyn inta ku midoobay Magaca reer Maanyo.waxayna degaan Xamar ilaa Marka.Xamar waxay degan yihiin beeshan Degmada Shangani, degmada C/casiis iyo degmada Xamarweyne/ Buurfuule iyo aawoow aweyska.Shabeelada hoose Marka waxay degan yihiin Xaafada Awbaale iyo Xafada Ruusiya.

2=Reer Shaawis oo ah dad asal ahaan ka soo jeedo carab Yemen Meheri.Reer Shaawis waxay degaan Xamar degmada Shangani, Xamarweyne iyo C/casiis.

3=Reer Cumar oo ah dad asalkooda ka soo jeedo Qabiilka loo yaqaan Garre oo ah qabiil somaliyeed,waxay degan Xamar iyo Marka.Reer Cumar waa qabiilka 2aad ee ugu weyn Reer Maanyo waxayna degaan Xamarweyne,Shangani,C/casiis iyo Marka cadeey.

4=Reer Caafi oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Dir/Qubeys.  waxay degaan oo kaliya Xamar Shangani iyo C/casiis, Reer Caafi waa qabiil Somali ku abtirsado taasi ayaana u sabab ah in dadkooda badan ay degan yihiin deegano kale.

12_big
Marko Shabeelada Hoose:
1=Reer Macow oo aan kor kusoo sheegnay asalkoda halka ay kaso jeedaan
2=Reer Cumar oo aan Kor kusoo sheegnay asalkooda wuxuu yahay

3=Reer Xaaji oo ah dad asalkoda ka so jedo Qabiilka Garre ayaa ah dad Markii danbe soo Galay ama kusoo biiray Qabaa’ilada  Reer maanyo,Reer Xaaji waxay degaan Marka/Shabeelada hoose waxayna dhaqan iyo dhalashaba wadaagaan Reer Cumar.

4=Reer Xasan oo ah dad asalkooda ka soo jeedo qabiilka Shiikhaal ama reer Aw xasan. Reer Xasan waxay degaan Marka shabeelada hoose,waana qabaa’ilada markii danbe ku soo biiray Magaca Beelaha ku midoobay reer Maanyo

Qabaa’iladan ku midoobay Magaca reer Maanyo waxa ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo,mid Guur iyo mid dhaqanba. Reer maanyo waa dad leh taariikh aad u fog,Taariikhdoodana waxa laga heli karaa Library Talyaniga gaar ahaan Library qadiimiga ah ee ku yaalo magaalada Bologna .Qeybta danbe la soco Taariikhda Reer Maanyo iyo Dekadii Ex furdo.

https://banaadiriblog.wordpress.com/2017/03/08/taariikhda-reer-maanyo/

Blog Archive