http://youtu.be/a6c0fqE9s7c
Faahfaahin Dheeraad ah oo Kusaabsan Gubitaankii Magaalada Raaso
Waa warbixin aannu ka diraayinay sidii loogubay magaalada Raaso. Waxayna warbixintani kusalaysantahay macluumaadka aynasiiyeen dadka magaalada Raaso kunool. Labadii bari ee lasoo dhaafay waxaanu baaritaan kuhaynay sida loogubay qaybo kamid ah magaalada Raaso iyo dadka ka dambeeyay. Waxaanu laxidhiidhnay dad kala duwan oo jooga gudaha magaalada Raaso. Waxayna noo xaqiijiyeen in gubitaanka magaalada uu dhacay labo maalmood oo kala duwan. Dukaamada suuqa magaalada ayay kolkii hore jabsadeen maleeshiyo iyo koox booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida katirsan, kadib ayay dab qabadsiiyeen suuqa magaalada.
Maalintii dambe ayay goor barqo ah hadana intii ka hadhay suuqa iyo xaafado suuqa ka agdhaw dab qabadsiiyeen. Dabkan labaad ayaa dhacay kadib markii ay dadka magaaladu ka dacwoodeen falka ay kooxda booliska deegaanka Soomaalidu ay kugubeen magaaladooda, halkaasna wuxuu hadal kudhexmaray dadkii dukaamadoodii lagubay iyo kooxdan katirsan booliska DDS, wuxuuna boolisku ugu goodiyay dadkii inay mar labaad ay dab qabadsiinayaan magaalada. Markii ay kooxda booliska Kililka Shanaadka katirsan ay mar labaad magaalada dab qabadsiiyeen, waxaa kusoo yaacay dadkii magaalada, iyaga oo iskudayay inay damiyaan, laakiin koox maleeshiyo ah iyo koox booliska deegaanka Soomaalida ah oo joogay magaalada ayaa udiiday inay dadku damiyaan guryaha gubanaya. Waxay dadka magaaladu noo xaqiijiyeen inay guryo badani gubteen, inkasta oo aynan jirin kharaaso naffeed ama cid wax kunoqotay dabka.
Dadkii iskudayay inay damiyaan dabka uu booliska deegaanka Soomaalidu kugubayay magaalada Raaso, ayaa iskuweedh laga qabtay, waana laxidhxidhay, iyaga oo lagu eedeeyay inay iyagu gubeen magaalada. Dadka laxidhxidhay ayaa kor udhaafaya dhawr iyo labaatan, oo isuga jira dumar, caruur iyo rag. Qaar kamid ah waxgaradka magaalada ayaa iskudayay inay kooxdan booliska ah dacwad ugu tagaan, si ay ucodsadaan in dadka lasiidaayo. Waxgaradkii dacwada ugu tagay kooxdan dadka xidhxidhay ayaa qoryo lagu qabtay, waxaana laxidhay qaar kamid ah waxgaradkii. Dadkan shacabka ah wali way xidhanyihiin.
Waxay dadka deegaanka Raaso noosheegeen inuu falkani yahay fal ay xuukadda Dawlad Deegaanka Soomaalidu soo maleegtay, iyada oo doonaysa inay dambi ugusameyso beesha SHEEKHAAL ee degta deegaanka Raaso, si dhibaatooyin kala duwan loogaadhsiiyo beesha. Waxaa kale oo dadka magaalada Raaso noo xaqiijiyeen in kooxdan booliska ah ay bilaabeen inay dadka shacabka ah dhibaan, iyaga oo qashqashaad ugaysta dadka safarka ah ee magaalada maraya, kaarkoodna kala daga baabuurta, qaar kalana garaacid iyo jidh dil ugaysta.
Dadkii horay udaganaa magaalada Raaso oo lagu qiyaasayay 40 ila 50 kun oo qof ayaa horay uga qaxay magaalada iyaga oo sheegay inay lasuugeen siyaasadda guracan ee dawlad deegaanka Soomaalida ee ku aadan deegaanka Raaso iyo dagmada laqaybiyay, waxayna ugudbeen dhanka Ismaamulka Oromiya oo soohdin la'leh deegaanka Raaso. Magaalada Raaso oo kutaalla soohdinta Soomaalida iyo Oromada ayay ku hadheen koox boolis ah oo yar oo katirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaana deegaanka si wayn ujooga ciidanka federaalka oo ilaaliya mashaariicda kasocota deegaanka Raaso iyo dagmooyinka xuduuda la'leh ee Oromada, mashaariicdaas oo ay kamidyihiin mashruuca koronto galinta, mashruuca tilifoon galinta iyo mashruuca wadada.
webmaster@geesguud.com
geesguud@gmail.com
WWW.bulshoweyn.com
Heshiiskii Taariikhiga Ahaa ee Dhexmaray Xukuumada DDS iyo Beesha Aw-Qudub: Qodobada Heshiiska Shirka
Megaabiit 25-27, 2004
Dire Dawa Itoobiya.
Qodobada Heshiiska Shirka.
1.Hordhac:
Wakiilada Beesha Sheekhaash ee ku nool degaanka Soomaalida itoobiya waxay in muddo ah ka cabanayeen ka qaybgal la’aan maamulka degaanada ay ku noolyihiin, kaasi oo ay u gudbiyeen golaha Federeeshinka. Waxa laga warqabaa in xafiiska golaha Federeeshinku muddo baddan arintan ka shiray go’aananaa ka soo saaray. Iyada oo laga duulayo go’aanadaasi, Dawaldda Degaanka Soomalalidu iyadoo aad u danaynaysa xal u helidda dhibaatadaas, waxay qaaday tallaabo degmo lagaga dhigayo degaanka Beeshu degantahay ee Raaso. Talaabadani waxay ahayd mid loo qaaday dhinca wanaagsan, waxa kale oo ay mudnayd in la taageero. Hase ahaatee, go’aankaasi oo beeshu ku qancin darteed, tani xal waara ma noqon. Haddaba, si arintani loo soo afjaro, xafiiska Golaha Federeeshinku isagoo la kaashanaya, xafiiska Ra'iisal wasaaraha, Wasaaradda arimaha fedraalka, dawaladda degaanka Soomaalida, iyo cidda kale ee arintani khusaysaba waxay dedaal dheeri ah u galeen sidii loo fulin lahaa go’aankii kasoo baxay golaha Federeeshinka. Si la iskugu soo dhaweeyo Dawladda degaanka Soomaalida iyo wakiiladda beesha, waxa lama huraan noqotay in la qabto shirweynahan.
Sidaas darted, anagoo ah ka qaybgalayaashii shirkani 3da bari socday waxaanu soo saaray baaq ka kooban kow iyo toban qodob:
1. Anagoo ah beesha Reer Fiqi Cumar waxaan aaminsanahay dastuurka Dawladda Federaalka Itoobiya iyo kan dawladda Degaanka Soomaalida, dastuurkaasi waanu ku dhaqmaynaa islamarkaana hirgalinaynaa. Isafgaranwaa kastana waxaan ku xallinaynaa dastuurka. Waxaan cadaynaynaa inaa nahay shacab ka tirsan qowmiyadda Soomaalida Itoobiya.
2. Go’aankii ka soo baxay Dawladda Degaanka Soomaalida iyo ka Federaalka ee ahaa in degaanka aan ku noolahay ee Raaso oo ka mid aha dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya degmo noqoto waan taageersanahay.
3. Waxaan taageersanahy, hirgalintiisana aan ka qayb qaadanaynaa, Go’aanka dawladda degaanka Soomalida Itoobiya ee ahaa in beeshu meelaha ay degantahay, ay ka helaan xubno u matala maamulka gobolda, degmooyinka iyo qaabdhismeedka xisbigaba, si caddaali ah.
4. Isafgaranwaagii iyo isku dhacyadii dartood dadaka u xidhan ee u dhashay beesha, in la sii daayo iyadoo loo marayo nidaamka sharciga cafiska, islamarkaan ay beesha ku soo biiraan. Go’aankaas waan taageeraynaa.
5. Iskudhaca iyo isafgaranshawaaga awgeed dadkii u barakacay meel degaanka Soomaalida ka baxsan oo ah Oromiya, Degmada Raytu, qabaleega Bakool inay noloshoodii iyo degaankoodii Raaso si nabadgalyo ah ugu soo laabtaan, uguna noolaadaan waan taageersanhay, islamarkaana waan hirgalinaynaa.
6. Go’aankii hore ee ahaa degmada Raaso 40:60 in loo qaybsado, in lagu badalo degmo 100% beeshu ay leedahay waan taageersanahay.
7. Maamulka degmada Raaso waxa uu noqon donaa mid dib u curasho la galyo, xunahaha maamulkaaasina waxay noqonayaan kuwo ka baxsan beelaha degaankaas degga.
8. Kooxaha nabadiidka ee wax u dhimaya nabadayada iyo midnimadayada, islmakarkaana fidinaya warar aan sal lahayn waan la halgamaynaa. Horumarka, nabadgalayda iyo maaulka suuban ee degaanku bilaabay inuu hirgalo qaybtayadaan ka qaadanaynaa.
9. Si loo helo nabad, heshiis waara iyo xasilooni, shirweynahan wixii ka danbeeya, in la soo celiyo walaalnimadii, midnimadii iyo wadanoolaanshihii hore beesha loogu ogaa waan u dhaqdhaqaaqaynaa.
10. Abaaraha iyo iskudhac awgeed horumar la’aan ku yimid , waxaan dawladda federaalka iyo ta degaankaba si gaar ah uga codsanynaa hirgalinta horumar dheelitiran iyo dib u dejinta degdeg ah oo laga sameeyo Raaso, si degmadaasi loo gaadhsiiyo degmooyinka kale. Arin tan waan taageeraynaa, si ka go’naansho leh baan hirgalkindeeda uga qaybqaadanaynaa.
11. Hadda wixii ka danbeeya, su’aalaha dhanka horumarka, maamulka suuban iyo nabadgalyada waaxaan ku waydiisan doonaa si nabadgalyo ah, taasi oo waafaqsan dastuurka dalka oo kaliya. Hadda wixii ka danbeeya, dastuurka dawladda degaanka Soomaalida iyo ka Federaalka si buuxdaan u xurmaynaynaa una hirgalinaynaa, islamarkaana ciddii sharci darro wadda, si adag baan ula halgamaynaa.
Gabagabo:
Degaanada ay beeshu degto, nabadgalyo waarta, horumar iyo dimuqraadiyad inay ka hirgasho, shacabkuna ka faa’iidaysto qodobada kor xusan, hirgalinta qodobadaasi anagoo wada jirra oo heshiish ku ah baan saxeexanaga ku cadynaynaa.
Megabiit 27, 2004, Dire Dhawa
Wakiilka Dawladda Degaanka Soomaalida_____________________
Wakiiladda Beesha Fiqi Cumar
1. Suldaan Mukhtaar Suldaan Maxamed
2. Sh. Dawaaf sh. Cumar
3. Calidaahir Sh. Maxamed
4. Xuseen Axmed Cali
5. Shukri Macalin Cali
6. Carab Axmed Nuur Muuse
7. Shukri Axmed nuur
8. C/laahi Macalin Cumar
9. Cali-Aadam C/laahi Axmed
10. Cabdi Maxamed Cali
11. Cumar Maxamed Cabdi
12. Ardo Yuusuf
13. Maxmed Sh. Maxamuud
14. Badri Maxmed Cali
15. Umayma Maxamuud Caaqil
16. Ruqiya Macalin Xasan
17. Maxamuud Axmed Raabbi
18. Layla Cabdi Faarax
19. Shukri Badal Carab
20. Xukun Sh. Xasan
21. Xaliimo Muxumed
Afhayeenka Golaha Federeeshinka_____________________________________________________
Wakiilka Wasaaradda Arimha Federaalka________________________________________________
27, Ginboot, 20045 April, 2012.
Dhinaca kale,sida ay xubno ka agdhow madaxwaynaha deegaanka Soomalida iyo mas'uuliyiinta beesha Qudub kilil5 usheegeen in shirkan taariikhiga uu ku xigi doono shirwayne kale oo dhexmari doona beesha Awqudub iyo beehsha Ogaadeen.Shirkan ayaa sida labada dhinac noosheegeen,ujeedadiisu tahay dib usoocelintii walaaltinimada beesha aw-qudub iyo beesha Ogaadeen.Ujeedada kale ayaa ah bay dhaheen in lamataaneeyo wixii hada ka dambeeya siyaasada guud ee beesha Ogaadeen iyo beesha Sheekhaal wadanka Itoobiya iyo Geeska Africa guud ahaan.waxaad wararkayaga dambe idiinkusoogudbin doonaa documentiga oo kudhanyihiin saxiixyada mas'uuliyiinta sadexda garab ee kala ah dawlada dhexe,dawlada deegaanka Soomalida iyo madaxda beesha Qudub.
No comments:
Post a Comment