Tuesday, May 1, 2012

Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys

Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys ee gobolka mudug oo ka warramaya qaabka loo wajihi lahaa xilligaan dib u heshiisiinta...


may 11- 2008 Cowslafil , Mogadishu, Somalia .
Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo ah ugaaska beesha qubeys ee gobolka mudug oo ka warramaya qaabka loo wajihi lahaa xilligaan dib u heshiisiinta ka socota dalka jabuuti ayaa mar uu la soo xiriirray shabakadda cowslafil wuxuuna hadalkiisa ku billaabay "Marki nabad iyo caddaalad la baadi goobaayo waxaa lagama maarmaan ah in si caddaalad ku dheehan tahay loo xalliyo dhibka iyo khaladaadka dowladda laga tirsanaayo,ama beelaha qaarkood laga tirsanayo waa wax iska cad in ugu horeyntii loo baahan yahay in xaaladda waqti xaadirka lagu sugan yahay dib loo jalleeco lana raadiyo hab lagu daaweyn karo dhibka dadka loo geystay .
dib u heshiisiin markii la maqlo waa wax loo riyaaqo,cid-walibana diyaar ayeey u tahay balse sarta waxa ay ka quruntay in la garan karin cidda lala heshiinaayo iyo cidda wax heshiisiineyso.
waxaana si weyn u taageeray si weyna u soo dhoweeynaayaa madaxweyne ismaciil cumar geelle oo mar walba isku howla siduu somaliya ugaga dhalina lahaa dib u heshiisiin xaq ah, daawona u noqon kareeysa xaaladda cakiran ee Somaaliya.
wuxuu kaloo sheegay ugaaska inuu ku talinaaya in marka hore xal loo helo Ciidamada Itoobiya oo Dalka xadgudubka ku heeysta iyo in hannaanka dib u heshiisiinta lagu saleeyo rabitaanka shacabka iyo maslaxadda guud ee Ummadda Somaaliyeed, lagana fogaado wixii fara-gelin shisheeye ah, eeyna ka soo qeyb galaan dhammaan Qeybaha Bulshada,lana helo ama la Sameeyo guddi isku dhafan oo Daadihiya kulamada sida Culumaa'udiin, Hoggaan Dhaqameed,Aqoonyahanka,Haweenka,Dhalinyarada iyo Jaaliyadda Qurba joogga ah.
Ugaas Max'ed Cabdi Xareed oo baaqiisa raaciyay, in ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirweynaha inay noqdaan qaar ka qeyb qaadanaya sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran jabkii ku dhacay dalka soomaaliya.
kala soco qeybta labaad ee wareysiga ugaaska WWW.COWSLAFIL.COM.
Weriyaha shabakada COWSLAFIL ee jabuuti qadar-yare.
cowslafil,news,network (CNN) email: cowslafil@cowslafil.com

No comments:

Blog Archive