Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada Boorame hilaadihii 1930.kii Caa’ilad reer diineed ayuu ka soo jeedaa. Dugsiga quraan ayuu waxbarshadiisa ka billaabay. Shaqooyin kala duduwan ayuu qabtay.
Shaqadiisii dowladeed ugu horeysay wuxuu ka qabtay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaradda Waxbarashada. Raadiyo Muqdisho wuxuu ka ahaa soo saare barnaamij.
Taa dambe, waxay fursad u siisay inuu diyaariyo agaasinka waxna ka alifo barnaamijyka “Riwaayada Raadiyaha,” hab taxane ah dadweynuhu aad u hiigsado. Halkaas ayuu ku soo caan baxay.
Hawshiisii ugu horeysay, wuxuu abaabulay Riwaayada la magac baxday: “Hubsiimo hal baa la siistaa.” Isla markiiba xigtay Golaha Murtida & Madadaalada lagu furay: “Shabeel Naagood,” ayadu noqotay heer caalami. Waxaa turjumay Macalin Goosh (Andrzejwski: Leopard Among the Women, London, @1974, OUP). Waxaa xigay “Gaara Bidhaan” iyo “Ehelunaar Adduunka.” Labadan dambe iyo guud ahaan fikradihiisa, waa labo sheeko mujtamaca taabanaya. Tan hore, waxaa ayaamahaas kulmay, dhalinyaradii wadanka waxbarasho dibada ugu maqnaa iyo soo laabadkoodii ayagoo soo guursaday hablo caddaan ah. Sheekada wadanka jirtay umbuu taabtay, waxay bulshadi ku noqotay: “Meel bugta iyo fartay is og.” (hoos ayeynu kaga hadli doonaa).
Midan kale, Ehelunaar Aduunka, ayada wuxuu ka soo naqliyey fikrada suugaanlihii Masar, “Al mucadabuun fil ardi,” waana sheekada shaqaalaha ku dulman wax soo saarka dhaliya iyo hanti goosadka ribix kaliyah u muuqdo. In la is waafajiyo sidii wax loo sixi la iskuna miisaami lahaa ayuu nishaabay. Xagga waxbarashada sidoo kale, dabyar ma shidin. Wuxuu ku noqday guddigii 1970kii loo xilsaaray qorista af Soomaaliga maanta aynu miradeeda muudsanayno. Hawshiisa fara badnayd wuxuu ka cudur daartay, ha yeeshee, waxaa loogu bedelay la-taliye u noqdo. Mahrajaanadii dhalinta dugsiyada kala duduwanaa intooda badan asagaa isku dubariday waxaa ka mid ahaa:
Soomaaliyey sara kacaa
Isticmaarka surka goynoo
Oo dalkeena aan ka saarno….
Haddaba aynu soo qaadano suugaantiisii qaar ka mid ah, halka dadka madaxooda iyo maankooda ruxisay:
Gorayadu ilmaheeda
Aroori bay dhigtaayo
Aboodigu ku laayaa
Shimbirtuna aroos ay
Ilaxidhoo ammaana bay
Ubadkeeda seexisaa…..!
Halkan waxaa inooga soo baxaya isaseega (iska soo horjeedka) iyo ekaansho ka dhex muuqda labo maanso. Iyo wax hoos u qarsoon oo ay tahay qofka dhagaysanaya inuu kala soo baxo ubucda maansada. Midaa weeye ta dhadhanka goonida u yeelaysa maansada.

Halkan ekaanshuhu, waa ubad shimbir iyo gorayo. Ereyga qarsooni waa labo shay oo kala weyn. Shimbir yar iyo goroy aad uga weyn. Isaseegu wuxuu ku jira, habka dhaqanka labadan shimbirood. Midii weyneyd, ubadkeeda meel cidla’ ciirsan ayey uga dhaqaaqdaa, tii yareydna buul geed dhaladii ku yaal ayey uga dul heestaa. Baydkan dambe, adinka ayaan idiin daayey inaad maankiina maashaan:
Ilka weynow maroodigu
Aradaduu mirtaa buu
Cadowgu ka ugaadhaa
Aboorkuna dundumadaan
Aragnay buu dhistaayoo
Naftiisa ku ilaashaa…..!
Suugaantiisa ka dhammaan meyno, sidoo kale, dab dhaxamooday, durdur oomay iyo daawo bukootay bal idinkuba eegoo in la helo meel laga maro. Maanta umbay inoo muuqataa inay maanta ciida ku rognay Qaamuus. Aniga dhowaan ayuu dhidibka ila aslay buug, qalinkana ku duugay hordhaciisana. Waxaa intaa dheer subax Ilaahay keenaba, fikrad cusub iyo talo wax ku ool ah ayuu kolba igu soo butaaci jiray. Wuxuu nishaabi jiray halkan isleeyahay waxay u baahan tahay in la is barbardhigo labo maanso aan shaqo isku lahayn.
Haddanna wax fara badan wadaaga qaar muuqda iyo mid qarsoon (Compartative Analysis). Inta waxaa dheer riwaayadiisa sare ku soo xusay, “Gaaraa Bidhaan,”waxay isku miisaan wadaagaan riwaayadda Cali Sugule, “Kalahaab iyo Kalahaad.” Ayaguna wakhigooda ayey leeyihiin. Waxaan isleeyahay buuggani wuxuu gaarsiiyo meel uusan haaban lahayn la’aantii, dhinac walba marka laga eego. Waxaan ka qoray, malahayga, dhowr cadad ayey u baahan yihiin in lagu soo wada koobo. Kolayba in aan abaal uga dhigo ayaa i dulsaaran. Asagana naxariis iyo jannada Fardowsa Ilaahay ha ka waraabiyo eheladiisana iyo Soomaalina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Aamiin!
Abwaan Xasan Sheekh 16kii Jannaayo 2008 ayuu ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana lagu aasay magaalada Boorama. Ilaah ha u naxariisto.
Qoraha
Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere
Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed
Cadadka: I°
Reggio Emilia, 18th January, 2008, Italy.
No comments:
Post a Comment