Xeer ciise
Xeerkan oo ay ka soo Shaqeeyeen Odoyo Dhaqammeedyo Xeerbeegti ah Khibarad sarena u lahaa Xalinta iyo Xadaynta Mashkaladaha Bulshada ayaa u Huray Nafahoodii iyo Maalkoodiiba si ay uga Midho dhaliyaan Habaynta iyo Iskudubarridka Xeerkan. Waana ta Maanta Keentay in ay Baal Dahaba lagu Qoro Magacyadooda, Bulshaduna u og tahay Wax qabadkooda.
Qaab dhismeedka Xeerkan Ciisahe een Faahfaahintiisa hoos ku xusi Doono ayaa ah mid ku Dhisan rukuno Asaas u ah Xeerka.
Waxayna Yihiin sidatan :
1. Lix (6) Kabood.
2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160)
3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood.
4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.
A) Lixda Kabood.
Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlay waxay kala yihiin.
• Dhiig • Dhaqan • Dhaqaqaal • Dheer • Dhul • Dhibleh
1) Dhiig
Kabta koowaad ee dhiiga waxay u kala baxdaa
Dhimasho ( dhimasho waxa ay ka dhigantahay labo reer ciisaha oo islaayey) Dhagar ( qof qof dilay) Jab iyo Jareexo ( Waa wixii dhaawac ah ee la isgaadhsiiyo) Boqolkii Cune. 2) Dhaqan.
Doorashada Ugaaska. Gandaha 44 nin Gudi oo ah 12 nin 3) Dhaqaqaal
oo ah xeerka qaabilsan dhaqaalaha
Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool. Ciisuhu xeer uma dhigin moodka. Noolku wuxuu ka koobanyahay ( Sagaal halaad iyo Dameer iyo Ey) Sagaalka halaad waxay u kala baxaan ( Saddex waa dhaban, Saddex wa Dhaxal, Saddexna waa Dhibaad)
4) Dheer
Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo gaysto haweenka.
Xuquuqda ay Hawenku wax ku helaan
1. Dhaban wax ku hesha 2. Dhaxal wax ku hesha.
Dhibta loo gaysto. Haweenku waxy u kala baxaan sida tan
1. Bila Cad 2. Baara Cad ( gabadha aad u yar) 3. Gambo Cad 4. Banaanay 5. Gabadh wiilsidatay. 6. Duqdii Saddex goor ka ca. 7. Gorgor 8. Gidir 9. Golo ka bood 10. Sodoh 11. Islaan xigaaleed 12. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey. 13. Xaynkeed wadha ( gabadhani xeer ma leh)
5) Dhul
Dhul ku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Beri. Hadaba Ciisuhu Bada xeer uma dhigin. Dhulku wxuu u kala baxaa ( Beer; Daaq iyo Ceel) Ciisuhu Xeerkii Siti lagu dejiyey wax Beer ah kamuu hadlin inkasta oo dad Ciisaha ka mid ahi mudo 70 sano laga joogo ay xeerka Beeraha samayteen. Ciise wuxuu ka hadlay Daaqa iyo Ceelka .
6) Dhibleh
Kabta lixaad oo ah dhibleh oo macnaheedu yahay qofkii dhibaatada loo geystay ciisuhu waxay u kala saareen. Afar dhagaleey.
Reerka ciise ( Waxa la yidhi Kuna ha ahaadaane waa nin Waxa kale oo la yidhi Ciise waa wada ciise nina nin caaro ma dheera) Ahli ( waxaa loo jeedaa Soomaalida kale) Hiirimaad ( Wixii Islaam ah ee aan ahayn Soomaali) Dhibleh ( waa qofka Gaalka ah) Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisaha Waxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.
QAAB DHISMEEDKA XEERKA CIISAHA
QAAB DHISMEEDKA XEERKA CIISAHA
Hordhac.
Beesha ciisaha oo ah beelaha leh xeer qoran oo soojireen ah ayaa
waxa la soo weriyey in ay keentay in ay samaystaan xeerdardaaran hore oo
ay qabeen.Cali Abokor Maxamuud Yuusuf Ciise. Ayaa iskugu yeedhay Ciise wuxuuna yidhi waakii aabaheen inoo dardaarmay ee yidhi ‘ markaad noqotaan boqol gaashaan qaadaSamaysta xeer iyo boqor’ markaa waa in aynu samaysanaa Xeer aynu ku dhaqano iyoboqor ina maamula. Halkaana waxaa lagu doortay gandihii ugu horeeyey waxaynafadhiisteen dixda Salal waxayna halkaa ku doorteen Ugaas kii ugu horeeyey waxaynaku heshiiyeen Dhuuni ( biyo,daaqa, iyo martida) saddexdaa qodob ayeygo’aamiyeen in aan la isku diidi karan.
Xeerka ka hadalkiisu mudo badan ayuu socday waxaanala fadhiistay meelo badan iyo wakhtiyo kala duwan waxaana ka mida. Dixda Salal,Gargaara, Kartataan, Carowayn iyo ugu danbayntii oo xeerka lagu lafo gurayGunburta Siti.
Wakhtigii la jabiyey Ciidamadii Axmad guray Dadkamuslimiinta ee Sooamaalida waxa ku dhacay dhibaato wayn. Dadkii magalooyinkiiway ka qaxeen waxayna u baxeen baadiyaha.
Mudo markii sida lagu jiray ayaa Xasan gadiidshe uu ciisihii iskugu yeedhay inay isku yimaadaan Ayna habeyaan xeerkoodii si ay dadka aaye ugu reebaan Waxaanala fadhiistay Siti.
Gunburta Siti oo ah meeshii ugu danbaysay ee xeerka loo fadhiisto lagunahabeeyo ayaa waxaa la doortay 44 Gande ku waas oo mudo sanad ah halkaa fadhiyeykana hadlay waxwalba . Gandaha halkaa fadhiyey waxay lahaayeen rag culumo ah ooCilmiga Fiqiga yaqaanay kana ilaalinaayey wax walba oo Shareecada Islaamka kasoo horjeeda ,waxa ku jiray Afar nin oo amnigooga ilaanaayey. Gandaha wakhtigaawaxaa loo yaqaanay Ayo
Habdhiska Xeerka
Xeerka Ciisuhu dhisteenwuxuu u ka koobanyhay Sida tan
1. Lix (6) Kabood.
2. Boqol iyo lixdan Dhagalay (160)
3. Saddex boqol iyo lix iyo Soddon (336) Sarood.
4. Afar boqol iyo Afar iyo Afartan ( 444) Indhal.
A) Lixda Kabood.
Lixda kabood oo ah qaybaha uu xeerku ka hadlaywaxay kala yihiin.
• Dhiig
• Dhaqan
• Dhaqaqaal
• Dheer
• Dhul
• Dhibleh
1) Dhiig
Kabta koowaad ee dhiiga waxay u kala baxdaa
? Dhimasho ( dhimasho waxa ay ka dhigantahay laboreer ciisaha oo islaayey)
? Dhagar ( qof qof dilay)
? Jab iyo Jareexo ( Waa wixii dhaawac ah ee la isgaadhsiiyo)
? Boqolkii Cune.
2) Dhaqan.
? Doorashada Ugaaska.
? Gandaha 44 nin
? Gudi oo ah 12 nin
?
3) Dhaqaqaal ( oo ah xeerka qaabilsan dhaqaalaha)
Dhaqaaluhu wuxuu u kala baxaa Mood iyo Nool.Ciisuhu xeer uma dhigin moodka.Noolku wuxuu ka koobanyahay ( Sagaal halaad iyoDameer iyo Ey)
Sagaalka halaad waxay u kala baxaan ( Saddex waa dhaban, Saddex wa Dhaxal,Saddexna waa Dhibaad)
4) Dheer
Dheertu waxay ku saabsantahay xuquuqda iyo dhibta loo gaysto haweenka.
Xuquuqda ay Hawenku wax ku helaan
1. Dhaban wax ku hesha
2. Dhaxal wax ku hesha.
Dhibta loo gaysto. Haweenku waxy u kala baxaan sidatan
1. Bila Cad
2. Baara Cad ( gabadha aad u yar)
3. Gambo Cad
4. Banaanay
5. Gabadh wiilsidatay.
6. Duqdii Saddex goor ka ca.
7. Gorgor
8. Gidir
9. Golo ka bood
10. Sodoh
11. Islaan xigaaleed
12. Gabadh ninkii ay u doonanayd xumeeyey.
13. Xaynkeed wadha ( gabadhani xeer ma leh)
5) Dhul
Dhul ku wuxuu u kala baxaa Bad iyo Beri. HadabaCiisuhu Bada xeer uma dhigin.
Dhulku wxuu u kala baxaa ( Beer; Daaq iyo Ceel)
Ciisuhu Xeerkii Siti lagu dejiyey wax Beer ah kamuu hadlin inkasta oo dadCiisaha ka mid ahi mudo 70 sano laga joogo ay xeerka Beeraha samayteen.
Ciise wuxuu ka hadlay Daaqa iyo Ceelka .
6) Dhibleh
Kabta lixaad oo ah dhibleh oo macnaheedu yahayqofkii dhibaatada loo geystay ciisuhu waxay u kala saareen. Afar dhagaleey.
? Reerka ciise ( Waxa la yidhi Kuna ha ahaadaanewaa nin Waxa kale oo la yidhi Ciise waa wada ciise nina nin caaro ma dheera)
? Ahli ( waxaa loo jeedaa Soomaalida kale)
? Hiirimaad ( Wixii Islaam ah ee aan ahayn Soomaali)
? Dhibleh ( waa qofka Gaalka ah)
Lixdaa kabood ayaa aas aas u ah Xeerka ciisahaWaxaana lagu sii faah faahiyey dhagalayda ama Sarta iyo Indhasha la dhigay.
Diyaariye Ibraahim( xeer Ciise)
GANDE
I.WaaMaxay Gande ?
Gande waa erey aan wadaag ku nahay , Beesha Oromada oo aan ka wada tirsanahayBahweynta ku shitika . Ereyga Gande waxaa uu micnihiisu yahay Maguuraan xaggaluqada marka loo eego.
Marka La eego Xaga xeerka Ciisaha ‘Gande waa xeer beegti ay tiradoodu dhantahay44tan’.
tiradadan afar iyo afartanka ah waxay ka soo jeedaameel fog .oo waxaa adeegsan jiray Faraaciintii ka talin jirtay Dalka Masar .Soomaaliduna waxay xidhiidh soo jireena ayey lalahayd.
Waxaa ka loo ay leeyihiin Nimanka Taariikhda udhuun dalooli Culumadii soo gaadhsiisay Diinta Islaamka Geeska Afrika waxa aytiradoodu ahayd 44tan.Aragtidaa oo lagu kala gadisan yahay waxaa ragga qaar ayqabaan inay ka soo dageen Magaalada Zaylac isku soo wada duuboo tirada 44ka ahwaxa ay leedahay xusid gaara
I. WaaMaxay Gande ?
Gande waa erey aan wadaag ku nahay , Beesha Oromada oo aan ka wada tirsanahayBahweynta ku shitika . Ereyga Gande waxaa uu micnihiisu yahay Maguuraan xaggaluqada marka loo eego.
Marka La eego Xaga xeerka Ciisaha ‘Gande waa xeer beegti ay tiradoodu dhantahay44tan’.
tiradadan afar iyo afartanka ah waxay ka soo jeedaameel fog .oo waxaa adeegsan jiray Faraaciintii ka talin jirtay Dalka Masar .Soomaaliduna waxay xidhiidh soo jireena ayey lalahayd.
Waxaa ka loo ay leeyihiin Nimanka Taariikhda udhuun dalooli Culumadii soo gaadhsiisay Diinta Islaamka Geeska Afrika waxa aytiradoodu ahayd 44tan.Aragtidaa oo lagu kala gadisan yahay waxaa ragga qaar ayqabaan inay ka soo dageen Magaalada Zaylac isku soo wada duuboo tirada 44ka ahwaxa ay leedahay xusid gaara.
Guurtidii fariisatay Gunburta Sitti waxay tiradooduahayd 44tan . kaa soo loo qaybiyey sidatan .
* (8) Ceeleeya ah oo uu ka sideedaad uu Ceeleeyuhuku helay Curadnimo
*(8) Wardiiqa ah Wardiiqu ka sideedaad ku helay Boqornimo.
*(7) Hawlaqaada ah.
*(7) Holle ah.
*(7) Hooroone ah.
*(7) Uur wayne
Gudidii fariisatay Gumburta Sitti oo sida aan korku soo xusnay tiradoodu ahayd 44tan sidoo kale afar waxaa loo xulay inaynoqdaan gaadh , kaasoo ilaalinaya Madasha uu shirku ka dhacayo . halka Guddida44ka ahna ay gorfaynayeen talada.
II.Qaybaha Gandaha
Gande wuxuu u kala baxa Gande Ugaas iyo duca yeel.
1) Gande Ugaas waa gandaha dooranaya Ugaaska , marka uu xilka baneeyo amaba aygeeri kutimaado
2) Gande ducayeel waa Gande la furo xilli gaar ah .hadaba maxay ku kala gadisanyihiin gande Ugaas iyo Gande duca yeel ?
III.Hawlaha Gandahu Qabto
Gandaha ducayeelka doorasho looma igmanin eehawshiisu waa ducayeel , waxaana la furaa reero gaara ah.
Gande Ugaas waxa uu yahay xilkiisu xallintakhilaafaadka iyo doorashada Ugaaska
• waxaana la furaa reero gaara ah .
Gande waxa uu u kala baxaa Ciidan iyo Caado.
Caado waa sida sideeda Reer ee Gandaha la furo ,sideedaa oo kala ah .
1. -Walaal- doon Rooble Axamed ah.
2. -Wardiiq Reer bare ah
3. -Reer Guulane Reer Waraabe ah oo waliba kasii ah Hufane Sheekh.
4. Wardiiq oo Eeba Cabdala ah .
5. Sacad muuse oo reer gadiidshe oo ka ah reeraadan xasan
6- yoonis muuse oo reer macalin oo ka ah rooble saciid.
7- akhtimahure reer cadaawe ah
8- furlabe saciib oo ka ah reer xaaji.
haddaba sideedaa Reer waxaa loo yaqaan Caado, waana sideeda Reer ee salka u ahGandaha .
Sideedaa inta ka hadhan waxaa lagu soo xulaa aqoon iyo iimaan. Sidaas dartedgandaha midab kale waxaa la yidhaahdaa Ducayeel.
*Gande Ugaas waxa uu kaga duwan yahay GandeDucayeel ,Reeraha qaarkood oo ku Ducayeelka ayaan ku jirin Gande Ugaas.
IV.Xubin ka noqoshada Gandaha
Waxaa xubin ka noqon kara Gandaha ,Shakhsiyaadkabuuxiya Shuruudahan soo socda
* waa in uu ahaado Ciise Ciisa dhalay.
*waa in uu ahaado nin aan dhagaroobin .
*Waa in uu ahaado nin aan caydh ahayn .
*waa in uu ahaado nin Salaada ilaaliya.
* waa in uu ahaado nin xaasle ah.
* waa in uu bilcan ka soo jeedo oo ay hooyadii aynaahayn dumaal.
*dhaqaala ahaan ummaddu waxay ku tiirsanahayxoolaha la dhaqdo, haddaba ninka xubin ka noqonaya Gandaha waxaa laga raba inuuwato LO, haddii uu lahayna waxaa looga soo ergiseeyaa cidda ugu dhaw.
*Lo’da laga raabaa waxa ay leedahay shuruudo,taasoo ah .
*Loda waa in uu ku jirin Booli oo ay ahaato xeroudhalad ama ka soo jeedo xoogsi lahubo xalaalnimadiisa , iyadoo laga fogaanayoquudashada xaaraanta
Bulshaweynta Soomaaliyeed oo raacato u’badan , waxaay hadba u hayaamaan meesha ay ka maqlaan hayb Roobeed amase uu ka hilaaco . siay ula lagdanto nolosha adag Reer miyiga u caadada ah .
Dhanka kale hadaan ka joogsano waxaan soo tilmaamnay inuu gande yahay Maguuraan, sidaas darted waxaa adag in maguuraan iyo xoolo dhaqato ay meel iskuguimaanayn.
*Gandaha ducayeelka layidhaahdo marka Abaari dhacdowaa lakala furaa.
*Gande ugaas sababta loo dajiyey ayaa ahayd layli tirka ugaaska sidaasi darteedisagana Abaari hadday timaado waala kala furaa. Waxaase loo reebaa ugaaska laboiyo toban Odey oo joogta ah , waxayna matalaan Gandihii la ka furay xaaladaAbaareed awgeed .
V. Qarnigiii tagay iyo Gandihii lafuray
Gandihii Weeraad ooahaa Gandihii Ugaas Xasan doortay waxaa la furay WaaruF .
Waxaana laga xasuusanyahay ragga ay magacdoodu kala ahaayeen .
1) Kooshin Cabdalle oo ahaaReer Aaden Xasan oo ahaa ninkii Gundhataha udhigay ugaaska.
2) Bahdoon Dilaal ooahaa Wardiiq Yeesuf ah oo waliba kasii ah Reer Geedi Cali .
3) Buux Geele Dhinbiil oo ahaa Sacad Muuse oo ah Reer Makaahiil waxa uu uxilsaarnaa sahanka iyo xiiritaanka .
4) Ina Bila Xaas oo ahaaWalaadoon Reer Axammad ah. 5) Ina Buux Kolomeyte oo ahaa dhabac.6) GeeddiQasnad Ride oo ahaa Reer Guulane Reer Waraabe ah .
7) Muuse Dabaal oo ahaa Wardiiq Reer Xasan ah .
8) Shariif Jilaani oo ahaa ninkii Ogaaska ka xiiray .
No comments:
Post a Comment