Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin Oo Todoba Sano
Kahor Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi
Beesha Gurgure Madaxweyn Dir
November
3, 2015
Waxaa
Maanta oo kale sanadkii 2008-dii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada
Nairobi ee dalka Kenya Allaha u naxariistee marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin
oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee soo maray hobolada Qaranka
Soomaaliyeed ee Waaberi oo ahayd hormuudkii fanka Soomaaliya.
Marxuumka
ayaa geeridiisu timid ka dib markii ay la soo derseen xanuuno iyadoo la dhigay
isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ugu dambeyn uu
ku geeriyooday
Abwaan
Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn ee kaalinta
weyn ka soo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed kaas oo uu kusoo jiray
ku dhawaad 50 sano, waxaana abwaanka lagu xusuustaa riwaayado iyo heeso badan
oo lagu soo bandhigay masraxyada dalka, kuwaas oo aan marnaba duugoobeyn
Abwaan
Cabdi Muxumed Amiin ma ahayn oo keliya abwaan wax curiya ee wuxuu sidoo kale
ahaa heesaa cod halaasiya leh dadkuna aad ugu riyaaqaan marka dhagahooda ay soo
gaarto hees uu ku luuqeeyo Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.
Taariikh
Nololeedkii Abwaan Cabdi Muxumed Amin
Abwaan
Cabdi Muxumed Amiin, waxaa uu ku dhashay Gabiley 1935-tii, Waxaa uu ahaa Sugaan
yahan iyo Abwaan Soomaaliyeed
Wuxuu
Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada
Hargeisa.
Waxaa
dalka Sweden lagu daabacay, buug loogu magacdaray Diiwaanka Hilin Hayaan, oo
lagu uruuriyay murtidii, maansooyinkii iyo heesihii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.
Waxaa
buugan daabacay ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxaana uu ka
kooban yahay buugan ilaa 296 bog.
Abwaanka
Cabdi Muxumed Amiin ayaa ahaa Suugaanyahan aad ay u tixgeliso bulshada
Soomaaliyeed oo caanka ka ahaa waddanka Somalia.
Heesaha
uu qaaday waxaa ka mid ah:-
Haddii
Dayaxii La Tagay”, Ma Doonayaan in aynu Dowlad ahaano”, Dadka Dhinica ka raac,
ururka Caafimaadka, Muufow, Muufo Macaan.
Abwaanka
waxaa uu leeyahay ilaa 120 hees, waxaa uu ahaa Wadani.
Allaha u naxariisto Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo
xalay ku geeriyooday Nairobi
Allaha u
naxariiste Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ka mid ah abwaanada Soomaaliya oo
xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ayaa barqanimadii maanta lagu aasay,
iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan iyo qaar ka mid ah
abwaano iyo fanaaniin.
Marxuum Cabdi Muxumed Amiin oo ku xanuunsanayay mudooyinkan Cusbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xanuun is biirsaday oo ay ku jirtay Beer xanuun uu u dhintay.
Allaha u naxariistee Cabdi Muxumed Amiin oo aad loogu soo xusuusan dooni suugaantiisa kala duwaneyd ee u badneyd kuwa wadniga ayaa waxaa uu dhashay sanadkii 1935-tii, waxaana uu ku dhashay Deegaanka Gabilley oo u dhaxeysa Magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa.
Abwaanka wuxuu fanka ku soo biiray 1953-dii, isagoona xilligaas usoo wareegay Magaalada Muqdisho oo inta badan waxbarashadiisa ku qaatay, waxaana uu ka mid noqday hal abuurayaal caan ah oo alifay heeso Wadani ah.
Dhowaan ayay aheyd markii Suugaantii uu sameeyay Abwaanka lagu soo bandhigay Buug, waxaana suugaantiisa oo ka koobneyd afar marxaladood oo ka bilaabatay 62-dii ilaa 2006-dii waxaa lagu qoray buug loogu magac daray "HILIN HAYAAN" kaasoo lagu soo daabacay Dalka Sweden.
Dadka soomaaliyed ayaa abwaan Cabdi Muxumed ku soo xasuusan doona Heesihiisa caanka ahaa Sida Heestii CEYNAANKA NOO HAAY, LAANGARUUSAL iyo heestii caanka aheyd ALLOW MAXAAN GUD ABEESA GALAY, heestaasoo abwaanka laftiisa ku qaaday Magaalada Cadan ee Dalka Yemen sanadkii 1980-kii, xilligaasoo lagu dilay Dalka Ethiopia rag ay saaxibo ahaayeen.
Sidoo kale dadka soomaaliyed ayaanay ilaabi doonin heestii LAANGARUUSAL oo ay ku luuqeysay fanaanada Saado Cali Warsame, waxaana heestaas uu fanaanku alifay xilligii dalka uu ahaa cago barar, isla markaana dadka tujaarta ahi ay iibsan jireen Laangaruusalka, oo xilliyadii hore ahaa gaariga kan ugu qaalisan.
Allaha u naxariistee Abwaanka ayaa ifaka kaga tagay saddex wiil iyo shan gabdhood, waxaana Abwaan Cabdi Muxumed Abwaan oo dhowaan tagay Magaalada Nairobi uu doonayay inuu kaga sii gudbo Magaalada LKondon, halkaasoo ay ku casuumeen kooxo fanaaniin ah oo dooneysa inay bandhig faneed ku soo bandhigaan.
Saturday, 11 April
2015
Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUNwuxuu ahaa mu’allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wada socdeen. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud. Allah ha u wada naxariisto.
Xabbaduhu Cabdi wey dhaawaceen wuuse ka
badbaaday. Dabadeed Yemen ayuu u qaxay. Magaalada Cadan wuxuu ku tiriyay hees
ay ka muuqdaan murugo iyo ciil fara badan. Laakiin wadata rajo iyo guul uu hubo
oo uu higsanayo. Sheekada Cabdi Muxumed waxaan ka dhegeystay wareysi saacad ah
oo uu weriye Yusuf Xasan uga qaaday abwaanka magaalada Djibouti oo uu markaa
joogay. Wareysiga hadda ka hor ayay sii deysay BBC.
Maxaan hog
abeeso galay
Maxaan
halaqyo ugu tegey
Maxay miciyo
i heleen
Maxaan
waabaay hirqaday
Oo Maxaan
geerida ka harayee
Hobeeya
hobeey hobeeyaa
Hobeeya
hobeey Hobeeya
Maxaan
keligeey hammiyay
Kuwii hiil
iigu xigay
Hareertay
maxaan ka dayay
Muxuu igu
dumay habeen
Oo Maxay
ilmo hibiq i tidhiyee
Hobeeya
hobeey hobeeyaa
Hobeeya
hobeey Hobeeya
Maxay talo
iga hab tidhi
Maxaan hiil
mooday Jiin
Oon sidii
caanaha hirqaday
Habsaamay
oon hadalka gabay
Oon u hoyday
meel aanan hubinee
Hobeeya
hobeey hobeeyaa
Hobeeya
hobeey Hobeeya
Badweynta
maxaan hirqaday
Maxaan gacan
haadis galay
Maxaan xumbo
halabso idhi
Intaan naftu
iga haf odhan
Kalluunle
ayaa i helayee
Hobeeya
hobeey hobeeyaa
Hobeeya
hobeey Hobeeya
Hobeey
Caashaq huursanow wah
Hobeey
Hurdan taaganow wah
Hobeey Ubax
ii hireey wah
Hobeey Guul
aan hubooy wah
Hobeeya
hobeey hobeeyaa
Hobeeya
hobeey Hobeeya.
Daawo Gabayadii iyo Heesihii Cabdi
Muxumed
No comments:
Post a Comment