Hadana Bishii August 5 teedi Baqdaadi waxa
a laga dhigay :
C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiir u dowlaha Madaxtooyada
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay tiro wasiirro ah oo buuxinaya wasaarado wasiiradoodii horay xilalka looga qaaday, waxaana wasiirradan ka mid ah C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee Xasan Sheekh.
Wareegtada Magacaabiddan Wasiirradan cusub ayaa waxaa Warbaahinta u akhiryay wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Daahir Maxmauud Geelle, waxaana wasiirrada la magacaabay ay kala yihiin;
- C/llaahi Goodax Barre, Wasiira Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
- Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta
- Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka Xanaannada Xoolaha
- C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
- C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiir u dowlaha Madaxtooyada
- Shawaqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha
Dhanka kale, Wareegtada Magacaabidda wasiirradan cusub ayaa waxaa lagu faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan shaqooyinka ula wareegaan, waxaana tani ay noqonaysaa markii saddexaad ee RW Khayre uu magacaabo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada tan iyo markii xilka loo magacaabay sannad ka hor.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maanta uu Ra’iisul wasaaraha Somaia iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay u dhoofeen dalka booqashadaas oo la filayay inuu u baxo Madaxweyne Famaajo, balse aan la ogeyn illaa hadda sababta uu uga baaqday.
https://www.voasomali.com/a/3117318.html
Xil. Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi)
Deegaan Doorasho: JubalandJinsi: Lab
Golaha: Golaha Shacabka
Guddiga: Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta
Jagada: Xubin
Email:abdulkadir.ibraahim@parliament.gov.so
https://www.parliament.gov.so/Legislator/Xildhibaan.php?Md=Xil.%20Cabdulqaadir%20Sheekh%20Cali%20Ibraahim%20(Baqdaadi):320:2:28
https://sntv.so/2018/09/06/wasiiru-dawlaha-cusub-ee-madaxtooyadda-soomaaliya-oo-si-rasmi-ah-xilka-ula-wareegay/
Suufiyada iyo Diinta
Sawirro:xusaska iyo siyaarooyinka ay qabtaan culimada dariiqooyinka suufiyada
-
Boqolaal qof oo ka kala yimid goballada Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Xuska iyo siyaarada labo wadaad oo caan ka dhex ahaa dariiqooyinka suufiyada oo lagu qabtay masjidka Macalin Biyomaalow ee magaalada Muqdisho.
-
Masaajidka Biyamaaloow dib udhis ayaa lagu sameeyay. Al-shabaab ayaa intii ay Muqdisho joogtay burbur u gaysatay gudaha masaajidka oo ay ku sheegtay in shirki lagu sameeyo
-
Masaajidka Biyamaaloow dib udhis ayaa lagu sameeyay. Al-shabaab ayaa intii ay Muqdisho joogtay burbur u gaysatay gudaha masaajidka oo ay ku sheegtay in shirki lagu sameeyo
-
Qabriga wadaad caan ah oo masaajidka ku dhax yaalay oo Shabaabka ay burburiyeen dib ayaa loo dhisay.
-
Dhalinyaro ku dhax xadreeynaysa masaajidka. Xuska mudda bil ah ayuu socday
-
Dadkii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa xildhibaano iyo wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi. Waxa uu sheegay in ay culimada dariiqooyinka ay kaalin mug leh ka qaateen fidinta diinta Islaamka.
-
Qaar kamid ah suufiyada oo ku dhax xadreeynaya masaajidka. Waxa ay u badnaayeen kuwa ka qayb galay dhalinyaro. Xuska mudda bil ah ayuu socday
-
Xadrayn ka socoto gudaha masaajidka Biyamaalow ee magaalada Muqdisho.
No comments:
Post a Comment