Showing posts with label The Madaxweyn Dir Clan Of Somalia GURGURE AKISHO. Show all posts
Showing posts with label The Madaxweyn Dir Clan Of Somalia GURGURE AKISHO. Show all posts

Sunday, May 15, 2011

Cuqaasha, Wax-garadka & Ganacsatada Beesha Akisho Oo Hambalyo U Diray Madaxweyaha Cusub ee Somaliland

http://somalilandinfo.com/node/9167

SAWIRO

http://somalilandinfo.com/node/9167


Cuqaasha, Wax-garadka & Ganacsatada Beesha Akisho Oo Hambalyo U Diray Madaxweyaha Cusub ee Somaliland
By news
Created Jul 5 2010 - 15:32

Hargeysa, (sli) - Cuqaasha, wax-garadka & Ganacsatada Beesha Akisho oo ka mid ah Beelaha Somaliland, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo doortay Md Axmed Maxamed Maxamuud [Silaanyo] iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici].

Sidan-na waxa ay ku sheegeen war murtiyeed qoraal ah oo ay maanta saxaafada ugu qeybiyeen magaalada Hargeysa, war murtiyeedkan oo u dhignaa sidan:-

“Annaga oo ku hadlay magaca Beesha Akisho oo ka mid ah beelaha Somaliland, waxa aanu halkan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland loo doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Silaanyo] iyo ku Madaxweyne ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [Saylici].

Waxaana aanu ilaahay uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo xilka culus ee ay Ummada reer Somaliland u xambaarisay una dooratay inay hogaamiyaan.

Waxa aanu ku boorinaynaa Madaxweynaha cusub iyo xigeenkiisa inay fuliyaan ballamihii ay qaadeen wakhtigii ololaha doorashada ee la xidhiidhay wax-qabadka kala duwan ee ay dadka u ballan-qaadeen.

Waxa aanu ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo madaxdii dadka iyo dal-ku-ba ku rayn lahaayeen ee wax-tarkooda lagu badhaadho, isla markaana inuu u sahlo gudahsada hawlaha culus ee horyaala.

Magacyada Cuqaasha, Wax-garaka Iyo Ganacsatada Beesha Akisho

1. jiif Caaqil Maxamed Ibrahim Maxamed (QORANE)

2. Jiif Caaqil Maxamud Cisman Ducaale (TUTIBEENE)

3. Caaqil Diyib Raage Qaasim

4. Caaqil Maxamed Cismaan faahiye (SABEEYE)

5. Caaqil Cumar Aw Cabdi Muxsin (CUNAAYE)

6. Caaqil Xuseen Maxamud Warfaa (Xusen Dheerer)

7. Caaqil Cabdi Jaamac Axmed

8. Caaqil Cismaan Cabdilaahi Yuusuf

9. Nabadoon Cabdi Maxamed Ismacil (Daadhi)



10. Nabadoon Cali Ismaacil Kaariye (Cali dheere)

11. Sheekh Ismaciil Sheekh Xassan Nuur

12. Sheekh Ismaciil Cabdilaahi jamac

13. Sheekh Maxamed Ismaciil Khayre

14. Sheekh Khadar Sheekh Ismacil

15. sheikh Maxamed Sheekh Cumar

16. Xirsi Aadan Kibaar

17. Maxamed Cali Raan

18. Maxamed Cali Riyoole

19. Caydaruus Sheekh Muxumed Cabdi

20. Maxamud Sheekh Cabdi (Indha Case)

21. Cali Yuusuf Cismaan

22. C/raxam sheikh Cumar Shekh Xasan

23. Maxamed Axmed Gaaruf (Cagaweyne)

24. iyo Masuuliyiinta Guddida Guud ee Beesha Akisho ee Somaliland .

Axmed Maxamed Shaqalle
Wariyaha Somalilandinfo
Hargeysa Somaliland
© 2008 - 2010 Somaliland Informations Somalilandinfo.com

---------------------------------------------------------------------------------------------------------
1. Cali
2. Madaxweyne
3. Dir
4. Aji
5. Irrir
6. Samaale
7. Xiile ('Il)
8. Abroone (Waalid)
9. Looxaan
10. Kaamil (Xaashi)

Father: Madaxweyne Dir Aji
Children:

1. Maxamuud (Akisho)
2. Maxamed (Guure)
3. Jiide
4. Gariire
5. Layiile
6. Warday


Maxamuud (Akisho) Cali Madaxweyne
Abtirsi:

1. Maxamuud (Akisho)
2. Cali
3. Madaxweyne
4. Dir
5. Aji
6. Irrir
7. Samaale
8. Xiile ('Il)
9. Abroone (Waalid)
10. Looxaan
11. Kaamil (Xaashi)


Father: Cali Madaxweyne Dir
Children:

1. Miyyo
2. Bitto
3. Daayyo
4. Luujo
5. Ittu
6. Kiyo
7. Curad (Heebaan)
8. Kurto
9. Obo
10. Igo
11. Asaabo
12. Eejo (Eejjeso)

Siblings:

1. Maxamed (Guure)
2. Jiide
3. Gariire
4. Layiile
5. Warday

Monday, April 25, 2011

BEELAHA MADAXWEYNE DIR EE LAYIILE IYO REER AW SACIID

Qoomiyada Caws-Lafil ( Dir ) waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay kuwooga ugu taariiqda fog. deegaanka geeska afrika. haday noqon lahayd xaga hogaanka, siyaasada, xadaarada, waxaana ka soo jeeda runtii hogaamiyaashii diimeed ku wooga ugu caansan gayiga soomaaliyeed mana aha mid qoraal lagu soo koobi karayo muhiimada ay inoo leeyihiin geesiyaashaasi oo ahaa hormuudka saldanadihii aanu cadceedu ka dhici jidhin;
waxaanu qaybtaan maanta ku soo qaadanaynaa qabiilka ” Layiile,,

Layiile Sidaan Lawada Socono Waxay ka Tirsan Yihiin Umadda Direed ee Faraha Badan. Waana Beel dagan konfurta Soomaliya oo ay qaybo fara badan kaga kala dadsan yihiin Kismayo Ilaa Beledweyne. Mida kale, Reer Awa Saciid iyo Layiile anaga xagayaga waa ka mid oo waa isla Cali Madaxweyn. 2-1995-kii anigu waxaan isku dayay in aan uruuriyo Tariikhda Dadka Direed meelkasta oo ay joogaan Geesta Afrika anigoo isku dayay in aan Baaro waxa ay Reer Galbeedku ka qoreen dadka Direed. Isla Markaana Baari tankeygi waxaan ku Tagay Dalka Djabouti, Dire- dhabe, NFD, iyo Waqooyiga Soomalia. Marka ugu Horeeysa qoraaga I.M Lewis ee Ingiriiska ah oo Waqooyiga ka qoray Bugaagta ay ka mid yihiin “Nomadic Democracy”oo ku saleyn jiray Buugaagtiisa Baritaano hore oo Qoraaga Talyaaniga ee la yiraahdo Cerruilli ayaa aad uga hadlay Tariikhda Layiile Ali Madaxweyne.

In uu layiile Ali Madaxweyn ahyeen nimanka ugu awooda weyn Madaxeeyn Direed ilaa 300 sano. ka Horna ay Jabiyeen Labo Beelood oo kala ah Isaaq iyo Ogaadeen iyo Ajuurankii ka talin Jiray Dhanka Qalaafe. I.M Lewis “The Layiile Ali Madaxweyn Dir Became Highly Dispersed and Lost Their Tribal Integrity” 2) I.M Lewis waxaa uu qoray oo uu sheegay in Dadkan Direed ee Layiilaha ah ay kala Daadasho, iyo Firir weyn ku Dhacay oo ay ku Dhex Milmeen Ummado kale oo Dir iyo Shisheeyaba Leh. Waa sidii ku Dhacday Beelah Baajimaal iyo Dabruube oo Labaduba ku Dhamaaday Dagaladii ay Ajuuraanka Qalaafo kula galeen qarnigii 1700. Sanadkii 2000-2001 anigoo isku Taxluujinaya inaan ka Salgaaro oon Wax Ka Ogaado Dadkaan Direed iyo Tariikhdooda ayaan Waxaan Tagay Dalka Ethiopia oo aan Safar Dhulka ku kala Maray ilaa Dira Dhabe—Jijiga–Hargeysa—Sheeikh— Burco—Boorame-Arabsiya iyo meelo kale oo fara badan waxaanan soo ogaaday Taarikho bada:

Magaalada Diraa Dhabe iyo Jigjiga intaa u Dhexeysa Waxaan kula kulmay Dadka Indheer Garadka iyo kuwa Tariikhaha Uruuriya oo u kala Dhashay Dadka Direed Sida Barsuuga, Gurgurah, Akishoda, O Layiile, Gadabuursi iyo Ciisaba. Waxaa la ii sheegay in Layiilah Badankiisu ay Dhex Dagaan Gurguraha oo ay Dad isugu xigaan. Waxa kale oo la ii sheegay in ay Degaan Layiilah Carro Ogaadeen oo xitaa Qaar kamid Ahi ay Xukumaan Ogadeenka Qaybo Dhan. Waxaa la ii sheegay in Gabyaaga weyn ee Dhoodaan uu Asal ahaan ka soo Jeedo Beesha Layiile oo waxaa La’yidhi Ninkii Layiile ee Dhalay ayaa Nin Layiilaha Dilay Una Cararay Deegaanka Ogadeenka Isagoo Wata Canugiisi iyo xaaskiisii. Odeyaashii aan La kulmay ee Layiile ee Gurgurah la Dagaanaa waxa ay ii Sheegeen in Kala Daadasho Xoogan ay ku dhacday Beesha Layiile oo ay Badh Dhankaas Nageele– ilaa Guure Dhaamoole ay Gurrah Wada Dagaan, Badhna ay Waqooyi Galbeed Hargeeysa xageeda jiraan, laakin xooga Beesha uu u Badan yahay Dhankaan Howdaka. Magaalooyinka Harta sheeikh iyo Qabri bayax Layiile fara badan ayaan Kula kulmay. Bartamihii 2000, Waxaan Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa oo aan ku soo Dagay Xaafada la Yiraahdo Xero Awr. Malin maalimaha ka mida, ayaa Dagaal xoog Badan ka Dhacay xaafad Xero Awr oo ilaa 400 oo Nin ay isku Soo Baxeen oo ay Suuqa ilaa Xafadah Dhexdeedi la is Eryadaay:

Maalintii Ayaanu Ku Barjaynaynay Aqal waxaanan La fadhiyay niman Isaaq oo Habar Awal ah waxaa la igu Yidhi Waxaa Dagalamay Beel Habar Awal ah iyo Layiile. Anigii yaab ayay igu Noqotay Arrintii, Gadaal ayaa waxaa la iiga sheegay in Layiilaha ay ku Badan Yihiin Magaalada Hargeeysa oo ay Si Wayn Isu Dhalaan Reer Gadiid oo ka mid ah Habar Awal, Waxaa ay Iisheegeen Ragaas inkastoo ay Layiilah aheyn Isaaq Hadana Reer Gadiika ayaay isla Dhiig Baxaan Layiilah. Maalintii uu Dagaalka Dhacay Ka Dib Ayaa Waxaanu Israacnay Labo Nin oo Midna Gurgure yahay midna Surre laakin ku Dhashay waqooyiga, waxaanu Fariisanay Guri uu leeyahay nin Layiile ah oo odey u ah Layiilah Xafada Dagan Waxaana Lagu Yidhi nin Direed oo Konfurta ka Yimid ayaa Doonaya inuu kula kulmo. Ragii meesha iigu Yimid waxa ka mid ahaa Cabdisamad X. Cabduulahi iyo Xasan Cabdi. Ragaan ayaa ii Sheegay in ay Dadkooda ay Dagaan Ethiopia Dhanka Hawd oo ay Qaarkalena ay Mandaluug Uwada Guureen Kismayo iyo Hiiraan oo ay la Dagaan Dirka Dalkaas. Waxa kale oo ay ii sheegeen Layiilaha in ay Rag iyaga ka mid ah Ay Soo Dageen Waqooyiga Hargeeysa 200 sano ka hor, Markii ay soo Dageen la Ximiyay oo ay Dagaalo Fara Badan Galeen Oo Markaa Mag ( Diyo ) Farabadan loo Qabsaday oo ay Sidaa Darteed Diyada ku Darsadeen Beesha Hargeysa Dagta ee loo Yaqaan Reer Gadiid inkastoo Aysan Iska Heyb Aheeyn:

Ragaas waxa ay ii Sheegeen in ay isku Dad Yihiin Guurah iyo Gurgurah Waxa aynaa ii Xisaabsheen Xildhibaanada Barlamaanka iyo Dowlad kilinka Shanaad ku Jira ee Gurgure iyo Guureba Sidii ay Yihiin Rag Layiila ah. Qabiilka Direed ee Reer Dood Maalin Niman Isaaqa Ayaan Qaad la Cunay Markaas Ayaa Ruux u soo Galay oo uu ku Yidhi Ninkan Idiinla Fadhiyaa Yuu Yahay waxaa ay ku Yirahdeen Waa Nin Direed. Markaas ayuu Ragii ku xanaaqay oo uu Yidhi, War Soo Idinkoo Dhan Dir MaTihiin, Isaaqow Maxaad ka Wadaan. Ninkii Markaanu Sheekeysanay in aan nin Direed oo Reer Mahe Dir ah u Sheegtay oo Ladhashay Maxamed Xiniftire ayaa (Lilmo Indhihiisa ku soo Joogsatay) Waxaa uu ii sheegay in uu 70 sano jiro Walina Uusan Horey u arkin Qof Dir Sidaan u kala sheeg sheegi kara, Odeygii ayaa i Weydiiyay Miyaad Maqashay Reer Dood, Hadii Aad Tahay Wiil Direed oo Maxamed Xiniftire dhalay ? Waxaan ugu Jawaabay Maya ee ii Sheeg, Tolkeey aan Bartee? Odeygii Waxaa uu igu Yiri Waxaan Ahay Reer Dood, Reer Doodna waa Dad Direed oo La daga Habar Jeclo, kana Mida Habar Jeclo Laakin ka soo Jeeda Maxamed Xiniftire. Waxaa u ii Sheegay Odeygaan in Fananda Weyn ee Guduudo Carwo Ay Ka Soo Jeedo Reer Dood, Waxaana uu i Siiyay Walakeed oo Jigjiga Dagan oo uu Igu Yiri Raadi:

Qabiilka Maxbuubta Aad sheegeyso waxan kula kulmay Nin Darawal ah oo Dagan Magaalada Abaarso Habeen aan ka Doodnay Dirnimada iyo Shirkii Carta ayaa Rag waxaa i Weeraray Habar Awal ah oo Yidhi Wax Dir la Yidhaada Majiraan, Geelaa Carta ku sameeyay. Ragii Isaaq ahaa ayaa waxaa iiga soo dhex Baxay Nin Difaacaya Dirnimada oo Markii Danbe Si Cad u Yiri Anigu Waxaan Ahay Nin Direed oo ma Diidayo Dirnimo. War Yaad Dir ka Tahay ayaan ku Idhi Darawalkii Waxaa uu iigu Jawaabay Anigu waxaan Ahay Nin Direed oo Maxbuubta ka Mida oo La Dhiig Baxa Reer Shirdoon (Habar Awal). Markii aan sii War Wareystay ninkii waxaa soo Baxday in Ninkaan uu Yahay Gaaljecel– Maxbuub oo Waligood la Dagaanaa Rerkan Habar Awal Lana Dhiig Baxaan Reer Shirdoon. Ninkaan adinku Hawiye u arka ama iska Daaya Isagu Waxaa uu ii Sheegtay in uu Yahay Maxbuub Dirna Yahay Dalkaa Waqooyigana uusan ka Xigin Nina. oo uu Yahay Dal Direed. Magaaloyinka Arabsiyo-Awbare-Gibiley-Ijaara -Taysa-Darbiga Waxaan La kulmay Rag fara Badan oo ay ka Mid Yihiin Mandaluug reer galbeeda iyo Gurgure( Reer awbare) iyo Madiigaan iyo Beel weynta Gadabuursi oo Si Wacan iiga Waramay Tariikhaha Dadka Direed:

Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,,,,,

Beesha Layiile Waxa ay ukala Baxdaa Sidan,

1 Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah

2 Faarax Saciid

3- Abiikar Saciid

4- Sacdi Saciid

5- Nuur Saciid

6- Cali Saciid

7- Cismaan Saciid

8- Xuseen Saciid

9- Xasan Saciid

10- Cumar Saciid

Monday, September 6, 2010

MADAXWEYN DIREED TARIIKHO DHEER

Wareysi Dheer oo aan Layeelanay Mudane Warsame oo Dalka Itobiya ku xeel dheer.

Su'aal Dirsame : Bal dhalinta reer konfurta Direed een kala aqoon reer tolkood wax uga sheeg Madaxweyn Dirka Galbeedka Somalia. Dhamaan Dirka dagan konfurta markii ay maqlaan Madaxweyne wexey la soo boodaan inta badan laba hobol oo Wabari ku jiray, sida Baxsan iyo Cabdi Muxummed Amiin Gabyaga, heesaga, wadaniga weyn. Dhalinta waxa kale eey yaqaanan atirisho Faynus Sheikh Dahir, siiba kuwa majajilada ruwayadaha daawada. Laakin dalkas Somali Galbeed iyo deeganada ma yaqaanan dhalinyarada reer Xamarka ah sideyda, bal waxa nooga sheeg, Madaxweyn Dir itaad Ka aragtay ?

Sida ay u kala baxaan noo sheeg horta ?

Mudane Warsame Jawaab: Marxaba anigoo hadalka soo koobi doona. Saad ogsontahay Dir wuxuu dhalay 4 wiil oo kala ha:

1)Madaxweyn

2)Maahe Dir-Isaaq;Biimaal;gadsan; dabruube iyo Bajimaal

3)Madoobe Dir-waa Ciise iyo beelo soo raaca oo isaga ladhashay lana dagan

4)Dir-Mandalluuga koonfurta dagan (sida Makahiilka, Nuure, Buufow, Reer Majuun, Reer xasan) iyo Gadabuursi (beel weynta Samaroon Saciid)

Horta Madaxweyn uma dhalan anigu (waxaan Ka soo Jeedaa Surre Dir). Laakin aad iyo aad ayaan u baaray, oo ku darsay beeshan balaaran ee Madaxweyne Direed. Dhowr safar oon Somalia, Kenya iyo Etioobiya meelaha ay dagaan ayaan ku soo maray, kadibna waxaan baaray oo yara raad raacay buugagta ay qoreen reer galbeedka. Marka, waxad odhan kartaa wax woogan ogahay, laakin cudurdaar, hadii aan wax is dhaf dhafiyo ha la ii dulqaato, hana la i saxo hadoow, oo foorumku waa furan yahay iyo comments kuba.


Madaxweyn wuxuu Dhalay:


Maxamed
Ali
Yaxye
Hordare

Maxammed iyo Ali madaxweyn ayyeenu inta badan aan maqalnaa oo kala ah:
Gurgure (maxammed)
Akisho
Gariire
Guure
Waro Waro
Obo
Reer Aw saciid
Layiile
Madigaan
Iyo Barsuug
Reer Dayo ( Wardaay)
Jiido Geedle Cali Madaxweyn ( Wajis iyo Sifir)-Qoryoolley area.
2. Hordare waa sadex (Etiyoobiya iyo jubada Hoose)

Alaabweyn
Ijaaje
Khayre


3. Yaxye waa reer zona Jubbada Hoose North of Kismayo & wamo

Dheere Madaxweyn
Waxa kale oo Jira beelah oo Waqooyi Galbeed iyo Itobia dagan:

Dalbis
Leyiille
Dayle
Guurejenno
Su'aal Dirsame :Deegaanada Bal noo kala sheeg, Mudane Warsame ?

Horta madaxweyn Dirku waxaa uu deegan ahaan, asasiyan uga yimaadaa Galbeedka Somaliyada Itoobiyo Guumeysato siiba laga bilaabo Erer, Harrar, Shiniile, ilaa Qabri Bayax. Laakin laga bilaabo 1600 ilaa 1890 kii ,xiligii gumeystiihii Menelik, boqorkii Itobiya uu qabsaday Harrar ilaa maanta waxaa ku dhacay Madaxweyn Dir kala daadsanaan iyo xoogaha jah wareer oo ay u kala guureen konfurta Itoobiya ilaa Afdeer, oo Doloow Ado u dhaw, ilaa Bay iyo dooxooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Tusaale, Guuraha oo 180,000 ruux gaaraya, ilaa Afdheer ilaa Guure Dhaamoole oo Jarati iyo Gooblka Liiban ayaay usoo qaxeen, itooda badan waxa aa u burburiyay Menelik boqorkii Itoobiya 1890kii oo gibir ama canshuur baad ah ku qoray. Beesha Guure iyo Mandalluug waxa ay barigaa ka tageen intooda badan Tog Faafan oon ka fogeeyn Jigjiga iyo Harrar.

Qeybo kala oo Madaxweyne Dir ah qarnigii 1500, markii Mujaahid Axmed Ibraahim Qaazi (Axmed Guurey) la jabiyay ayaa waxaa jiidhay Oromo fara badan oo qabsatay, Harrar iyo nawaxigeeda.

Waagaas waxaa Galbeedka ka qaxay dadka ay ka mid yihiin, Quraanyow Maxamed Xiniftire Mahe Dir ama qaybta Garre ee Dirka ah oo deegan ahaan dagay Bay, Awdheegle, ilaa Nageele. Qurac oo Mahe Dir Xiniftire ah waxa ay dageen Magalo tuulo dalka Aruusada Oromoda ah ku taal, sidoo kale Guurah oo dagay dhankaas xuduudna la leh Aruusada. Jiido Ali sidoo kale qarnigii 1600 ayay soo dageen Bay iiyo Jubo/Shabeelle Valley.

Sidoo kale, beelah Biyomaal, Bajimaal, iyo Dabruub ayaa ka mida beelah Mahe Dir ee ay Madaxweyn Dir iska soo raaceen dhankaan Harrar iyagoo soo raacaya wabiga Shabeelle ama Wabiga Jubba. Qaar Iimey iyo dhankaas ayay aadeen, Qaar shabeelle ayay soo raaceen oo waxa ay dageen Bay, Jubbada hoose iyo shabeelle. Marka, beello boqollal sanno ka hor daganaa konfurta iyo qaar dawaan ka daba yimid ayaa jira.

Beelaha dhawan ka yimid Galbeedka waxaa ka mid ah Gadsanka, Mandaluuga iyo beesha reer Aw Saciid ee fananada aad jeceshahay, Dirsame eey ka dhalatay, Marow Faynuus Sheekh Dahir.

Dirsame Su'aal :Mexeey u kala baxaan Aw Saciidka ?

Beesha Reer Aw Saciid waxa ay u kala baxaan Abkeey Xaaji oo Adeer ah iyo Farah, Abikar, Sacdi , Nuur, Ali, Cismaan, Xuseen, iyo Cumar.

Halkaan Ka daawada Sawirada iyo Bilicda Casimada Labaad ee Gurgure Dir ,Hurso: http://www.hurso.com/Photos/Index.html


Markaa waa beel aad u balaaran oo kala dagta: Ijaara, wajaale, Arabsiyo W.G Somali land ilaa Qabri bayax, Diraa dhabe, Fayanbiiro, Gura Dhaamoole, Diraa Dhabe, Jigjiga, Hadana u sii fiday Maiso, Awash,Hurso,Erer goota, Harar, Kismaayo, Buaale, Luuq ilaa NFD Garseen Lake Tana area iyo Doolow Nageele xageeda. Marka dad badan oo aan lasoo koobi karin oo Malyuun Kor u dhaaf aya weeye.

Akisho

Bil Matalan, Akisho waxa ay ku leeyihiin magaaloyin ka Waqooyi Galbeed ka xiga Hargeysa beero sida beerah ku yaal Odjiid agagaarkeeda oo ay isla dagaan is na dhalaan beesha Yoonis Jibriilka. Ingiriiskii ayaa waxa ka qoray ganacsatada iyo beeraleyda beeshan, siiba Warre Kiyo Reer Carre Cumar Bullalle iyo lafahooda sida Addo Carre iyo Reer Daud Carre ( Caddale Daud iyo lafta Geelle Daud)

Mudane Dirsame maxay ku dhacdaa ama loo moodaa in Ogadeenku ugu badan yihiin Gobolka Somali Galbeed ama dhulkan Xabishidu guumeysato ee Region 5, hadii arinku saad shegeysid yahay ?

Ogadeen boqolkiiba 30 % xitaa ma gaadhan dad ahaan dadka ku nool Gobolka Somali galbeed. Qiyaastii beesha Ciise xitaa ayaa uga badan. Dirka dalkaa dagana waa Gurgure, Gadabuursi, Beelweynta Isaaq, Gadsan, Guure, Gariire, Surre oo leh Fiqi Muxummed, Nacdoor, Fiqi Khayre, Fiqi Yaxye, Mandaluug, Akisho, Obo, Bajimaal Quraanyow Maxammed Garre iyo Dabruube. Marka waa wax saxafadaha reer galbeedka (western media) laga dhaadiciyay. Dirka waxaa weheliya Karanle Hawiye, Murille, Hiraab. Waxa agaakan dagan Shiikhaal, beelo Raxanweyn ah iyo Garre Marre, Duubo, iyo Digoodi ba. Marka waa iska probaganda raqiis ah oo hir gashay.

Tuusaale ahaan:

Iimey Dir ayaa ugu badan, waa run Ogaden Reer Amadin iyo beesha Duubo waa dagan yihiin.
Jarati iyo Liiban: Dir ayaa majority ah ilaa Waladayo, Doolo, Guure Dhamoole.
Godey: Iimey West iyo East iyo Booley
Gashaamo: Sida Nusdariiq, Kabtinuur, Qabri Dahare
Kalaafo Ilaa Mustaxiil. Bajimaalku waxa ay dagan yihiin iyo Dir kaleba magaalooyinka Gumar, D'are, Niman, Mayko, Qodi dudul, Burdhinle, Mustahiil
Baalle, nageele, dhanka kale Fayaanbiiro, Hara Maayo, Maiso, Gobolka Shiniille oo dhan Fiiq.
Ma lasoo koobi karo adeer. Hada ka hor ayaa shirkii Kenya lagu qabtay ayaa odayaal Darood iyo Hawiye ah oo Dir la yaaban ayaa waydiiyay wiil yar oo Surre Dir ah, " Waryaa Dir badatee, meeqa Gobol ayaa dagtaan?

Wiilkii Surre isagoo isku kalsoon ayuu yiri, " War adeerayaal Darood iyo Hawiyow idinkaa fudud ee is xisaabiya, wixii soo haran anaa leh, hadii aan dhaho carro Dir aan xisabinaa, waagaa baryi oo hadana baryi, marka idinkaa fudude, oo koobane lana xisaabin karaa deegankiine dee sheegta halkaad dagtaan, halkaan dagana waa dagaa anigoo Diree.



Mahadsanid Mudane Dirsame. Waxaan rajeyneynaa in aad nagala hadashid tarikhaha aad uruurisay, anaguna waa dabic doonaa.

Wareeysigu waa socon doona, kolba markii aan E-mail ka helno



Glossary

Gurra -a group of Dir living between wabi Gastro and Dumale. Gurra Dhaamole, Afdeer, lands of the Guure Madax weyn Dir, group very related to Akisho and Gurgure numbering over 260,000.

Gurra- top

Gurro- ear

Gurratti- Black

Qurac- Mahe Dir Group living in Magalo, Bale.

Blog Archive