Wednesday, May 4, 2011

BEESHA QUBEYS OO SOO QAB-QABATAY DABLEYDIIBeesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleybaan

Beesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleybaan
Posted by: editor

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Beesha Fiqi Muxumad ay googol u dhigtay Waxgaradka, Nabadoonada beelaha Sacad iyo Suleymaan ee ku sugan Magaalada Nairobi waxaana soo qaban-qaabiyay Suldaan Khaliif Max’ed Maxamuud.

Suldaana ayaa mar uu ka hadlayay sababaha ay u dhigeen goshaan ay tahay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada dhex taala labadaasi beelood ayaa waxa uu u soo jeediyay labada beelood in heshiisyada ay gaaraan ay ka dhabeeyaan.
Waxaa laga soo saaray kualnkaasi baaq loo soo jeedinayo labada beelood oo ah in ay xabadda joojiyaan in wixii khilaaf ah ay ku dhameeyaan wada hadal, waxaana labada beelood u kala hadlay Cabdi Faarax Jaamac iyo Mudane Indha-Cadde, waxayna sheegeen in ay soo dhaweenayaan dhex dhexaadinta beesha Fiqi Muxumad waxaana halkaasi lagu saaray guddi ka kooban dhowr iyo taban xubnood oo tagi doona Gobalada dhexe.

www.jammaame.com

27 - 01 - 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

BEESHA QUBEYS OO SOO QAB-QABATAY DABLEYDII WEERARTAY ISBITAALKA DAARUSHIFA
Dableeydii dhawaantan ka geysartay dilkii foosha xumaa isbitaalka DAARUSHIFAA' ayaa maanta gacanta lagu soo dhigay,iyagoo ku dhuumaaleysanayo meel ka mid ah xaafadda H/wadaag.
Soo qabqabashada dableydaan ayaa waxaa ka dambeeyay odayaasha iyo dhaliyarada beesha qubeys oo la sheegay in ay ka dhasheen.
Nabadoon Xuseen Geeddi Jimcaale,ayaa xaqiijiyay in ay soo qabteen nimankii falka dilka u geystay dhalinyaradii ilaalada ka aheyd cusbutaalka DAARUSHIFAA' ee ay 3da nin ku geeriyootay. Nabadoonka ayaa intaas raaciyay in ay nimankaas kasoo qabteen meel ka mid ah xaafadda H/wadaag ayna hadda ku hayaan qol 4 miter ah oo ay ugu xir xiranyihiin,waxaa kaloo uu sheegay in ay marsiin doonaan shareecada islaamka.
Arrintaan ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho oo haddii ay hirgashana abuureysa niyadsami iyo degganaansho beelaha dhexdooda ah. Dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyooyinka ayaa marar badan waxay sababaan in loo dilo dad aan wax shaqo ah ku laheyn iyagoo loo raacayo magaca beesha ay kasoo jeedaan.
Safiyo Abuukar Karaani
sofiyaloren@hotmail.com

No comments:

Blog Archive