Showing posts with label SUURE DIR. Show all posts
Showing posts with label SUURE DIR. Show all posts

Wednesday, June 29, 2011

CODKII XARIIRTA AHAA SAYNAB LABADAGAX II













Suure DIR statesman of ISLAMIC COURTS

XAGUU KU DAMBEYAY INA SHEIKH IBRAHIM SUULEY ?

Suure statesman of ISLAMIC COURTS

Thursday, May 19, 2011

Dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Ra’iisu SUURE

Dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Ra’iisu
http://www.jiimonet.com/April07/dowladii_cigaal_april1407.htm

1967-1969 Dowladdii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Ra’iisulwasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Golihiisii Wasiirada Magacyadooda iyo Beelaha ay ka soo jeedeen.

June, 10/1967, Golihii barlamaanka oo xilagaasi tiradooda ahaa 123 xubnood, ayaa waxay Madaxwyne casub inuu noqda u doorteen mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke., ka dib markii uu wareeggii saddaxaad cudadka xagga doorashada kaga adkaaday Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan.

July 6/1969 Madaxweynaha cusub Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa lii dhaariyey xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirashiidna waxuu jagada Ra’iisulwasaaraha u magaacabay mudane Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, oo ka soo jeeday gobolada waqoyi, waana markii ugu horeysi siyaasi ka soo jeedo gobolada waqooye loo magacaabo xilka Ra’iisulwasaare.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa waxaa uu kordhiyey golihii wasiirada, waxuuna gaarsiieye ilaa 18 halkii ay markii hore ka ahaayeen 15 xubnood, isagoo xulidda golihiisa wasiirada ku saleeyey tixgelin beeleed.

Golihii Wasiirada ee xukuumadii Ra’iislwasare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ee uu magacaabay July 21/1969, magacyadooda iyo beelaha ay ahaayeen.

Magaca
Jagada
Beesha
Lafta Gobolka

Cabdi/ied Cali Sharmarke Madaxwyne Daarood Majeerteen Bari
Maxamed Ibrahim Cigaal Ra’iisulwasaare & Wasiirka A/Dibadda Isaaq H/Awal W/Galbeed
Cali Caliyow Maxamed Wasiirka Beeraha Raxweyn Elaay Bay
Haji Yuusuf Iimaan Guuleed Wasiirka Difaaca Isxaaq H/Yoonis W/Galbeed
Aadan Isaaq Axmed Wasiirka Tacliinta Gadabursi Makahiil Awdal
Haji Faarax Cali Cumar Wasiirka Maaliyadda Hawiye Habar gidir Mudug
Cali Maxamed Cusuble Wasiirka Caafimaaka & Shaqaalaha Hawiye Murusade Galgaduud
Maxamed Cali Daahir Wasiirka Warshadaha & Ganacsiga Daarood Majeerteen Nugaal
Xassan Xaaji Cumar Amey Wasiirka Warfaafinta Daarood Dhulbahante Sool
Yoonis Nuur Xassan Wasiirka A/Gudaha Daarood Majeerteen Mudug
Aadan Shire Jaamac Wasiirka Caddaalada&Diinta Daarood Galgaduud Galgaduud
Cabdullahi Maxamed Qablan Wasiirka Qorsheynta Qaranka Daarood Warsangele Sanaag
Maxamud Cabdi Nuur (Juuje) Wasiirka Arimaha Bulshada Dir Qubeys Baay
Xareed Faarax Nuur Wasiirka Gaadiidka & Isgaarsiinta Hawiye Jajeele Hiiraan
Cabdullahi Giire Ducaale Wasiru Dowlaha Horumarinta reer Miiga Isxaaq H/Awal W/ Galbeed
Maxamed Sheekh Yusuf (Derbi) Wasiru Dowlaha Arimaha Somalida maqan) Ogaadeen Jubbada Hoose
Cali Maxamed Hiraabe Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxwynaha Hawiye Abgaa Shabelaha Dhexe
Cali Cumar Sheegow Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Digil Tunni Shabelaha hose
Cusmancil Ducale Warsame
Wasiiru Dowlaha Macdinta iyo Kaluumeysiga Isxaaq H/Jecele Togdheer


May 21/1969 Ra’iisulwasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxuu isku shaandheeyey golihiisii wasiirada, waxuuna abuuray wasaarado cusub, ka dib markii uu colays siyaasadeed kaga yimid dhinacyobadan, sida: dhinacyada beelaha iyo axsaabta siyaasadeed ee waqtigaasi jiray, waxuuna mar labaad soo dhisay golo wasiiro oo ka kooban shaxdan hoos ku qoran:

Magaca
Jagada
Beesha
Lafta
Gobolka

Cabdi/ied Cali Sharmarke Madaxweyne Daarood Majeerteen Bari
Maxamed Ibrahim Cigaal Ra’iisulwasaare & wasiirka Arimaha Dibadda Isxaaq H/Yoonis W/ Galbeed
Cabdullahi Maxamed Wasiirka Beeraha Isaaq H/Yoonis Togdheer
Cali Caliyow Maxamed Wasiirka Isgaarsiinta Raxweyn Elaay Baay
Hilowle Macallin Maxamed Wasiirka Difaaca Daarood Ogaadeen Jubbada Hoose
Aadan Isaaq Axmed Wasiirka Tacliinta Gadabursi Makahil Awdal
Sufi Cumar Maxamed Wasiirka Maaliyadda Digil Geledi Sh/ Hoose
Maxamed Sheekh Maxamed Daahir Wasiirka Caafimaadka & Shaqaalaha Raxweyn Yantaa Baay
Cabdullahi Ciise Maxamuud Wasiirka Warshadaha & Ganacsiga Hawiye Habargidir Mudug
Cusmacil Jimcaale Cusuble Wasiirka Warfaafinta Hawiye Abgaal Sh/ Dhexe
Yaasiin Nuur Xassan Wasiirka A/Gudaha Daarood Majeerteen Mudug
Aadan Shire Jaamac Wasiirka Caddalada Darood Mareexaan Galgaduud
Xirsi Buxan Faarax Wasiirka Xanaanada Xoolaha Daarood Majeerteen Nugaal
Xaaji Muuse Samatar Wasiirka Macadinta Doorood Majeerteen Bari
Micheal Mariano Wasiirka Qorsheynta Qaranka Isxaaq H/jecel Sanaag
Jaamac Gaani Axmed Daarood Daarood Dhlbahane Sool
Cabdullahi Giire Ducaale Wasiirka Horumarinta Reer Miiga Isxaaq H/Awal W/Galbeed
Xareed Faarax Nuur Wasirudowlaha Wasirudowlaha Arimaha dhulka Somalida maqan Hawiye Jajeele Hiiraan
Cusmaan Axmed Rooble Wasiirudowlaha Xafiiska Madaxwynaha Hawiye Abgaal Sh/ Dhexe

Fiiro Gaar ah: Wasiirudowlaha, waa wasiir aan wasaarad laheyn

1967-1969 Wasiir ku xigeenadii xukuumaddii Ra’iisulwasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Magaca
Jagada
Beesha
Lafta
Tariikhda la magacabay
Xaaji Muuse Samatar W/K. Arimaha Bulshada Daarood Majeerteen July 23/1967
Bare Ugaas Geedi W/K. Caafimaadka & Shaqaalaha Daarood Ogaadeen July 23/1967
Maxamed Xaji Bile Jamac
W/K. Gaadiidka & Isgaarsiinta Dir Reer Agoon uly 23/1967
Maxamed Dolli Hascio W/K. Caddaalada & Arimaha Diinta Hawiye Baadi Cadde July/23/1967
Cusman Sheekh Axmed Hiraabe W/K. Arimaha Gudaha Hawiye Abgaal July 23/1967
Salaad Cilmi Durwa Wasirudowlo Ku xigeen Xafiiska Ra’iislwaaraha Hawiye Habargidir July 23/1967
Axmed Geele Xassan W/K. Beeraha Hawiye Xawaadle July 23/1967
Maxamed Cusuble Cadde W/K. Tacliinta Hawiye Murusade July 23/1967
Cabdi Nuur Maxamed Xusen W/K. Maaliyadda Raxweyn Geedfade July 23/1967
Said Maxamed Maxamud (Oddur) W/K. Tacliinta Daarood Dishiishle May 23/1969
Omar Maxamed Guuleyd W/K. Maaliyadda Daarood Majeerteen May 23/1969
Barre Ugaas Geedi Dabar W/K. Caafimaadka & Shaqaalaha Darood Ogaadeen May 23/1969
Maxamed Garaad Maxamuud W/K. Xanaanadda Xoolaha Darood Warsan geli May 23/1969
Cabdullahi Xaaji Maxmuud (Insaania) W/K. Caddalada & Arimaha Diinta Dir Reer Agoon May 23/1969
Cusman Sheekh Axmed Hiraabe W/K Arimaha Gudaha Hawiye Abgaal May 23/1969
Maxamed Cali Axmed (Shindiike) W/K. Gaadiidka & Isgaarsiinta Hawiye Habargidir May 23/1969
Maxamed Xassan Noor (Justi) W/K. Beeraha Hawiye Mobleen May 23/1969
Ducaale Jaamac Axmed W/K. Arimaha Bulshada Isxaaq H/Yoonis May 23/1969
Cabdi Noor Maxamed Xuseen W/K. Xafiiska Ra’iisuwasaaraha Raxweyn Geedaofade May 23/1969


Dowladii uu labada jeer soo dhisay Marxuumka X. Ra'iisulwasare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal waatanee baal beelaha aan marna la soo hadalqaadin fiiriyaa, sidaad u aragtaan jawaabta iigu soo dira jiimo2001@yahoo.com



Maxamed Xaji Bile Jamac : Mudanahan Surre ma maqlin waligey Liskan haddii aad u kuur gasho laba magac oo aad u caan ah ayaa ku jira mid waa Siyasigii weynaa ee Surre Mudane Juuje waana la wada garanayaa, sidoo kale Cabdulahi Insaaniye isagana waan gartay laakin yuu ahaa ninkaan

Maxamed Xaji Bile Jamac
W/K. Gaadiidka & Isgaarsiinta Dir Reer Agoon uly 23/1967 [/b][/size]

Bal Qofkii yaqaanow ma nool yahay mise ma noola?

Su'aasha kale ileen reerkan Surre waligoodba waa la Qadin jiray oo jagooyin iyo kuraas fiican meysan heli jirin.... waxaan is lahaa waagii hore sidaan hada waa dhami jirnay

Ziyaaradii labadii caalim ee waawaynaayeen Sheekh Yuusuf Sheekh

http://www.ahlusunna.org/News/Ziyaradi%20Sh%20Yusuf%20iyo%20Sh%20M.shtml[/url]

Daawo Sawirada qurxda badan



Ziyaaradii labadii caalim ee waawaynaayeen Sheekh Yuusuf Sheekh


Ibraahim (Sh Yusuf Direed) iyo tilmiidkiisii weynaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe Allaha ka raali noqdee oo ka dhacday meela fara badan oo ka mid ah aduunka.
Meelaha uu ka dhacay xuska mashaa’ikhda waxaa ka mid ah gooba badan oo ku yaalla wadanka gudahiisa sida maqaamka uu ku yaallo Dariixa sheikh Yuusuf ee magaalada Huurshe, Mugadishu iyo magaalooyin kale, sidoo kale wuxuu ka dhacayaa meela ka mid ah wadanak dibadaiisa sida America, Canada, UK , Sweden, Kenya iyo gooba kale.
Bal aan tusaala kooban ka bixino sida looga xusay labada sheikh maqaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Waxaa lagu qabtay xaafadda Eastleigh xaflaad aad u balaaran oo lagu maamuusayo Ziyaarada mashaa’ikhda xafladaas oo isugu jirtay Qu’raan aqris iyo wacdi.
Ziyaaradaan oo jawi sare ku dhamaatay ayaa waxaa soo abaabuley awlaada masha’ikhda iyo talaamiidii cilmiga ka xanbaartay mashaa’ikhda,
Sh C/raxman Sh M Guuleed iyo Sh Hashim Sh Yusuf
waxaa la sameeyay subaxnimadii Axadda martiqaad aad u balaaran oo ay kasoo qayb galeen dhamaan culamaa’udiinka ree Nairobi ee ahlusuuna wal-jamacah oo lagu aqriyay jaamcayo fabadan oo mashaa’ikda loo hadiyeeyay.

Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Qaar ka mid ah Culamadii Aqrisay Qur'aanka
Deetana ,habeenkii Isniintii oo tariikhda Hijriyadu ahayd 08/2/1428 kuna beegneed 26 February ee 2007 ayaa waxa lagu qabtay xaflad si wayn loo soo diyaariyay masjidka ZAmzam eek u yaala xaafada Eastleigh, xafladaan oo ay kasoo qayb galeen Aalu baytka Rasuulka SCWS, mashaaikhda ugu caansan wadanka Soomaaliya iyo Kenyaba, iyo dhamaan dariiqooyinka suufiyada ee ka jira gayiga Kenya, waxaana ka mid ahaa mashaa’ikhdaas:
• Shariif C/lahi Shariif Xasan
• Shariif cali masaajid
• Shariif Musdaf oo ah Mudariska iyo imamka maskidka Al-Xaqq
• Sh Muriidi Sh Abuukar Nuur Aala Sh Uways Al-Qadiri
• Sh Maxmuud Cali Wacays Caalimkii soomliya
• Sh C/qaadir Xashi Cali (Baajuuri)
• Sh Xasan Sh Axmed Aw Cali
• Sh Cusmaan Sh Maxamed Sh C/raxmaan Celi
• Sh Hashim Sh Yuusuf Sh Ibrahim
• Sh C/raxmaan Sh Maxamed Guuleed
• Sh maxamed yusuf Wacays (Dhagaxbuur)
• Sh C/raxmaan mire Jimcaale
• Iyo mashaa’ikh kale.
Sh M.Cali Wacays,Sharif C/lahi iyo Sh C/qadir Xashi Bajuri Qaar ka mid ah Culamadii kasoo qayb gashay Ziyarada
Xafladaan qiimaha badani waxa u dhacday sidatan:
Xafladu waxay ku bilaabatay ayaadaha Qur’aanka Kariimka oo uu aqriyay Macalin Zakariye Sh Cusmaan , ayaadaha Qur’aanka kadib waxa lagu xijiyay Qasaa’id lagu xusayo Rabbi SW, kuwa lagu amaanayo Rasuulka SCWS iyo qasiidooyinlagu amanayo Awliyada oo ay ka mid yihiin mashaa’ikda mowsimka loo caqiday.
Intaa ka dib Xariiriyaha Ziyaradda, Sh. C/qaadir Macalin Aaden ayaa qaatay microphone-ka wuxuuna u mahad celiyay isagoo wakiil ka ah Sh Hashim sheikh Yuusu, Aalu-baytka Rasuulka, mashaa’ikda iyo dhamaan ka soo qayb galayaasha ziyaarada.
Deetana wuxuu ku soo dhaweeyay gacanka Shariif C/lahi Shariif Xasan oo ka hadlay tilaamnta Awliyada Ilaahay (SW), waxay ku xigay Sh. Maxmuud Cali wacays oo isaguna daka ku booriay inaa qaadan dariiqii mashaaikhda la ziyaaranayo oo ahaa baridda iyo barashada cilmiga si aanay u dhicin in Jihaad lagu tilmaamo waxyaabo Diinta looga baxayo. sidoo kale waxaa ka yiri kalimdiisa Sh Xasan Sh Axmed (Sh Xasan Madoobe).

Wacdi dheer ka dib wuxuu xariiriyuhu ku soo dhaweeyey microphone-ka Sh. C/qaadir Xashi Cali (Sh C/qadir Baajuuri) oo soo gabagabeeyay ziyaarada kana sheekaeeyay qaar ka mid ah karaamooyinka mashaaikhda, deetana waxa duceeyay Aalu baytka Rasuulak (SCWS) iyo Sh Muriidi Sh Abuukar Nuur oo ah faracii Sh Uways Al-Qaadiri(RC), waxay Aalu baytka iyo mashaaikhduba Ilaahay uga baryeen guud ahaan ummada Soomliyeed in Ilaahay fahamsiiyo maslaxadooda una soo dajiyo nabad waarta iyo inay ku toosnaadaan kitaabka Ilahay iyo Sunnda Rasuulka(SCWS).
Ziyaarada mashaa’khda waxa ka soo qayb galay jamaacooyin ay ka mid yihiin :
• Ree Sh Uways dheere
• Ree Sh C/raxman Suufi
• Ree Sh C/raxmaan Celi
• Ree Sh Cli Cilmi yare
• Iyo jamaacooyin kale oo aan la koobi Karin.
Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada Dikri salantii ree sh Cali Cilmi Yare

Sidaa si lamid ah waxaa si aad ah uga dhex muuqanayay Ziyaarada Dhalinyarada Ahlusunna wa-jamacah ee wadnak Kenya.
guud ahaan ziyaaradu waxay ku dhamaatay jawi nabadeed oo aad loo soo diyaariyay Allaha ku jazeeyo kheyr aan lasoo koobi karin kuwii soo diyaariyay.
Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada Qaar ka mid ah jamaacadkii ka soo qayb galay ziyaarada
NB :- Haddi AIlaha awooda lihi ogalaado waxan u soo gudbib doona aqristayaasha sharafta badan tarjamada mashaa’ikda oo kooban.
Af hayeenka ahlusunna wal jamaaca Sheikh Maxamuud Sheikh Xasan Faarax "Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa Dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya iyo midowga maxaakimta".


Waa in la joojiyaa dagaallada dhiiggu ku daadanayaan, lana qaataa dib uhishiisiinta ay ku baaqeen culammaa’udiinka soomaaliyeed sidaas waxaa yiri caalimka weyn e sida aadka ah looga yaqaano geeska afrika iyo waddamada carabta.
Sheikh maxamuud sheikh xasan oo wareysi siinayey qaar ka mid ah idaacadaha muqdisho ka jira kuna hadlayey magaca culammaa’udiinka soomaaliyeed ayaa sheegay in aan la taageerin dagaallada ka socda soomaaliya oo uu sheegay in labada kooxood ee isaga soo horjeeda dagaallada ay kala adeegsanayaan dad ajnabi ah.
Sheekhu wuxuu sheegay inaan diin lagu dagaallamayn ee dhiigga umadda loo daadinayo xukun jacayl, taasoo cid waliba ay heli karto waxay doonayso ee Ilaahay u qadaro iyagooo aan daadin dhiigga ummadda.

Sheekha oo la wqeydiiyey in ciidama Ethiopian ah ka dagaallamayaan gudaha soomaaliya ayaa yiri ilaa goormaa la lahaa ciidamaa soo galay maxaa faa’iido laga hayaa, mar horaan caddaynay sida looga badbaadi karo labada dhinac inay adeegsadaan ciidama ajnabi ah.
Culammada soomaaliyeed horey ayey ugu baaqeen in ay u sameynayaan dib u hishiisin kooxaha maxkamadaha iyo dawlada ku meelgaarka, laakiin kooxaha maxkamadaha ayaa yiri see loola hishiinayaa kooxo mujrimiin ah oo ay ula jeedaaan dawladda ku meel gaarka oo horey Usaama Binlaadin amar ugu siiyey maxkamadaha inay laayaan dawladda iyo Madaxweyne C/laahi yusuf oo uu Usaama sheegay inay gaalo yihiin.

Ahlusunna wal jamaca.

Wednesday, May 4, 2011

DEEGANADA SALEEBAN CABDALLE MUDUG

Caddayn inaysan Beesha Saleebaan Cabdalle qayb ka ahayn nidaamka cusub ee laga hirgaliyay degaano ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana aan lagu casumin dhismihiisa kaasoo dhisiddiisu muddo bilo ah ay ka socotay halkaa.

Beesha iyo Degaankeeda:
Beeshu waxay ka deggentahay Mudug deegaanada iyo magaalooyin ay ka midyihiin
* Towfiiq,
* Galhagoog,
* Ceeldhanaane,
* Dhinowda,
* Garacad,
* Jarriiban,
* Balli-busle iyo, Seemade iyo tuulooyin badan aanaan soo koobi Karin.

BEESHA QUBEYS OO SOO QAB-QABATAY DABLEYDIIBeesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleybaan

Beesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleybaan
Posted by: editor

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Beesha Fiqi Muxumad ay googol u dhigtay Waxgaradka, Nabadoonada beelaha Sacad iyo Suleymaan ee ku sugan Magaalada Nairobi waxaana soo qaban-qaabiyay Suldaan Khaliif Max’ed Maxamuud.

Suldaana ayaa mar uu ka hadlayay sababaha ay u dhigeen goshaan ay tahay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada dhex taala labadaasi beelood ayaa waxa uu u soo jeediyay labada beelood in heshiisyada ay gaaraan ay ka dhabeeyaan.
Waxaa laga soo saaray kualnkaasi baaq loo soo jeedinayo labada beelood oo ah in ay xabadda joojiyaan in wixii khilaaf ah ay ku dhameeyaan wada hadal, waxaana labada beelood u kala hadlay Cabdi Faarax Jaamac iyo Mudane Indha-Cadde, waxayna sheegeen in ay soo dhaweenayaan dhex dhexaadinta beesha Fiqi Muxumad waxaana halkaasi lagu saaray guddi ka kooban dhowr iyo taban xubnood oo tagi doona Gobalada dhexe.

www.jammaame.com

27 - 01 - 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

BEESHA QUBEYS OO SOO QAB-QABATAY DABLEYDII WEERARTAY ISBITAALKA DAARUSHIFA
Dableeydii dhawaantan ka geysartay dilkii foosha xumaa isbitaalka DAARUSHIFAA' ayaa maanta gacanta lagu soo dhigay,iyagoo ku dhuumaaleysanayo meel ka mid ah xaafadda H/wadaag.
Soo qabqabashada dableydaan ayaa waxaa ka dambeeyay odayaasha iyo dhaliyarada beesha qubeys oo la sheegay in ay ka dhasheen.
Nabadoon Xuseen Geeddi Jimcaale,ayaa xaqiijiyay in ay soo qabteen nimankii falka dilka u geystay dhalinyaradii ilaalada ka aheyd cusbutaalka DAARUSHIFAA' ee ay 3da nin ku geeriyootay. Nabadoonka ayaa intaas raaciyay in ay nimankaas kasoo qabteen meel ka mid ah xaafadda H/wadaag ayna hadda ku hayaan qol 4 miter ah oo ay ugu xir xiranyihiin,waxaa kaloo uu sheegay in ay marsiin doonaan shareecada islaamka.
Arrintaan ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho oo haddii ay hirgashana abuureysa niyadsami iyo degganaansho beelaha dhexdooda ah. Dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyooyinka ayaa marar badan waxay sababaan in loo dilo dad aan wax shaqo ah ku laheyn iyagoo loo raacayo magaca beesha ay kasoo jeedaan.
Safiyo Abuukar Karaani
sofiyaloren@hotmail.com

Blog Archive