Beesha Biyamaal oo sheegtay inay taageersantahay maamulka Banaad ir State, waxba kama jiraanna ku warar sheegayey…
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladda KMG, Xildhibaano ka socday dowladda KMG Soomaaliya iyo Culimaa’udiin, Siyaasiyiin, Odayaal iyo qeybahaka duwan ee beesha Biyamaal ayaa waxaa lagu sheegay in beeshu ay taageersantahay maamulka Banaadir State, kuwa sheegaya inay ka soo horjeedaana aysan metelin beesha sida ay yiraahdeen.
Afhayeenka Madaxtooyada ahna Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Banaadir State ayaa ka warbixiyay u jeedka kulanka waxuuna yiri
“Aniga oo ku hadlaya magaca Banaadir State kana soo jeeda Beelaha Biimaal waxaa xaq u leenahay inaan ka talino aayaha dalkeena iyo dadkeena, waxaana dan u aragnay inaan Xildhibaano ka noqono Ismaamul goboleedka Banaadir State, beesha Biyaamaal-na si buuxda ayey u taargeersantahay maamulka Banaadir State, sidoo kale waxaa ka soo horjeednaa hadalo ka soo yeeray dad u dhashay beesha Biimaal oo la marin habaabiyey inaan u aqli celino, una sharaxno ujeedada fog ee laga leeyahay Banaadir State” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada ahna Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Banaadir State.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay AVV Xasan Subeer Aadan oo ah mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowlada KMG Soomaaliya, waxaana uu yiri “Iyadoo shacabkii uu dhistay maamul danahooda ka shaeeya ayey haddana Xukuumadd waxay leedahay ma aqoonsai maamulka Banaadir State, taasi micnaheed waxay tahay sharci ma jiro”.
No comments:
Post a Comment