Thursday, August 23, 2012

Qoraal u soo saaray Suldaanka Beesha Biimaal Mogadishu, Khamiis, July 26, 2007 SMC .


Islam Women For Dating






Qoraal u soo saaray Suldaanka Beesha Biimaal


Mogadishu, Khamiis, July 26, 2007 SMC .







Ku: Shir guddoonka shirka dib u heshiinta beelaha
Soomaaliya Md Cali Mahdi Maxamed
Og: Madaxweynaha Soomaaliya Md Cabdullahi Yusuf Axmed
Og: Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.
Og: Ra'iisalwasaraha Somaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi
Og. Martigeliyaha Shirka dib u heshiisiinta beelaha
Soomaaliya Imaam Maxamuud Imaam Cumar.
Og. Dhammaan odey dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed
Marka 25/07/2007

Ujeeddo: BEESHA BIIMAAL OO AAN LAGU CASUUMIN KA QAYB GALKA SHIRKA DIB U
HESHIINTA BEELAHA SOOMAALIYEED

Salaan diirran ka dib, anigoo ah Suldaanka beesha Biimaal Suldaan Axmed Suldaan Maxamed
waxaan idin soo gudbinayaa qoraalka hoos ku qoran:

1.Waxaan idin ogeysiinaya in beesha Biimaal aan lagu marti qaadin shirka dib u heshiisiinta beelaha
Soomaaliyeed oo haddeer ka socda magaalada Xamar, anigoo ah madax dhaqmeedka muctarafka ah ee beesha Biimaal (Decretato1956) oo aan la i soo gaarsiinin warqadda martiqaadka ka soo qaybgalka shirka dib u heshiisiinta, Siday horey u sheegeen madaxda qabanqaabiyaasha shirka waxay ahayd in dhamaan duubabka beelaha la gaarsiiyo waraaqaha martiqaadka ka hor taariikhda qabashada shirka.



2-Waxaan idin ogeysiinaya in shir guddonka shirka dib u heshiisiinta uu u oggolaaday in shirka ay ka qaybgalaan shaqsiyaad rasmi ahaan wakiil ka aheyn Beesha biimaal oo ay magacaabeen qaar ka mid ah siyaasiinta beeshaan. Shaqsiyaadkaas oo siyaasiinta ay ku sheegeen xilal aan waxba ka jirin sida Suldaan iyo Ugaas oo aysan hore u ahayn. Midda siyaasiinta ku magacaabayaan ergada beelaha shirka uga qayb galayo waa arrin si cad u qilaafsan mabaadii'da lagu saleeyey qabashada shirka, maadaama magacaabidda ergada beelaha uu ahaa xil u gaar ah duubabka beelaha.

3-Haddaba waxaan codsanaynaa in si dhaqsi ah naloo soo gaarsiiyo waraaqaha martiqaadka rasmiga ah si beesha Biimaal ay uga qayb qaadato dib u heshiisiinta iyo xalinta mashaakilaadka dhex yaalla beelaha Soomaaliyeed.

4-Waxaan idin ogeysiinayna in haddii sida loo wada sameeyey dhammaan beelaha kale, beesha Biimaal an la soo gaarsiinin martiqaadka ka soo qeyb galka shirka ayadoo loo soo marsiiinayo madax dhaqmeedka saxa ah oo la aqoonsanyahay sida beelaha kale, in beeshaan aysan aqoonsandoonin natiijooyinka ka soo baxa shirkaan madaama si xaq darra ah looga hor istaagay inay kaga qayb gasho shirka ergo si nadaamsan loo soo magacaabay sida uu horey u sheegay guddoomiyaha shirka Md Cali Mahdi Maxamed.

Wabillahi Towfiiq.


Suldaan Axmed Suldaan Maxamed
_____________________________




Email: sultanbiimaal@yahoo.com
Tel: 002521-676064 / 5570910

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

No comments:

Blog Archive