Saturday, February 4, 2012

Warar Beesha GarreBeesha Dir Siiba Maxammed Xiniftire Quranyow Maxammed

Garre waa beel ka mid ah Beesha Dir Siiba Maxammed Xiniftire Quranyow Maxammed ,waxeyna degaan degmooyinka kala ah Afgooye, Tooratoorow, Aw-dheegle, Qoryooley, Farsooley, Bur-god, Buullo-Fullaay, Ceel-Waaq[1]. Beeshaan waxey leedahay lahjad la dhoho Af-Garre.




Ceelwaaqnews-Shirkii Dhowaan uga furmey Beesha Garre islamarkaasna lagu soo dooranaayey Xubnihii Doorashada Baarlamaanka ka qeybgalaya iyo Gudoomiyaha Gobolka Mandera ayaa la soo gabagabeeyey ka dib markii lagu guuleystey in la doorto Xubnihii doorashadaas ka qeybgeli lahaa.
Afarta Beelood ee beesha Garre ka kooban tahay ee Cali Tuuf,Addoole Tuuf ,Assarre Quraanyoow iyo Fuurkeesha Quraanyoow ayaa markii uu shirku furmey waxa beel kasta loo dhiibey inay soo xushaan hal xubin oo u matali doona doorashada dalka Kenya ka dhici doonta dhammaadka Sanadkan.
Beel kasta waxay ku guuleysan weyddey ina keento hal Xubin,marka laga reebo Beesha Addoole oo xubin geysey,Beelaha Cali Tuuf,Assarre,iyo Fuurkeesha ayaa mid kasta waxay Guddiga fulinta iyo golaha Dhaxe ee Beesha Garre hor geeyeen min 3 Xubnood oo tartameyaal ah ,kuwaas oo ay kala doorteen Guddiga Sare ee Beesha Garre oo ka kooban 20 Xubnood.
Beesha Reer Cali waxa Guddiga la horgeeyey saddex Xubnood oo kala ahaa C/qaadir X Aadan(Chito),Dr Cali Ibraahiim Rooba iyo xubin kale oo aan magaciisa helin,waxayna guddigu si aqlabiyad ah u doorteen Dr Cali Ibraahiim Rooba oo Shahadada Master digree ka haysta Bayloodnimo,waxana loo doortey inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Mandera.
Reer Assare waxay soo gudbiyeen 3 Xubnood oo ay horkeeneen guddiga,waana loo codeeyey,waxayna guddiga Beesha Garre si aqlabiyad ah u doorteen Dr.Maxamed Xaaji Cabddoow Maxamed,oo Xildhibaan hore ka soo ahaa degmada Taakaaba,waxana doorashada soo socota laga dooran doonaa Degmada cusub ee Baanisa,mana jiri doono qof la tartamaya sida ay qorsheeyeen guddiga Beesha Garre.
Beesha Addoole,waxay dhaxdoda ka sammeeyeen arrin xiiso badan ka dib markii ay isa soo sharraxeen 5 qof oo diiddey inay isku tanaasulaan,iyadoo shanta qof ay 3 ka mid ah lahaayee aqoon sare oo heer jaamacadeed iyo Master Digree,halka labadii kalena ay aqoontoodu aheyd heer Dugsi sare iyo diploma,markii ay isku tanaasuli waayeen ayaa loo bandhigey in lagu kala saaro doorasho waraaq ah oo nasiib ah,iyadoo inta aaney geli nasiibka lagu dhaariyey Kitaabka Quraanka;ka dib shantii qof ayaa waxa la hordhigey shan waraaqood oo mid ka mid ah haa ku qoran tahay kuwa kalena maya,waxana heley nin haysta darajada Diploma,kaas ayayna reer Addoole horgeeyeen guddiga Beesha Garre,kaas oo ka socda Beesha Bursunni.
Hase yeeshee Guddiga ayaa diidey in ninkaas la qaato waxayna Beesha Bursunni laga dalbadey inay keenaan,qof haysta uga yaraan shahaaddo Jaamacadeed iyo wax ka sarreeya,waxayna soo sharraxeen nin haysta shahaaddada heerka 2aad ee Master digrii ah,kii ay Beesha Addoole keeneen iyo midkaas ayaa guddiga Beesha Garre cod u qaadeen,waxana doorashadii ku guuleystey ninkii Shaahada darajada Sare haysta islamarkaasna ka soo jeeda isla Beesha Bursuni ,waxana laga dooran doonaa degmada Ceelwaaq oo aaney jiri doonin cid la tartameysa;waxana magaciisa la yiraahdaa Dr Maxamed Eeda.
Beesha Fuurkeesha Sidoo kale waxay soo sharraxeen 3 Xubnood oo uu ku jiro Eng.Xildhibaan Muumad, islamarkaasna ah Wasiir ku xigeen,guddiga Beesha ayaa saddexdii cod u qaadey waxana si aqlabiyad ah ku guuleystey Ampassader Eng Muumad,waxana laga soo dooran doonaa degmada Taakaaba iyadoo aaey Cidna la tartami doonin,sida ay go�aamiyeen guddiga Beesha Garre.


Beesha Garre Oo Shir Xasaasi ah Ku leh Ceelwaaq
Published on December 29, 2011 by admin · No Comments
Ceelwaaq-Shirkii ay dhowaan beesha Garre ku yeelatey degmada Ceelwaaq kaas oo lagu qeybsanaayey Xubnaha Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku dhow heer gabagabo ah,iyadoo la kala qeybsadey Xubnihii doorashada geli lahaa.

Guddiga beesha Garre iyo Golihiisa Dhaxe ayaa Afarta Jilib ee ay ka kooban tahay Beesha Garre u kala qeybiyey,waxaana jagooyinka la kala qeybsadey ka mid ah, 3xildhibaan iyo Gudoomiyaha Gobolka ,waxana loo kala qeybsadey sidan soo socota.

Beesha Quraanyoow oo u kala baxda Fuurkeesha iyo Asarre ayaa la kala siiyey min hal Xildhibaan,waxana beel waliba laga dalbadey inay soo xulaan Xildhibaan ku xiran Shuruudo adag oo dhinaca waxbarashada Siyaasadda iyo arrimo kale,waxana labadan beelood laga sugayaa inay soo gudbiyaan maanta,lagama soo sheegin wax is qabsi ama ismari waa ah oo ka soo dhax baxey.

Sidoo kale Beesha Tuuf oo ka koobon Cali iyo Addoole ayaa waxa la siiyey Xildhibaan iyo guddoomiye Gobol,waxana Guddoomiyaha Gobolka la siiyey Beesha Cali Tuuf,iyadoo Beesha Addoola laga sugayo inay soo gudbiyaan Xildhibaankii laga dooran lahaa degmada Ceelwaaq kaas oo leh Shuruudaha ay gudiga Sare u gudbiyeen.

Sidoo kale beesha Reer Cali ayaa laga sugaayey inay soo gudbiyaan Guddoomiyihii Gobolka oo tartanka ka qeyb geli lahaa,hase yeeshee wararka maanta na soo gaarey ayaa sheegaya inay beesha Reer Cali gaar ahaan Reer Sabdhaba ay ku heshiin waayeen ninkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka.

Wararka ugu dambeeya ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in Beesha Reer Sabdhaba oo ka kooban saddex Jilib ay laba ka mid ah isku raaceen nin haysta aqoon sare oo Master Digree,halka musharraxa kale ee ay Beesha kale wadatana uu haysto Shahahaadada Bachelor ama shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda.

Ugu dambeyntii Beelaha reer Cali markii ay ku heshiin waayeen guddoomiyaha musharaxa noqon lahaa ayaa waxa loo gudbiyey Guddiga Sare ee Beesha Garre oo ka kooban,25 Xubnood,kuwaas oo Beesha Reer Cali ka soo dhax Xuli doona qofkii noqon lahaa Guddoomiyaha Gobolka Mandera.

Saddexdii Beelood kale ayaan laga soo sheegin wax isqabsi ama ismari waa ah,waxana la filayaa inay isla burrito soo gudbin doonaan magacyada Xubnaha Saxdde Xildhibaan oo laga soo dooran doono degmooyinkaCeelwaaq,Taakaaba iyo Baanisa.

Sidoo kale xubin ka madaxbanaan afarta Beelood oo Xildhibaan ah ayaa waxa soo xuli doona Gudiga Sare ee Beesha kaasoo tartan ka geli doono degmada Raamo oo ay tartan kaga jirto Beesha Dogoodiye,ka dib markii meel la isla dhigo Xubnihii sida tooska ah loo kala qeybsadey.Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkeena Dambe.


Readers Comments (0)




Beelaha sida xooga leh udaga saddexdan gobol waxaa kamid ah: beesha Sheekhaash oo ah labaad ee dagta gobolladan iyaga ah, ayaa dagmooyinka qaarkood ee ay labadan beelood wada dagaan la odhan karaa tiro ahaan Sheekhaash ayaa kaga badan Ogaadeenka. Ugu yaraan 11-15 dagmo ayay wadaagaan babadan beelood, ee sida aadka ah isu dhalay, isuna dhexgalay.

Waxaa kale oo saddexdan gobol qaybo kamid ah dagan, beelaha kala ah: Abasguul, Wayteen, Shariif, Gaadsan iyo beelooyin kale oo yaryar. Waxaan ogaaday oo kale in saddexdan gobol waagii hore la odhan jiray dadka dagan: Aw iyo Ogaadeen. Awga ayaa waxaa hormood ka ahaa Aw Qudub, oo ah Sheekhaash iyo beelaha kale ee lagu tiriyo ama lagu tirin jiray culimada; sida Abasguul, Gaadsan, Shariif, Wayteen iyo Timocase.






K/Somalia Ceelwaaqnews-Wararka naga soo gaaraya Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay halkaas weli ka aloosan yihiin Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin iyo Ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka iyo Ciidamada Kenya oo iskaashanaya.
Xiisadahan dagaal ayaa aad looga dareemayaa degmooyinka Afmadoow,Baardheere,Buurdhuubo iyo deegaanada Ceelcadde iyo Ceelgaduud oo ka tirsan Gobolka Gedo,iyadoo ay Ciidamadan huwanta ee iskaashnaya ay guluf colaadeed ku hayaan qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ayaa la sheegey inay ku dhow yihiin Degmooyinka Afmadow iyo Baardheere,waxana Shacabka magaalooyinkaas soo wajahdey cabsi aad u daran,waxayna billaabeen inay ka cararaan magaalooyinkaas,si aaney qasaare u soo gaarin haddiiba uu dagaal dhaco.
Shaley ayay aheed markii Ciidamadan dagaal ku dhaxmarey deegaanada Xayo iyo Faxfaxdhuun oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubada Hoose,iyadoo ay dhinacyada dagaalamey ay labadaba Sheegteen guulo,hase yeeshee ma jiro warar madax ka madax banaan sheegashadooda.
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya inay halkaas gaareen boqolaal ka tirsan Ciidamada Xarakada Alshabaabul Mujaahiddiin,kuwaas oo xoojinaya Ciidamadooda horey ugu sugnaa degmadaas,si uga difaacaan weerarrada Ciidamada iskaashnaya kaga imaanaya.
Gulufka Ciidamada Kenya ayaa waxa wehliya duqeyn diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Kenya,iyagoo sii wada duqeynta ay ka geysanayaa gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ka aloosan Xiisado dgaaal oo aad u sarreysa,ka dib markii uu joogsadeen Roobabkii ma hiigaanka ee ka da�ey Koonfurta Soomaaliya.

Ceelwaaq-wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq oo ah halka uu shirka ugu dhammaadey Beesha Garre ayaa sheegaya in Guddiga Beeshu ay 3 jago dib u dhigeen,kuwaas oo kala ah Xildhibaanka degmada Raamo oo la sheegey in Xuduudda degmadaas uu muran ka taagan yahay
,waxana la sheegey in guddiga Xuduud bixintu ay muddo 3 Bilood gudahooda go�aan ka gaari doonaan.

Degmada Raamo ayaa waxa xildhibaankeeda isku haysta Beelaha garre iyo Dogoodiye,iyadoo deegaankaas asal ahaan ay laheyd Beesha Garre hase yeeshee ay si xoog leh u soo degtey Beesha Dogoodiye.

Si kastaba ha ahaatee wararka naga soo gaaraya ilo lagu kalsoon yahay oo aad ugu dhow gudiga ayaa sheegaya in degmadaas la filayo in laga soo Sharraxo Xildhibaan Biloow Aadan Keeroow oo ahaa Xildhibaankii ugu afka dheer ee soo mara Degmada Mandera,marka laga reebo ilaahey ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed-haaddi Siid Cali oo Shil diyaaradeed ku geeriyoodey sanadkii Saddeetameeyadii.

Dhinaca kale waxay gudiga u rahaman jagooyinka kala ah xubin loogu magacdarey aqalka Odeyaasha oo oo Gobol kasta uu leeyahay hal Xubin,waxana Degmada Mandera leedahay hal Xubin,kaas oo la filaayo inuu ka yimaado Beesha Garrre,waxana si weyn loo hadal hayaa Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Sayid Cabbaas Sayid Cali.

Sidoo kale waxa gudigu dib u dhigeen xubinta ugu sarreysa Xubnaha golaha Haweenka ee deegaanka Mandera haweeneyda hoggaamin doonta,iyadoo la filayo in saddexdaas xubnood qeybintooda dib mar kale la iskugu soo laaban doono.








Dagaalkii Somali Galbeed 1977

Guutada uu Cali-baadiye hor-kacay, waxay kamid ahayd ciidan gaas ah oo afar guuto ka kooban, kuwaas oo lagu diyaariyay xero ku tiil meel u dhow degmada Luuq. Xubnaha ciidankaasi waxay u dhasheen qowmiyadaha Oromada ah oo ku nool koonfurta Itoobiya iyo beelaha Soomaaliyeed ee halkaas kula dhaqan. Xoogga halkaas lagu hayay, ururintiisu waxay bilaabatay intaanan la dhisin golihii dhexe ee jabhadda Soomaali Abboo, bartamihii sanadkii 1976-kii. Ciidankaas oo tiradoodu ay dhamayd 8.500 oo nin, waxaa soo ururiyay raggii madaxda ka ahaa jabhaddii Soomaali Abboo oo dowladda Soomaaliyeed ay u dirtay in ay gudaha ka keenaan dhallinyaradii diriri lahayd. Tababarkooda waxaa odey ka ahaa sarkaal ka soo baxsaday ciidamada Itoobiya oo magaciisa la yiraahdo G/ Dh. Selaesse Boqow Jilow. Isaga oo darajadiisu tahay gaashaanle ayuu Soomaaliya isu soo dhiibay. Dabadeed Soomaalida ayaa hal darajo u kordhisay oo u dhiibtay xilka tababaridda cidanka jabhadda Soomaali Abboo. Sarkaalkan oo dhalashadiisu ay ahayd Booran, waxay meel wax ku soo wada barteen hoggaamiyihii Itoobiya Mengistu Xayle Mariam, kaas oo ay is yiqiineen tan iyo shan jirkoodii.

Boqow Jilow gaaska uu hayay waxaa lagu magacaabi jirey LIIBAAN. Guutada 1-aad ee gaaska waxaa odey ka ahaa nin la yiraahdo Taakalo, oo u dhashay reeraha Guji. Ciidankan ayaa dhamaantiis waxay ahaayeen kuwo u dhashay beeshaas. Magaca guutadada waxaa la oran jirey DAHABLEY. Guutada 2-aad oo ciidanka waxay u dhasheen beesha Caruusha, waxaa odey u ahaa Waaqow Guuto, oo ahaa guddoomiyii jabhaddii Soomaali Abboo. Waxaa guutadan la oran jirey GANAALE. Guutada 3-aad waxaa la oran jirey DIRE. Waxay ahaayeen Soomaali, beesha Garre. Odey waxaa u ahaa Xasan Goorow oo isagu beesha u ahaa odey-dhaqameed. Guutada 4-aad waxay la magac ahayd gaaska, oo waxaa la oran jirey LIIBAAN. Ciidankeeda oo soomaali soocan ahaa, waxaa ku urursanaa rag u dhashay beelaha Dagoodiye iyo Mareexaan. Waxaa odey u ahaa Maxamad Xaaji oo u dhashay Dagoodiye, kana mid ahaa odeyaasha beesha. Gaaskan, inkasta oo uu sitay magac jabhadeed, misana sida jabhaddii Soomaali Galbeed, ayaa waxaa looga talinayay wasaaraddii Gaashaan-dhigga ee Soomaaliya.

Gaashaanle Cali-baadiye, ciidan ah guuto isku dhafan oo gaaskan laga soo ururiyay ayaa loo dhiibay si uu uga qeyb-qaato dab-shidkii dagaalka. G/ S. Maxamad Cumar Jees oo isagu ahaa sarkaalka ay dowladda Soomaaliyeed u xil-saartay maareynta gulufyada lagu bixinayo dagaalka, ayaa Cali-baadiye ku wareejiyay ciidankii iyo waajibaadkii la doonayay in uu fuliyo. Sarkaal la yiraahdo Ciise Cabaade oo ku magac-dheeraa Ciise-keyse, ayaa isna jirey oo loo xil-saarey in uu Cali-baadiye la amba-bixiyo ciidanka, kaas oo la socday illaa ay ciidanku gaareen Beled-xaawo. Guutadan waxay qaadatay magacii gaaska ee ahaa Liibaan.

Cali-baadiye, intuusan ka bixin Xamar, wuxuu la kulmay madaxweyne Maxamad Siyaad. Wuxuu ula tegay qorshe ku saabsan waddadii uu ciidanka sii marin lahaa. Sarkaalkan wuxuu doortay in xuduudda Keenya uu la galo ciidanka. Dabadeed uu halkaas uga tallaabo Itoobiya. Isga oo arinkaa ka waramaya, Cali-baadiye wuxuu yiri :

" Anigaa iska lahaa talada lagu galay xuduudda Keenya. Waxaa ila ogaa oo keliya madaxweyne Maxamad Siyaad Barre. Taasna waxaa kallifay, ciidamo iga horeeyay oo waddadaa maray ayaa qaarkood jidka loo galay oo si xun loogu gumaaday. Anigu inaan halkaas marin baan go'aansaday. Markaan dejiyay qorshihii socodka aan ku marayo xuduudda Keenya, madaxweynaha ayaan u tegay si aan ula socodsiiyo qorshahayga. Waxaa ku iri : Halkaas baan marayaa. Waxaa aniga layga yaqaan inaan ciidanka geliyo gudaha Itoobiya, waana uu iga aqbalay. Xataa saraakiisha iiga hooseeyay ciidanka, waxaan la socodsiiyay markii aan ciidanka dhaqaajiyay ". (Wareysi aanu la yeelanay Cali-baadiye. 28/ 3- 1977-kii. Soomaaliya. Gaalkacayo).

20/ 6- 1977-kii ayay ciidankii bilaabeen in ay ka dhaqaaqaan tuulada Geed-weyne oo u dhexeysa Doolow iyo Luuq. Gaashaanle Cali-baadiye wuxuu halkaas ka kaxaystay ciidan tiradoodu ay ka dhaafsiisnayd 1.500 oo nin. Waxaa u rarnaa awr 50 gaarayay oo ay sahayda u saareyd. Raadiyo rakaal ahna waa ay siteen. Ciidanku, socodkii horeba waxay afka saareen waddada aadda Ceel-waaq. Waa ay ku raad gadanayeen oo isha cadowga ayay kaga gabbanayeen. Markay marayeen meel magaalada Beled-xaawo u jidha 7 km. oo dhanka koonfureed ah, ayay u leexdeen dhanka xuduudda Keenya. Toos bay markaa uga tallaabeen xuduudda. Waxaa ciidanka caado u ahayd in ay habeenkii socdaan, maalinnimadiina, difaac adag xirtaan.

22/ 6- 1977-kii ayay ahayd markay gudbeen xuduudda Keenya. Dowladdii Keenya waxay ogaatay ciidankan xooggan oo gudaha u soo galay. Waxay markiiba kaga jawaabeen in ay soo diraan koox ka tirsan ciidamadeeda sida aadka ah u tababaran ay ugu talagaleen laalada xuduudda. Ciidankaas oo tiradoodu ay ahayd 150 nin, waxay foodda is-dareen kooxo kamid ah kooxihii difaaca ee ciidamadii jabhadda. Meesha laysku helay waxaa la yiraahdaa Jirma, waxay Mandheera u jirtaa 25 km. oo gudaha Keenya ah. Labadii kooxood markii ay is qaabileen, dagaal wacdaro leh ayaa lagaga yaabsaday ciidamadii Keenya. Dharbaaxada loo geystay ciidankii soo duulay waxaa laga garan karaa 137-ka qori, nooca faalka ah oo ay jabhaddu goobtii ka urursatay. Sida uu Cali-baadiye inoo sheegay, ciidankii Sawaaxiliga, waxaa nolol ku baxsaday tiro aanan ka badnayn toban askari.

Arintaan waxay mudan tahay in lagu hakado oo laga cashar qaato. Xilligaas, sida ay u kala sareysay tayada labada kooxood oo diriray ayaa waxaa u kala sareeyay tayada labada shacab iyo labada dowlad. Waxay ahayd xilli ay Soomaali jaho keliya u jeedday. Wanaaguna mid buu u ahaa oo wanaag buu ahaa, xumuhuna mid buu u ahaa oo xumo ayuu ahaa. Iyada oo ay jirtay goldaloolo siyaasadeed, iyada oo ay jirtay taageero la'aan caalami ah, misana niyad-wanaagsan oo ay ka mideysnaayeen wiilka jooga Hargeysa iyo kan jooga Beydhabo, ayay ahayd halka ay tamarta ka helayeen naftooda hurayaasha u is-taagay in ay soo dhiciyaan qadiyadda ummadeed.

Aragtiyada siyaasadeed ee mucaaradka iyo mu'ayadka leh, waa mid uu aadamigu ka siman yahay. Goor kasta waa ay jidhay, meel kastana waxaa laga helayaa bulsho mucaarad iyo mu'ayid leh. Laakiin in kubadda meel loo wada laado ayaa lays dheer yahay. Casharka qiimiga leh oo aanu dhacdadan ka helayno baa waxay tahay, Gaashaanle Cali-baadiye, isaga oo mucaarad ku ahaa rijiimkii markaas jirey, ayuu misana naftiisii u huray qadiyaddii weyneed ee umadda ka maqneyd. Midda bulshada ka maqan oo ay mudnaantu tahay in la gartaa, taas weeye.

24/ 6- 1977-kii, goor ay fiidkii tahay, ayaa ciidankii waxay ku soo beegmeen degmada Raamo. Magaalada bartankeedii ayay socod ku mareen iyaga oo kooxo ah. Waxaa jirey ciidan ku sugnaa xero magaalada ku tiil, kuwaas oo aanan soo bixin. Goor qeybo ciidankii ah ay magaalada dhex-marayaan, ayaa ciidankii Keenya waxay kor u rideen ifiyaha loo yaqaan bulla-leyr. Cali-baadiye oo ka waramaya xaaladdii habeenkaas wuxuu yiri :

" Saacaddu waxay ahayd sagaalkii fiidnimo. Annagoo magaaladii aan ka dhamaan, oo qeyb naga mid ahi ay ka baxday, qeybina ay ku harsan tahay ayaa keenyaatigii ay cirka u ganeen bulla-layr farihii ka batay. Markaasaa aaggii oo dhan wuxuu noqday maalin cad. Ciidanka aan watay qaarkood, bulla-layrba markaasaa ugu horeysay. Qaar badan oo kamid ah waxay u yaaceen buur weyn oo dhinac kaga taalay magaalada Raamo. Intayadii kale markaan magaaladii ka dhamaanay baan koox si deg-deg ah ugu dirya, si ay qoladaas habawday dhinacayaga u soo mariyaan. Dhamaantaya habeennimadii baanu isu nimid. Waagu wuxuu noogu baryay meel aan ka fogeyn Raamo ". (Isla marjicii hore).

Ciidankii Keenya ee Raamo joogay, habeenkii bay fahmeen xoogga meesha maraya. Isgaarsiin bay kula hadleen taliskoodii. Waxay u sheegeen xoogga maray degaanka. Markaasaa subaxdii waxaa bilaabatay in ay dayuurado soo kiciyaan, si ay hawada uga weeraraan ciidanka jabhadda. Nasiib wanaag dayuuradahaas oo si talan-taalli ah isu weydaaranayay, dabkoodii wuxuu ku qubtay goobo khaldan. Waxay afka saareen buurtii ay xalay ku carareen kooxihii ka fiigey bulla-leyrka. Waxaa halkaas ku dhaqnaa beelo kamid ah Oromada la yiraahdo Murille.

Beelahan oo ah kuwo aad u taabacsanaa maamulka dowladda Keenya, ayaa dayuuradihii weeraray degaanka waxay u geysteen dhaawac xooggan. Waxaa duqeyntii looga laayay dad iyo xoolo. Goor ay galabnimadii tahay oo duqeyntii la joojiyay ayaa odeyadii Murille u yimaadeen madaxdii ciidanka jabhadda. Waxay uga warameen dhibkii ay dayuuraduhu u geysteen dadkii iyo xoolihii. Islamarkaa waxay muujiyeen in ay la caadifad yihiin Soomaalida iyo halgankooda. Markuu gabbalkii dhacay, ciidankii jabhadda, waxay bilaabeen socod intii ka deg-deg badan, si aanay ciidan lug oo weerar ah u soo gaarin.

" Isla habeennimadaas waxaanu gaarnay meel la yiraahdo Garsey oo Raamo u jirta 40 km. Geel baanu halkaa ku qalanay. Maalintii meeshaas baanu joognay inta gabalku ka dhacayay. Fikrad ayaa la ii keenay oranaysa aan caawano ku hoyano meesha, waayo cid na daba socota ma jidho. Xuduuddii Itoobiya waxay noo jidhaa 10 km. Anigu waan ka cudur-daartay in habeenkaas meeshaa lagu hoydo. Laakiin saraakiishii ciidanka iiga hooseeyay ayaa waxay isku raaceen taladii. Markii taladii la goostay ayaan ka digay in waabarigii weerar nagu iman karo. Ciidankii ayaan qaab difaac u habeeyay. Qeyb waxaan u celiyay 7 km. oo gadaal ah. Waxaan amar ku siiyay, haddii ay cadow arkaan in eeyan la dagaalamin oo ay iska qariyaan illaa ay u soo gudbaan xaggayaga. Ciidanka intiisii kale, meel jiq ah ayaan ku habeeyay. Goor ay saacaddu tahay labadii duhurnimo ayaanu maqalnay gariirkii socodka ciidanka ". (Isla marjicii hore).

Dhaqdhaqaaqa ciidanka Sawaaxiliga iyo tayadooda, waxaa jabhadda la soo socodsiinayay beelhii Murille oo aad uga caraysnaa dhibaatooyinkii ay dayuuradaha u geysteen. Ciidanku wuxuu ahaa mid xooggan oo aad u hubeysan. Waxay wateen ugu yaraan 10 ah gawaarida gaashaaman (Bee-Bee). Waxay ku tala-galeen in ay ugaartaan haraaga ciidanka jabhadda oo sida malohoodu ahaa in dayuuradihii ay wiiqeen tabattoodii. Markii ciidankii Sawaaxiliga ay soo dhaafeen kooxdii jiidda hore la dhigay, waxay bilaabeen in ay rakibtaan madaafiic ay siteen.

Ciidankii iyo gawaaridoodii, markii ay la sinnaayeen aagaggii danbe ee loo galay, ayaa Cali-baadiye uu u baaqay si mar qura loo weeraro. Halkii baa tacshiirad lagu boobay. Kooxdii jiidda hore joogtay, iyaguna xaggoodii ayay dab-xir ka soo sameeyeen. Wixii oo dhan halkii ayay ku gubteen. Wax yar ayaa ka baxsaday. Ciidamadii jabhadda Abboo waxaa halkaas ku furteen 255 qori oo faal ah. Soomaalida waxaa goobtaas kaga dhintay hal sarkaal oo magaciisa la oran jirey Macallin Isaaq. Isagu wuxuu ahaa ninka iska lahaa taladii lagu haray oo habeen labaad goobtaas lagu seexday. Dagaalkaasi wuxuu dhacay 26/ 6- 1977-kii. Isla habeenkaas ayay ciidankii u gudbeen xuduudda Itoobiya. (Isla marjicii hore).

Kol haddii dadkii guga u da´ay gamashi keynaanay

Waxaan galo waxaan gudo haddii layla garan-waayay

Anna inaan guntiga dhuujistaa igu gar weeyaane

Maxaa golaha ceebeed i dhigay ma li´i gaadiide

Gardarro iyo is yeel-yeel ma jiro ruux ku gelayaaye

Ninna uma gegsado leedda-fuul sida gamaankiiye

Gabashiyo in-badan baan ku jirey inaan is-gaabshaaye

Garba-duub maxaa ii xir-xiray gibilka maan tuuro

Maan guusha Eebaa hayee nabadda geed saaro

Isagaa i garab siine maan geesinimo yeesho

Giir-yaale fulay baan ahaye gacanta maan qaado

Anba gacashi laygama rabee maan afraha gooyo

Geeska Afrika maan xumaan ugu garaar daayo

Intii aniga lay kala gor-gorin goolka maan dhaliyo (Dhoodaan).

Galabta uu dagaalkaas dhacayo, habeenimadeedii ayay ciidamadii jabhadda Soomaali Abboo, ay ka tallaabeen xuduudda u dhexaysa Keenya iyo Itoobiya iyaga oo bad qaba. Gaashaanle Cali-baadiye wuxuu ku guuleystay qorshihiisii socodka ciidanka oo uu Keenya la dhex mushaaxay. Dabadeedna toddobaadkii ugu horeeyayba wuxuu bilaabay in uu fuliyo waajibaadkii la soo faray oo ahaa weeraro baraha degaanka oo ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen fariisimaha.

Waxaa xusid mudan in labadan dagaal oo guutada Liibaan ay la gashay ciidamada Keenya ahaayeen kuwii taariikhda ugu horeeyay uguna danbeeyay oo ay isaga hor yimaadaan ciidamada labada dowladood (Soomaaliya iyo Keenya). Soomaalidu waxay sheegtaan gobolka waqooyi-bari ee Keenya. Dhulkaas oo kamid ah shantii gobol ee dowladihii Soomaaliyeed u qadiyadda ahaa, ayaa waxaa ku dhaqan beelo Soomaaliyeed iyo kuwo Oromo ah oo la walaal ah qowmiyadda Soomaalida. Siyaasadda dalka lagu hagayay, xilligii dowladihii rayidka iyo middii ciidamada, ayaa markasta waxay ka gaabsanaysay in weerar iyo xoog lagu doono gobolkaas. Ujeeddadu waxay ahayd, iyada oo marka hore la doonayay in Ogaadeenya xoogga la saaro, oo aanan dhowr foronte laysku furin.

Laakiin arintii dhacday baa xiisad ku kordhisay xiriirkii labada dal. 29/ 6- 1977-kii, nin u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Keenya, wuxuu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed ay ku soo xad-gudbeen xuduudda dalkooda. Ninkaasi oo shir-jaraa'id ka war-bixinayay, wuxuu xusay in ciidanka soo galay xuduuddooda ay dhan yihiin 3.000 oo nin, kuwaas oo ka tirsan XDS. Wuxuu hadalkiisii raaciyay in ciidankaasi ay dagaallo kedis ah ku soo qaadeen meelo kala duwan oo kamid ah xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in marka ay Keenyaanku sii deynayaan warkan ay tahay xilli ciidankii jabhadda ay u tallaabeen Itoobiya.

1/ 7- 1977-kii, ayay JDS ka jawaabtay warkii ay sii daayeen Keenyaanka. Nin u hadlay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warkii Keenya mid been-abuur ah oo fidno looga dan leeyahay. Nikaasi wuxuu yiri sidan :

" Warka ka soo baxay Keenya oo sheegaya in 3.000 oo ka tirsan XDS ay ka gudbeen xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Soomaaliya, waa war aanan sal iyo baar lahayn. Ma jiraan ciidan Soomaaliyeed oo ku duulay ama damacsan in ay ku duulaan Keenya. Meesha la sheegay in uu dagaalku ka dhacay waxaa la yiraahdaa Raamo. Waxay ku taalaa xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Itoobiya. Islamarkaa aad bay uga fog tahay xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Keenya. Waa wax la yaab leh in weerarka la sheegay oo dhacay isniintii ay bishu ahayd 26-kii juun, uu noqdo mid la faafiyay maalintii arbacada oo bishu ahayd 29-kii juun. Waxay taasi tilmaan cad u tahay, in wararkan ay faafinayaan, dad doonaya in ay xumeeyaan xiriirka in-dhowaalaba soo wanaagsanaanayay ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya. Sida lawada ogsoon yahay gobol walba oo Itoobiya kamid ah, waxaa gudahiisa ka taagan dagaalo, kaas oo quruumaha la gumeysto ay ku doonayaan xoriyaddooda. Keenya waxay dhowaan, dhowr jeer qiratay in dalkeeda ay dhinaca Itoobiya ka soo galeen dad qaxooti ah. Haddii ay arrimahaasi wax ka jiraan, waxaa markaas suurooba in dagaalku uu dhex-maray dadkaas iyo ciidamada Keenya ".

(Wargeyska Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 2/ 7- 1977-kii. Soomaaliya. Muqdishow).

Dagmada Dilla

Dagmada Dilla waa dagaan beereed oo ku yaalo gobolka awdal Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Dagmada Dila waxaa dagan ilaa 100,000 oo ku filiqsan dhamaan dagaanka, magaalada gaar ahaana waxa dagan 30,000 oo qof. Dagmada Dila waa dagaan beereed aad u balaadhan oo ay ku tiirsantahay jamhuuriyada Somaliland. reer ahaan waxa dagan dagaankan beelo ka mid ah beesha reer nuur ee samaroon gaar ahaan beesha maxamuud nuur. Waana Degmada ugu Dadka badan gobolka Awdal.

Magaalada dila waxa ay caan ku noqotay markii laga furay dugsi hablo la qoro sanadkii 1958 ee noqday kii soomaaliya ugu horeeyey. degmada Dilla waxaa ka soo jeeda hal abuuryo Fanaaniin iyo qorayaal aad u fara badan, waxaana ka mida hadii aan qaarkamida soo maga caabo, Fanaankii ugu horeeyay ee afka somaliga ku heesa isagoo waliba isagu heesta samaystay .waa Cabdi Sinimoo, Gabayaaga caan baxay ee gaiyiga soomaalida oo dhan laga yaqaan, sida Cabdillahi Aamin Aare, Daauud caamir, Fanaaniinta Caanka ah. Cabdi Faarax Kaamil Naftiihure, Hibo Maxamed Hoodoon Hiba Nuura, Ubax Daahir Fahmi.

Hobyo

Hobyo

http://so.wikipedia.org/wiki/File:Sultan_Yusuf_Ali_Kenadid.jpg
Yuusuf Cali Keenadiid
Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee Degmada Xays, Waxayna ku Taalaa xeebta Dowlad Goboleedka [ximan iyo xeeb ]] State ee xeebta Badweynta Hindiya. Magaca Hobyo marka uu baxay iyo sida uu u baxay midna si saxa looma yaqaan, hasayeeshe waxaa la sheegay in magacaas oo ah mid da’ weyn in loo maleynayo inu ka yimid laba ereay oo kala ah: “ Hoo Biyoh” sababtoo ah magaalada dhulka xeebta ayaa biyo aad u macaan oo wax ka yar laba feet lagu gaaro. Hobyo waa marso dabiici ah oo ganacsi iyo xiriir dheer la soo lahayd dalalka kulaala Bad Weynta Hindiya iyo Khaliijka .

Magaalada Hobyo Waxaa Dega Beesha Sharafta Badan Ee reer xaaji saleebaan oo Kaliya.

1885 ka hor deegaanka, sida dhulka Soomaaliya ay oga talin jireen nabadoonada-ugaasyada-malaaqyada-wabarada,ayaa waxaa nabadoonadii xiligaas ka talin jiray hobyo iyo agagaarkeeda ka mid ahaa DUQOWDII beesha ee xiligaas,Mohamuud Ayaanle Guuuleed, Cali Cumar, Guuleed Faarax, iyo Shiikhow Caalin, sidoo kale waxaa jirey ganacsato ukal gooshi jirtey Magalada Hobyo iyo Magalada Cadan waxana kamid ahaa AUN nin la oran jire Cali Barre-dheere.1884 markii shirkii Baarliin Reer Yurub ay Afrika qaybsadeen. Talyaaniguna Gobollada Koonfureed uu saanyaday ayuu heshiis la galay Yuusuf Cali (Keenadiid) oo ka soo jeeday Baargal ee Bari, wuxuna Talyaanigu soo siiyay hub iyo dhaqaale farabadan oo uu ku qortay ciidamo iyo dad adoon ah oo laga keenay Afrikada Bari. Sida laga warqabo Talyaanigu dhulka Soomaaliya toos uma qabsan ee qabaailkii Soomaalida ayuu xiriir la samaystay sidaas ayuu tartiib-tartiib dhulka ku wada qabsaday.

Waxana jirtay Laba nin oo Boqortooyo sheegtay waqtigaas oo kala ahaa tii Baargaal oo uu madax ka ahaa Cusmaan iyo tii Hobyo ee reer Keenadiid in labaduba ay Dawladii Talyaaniga wakiil ka ahaayeen oo ay mushaar ka qaadan jireen Talyaaniga.

1885 aya Keenadiid oo dooni wata ka soo degay marsado Hobyo, wuxuna codsaday in loo oggolaado badeeco u wato inu meesha kaga ganacsado, isla markaasna wuxu bilaabay dhismo markii dambe isku rogoy qalcad. Si kastaba ahaatee Keenediid xeelad aan xoog ka marnayn ayu ku degay Hobyo ,isagoo markii dambana Boqor isku magacaabay.Keenadiid xukunka waa laga riday oo dawladdii Ingriska iyo Talyaaniga ayaa gartay in loo dhiibo wiilkisa Cali Yuusf kaasoo isagoo gacan ka helaya dowladdii Talyaaniga soo xukumay Hobyo ilaa 1925.

Talyaanniga marki uu talada ka qaaday Cali Yuusuf, xilka talada deegaanka wuxuu ku wareejiyay Nabadoonnada kala ahaa: Ducaale Kaahiye, Jaamac Seed ,Nuur Cali Cumar,Maxamuud Degel, Xaashi Cilmi Guuleed, Cabdille Gorod, Maxamed Cabdi Dheere, Beered Kulan , Xasan Cilmi Fagaas iyo rag kale oo isugu jiray culumo iyo ganacsato ay ka mid ahaayeen Xaaji Maxamuud Ereg, Xasan Cadde Fiqi, Sheekh Cilmi Barkhadle, Sheekh Cali Yuusuf, Cabdi Khayre(Cabdi Kharaare), Faarax Qaarey, Cusmaan Gurey oo nabadgalyada iyo xasilloonisa iyo nabad ku noolaanshaha Gobolka Mudug qayb wanaagsan ka soo qaatay. Nin la oran jiray Khayre Gabay oo ahaa ragii gabyi jiray Qarnigii 18,una dhashay deegaanka hobyo, aya tix aanu ka hayno intan ku yiri:

Isha Qoolle oogada Hobyood uun horaa degaye

Nimankii awowgood lahaa waa adeegsimo e

Waa laga ijbaaraye marsada lama ibaaxayne.

Tixdan waxaa laga fahmi karaa in magaalada dad hore ay deganaayeen kuwaaso loo ,xoog sheegtay.

Hobyo iyo deegaankeeda waa meel Allaheena Weyni ku mannaystay nicmooyin farabadan , cimiladu waa mid dhex-dhexaad ah, waa deegaan xoola dhaqashada aad ugu wanaagsan oo biyo iyo baadku aanu ka salguurin, inta la xasuusanyahayna weli abaar weyni kama dhicin deegaankaas .

Waa dhul beereed aad ugu wanaagsan tacabka gaarahaan digirta, masaggada,qaraha, qajaarka iyo khudradda yaryar,sidoo kale khayraadka badda waxay ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu kalluumaysiga wanaagsan. Shirkadihii Soomaaliya ka sahmiyay shidaalka waxay sheegeen in Hobyo One iyo ceelhuur oo labaduba deegaanka Hobyo ah in la filayo inuu ku jiro kayd weyn ee shidaal. Waa magaalo xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn leh, waxayna can ku tahay kala duwanansha beelaha oo waa meel la wada deganyahay kuwa laga tira badanyahna aan xuquuqdooda aan marna la duudsiin oo weligeedba nabad dadku ay ku wada noolaayeen wixii ka horeeyay 2005,markaaso dad wax ma garad ah ay dagaal ka rideen magaalo xitaa aan qori iyo xabbad aan laga aqoon. Xilliyadii isticmaarka Talyaaniga markii uu Soomaaliya oo dhan qabsaday magaalada Hobyo waxay ahayd saldhigga iyo dekedda inta u dhexeysa Jowhar ilaa Bari ilaa dhulka Soomaali Galbeed.

Sheekh Calisalaad Sheekh Cabdi oo hadda ku nool gobolka- colorado-magalada madaxdiisa- DENVER,ee wadanka Maraykanka. oo in mudo ah madax ka ahaa wasaarada arimaha diinta ee soomaaliya.kana mid ahaa xisbigii SYL ahaana mudanihii ugu horeeyay ee laga soo dooortay Hobyo 1956,deegaan ahaana ka soo jeeda Hobyo, waxaa laga wariyay in uu u soo joogay 35 markab oo isku soo gaartay Hobyo xilligii Talnyaaniga uu u diyaargaroobayay weerarkii Abbisiinya ee lagu weeraray Eithopia.

Magaalada Hobyo waxay ahayd xarun weyn ee aqooneed oo fidinta iyo barashada diinta Islaamka iyo culuumta si wanaagsan uga hirgalay, waxana mudan kaalintii uu ka soo qaatay Sheekh Cali Samatar oo markii hore koonfurta ka yimid hasayeeshe markii dambe Hobyo iyo deegaannadeeda xarumo ka sameeyay kuwaaso culumo iyo dad badniba ka aflaxeen. Waxa kalo xusid mudan in farta Cusmaaniyada ay tahay Hobyo halkii ay ka soo baxday 1921, fartaaso mar ahayd farta rasmiga ee xoogaggii gobonimadoonka ee Leegada iyo xiriirka ganacsiga Soomaalida inteeda badnayd.

Wixii ka dambeeyay 1960 magaalada Hobyo waxaa la soo darsay cadaadis iyo dib u dhac qorshaysan ee kaga yimid Xukuumadihii kala duwanaa iyadoo halis (victim) u noqotay labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso oo xoolaha Soomaaliyaintooda badan laga dhoofiyo ahna goobo aan xooluhu ku badnayn kuna dhaqmi karin ayaa dadka deegaannadaas ka soo jeedaawaxay Hobyo oo ah goob istraateji ah dhan kasta u arkeen cadow mudan in lala dagaallamo taasoo ay si ku meel gaara ugu guulaysteen, hasayeeshe waa hawl la isaga dambeeyo oo rag iyo rabbi leh.

Dib u dhaca kale wuxuu ka soo gaarey dadka u dhashay oo aan isku xilsaarin in deegaankooda ay wax ka qabtaan,markii ay arkeen culayska siyaasadeed ee saaran ayay cadaado iyo Xamar uga soo haajireen halkii ay ku mitidi lahaayeen magaaladooda HOBYO.

Haddaba maantay dadka u dhashay deegaanka Hobyo oo aan filayo inay ku baraarugeen sida ay u horumarinayaan dadka kale iyagoo ka faaidaysanaya khayraadka iyo waaya aragnimada arrimaha dunidawaxaa la gudboon in ay u tafaxaytaan horumarka iyo gacansiinta dadkooda iyo deegaankooda. Shirweynhii lagu Qabtay Magalada cadaado 1 april, 2007 ayaa dadka u dhashay Gobolka ay ku Yagleeleen Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ayadoo Taariikhdu markay ahayd 24,April,2008lagu dhawaaqay ximan iyo xeeb State.

Hadaba Tilmaamtii, dadaalkii, iyo Taladii uu Bixiyayeen aqooyahanada ayay kasoo baxeen Dadka u dhashay Gobolka hada loo yaqaan ximan iyo xeeb State.of somalia

Magaalada Hobyo Waa Magaalada madaxda Gobolka Hobyo ee xeebta, Waxayna ku Taalaa dhanka xeebta ee Dowlad Goboleedka ximan iyo xeeb State ee xeebta Badweynta Hindiya.

Gabaygan oo aad ka dareemayso, wadaninimo- sida ilaahay u barwaaqeeyay deegaanka Hobyo,sida dadkeedu u dayacay, sida ay mustaqbalka noqondoonto hadii ale idmo,waxaa curiyay GARYAQAAN, DR.hassan sahal Engineerka

Afbarwaaqo

Afbarwaaqo


Afbarwaaqo waa degmo ka tirsan degmooyinka gobolka mudug waxaana degan dad lagu qiyaasay 30.000qoys oo u kala dhashay beesha Surre Dir,iyo beesha shiikhaal inkastoo magalada ay dagaladi dhexmaray beesha Surre iyo beesha Sacad ku burburatay hadaan dadkeean waa dad aad u jecel horumarka waxaa hada la rabaa in laga dhiso Isbitaal iyo Dugsi hoose dhaxe sare iyo adeegyada guud waayo magalaada waa magaalo xadaarad fog leh dagaladi labadas belood dhex marayba aad u burburiyey. waxaan hoos yimadaan degmada degmooyin kale sida Towfiiq Ceel dhanaane iyo garacad iyo tuulooyin badan intaas oo ay deganyihin beesha Surre.

Bacaadweyn

Bacaadweyn


Degmada bacaadweyne waxay ka tirsantahay gobolka mudug waxana ka mid tahay ama ugu horeesaa degmooyinka wax soo saarka leh degmadaan waxay caan ku tahay beeraha waxaa sidoo kale laga qodaa cusbada waxayna degmadaan ku taal dhinaca koofureed ee gobolka mudug waxaana degmadaan dego beesha Surre qaas ahaan beesha qubeys waxaana degamadaan hoos taga tuulooyin aad u badan sida cammaara, jiicdheer, xinlabi, hooldiyaale, iyo tuulooyin aan lasoo koobi karin sidaas oo ay tahay degamadaan marna ma hoostagta maamulada gacan ku rimiska ah ee ay leeyihin beelaha sacad iyo salebaan waana ay ka madax banaantahay waxaamn degmada si aad ah looga taageersanyahay maamulka ahlusuna waljameeca ee ka taliya inta badan gobolada dhexe ee dalka somaliya

Xarardheere

Xarardheere


Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.Xarardheere waa degmo xeebeed oo ku taalo gobolka Mudug ee woqooyiga Soomaaliya, waxey ku taalaa dhinaca qorax ka soo bax ee bari.Degmadaan waxaad ka heli kartaa waxyaabo farabadan, waana degmo dalxiiseed oo qaboow, waa degmada maanta ugu wanaagsan xaga nolosha ee degmooyinka Soomaaliya. Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadgashay dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmadan waxaa degan qabiilka
Saruur(madarkicis)

[Wax ka bedel] taariikhda degmada

Degmadan inta aynu ka heyno taariikhdeedu aad bey u farabadan tahay usaale waxaa lasameeyey maamulkii ugu horeeyey 1896. Waqtigaasi illaa 1931 waxaa gudtdoomiye ka,ahaa.
1.Diini Siyaad (Saruur)Iyo Shiiqaal
2.Gacal Kuul Sebriye (Saruur) 1896-31.
3.Maxamuud Dhabaneey (Saruur)

Sidaa ayey isaga dambeeyeen sidaanu taariikhda ku heyno. Wxaa kale oo jiray caaqilo kale oo badan oo soo maray degmada taariikhdan iyo magacyadan intaba waxaan kasoo diyaarinnay. Buugga: please websteku ha.ilaalsho anshaxa iyo sharafta qaba,ilada soomaalida oo magacyada qaldan looga qoray waxaan kaxumahay beesha ugu badan beelaha dagan miyiga iyo magaalaba in marna marti kanoqotay magaalada marna magaceeda looqoray si qaldan beesha ;( ahmed faarah) qubeys ; waa beel inta taariikhda kuqorn ilaa 775 sano daganayd xarardheer waxayna kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan dhinca deexda waxay ubdan yihiin xoola dhaqato sida adhiga iyo loda sido kale waa kaluumaysato waxay leeyihiin nabadoono iyo ugaasyo siyaasi yiin aana halkaan lagu soo koobi karin tusaalu ahaan sida nabadoo (xasan wehelye rooble ') (: xasan mataan:: oo ilaa 1930 1960ki nabadoon ka. Ahaa dadka isku yiraa reer banaan oo dhan iyo kuwakake o farabadan marka walaalayaal magaca badal plz change jaaji to change)_) ahmd faarax) ( qubeys) by abshir gunid: waana buug wax badan kaqoray habkii ay isu xakumi jireen soomaalidu qarniyadii dhexe.

Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan tuulooyin dhowr ah sida. Dhalwo, Dumaaye, Miliqo, Dabagalo, degmada Jowle, Burjirriqo, Gaan, Keynaan, Caad, Cagacadde, Ilbir, Bur-sebriye,iyo Deegaano kale oo badan.

Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere Rag caan ka dhex ah bulshada soomaaliyeed iyo siyaasiyiin caan ah sida: Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69). (Jeneral Salad Gabayre Kediye),Wasiirkii Gashaandhiga ee dowladii kacaanka, kana mid ahaa aasasayaashii golaha sare ee kacaanka. Maxamed Siciid (Jentelmaan)]], xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1954-69). C/Raxmaan Xaashi Xassan wasiirka ku xigeenka diinta & Awqaafta Dowladii TNG 2000-2004 Ahne Hada Ambassador Ka Algeria u Fadhiya Dowlada KMG ee Soomliya. Nageeye Gacal Kuul(Garxiir) halyey aad looga yaqaan deegaanka ahaana korneyl 1958-69. Kulan xassan Jurun (jurun) abwaanka da'da yaraay oo aad looga yaqaanay dhamaan gobalada dhexe Tiriyay neh Gobayo aad u faradan. Walaal sida aynu ku hellay buuggan ka sheekeynaya taariikhda Xarardheere dhib ayeynu ka marnay markaa fadlan waxba haka bedelin qoraalkan adigoo mahadsan haddii aad u baahantahay wax intaa dheer laxiriir matxafka taariikhda geeska africa gaar ahaan soomalida ee Roma itely.

Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo

Wednesday, June 23, 2010 7:36:17 PM
Kooxda Alsuna Waljamaaca sheegata oo ka soo duushay Tuulada Xeraale oo Dagaal Gaadmo ah ku soo qaaday Magaalada Dhuusamareeb oo galaaftay nolosha dad gaaraya 11 Ruux iyo dhaawac ka badan, deegaanada Cayrna ka dhigay furin colaadeed.

29 January 2009

Mogadishu: Saaka waaberigii ayaa Dagaalo culus oo gaadmo ah oo laga soo Abaabulay Tuulada Xeraale ayaa Kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca waxa ay ku soo qaadeen degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaas oo gaadmo ahaa aadna u xooganaa ayaa la sheegay inuu dhexmaray kooxda sheegata Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab oo hore gacanta ugu heysay maamulka Magaaladaasi.

Dagaalkaan gaadmada ahaa ayaa iyada oo magalada dhuusamereb ay degan tahay waxaa ku soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Kooxda Ahlu sunna Waljamaaca oo laga soo abuulay gobolka Mudug, xarunna beryahan ka sameystay Tuulada Xeraale, kuwaasoo la sheegay iney Magaalada dagaal kaga soo qaadeen afarta Jiho ee Magaaladaasi soo gasha.

Labada koox Diimeedyo ayaana ka dib isweydaarsaday hub noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo la sheegay in halkaasi uu qasaare naf iyo maalba leh uu ka dhashay dagaalkaas qorsheysnaa ee lagu waxyeeleeynayo dadka deegaanka, iyadoo ka dibna Magaaladaasi laga qabsaday xarakada Al Shabaab oo maamul lagu qanacsan yahay ka sameeyey Degmada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayeen bilihii u danbeeyey.

Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee dagaalka gaadmada ah ay ku soo qaadeen kuuxda xukun doonka ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegaya inay ka dhalatay dhibaato weyn oo 11 ruux dhimasho ka soo gaartay iyo dhaawaca ka badan 25 ruux, oo isugu jira dad rayid ah iyo labada kooxood oo dagaalku dhexmaray.

Xoogaggii Alshabaab ee saaka laga xoog roonaaday ayaa la sheegaya iney hadda ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb Bannaankeeda hore, Iyadoo weli ay socoto Abaabul Labada Dhinac ah oo Dagaal la isugu Diyaar garoobayo oo qoryaha la isku afeysanayo, lana filan karo saacad kasta in dagaal ku soo cusboonaado deegaankaasi.

Dadkii deegaanka ayaa isaga qaxay Magaaladaasi, iyagoo u badnaa qoysas hore uga soo barakacay dagaalada ka dhacay meelo badan oo dalka gudihiisa ah oo hora u soo rafaaday, haddana geedaha hoos jooga oo ay halkaasi biyo la'aan ku heysaa.

Dagaalada gobolka galgaduud ayaa beryahaan danbe laga soo abuulaa Tuulada Xeraalle, degmada Caabudwaaq, Balanbal iyo deegaano kale qarashka ugu badan bixiya oo ay ka mid yihiin Gal/Mudug iyo Gaalkacyo ee ka tirsan gobolada dhexe.

Dagaalada ku soo noqnoqnaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri Ceel ayaa runtii ah mid looga dhigayo deegaanada Beesha Cayr furin Colaadeed oo qatar ah oo iyaga la isku muquuninayo, si aysan siyaasadda iyo nabadda dalka ka socota uga qeyb qaadaan oo la isugu mashquuliyo iyaga loguna burburiyo dhaqaalahooda iyo xoogooda, maadaama ay deeganadaasi ahaayeen saldhiga muqaawamada ee wadanka laga xoreeyey, iyadoo loo danleeyahay in deegaanadooda la burburiyo oo cadwoga Tigreega iyo dagaal oogayaashii intii ay ka gooyeen hadda looga aaro iyadoo iyaga la isku adeegsanayo, balse Ragga iyo waxgaradkoodu u dhashay beesha ma aysan garan oo marna ma fahmi karin qiyaanada laga soo abaabulayo Tuulada Xeraale iyo Huurshe ee ay Gadaal ka soo riixayaan kuwa sheegta Galmudug iyo Puntland oo ay soo maalgeliyaan Jufada Reer Fiqi Muxumad Direed oo qandaraas ku soo qaadatay burburinta deegaanada Cayr iyo Barakicinta dadkooda maatada ah. ALLA DUULKU DUQONSANAA

Hogaamiye ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen Dhuusamareeb ay tahay, iyagoo u naxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada oo haddii dagaal ku sii socda ay waxyeelo weyn sii gaareyso, ayna doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa loo baahan yahay iney ka tashadaan ayaahooda oo ay ka hortagaan labadan kooxood oo magac diimeed ku dagaalamaya oo ah kuwa wada xukun doon ah, balse kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca sheegta ay u dheer tahay isir tirtirid beeleed iyo naceyb xooga iyo koboca dhaqaalaha Beesha degta Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ah kuwa markaan Calankoodu babanayo oo meel laga joogi la'yahay oo dagaalada ka dhexwada dadka deegaanada Dhuusamareeb iyo Guri ceel, laakiin iyana markooda xilli aan fogeyn uu calankoodu dhici doono, oo ay goor dhow shiikhi doonaan, balse waxaa wax laga xumaado ah iney deegaanada Cayr ay ka dhigaan furin colaadeed, oo la waayey cid u istaagta deegaankooda oo ka joojiya shaqsiyaadka aan u dhalan deegaanka oo belawadayaasha ah, oo hoosta ka wada dagaalada soo noqnoqonaya ee laga soo maalgelyo gobolka Puntland. CAYRKU WAX MA GARTAAN MIYAA?

Si kastaba ha haatee Kooxda Qaadiriyada Reer Fiqi Muxumad ee hadda hoosta ka galay magaca Ahlusuna Waljamaaca oo fidnada ka wada deegaanka, ayaa laga filayaa iney berina la soo bixi doonaan mashruucoodi hore oo ay dagaalka kula jiri jireen xerta Ahmediya iyo dariiqooyinka kale oo ay necbaayeen, marka uu dhamaado dagaalkan ay Itoobiya kaartadeeda uga tagtay iney u fuliyaan koox magaca Ahlu sunna Wajamaaca ku shaqeysata ee Reer Xeraale iyo xulafadooda, iyagana waqti yar oo tirsan ayey leeyihiin Insha allah oo waxa ay mari doonaan halka ay mareen kuwii ka xooga badnaa ee ahaa Dagaal Oogayaaha iyo Tigreega Itoobiya oo wadanka Soomaaliya ka cararay ka dib markii ay u babac dhigi waayeen weerada mujaahidiinta oo ku mitiday iska caabintooda, kuwaasoo Reer Xeraale iyo xulafadooda ku muquunin doona Qudrada Allah.

Wixii ka soo kordha kala soco somalidoon.com

Back to top

Qubeys iyo Saleebaan by HutuKing01 » Fri Mar 05, 2010

Qubeys iyo Saleebaan by HutuKing01 » Fri Mar 05, 2010

Inter-clan fighting kills 14 in central Somalia




Friday, March 05, 2010


MOGADISHU - More than a dozen people were killed and many more were hurt when two clans clashed in central Somalia, residents and community elders said on Friday.



The Qubeys clan and the Suleyman sub-clan of the Habargidir clan started fighting the previous day in Amara village, 90 km north of the pirate base town of Haradheeere. The fight was over a dispute over land ownership.


Abukar Dirshe an elder from the Qubeys clan said the fighting was sparked by long-standing hostilities over land ownership.

Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka Beesha Qubeys Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka Beesha Qubeys Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Shirwayne maantay ay sigu yimaadeen waxgaradka beesha qubeys magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen culomo u diin, siyaasiyeen, cuqaal,aqoon yahano iyo wax garadka beesha. Shirkaas oo looga arin sanayey dhibaatooyinka hada kataagan somaaliya ,gaar ahaan abaaraha daba dheeraaday eek u dhiftay geeska afrika, khaasatan somaliya.

Sidoo kale waxay ka hadleen shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Miirjiiclay,halkaa soo

xasuuq loogu gaystay culumaa u diin kasoo jeeda Beesha Qubeys kuwaa soo isku xilsaaray in ay dhex dhexaadiyaan muran ka dhex dhacay labada beelood ee ka soo kala jeeda Mirjiiclay iyo Dhuuso mareeb, kana bilowday warbiyood ku taala deegaan kaas.

Shirkaas oo ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo ay ka midyihiin sida hoos ku xusan:-


1.in wada hadal lagu dhameeyo dhibaatadii ka dhacday deegaankaas.
2.in shareecada islaamka lala tiigsado shaqsiyaad kii xasuuqa gaystay.
3.Waxay sidoo kale dhaleecayn kulul usoo jeediyeen dadkii xasuuqa u gaystay culumo u diinkii ka shaqayeynayey masaalaxada labada dhinac.
4.Waxay kaloo dhalil u soo jeediyeen waxgaradii ay ka soo jeeden shaqsiyaadkii xasuuqa gaystay ku waa soo wax jawaaba ka bixin dhibaatadii mesha ka dhacday.



Waxaa kaloo shirkaas lagu casuumay urur waynaha SOYAAL, ku wasoo iyaguna ku baqay in wax walba nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo,sabab too ah colaad hor leh maantay umada somaaliyeed uma bahna mel kasta oo ay jogaan, 21 sano kadib oo umada soomaaliyeed ay ku dhex jireen colaad iyo burbur tasoo saamaysay dhamaan bulshada soomaaliyeed.

Short URL: http://soyaal.com/?p=959

Hambalyo Taariikhiya Oo Dirayaan Beelweynta Qubeys Oo Ku Dhaqan Dalka U.K

Hambalyo Taariikhiya Oo Dirayaan Beelweynta Qubeys Oo Ku Dhaqan Dalka U.K

07 December, 2011 08:31:00



Waxaan hanbalyo Taariikhi ah u dirayn dhamaan hadaa nahay Beesha Qubaysa ee ku dhaqan dalka UK oo u horseed u yahaya Ugaas C/naasir Ismaaciil Waydow,Xildhibaan Dr.Mahamed Xassan adan oo Taariikhda Beesha Qubaysa ka galaya baal dahab ah kadib markii uu ku gulaystay in loo aqoonsado Bacaadwayn in ay noqoto Dagmo buuxdo iskii u taagan.Bacaadwayn oo muddo dheer ahayd Tuulo ka tirsa Gobalka Mudug ayaan marnaba ayan ku guulaysan siyaasiyiintii Beesha ee la soo shaqeeyey Dowladdihii hore laga soo bilaabo xiligii gumaysiga in ay u sameeyaan xita hal dagmo Bahwayn Beesha Qubaysa ee kukala firirsan wadanka.





Xildhibaan Maxamed Xassan Adan yaa ku sifoobaya geesinimo mutaystayan in lagu amaano waxqabadkiis Taariikhiga ah ee u Beesha u qabtay.

Blog Archive