Daawo Siday U dhacday Xaflada Caleema Saarka Suldaan Dr Ibraahim C/hi Cadow
http://markanews.net/blog/2015/10/17/daawo-siday-u-dhacday-xaflada-caleema-saarka-suldaan-dr-ibraahim-chi-cadow/
Kulan weynaha lagu caleema saarayey Suldaanka Guud ee Beesga Biimaal, Suldaan Dr Ibraahim C/hi Cadow oo ka dhacay Degmada N0 50 ayaa waxa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan eebulshada deegaanka iyo Marti sharaf kale.
Marti sharaf kala duwan oo ka kala timid Gobalada Banaadir, Shabeekada hoose, jubbooyinka iyo Urur wakiil ka ahaa Gobolada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa nasiib u yeeshay in ay goob joog ka ahaadaan xaflada Caleema saarka Suldaanka Beel-weynta Biimaal.
Waxaa sidoo kale Xaflada ka qeyb galay Golaha Wadatashiga Beesha Biimaal, Golaha Samata bixinta Deegaanka, Ururka Daryeelka Bulshada iyo ururo kalae.
Taliska Ciimada Deegaanka iyo Taliska Ciimada amisom ayaa iska kaashanaeyey sugidda Amniga goobta xaflada lagu qaabtay.
Xaflada ayaa waxa loo asteeyey halka loo yaqaan shanta Geed oo ah goob inta badan lagu qabto kulamada iyo munaasabadaha waaweyn.
Waxaa goobta lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka, Suldaanka ayaa loo dhisay aqal Soomaali, afaafka hore laga dhigay dhiil iyo ameeel iyo waxyaabo lagu muujinayo dhaqanka soo jireenka ah.
Markii Suldaan cadow uu soo gaaray goobta Xaflada, ayaa waxa uu galay aqalka soomaaliga loo dhisay, wuxuu kasoo qaatay tusbax iyo Riir meesha ku diyaarsanaa, inta albaabka uu soo istaagay ayuu salaan u taagay dhamaan kasoo qeyb galayaasha kulanka.
Marti sharaf kala duwan oo xaflada ka hadlay ayaa dhamaan ka sheekeeyey soo nooleynta dhqanka soo jireenka ah, waxaana ay ugu baaqeen Suldaanka inuu Beeshiisa ku hogaamiyo dhabaha toosan.
Waxaan idin soo gudbin doonnaa, sawiro kale oo dheeraad ah iyo Muuqaalada Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay oo ay ku jirto khudbada Suldaanka.
Kooxda Bar-baarta Gaashaaman oo ka mid ah garabyada ugu culus marka la gaaro xafladaha ayaa suugaan kala duwan soo bandhigay, waxaana intooda badan ay ku cabireen dhaqanka soo jireenka ah ee Beel-weynta Biimaal iyo sida ay u maroorsdeen kooxo yar oo aan raja ka leheyn hormarka Beesha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa