Posted Date: 20 Dec 2014
Waxaa kulankaas ka qaybgaleen 5 xildhibaan oo Dumar ah oo ka soo jeeda Beelweynta Direed waxayna kala ahaayeen:
1 Xildhibaanad Caasho Koos Maxamed Cumar
2 Xildhibaanad Duniyo Maxamed Cali
3 Xildhibaanad Faadumo Xassan Cali
4 Xildhibaanad Bishaarow Cabdi Diiriye Garabey
5 Xildhibaanad Zahro C/qaadir C/raxmaan
Waxaa madasha hadal kajeediyay 3 xildhibaan waa caasho koos,xildhibaanad duniyo maxamed cali, xildhibaanad faadumo xasan cali. Waxay balan qaadeen in ay la shaqeynayaan gabdhaha aqoon yahanada ah ee beesha sure dowlada federaalka soomaaliyana au ugudbiyanaan cabashada ay soo jeediyeen gabdhaha.
Intaas ka dib waxaa war saxaafadeedka ujeedadiisa aqrinaysa aqoonyahanad Safiyo Macalin Xasan
Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh, iyo dhamaan gabdhaha sharafta badan ee naga aqbalay casuumada aan u fidinay maanta waxaan doonayaa inaan halkaan idin kaga soo gudbiyo ujeedada shirka aan u qabanay.
Walaalyaal sida aad ogtihiin beesha surre oo ka mid ah beel weyta direed waxa ay degtaa bartamaha iyo koonfurta soomaaliya sida gobolada hoos ku xusan:
- Gobolka Mudug: Toowfiiq, Godob Jiiraan, Gal xagar, Jariiban, Dhinowda, Bacaad weyne, Baraag Ciise, Qeecad, Jiic Dheere, Labo Ceel, Qeydaro
- Gobolka Galguduud: Xeraale, huurshe, miirjiicleey, Mayeeran, Ari cadeys iyo hul ku jir
- Gobolka Hiiraan: Kabxanleey, Deefoow, Jeereey, Madiino iyo Buulo Banaan
- Gobolka Banaadir NB
- Sidoo kale waxaan si xoogan u dagnaa Gobolada Shabeelooyinka iyo Jubooyinka sidoo kale Gobolka Gedo ayaa waxay ka dagnaa sida Degmooyinka Luuq, Bohol garas iyo Dooloow Soomaliya intaas iyo in kale aan halkaan ku soo koobi karin ayey degtaa beesha Surre iyo dhamaan koonfurta Soomaliya oo ay ka dagaan gobolada dalka soomaaliya waa besha kaliya xambaarsan magaca Direed ama Loo yaqaano.
CODSI:
Waxaan si Xushmadeeysan uga Codsaneyna Gabdheena Xildhibaada Beesha Direed Guud ahaan meel walba oo aad naga maqashaan ama aad qoraalkaan ka aqriisataanba Dibad iyo Daakhilba inay gaarsiiyaan dhibaatooyinka lagu hayo Beesha Surre. Sidoo Kale waxaan ka codsaneynaa inay na siiyaaan Talooyin iyo Dhaqaale iyo wax walba oo karaankooda ah si loo daba qabto Arimaha Beesha waxaa kaloo intaasi dheer inay noqdaan Gabdho Fir Fircoon oo isku xira Shacabkooda iyo Dowlada Dhexe ee Soomaliya maadaama ay awoodaan xitaa inay la kulmaan Madaxda ugu sareysa Dalka, waxaan ku soo gaba gabeeneynaa Codsigeena iney nala kulansiiyaan Madax Weynaha Dowlada Soomaliya, R/Wasaaraha, Sidoo kale Ra’isal Barlamanka iyo Golaha Wasiirada
Baaq
Waxaan Cod Dheer ugu Baaqeenaa
Madax Weynaha Faderaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Gudoonka Baarlamaanka
Gollaha Wasiirada
Beesha Caalamka: sida Qaramada Midowbay, Mareenka, Midoqga Yurub, Midowga Africa, Urur Goboleed IGAD, Jaamacada Carabta oo aan ka midka nahay iyo Dowladaha daneeya Arima Somaliya iyo Ururada U dooda Xuuququl Insaanka, Sida Human Rights Watch Salaandiinta Soomaaliyeed, indheergaradka, Culima’ u diinka soomaaliyeed waxaan ujeedineynaa inay soo faro galiyaan dhibatada lagu haayo guud ahaan beesha direed.