Mooge Dirir Samatar, Jabuuti, 1995
Ismaaciil Cabdi Axmed
« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa
waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon.
Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi
waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab.
»
Odhaahdan
dhaxalgalka ah ayuu Mooge Dirir Samatar ku bilaabay hordhaca buuggan uu
af-Carabiga ku qoray tarjumadda magiciisuna af-Soomaaliga ku noqonayso
Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha, buuggan oo, sida
ciwaankuba inna tusayo, waddada loo maro boqridda ama caleemasaarka Ugaaska
Ciisaha. Qoraha buuggan, Mooge Dirir Samatar, waa siyaasi diinta iyo xeerkaba
aad u yaqaan oo reer Jabuuti ah wuxu jagooyin kala duwan oo illaa heer wasiir
gaadhey ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida buugga ka muuqatana
arrintaasi waxtar ayay u yeelatay qorista buuggan iyo hodonaynta arrimaha uu
xambaarsanyahay.
Buuggan oo soo baxay 1995tii qoraagu wuxu ku bilaabayaa
hordhac uu ku soo bandhigay dhibaatooyinka aqoon la’aaneed iyo ku milanka
dhaqannada shisheeye oo burburisay sooyaalka taariikheed iyo habkii ay u dhaqmi
jirtey beesha ciise, kaas oo ku dhisnaa kala danbayn iyo
is-ixtiraam.
Isaga oo qoraagu taa ka dhaqaaqaya ayuu si cilmiyaysan
u soo bandhigayaa sababihii keenay inuu wax ka qoro Ugaaska iyo habka loo
caleemo saaro. waxa kale oo uu faahfaahin ballaadhan ka bixinayaa garaadka iyo
bislaanshaha indheer-garadkii asaaska u ahaa dejinta xeerka iyo nidaamka kala
danbayneed ee ay gaarka u lahayd beesha Ciise oo qayb ka ah dhismaha ballaadhan
ee Ummadda Soomaaliyeed.
Qoruhu wuxuna farta ku fiiqayaa in tijaabadaasi ahayd
mid ay ka dheegteen dhacdooyinkii iyo isbedelledii siyaasadeed iyo dhaqaale ee
bulshadu xilligaa ku noolayd iyagoo cadaadis iyo nidaam shisheeye oo dibad uga
yimaadda ka madax bannaan. Waxa kale oo qoraagu hordhaca ku tilmaamay in inta
aanay odayadu qabashada ugaaska go’aan ka gaadhin ay horta dhigeen Xeer u
adeegaya isla markaana fududaynaya xulidda hoggaanka beesha, xeerkaas oo waliba
loo dhigay sidii loo joogtayn lahaa walaalaynta iyo waarinta xidhiidhka beesha
oo ka kooban lix dab oo mid waliba u sii farcamo laba dab. Dabadeedna iyagoo
qodobbo (dhagaley) iyo kabo la isku ogyahay ka dhaqaaqaya ayay
magacaabaan Ugaaska oo u taagan astaan midnimo dhaqan iyo siyaasadeed, oo ay
beeshu ku midaysantahay. Mooge wuxuu midaysnaantaas ku matalay in ugaaska iyo
xeerku yihiin sida teendho hagoogga sare uu yahay ugaaska tiirarka iyo udbaha
hagooggu ku taagan yahayna yahay xeerka, cidda hadhsanaysina tahay bulshadii oo
niyad sami iyo farxad ku maalaysa dadaalka iyo wax soo saarka ka soo baxay
maskaxda indheer-garadka ah ee duqayda beesha; waxayna noqotay dhaxal ma-guuraan
ah oo facba fac u tabiyo.
Buuggani wuxu ka kooban yahay afar cutub. Cutubka
koobaad wuxuu qoraagu ku qaadaadhigayaa qaabdhismeedka ismaamulka beesha Ciise
iyo is bedelladii siyaasadeed ee beesha soo maray xilliiyadii kala duwanaa.
Wuxuu u qaybiyay laba qaybood. Ta hore waa qaab-dhismeedka guud ee beesha iyo
xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha ay beeshu ka kooban tahay. Ta labaadna waa
kobocii aragtida indheer-garadka iyo horumarkii lagu abuuray xeerka Ciise,
iyadoo la tixgelinayo qaabdhismeekaa an soo sheenay oo ka koobnaa lixda
aqal.
Cutabka 2aadna wuxu qoraagu ku qeexayaa martabadda
Ugaasku ku leeyahay nolosha beesha, ha ahaato xag siyaasadeed oo uu ugaasku ahaa
hoggaanka ugu sarreeya ee hurmuudka u ah midnimada iyo isku duubnaanta beesha,
ama ha ahaato dhinaca bulshada oo uu ahaa tusaalaha habboon
ee
ay beeshu daba socoto ee qof waliba uu u hayo qadarin iyo tixgelin dheeraad ah
isagoo u siman dhammaanba beesha meel kasta ha jootee. Waxa kale oo uu qoruhu
cutubka 3aad ku soo qaatay habka loo caleemo saaro ugaaska iyadoo la marinayo
xeer iyo nidaam beeshu
« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa
waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon.
Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi
waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab.
»
heshiis ku tahay, dhinaca qabashada, caleemasaarka,
guurka, baridda xeerka iyo ku wareejinta dhammaanba goobaha ay beeshu deggen
tahay. Qaybta afraad wuxu qoraagu si gaar ah diiradda ugu saaray noloshii iyo
haybaddii uu lahaa Alla ha u naxariistee Ugaaskii 18aad ee beesha, Ugaas
Xasan Xirsi oo dhintay bishii 8aad1994 oo ahayd xilligii buuggani soo
baxay. wuxuna marxaladdan ku tilmaamay marxalad aad u adkayd, waayo waxa is
beddeley hab-nololeedkii siyaasadeed iyo bulsho ee Geeska Afrika . Waxaa yimid
gumaysi, waxaa burburay nidaamkii iyo habkii ay u dhaqmi jireen beeluhu - marka
beesha Ciise laga reebo.Waxaa xornimo qaatay Dawlado waxaana soo baxay
teknoloojiyad iyo horomar wayn oo ka duwan kii horay loo yaqaanay, iyadoo waxaas
oo dhammi jireen ayuu Ugaas Xasan ku guulaystay in uu ilaaliyo isku xidhnaantii
iyo dhaqankii beesha. Wuxu qoraagu buugga ku soo gabagabeeyay gunaanad uu kaga
hadlayo xaaladda beeshu ay ku jirto iyo dhibaatooyinka ka hor iman kara xilliga
soo socda marka laga dhaqaaqo isbedellada waawayn iyo xasaradaha ka aloosan
Geeskan Afrika, gaar ahaan beesha oo uu ugaaskii ka dhintay walina mid kale
dooran.
Haddaba malkooyinka muhiimka ah iyo aragtida qoraaga ee
buuggu si gaar ah u eegayaa waa:
a)
qoraagu wuxu soo bandhigayaa aragti sheegaysa in nidaamka xeerka iyo qabashada
Ugaasku ay timid markii isku duubnidii iyo jihaadkii diiniga ahaa ee ka
dhexeeyey muslimiinta gaar ahaanna soomaalida iyo kiristaanku uu hakad galay ee
nin waliba reerkiisii iyo hantidiisii ku noqday ayaa la arkay baahida loo qabo
nidaam dadka haga oo lagu kala danbeeyo waxaana taas lagu bilaabay in curadku
noqdo ninka hoggaanka reerka u haya, ha yeeshee taasi baahidii ma daboolin oo
waxa bilaabmay danaysi gaar ah iyo amar ku taaglayn waxana loo baahday hab kale
oo lagu kala danbeeyo.
Muddo ayaa guux iyo baraarug socday oo laga fikirayay
jid kale oo kan curadnimada dhaama, wuxuse is beddelkaasi hir galay markii
waxgaradkii la odhan jirey Xasan Gadiidshe, oo ah tafiirtii Sacad Muuse, uu ku
baaqay shir guud oo beeshu isugu timaaddo meesha lagu magacaabo Siti
(eeg bogga 22) si looga tashado mustaqbalka. Shirkaas waxa ka soo baxay
tiirarkii asaaska u noqday nidaamkii markii danbe lagu magacaabay Xeer-Ciise
oo lagu dhaqmi jiray ilaa afartanndii qarnigii 20aad markaas oo uu Gendihii
ama guddigii sare ee beesha Ciise baabi’iyey boqorkii Etoobiya ee Xayle
Sillaase. Waxana shirkaa Siti markii ugu horraysay ka soo shaac baxay halhayska
Ugaas, waxana halkaa lagu doortay Ugaaskii ugu horreeyey.
b)
Fikirka iyo garaadka cuqaasha Ciise ayuu qoraagu u arkaa inay waxyaalo badan
kaga duwan yihiin ta ummadihii iyo shucuubtii xilligaa caanka ku ahaa degmada
iyo guud ahaan qaaraddaba, wuxunau marag ahaan soo qaadanayaa labo tusaale : ka
koobaad wuxuu leeyahay ummadihii xilligaa
joogay waxay fikirkooda iyo garaadkooda saarayeen
dhinaca suugaanta iyo muujinta cududda geesinimo ee beeshooda, halka cuqaasha
Ciisuhu ay dadaalkooda ku jeediyeen dhinacyada ku saabsan nolosha qofka iyo
xidhiidhka uu la leeyahay bulshaada inteeda kale, waana ta keentay in cuqaashu
is waydiiyaan hab-nololeed iyo nidaam kala haga, sugana kala danbaynta iyo nabad
ku wada noolaansha beesha.
Tusaalaha labaad : xeerka ciisuhu waa natiijada
dhacdooyin iyo fikrado la ururiyay oo diraasadiisa loo daayo xeeryaqaan iyo
indheer garad u gaar ah aqoonna u leh, halka xeerarka dadka kale uu ku
tilmaamayo cadooyin aan habaysnayn oo dhaqan iyo hidde ah oo cid aqoon gaar ah u
lihi jirin.
c)
Ugaaska ciisaha waxa laga doortaa beesha wardiiq oo ku caan ah diinta iyo
hoggaan wanaagga, kolka Ugaaska la doortana waxa dhammaada ku xidhnaantii beesha
wuxuna noqdaa nin ay u simanyihiin bulshadu oo ah hoggaamiye ruuxi ah oo
shaqadiisu tahay ducada iyo maaraynta danta guud iyo ka talo bixinta arrimaha
asaasiga ah ee la wada wadaago. Fulinta arrimaha joogtada ah iyo habaynta nolol
maalmeedka waxa u xilsaaran Gandaha, waana ta keentay in ugaaska lagu magacaabo
aabbo oo uu noqdo hadi cid waliba hadhsato.
d)
ugu danbayn ugaaska waxa la casili karaa haddii ay yimaaddaan sababahani
:
1.
karti la’aan uu Ugaasku ku fashilmo midaynta beesha.
2.
marka talada beeshu farihiisa ka baxdo cadaadis dibadda
ka
yimid darteed .
3.
marka ay dhacaan abaaro iyo dhibaatooyin beeshabacad joojiya.
Qoraagu caleemasaarka ugaaska arrimaha ku saabsan wuxu
ka bilaabay bogga 43aad ee buugga wuxuuna sheegay in bulshada Ciisuhu shaqada
iyo habka caleema-saarka Ugaasku u yahay wax ay awaw ilaa awaw iska soo dhaxli
jireen wuxuna marxaladaha qabashada iyo caleema-saarka u qaybiyay sidatan: marka
la go’aamiyo in ugaas la doorto waxa la war geliyaa lana guubaabiyaa dhammaan
labiyo tobanka dab (lafood) ee beesha oo dhan. Gendaha oo ah golaha
sharci-dejinta iyo fulinta ayaa magacaaba 144 nin oo ka kala socda labiyo
tobanka dab ee Ciise. Waxaa lagu magacaabaa guddiga qabashada Ugaaska. Guddigani
wuxu xaddidayaa oo dib isku xasuusinayaa shuruudihii ugaaska looga baahnaa
wuxuna fulinta hawshan u xil-saarayaa 12nin oo gudiga 144ka ka mid ah. 12 kaa
nin waxay beesha Wardiiq gaar ahaanna Buug Daalacsho labada jilib ee kala ah
Guntiweyne iyo Cabdalle u gudbinayaan codsi ah inay soo xulaan 7 nin oo diin iyo
dhaqanwanaag lagu yaqaan, iin iyo in xunba ka fayayw, kana soo jeeda qoys xalaal
miirad ah oo Ugaaska laga dhex doorto.
Wada tashi iyo fiiro dheer oo eex iyo ujeeddo gaara
lahayn ka dib xubnuhu waxay toddobadii ka dhex dooranayaan Ugaaska waxayna
magaciisa u tabinayaan xubnihii kale iyo Gendaha. Waxa halkaa ka bilaabmaysa u
hoggaansiga Ugaaska iyadoo beelaha Sacad Muuse, Hawlaqaade, iyo wardiiq oo
Yeesif ahi ay leeyihiin soo dhawaynta iyo marti gelinta ugu horraysa ee ugaaska
loo samaynayo. Waxa Ugaaska la soo marinayaa labiyo tobanka dixood ee Ciisaha
waxaana lagu soo gebagebeynayaa dixda arraabbi halkaa oo loogu meherinayo gabadh
Odaxgub reer Geeddi ah. Intaa dabadeed Ugaaska waxa la gaynayaa magaalada Saylac
gaar ahaanna maqaamka Sheekh Ibraahim Saylaci halkaas oo lagu samaynayo
caleemasaarka rasmiga ah. Waxaa la huwinayaa dhar aad u qurxoon iyo cimaamad u
qalanta haybadda Ugaaska. Waxaa loogu damaashaadayaa xaflado iyo ciyaaro
soconaya toddoba cisho oo is daba-joog ah si loo cabbiro farxadda iyo soo
dhawaynta Ugaaska. Waxa ugu danbayn lagu soo gebagebaynayaa xaflad lagu qabto
meesha la yidhaa Dixda Habaqo halkaas ugaaska waxa loogu sheegayaa inuu iska
ilaaliyo isla wayni, xadgudub iyo kelitalisnimo, waxana la barayaa inuu ilaaliyo
caddaaladda, sinnaanta , diinta iyo guud ahaan dhaqanka beesha iyo kala
danbaynta.
Haddaba kolkaan buuggan si wanaagsan u akhriyay, waxa
ii soo baxay in buuggan ay ku kaydsan yihiin xog, fikrado iyo aragtiyo
dhaxal-gal ah oo ka tarjumaya aqoonta iyo garaadka Eebbe ku mannaystay qoraaga
ee buuggan ku kaydiyay falsafado in diraasaad iyo cilmi baadhis qoto dheer laga
sameeyo ku habboon. Waxaan gartay sida uu qoraagu u muujiyay in danta guud oo
laga shaqeeyaa ay tahay ta ummaddu ku heshiin karto. Waxa taas ka markhaati ah
ixtiraamka iyo qaddarinta intaa le’eg ee ugaaska loo hayaayaa waxay ku timid
sababo ay ka mid yihiin sida aanu ugaasku ugu abtirsanayn qolo gaar ah ee uu u
yahay aabbo loo wada siman yahay, sida ay beeshu ula dagaallamayso dulmi iyo
isku dulnoolaansho keena caddaalad xumo iyo xumaan aakhirka horseedda isnacayb
iyo dagaallo sokeeye.
Waxaa buugga iiga soo baxay in diintu ay ayahd asaaska
laga dhaqaaqayo ee beeshu ku dhisayso garaadkeeda iyo aqoonteeda siyaasadeed iyo
bulsho ahaaneed. Waxaa taas marag u ah ugaaska ducaa lagu soo qabtaa, maqaamka
sheekha ayaana lagu caleema saaraa. Hadal iyo dhammaanti Ciisuhu wuxuu abuuray
nidaam aan boqortooyo ahayn kelitalis ahayn, eex iyo qaraaba-kiil ku dhisnayn,
caddaaladda iyo sinaantuna tahay udubdhexaadka uu ilaaliyo. Waxaa hal-hays u ah
: “Ciise waa wada Ciise oo ninna caara ma dheera.”
Ugu danbayn, in kasta oo buuggani uu soo bandhigay
hidde iyo taariikh aad u qiime badan iyo falsafad aragti dheer, haddana dhanka
kale waxaa iiga muuqday dhaliilo dhawr ah oo aan jeclahayn inaan u tilmaamo
qoraageenna indheer-garadka ah. Dhaliilahaas waxaa ka mid ah:
1)
qoraagu ma sheegin maraajic ama ilo laga soo qaatay oo loogu noqdo macluumaadka
ama xogta qiimaha leh ee uu buuggan ku soo bandhigay; 2) mawduuca uu xambaarsan
yahay cinwaanka buugu, waxa uu buugga kaga jiraa in ka yar saddex bog; 3) Waxaa
jira qaladaad xagga daabacaadda
ah
oon meella lagu sheegin sixiddooda; tusaale ahaan waxaa ka mid ah “Ina
Yoonis” oo uu u qoray “Ina Yarnis”; “Siti”oo uu u qoray
“Sinti”; “Xeer”oo uu u qoray
“Jabrak”iwm.
(Eeg bogga 22-23). 4) Wuxuu xagga danbe ka raaciyay
buugga maanso cidda qortay aanu sheegin, miisaankeeda iyo xaraf-raaceeduna ay
jaban yihiin.
Gunaanadka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa Mooge Dirir
Samatar inuu sameeyey dadaal aad u weyn uuna muujiyey xeel-dheerenimo iyo
indheer-garadnimo qaddarin weyn mudan, buuggiisanna shaki kuma jiro inuu yahay
dhaxal qaali ah oo wax weyn ku soo kordhiyey aqoonta iyo cilmi-baadhista ku
saabsan Soomaalida iyo dhaqankeeda.
|
Murtida Xambaarsan Qodobbada Xeerka Qaar ka mid
ah
Kolka laga yimaaddo qiimaha iyo mahuraannimada Xeerka,
waxa jira murti fara badan oo lagu kaydiyay qaybo ka mid ah qodobbada Xeerka.
Qaybta aad mooddo in si gaar ah loogu fara yaraystay waa xuquuqda qofka iyo
bulshada oo lagu tilmaami karo qodobada dustuurka ama ‘constitution’.
Waxa murtidaa ugu caansan midda tilmaamaysa sinnaanta, midnimada iyo
xuquuqda la wada leeyahay. Waxa ay murtida ‘Ciise waa wada Ciise ninna caaro ma
dheera’caan ka dhex noqotay Beesha Ciisaha iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.Waa
mid qoto dheer oo aad uga horraysay dhigaalka Xeerka caalamiga ah ee xuquuqda
aadmiga ee la dhigay sannadkii 1948kii. Waa murti iyo Xeer ay dadka soomaaliyeed
ay ku wada faani karaan. Waxa innoo xoojinaya oo marag u noqonaya murtidaas
qotoda dheer tan kale ee ‘Ciise marti ma ahee magan ma laha’. Waxa murtidan ku
cad in uu Ciisuhu magan isku lahayn ee uu is marti geliyo. Waa run oo waxa la
magan geliyaa cid shisheeye ah oo aan meeshaa la joogo ku tol la’. Waxa ay
muridu tibaaxaysaa in uu Ciisuhu yahay tol isku tolane ah oo walaalnimo aawadeed
ay ceeb tahay in uu midkood ku kale magan gelyo weydiisto meeshii uu doono ba ha
joogee. Nolosha aadamuhu marna kama madhnaato wax cakira oo kolkol na keenta
dhimasho iyo dhaawac dhan walba yeelan karta. Arrimahaa iyo raadka ay keenaan
ba, waxa ay odayadu u dhigeen dhegeleyo lagu kaydiyay murti qaafiyadaysan.
Tusaale haddaan u soo qaadanno, waxa murtidaa ka mid ah: ‘Dirir haku gegdegin,
tu sokeeyana haba ku darin’. Waxa murtidan ka muuqata aqoonsiga ay diriri tahay
lamahuraan, hase yeeshee ay haboontahay in laga fiirsado oo aan lagu degdegin.
Taasi waxa ay qofka ama kooxda ku khasbaysaa in ay mar walba raadiyaan wejiyo
kale oo lagu furdaamin karo colaadaha. In kaste oo ay colaadi tahay wax reeban
oo laga gaashaanto, haddana waxa ka sii reebnaansho badan oo la adkeeyay tan
xigtada ka dhexooganta. Siday doonto ba ha ahaatee, haddii ay colaad ama diriri
noqoto mid aan la furdaamin karin, waxa la daba dhigay in lagu dhameeyo
aqoonsiga gefka dhacay iyo geedkii lagu ala baxayay. Tani waa mid la isku hor
taagayo aano iyo colaad sii socota, sidaa aawadeed na ‘Ciise Boqol amma Buullo
maahee Biili ‘Aano’ ma leh’. Dhanka kale, waxa ay odayadu ka hadleen qaabka ay
guddidu garta u galayso iyo sida waajibka u tahay in ay caddaaladdu
lagamamaarmaan tahay ‘Gari Allay taqaan’. Sidaa aawadeed na waxa la innoo
dhigay ‘Walaalkaa maragga ku fur magta na la bixi’. Haybadda iyo sharafta golaha
lagu goynayo garta in la ilaaliyo ayaa laga hadlay oo waxa laga reebay in
meeshaa wax lagu cuno ama wax la mid ah lagu mashquulo, ‘Guddi raamsanayaa gar
ma goyso’ ama ‘Guddi faadhyoomaysi hadal kama fiirsato’.
Sida uu qabo Sh. Mooge Dirir Samatar, Ciisuhuu kolkii
ay dejinayeen Xeerka, waxa ay ahayd xilli ay bulshadu soo gaadhay bislaasho
dhanka garashada iyo aqoonta ah oo ay isku tashan karto13. Sidaa
aawadeed, waxa halkan ku xusan murti lagu kaydiyay dhagarta iyo wixii la
xidhiidha. Run ahaantii, dhiiggu waa denbi ugu xun ee uu aadamuhu kala galo, wax
uu ka taliyana ugu adag. Waa afeefe, waxa ay odayadu dhagarta iyo aargoosigeeda
ku gudbeen in la garnaqsado oo geedka loola dhaco. Sidaa aawadeed, ‘Waxaad Geed
ku helaysid Geeddan ha ku doonan’ ama ‘Waxaad Geed ku helaysid, Guluf laguma
doono’. Waxa hubaal ah inuu inta badan dhiiggu ka yimaaddo gef iyo adiyad la
geystay oo ay gar iyo geed ka furan yihiin. Hase yeeshee, haddii dhabdaradii
lagaga jawaabo addin oo ay dhagari ka danbayso, waxa laga taliyaa waxa uu
noqonayaa uun dhiigga ee qofku kuma dacwin karo wixii uu dhabdarro tirsanayay.
Kolkaa, waxa ay odayadu ku soo duubeen, ‘Dhiig hadduu yimid dhabdarro hadhay’.
Si aan loo moodin in uu dhiigga iyo dhagartu dhex mari karto oo keli ah dad kala
fog, waxa ay odoyadu tilmaameen in dhiigga ciqaabtiisa aan cid na laga
dhaafayn.
Waa mid muujinaysa sida looga digay in la dilo qof
aadame ah, kolkaa ma bannaana in aad qof u disho in uu yahay ehelkaa aan lagug
qabsanayn waayo:
‘Dhiig dhawaanshoma leh’.
Tusaale kale oo aan u soo qaadan karno murtiyaynta
Xeerka waxa ka mid noqon kara dhegaleyda biri-mageydada. In kaste oo ay odayadu
si ballaadhan uga hadleen dadka biri-mageydada ah ee ay waajibka tahay in la
dhawro oo aan wax la yeelin xilliyada colaadda, halkan waxa aan meel dhow ka
tilmaamaynnaa labo kuwaas ka mid ah; waa dadka tamar ay ku dagaallamaan lahayn
iyo kuwa maganta ah. Waxa ay kooxda hore sumad uga dhigeen canugga iyaga oo
weliba raaciyay sababta ay tahay in loo badbaadiyo oo ah in aanay carruurta iyo
ciddii la mid ahi colaad alkumin. Murtidu ‘Cunug col ma alkumo’, Waxa ay noqon
kartaa sal adag oo cuskan karo Xeerka biri-ma-geydada.
Kooxda labaad oo uu Xeerku ilaaliya waa maganta oo ay
dilkeega na sharafi ka maqan tahay diimaha adduunkoo idil na ilaaliyeen.
Xeerashii uu adduunweynuhu meel mariyay qaybtii hore ee qarnigii 20aad, waxa aad
uga horreeyay hawraarta soomaaliyeed ee ‘Meel aan magani ku bixin, magac ma
yaallo’.Marka uu Xeerku ka hadlayo xil-wadareedka iyo masuuliyadaha wadaagga ah
waxa uu ku soo ururshay dhegaleyda dadka waalan. Waa qodobbo fara badan oo ku
saabsan sida kolba ay bulshadu iskugu xidhxidhantahay, guud ahaanse ‘Ninka
waalan walaalkii baa u fayaw’.
Waxa mid lala yaabo ah in uu Xeerkeennu dhigay
dhegeleyo lagu kala baxo haddii dhibaato timaaddo ciyaaraha dhex mara labo qof
ama kooxood. In aanu Xeerku waxba ka tegin ka sokow, waxa farxad innoo ah sida
ay aqoonyahankii Xeerka dejiyay ay u faahfaahiyeen Xeerasha ku saabsan
ciyaaraha. Dhegeleyda gocosta ama kubbadda haddaan soo qaadanno, waxa lagu
ciyaarta ba lagu bilaabaa weedh ah ‘Yaa il iyo oof la’?’. Su’aashani dhan kale
waa ogaysiis cad oo dadka la soo hordhigayo in aanu isku gelin gegida ciyaarta
qofkii wax sheeganayaa. Si kale haddii aan u dhigno, qofka meeshaa lagu
ciyaarayay wax ku noqdaa ma laha magdhaw iyo Xeer uu ku ashkatoodo oo geed loogu
fadhiisto.Waxa dooddaasi xoojinaya weedha kale ee ciyaarta lagu soo afjaro oo ah
‘Ninba boogtii ha dhaydo’ oo si aan cad saarnayn meesha uga saartay in ciddii
wax ku noqotay goob ciyaareed Xeerku magayn mawlaxana u goyn. Shaki kuma jiro in
bulshada meel degta ama beelaha oodwadaagta ah ay dhex mari karto colaad iyo
aano keeni karta dhiig data. Waxa kale oo aanu shaki ku jirin in ay dhiilla
walba odayo ka taliyaan. Iyada oo ay sidaa tahay, Xeerku waxa uu ku
nuuxnuuxsaday sida ay lagamamaarmaan u tahay in colaadaha lagu dabbaalo
nabadayn. Xeerkaa dhegelaydiisa murtiyaysan waxa ka mid ah, ‘Oday dhiig ka
tallaabsaday dhabar ma noqdo’. Waxa intaa dheer in ay beelaha colloobaa
heshiisyo gaadhaan colaadaha dhexdooda iyo dabdood ba. Sidaa aawadeed na, waxa
uu Xeerku dhigayaa in ballamahaa la dhawro oo aan la jebinin waayo ‘Wacad
jabiyow jab baa la yidhi’. Si ay bulshadu ugu noolaato nabad la mahadiyo oo
looga hor tago colaadaha iyo nacaybshaha, waxa uu Xeerku reebay in la isku
tiriyo gabayo isku dir, cay iyo xumaan sheeg ah. Waxa ay odayadu taasi na u
cuskaday murtida ‘Af baa billaawe baxsha’.
Dhinaca siyaasadda dibadda, Xeerka Ciisuhu waxa uu asal
ka dhigay in ay dadku wada walaalo yihiin oo ay haboon tahay in ay nabad iyo
wanaag ku wada noolaadaan. Taasi waxa ay odayadu u cuskadeen murtida odhanaysa
‘Ciise waa wada Ciise, ninna nin caaro ma dheera’. Waxa la is weydiin karaa
meesha ay dadka kale ka soo galayaan murtida aan kor ku xusnay. Jawaabta waxa
aan ugu
tegeynnaa hawraarta caanka noqotay ee ay Ciisuhu mar
walba iyo meel walba oo ay joogaan ba ku doodaan in uu dadka Ilaahay uumay Ciise
wada yahay: ‘Gaalku ba Ciise ayuu ahaaye camalkiisa14 ayaa
caddeeyay15’. Iyada oo ay sidaa tahay haddana Xeerku waxa uu dhigay
dhegeleyo lagula dhaqmayo ciddii beesha ku soo xadgudubta. Odayadu waxa ay
dhigeen murti lagaga gaashaaman karo gefka iyo xadgudubka ka iman kara dibadda
sida:
‘Nin dalkaaga doonaya dawyadaada lama
baro’.
‘Nin hantidaada doonaya hubkaaga looma
dhiibto’.
‘Nin bakhtigaaga jecel baylahdaada looma
sheegto’.
Gunaanad
Gebegebada, waxa haboon in farta lagu adkeeyo in ay
Soomaalidu guud ahaan ku caan baxday suugaanta iyo murtida qotada dheer ee ay
dunidu kale u aqoonsantahay ku na qiimayso. Hantida kale ee ay Soomaalidu wada
leedahay waxa ka mid ah Xeerkaa soo jireenka ah oo ay wada lahayd welin wada
leedahay haba ku kala danbeeyaane ama haba u kala lexejeclobadnaadaane. Sida aan
horeba dooddeenna ugu soo caddaynnay, waxa si layaab leh la iskugu dhafay
suugaantii iyo xeerkii oo ay ka dhalatay murtida markii la maqlo ba madaxa loo
lulo. Murtidan xeerka xanbaarsan looguma xisho oo keli ah quruxda suugaaneede
waxa dheer qiimaha xeerka ay siddo oo la ilaashanayo.
Dhanka kale, haddii soomaalida maanta nool, gaar
ahaanna aqoonyahankeegu ay ku bixiyaan ilaalinta hantidaasi dedaal ku filan,
waxa hubaal ah in ay da’da yare e soo kacaysa iyo kuwa ka sii danbeeyaa ba ku
faani doonaan dhaqankeenna lagu ilaaliyay Xeerka iyo suugaanta is
huwan.
Ugu danbaynna, nolosha cusub ee magaalo iyo
qaab-dhismeedka dawladnimo ee maanta, waxa lagama maarmaan ah in lagu daleeyo
kalsoonidii aan ku qabnay Xeerkeenna sida uu gabyaagu yidhi:
Xeerkii awowgey hadduu xerada ii
yaallo
Xamdi mahad Allahayow hadduu xoog ba
soconaynin.
Tixraac :
1.
Axmed F. Cali ‘idaajaa’, Murtida Maahmaahda Soomaalida, ‘
Qaahira 2005’, p. 9
2
Maxamed Baashe, Hal ka Haleel, Baashe publications,
‘London 2004’, p.200.
3
Ibid bogga 15aad
4
Cabdillaahi Sh. Axmad Buux, Ugaasnimada ku Salaysan Xeerka
Ciisaha, maqaal aan weli la faafin.
5
Axmad Sh. Cali Buraale, Xeer Soomaaligii Hore, ‘Addis Ababa
2008’,
qaybta ingiriiska, bogga 17aad
6
Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law
and raditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, p.
25
7
Eeg Cali Muuse Ciye, Le Verdict de l’Arbre, international
Printing
Press, Dubai, p. 129. Waxa kale oo aad eegtaa
Juurnaalka Sahan,
Diridhabe, Mey sannadkii 1993
8
Puntland Development Research Centre, Somali Customary Law
and Traditional Economy, Garowe, Somalia, 2003, pp.
18-19
9.
Akhris intaa dheer waxad ugu laabataa, Sheekh Mooge Dirir
Samatar,
Al-Ciisaa, Shacbun wa Taariikh, daarul dibaacati
wannashri
al-islaamiyah, Qaahira 1995, pp.
163-164
10
Odayada, waxa loola jeedaa halkan aqoonyahankii iyo
filasoofyadii
dejiyay ama wax ku soo kordhiyay
Xeerka.
11. Filasoofiintii hore ee Giriigga iyo Muslimiintu ba,
kolkii ay qeexayeen
aadmiga, waxa ay isku raaceen in uu yahay xayawaan
hadli yaqaan
‘fikira’.
12. Xoolaha halkan loolama jeedo oo keliya duurjoogta
la dhaqdo e, waxa
looga socdaa nafleyda aadamaha aan ahayn oo dhan, sida
dugaagga,
dabjoogta iyo duurjoogta ba.
13. Sh. Mooge Dirir Samatar, Al-Ciisaa.. p.
161
14. Camalka gaalka caddeeyay, waxa ay ula jeedaan in uu
Ilaahay ka
gaaloobay, isna uu kaga aargoostay in uu baras ku riday
oo uu
midabkiisa geddiyay.
15. Eeg Mooge, p. 161-163
|
“XEER CIISE'' ADEN BELELO
Aden hassan aden (Belelo) qaytii
2aad
Murtida Guud ee Xeerka laga
Yidhi
Waa mid la isweydiin karo sababta uu Ciisaha oo ku
baahsan saddex dal (Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobita) noloshiisa casriga ahna uu
dhaqanka Reer-Galbeed wax badan ka hadheeyay uu ilaa maanta oo la marayo
qarnigii 21aad ugu mintidayo jirashada Xeerka iyo ku dhaqankiisa. Runtii
Xeer-dhaqmeedka Soomaalidu guud ahaan, waxa uu kaga duwan yahay Xeerasha la
dhashay dawladda casriga ah ee ay Reer-Galbeedku salka u dhigeen, in ay u hayaan
kalsooni aan xad lahayn oo ay u arkaan mid aan weligii duugoobaynin. Waxa
arrintaa innooga marag ah in ka dib burburkii dawladdii Soomaaliya bilawgii
sagaashameeyadii ay dadku u baxsadeen dhankii Xeer-dhaqmeedkii laga tegey.
Deganaanshaha ku soo noqday gobollo fara badan oo Soomaaliya ka tirsan sida
Somaliland iyo Puntland iyo nabadda laga alkumay ba waxay ka dhasheen u
noqoshada Xeer-dhaqmeedkaas8. Aqoonyahankii iyo filosoofyadii Ciise ee dhigay Xeerku
waxa ay ku dedaaleen in ay Xeerka ku saleeyaan qodobbo murtiyaysan oo u dhigan
qaab sugaanaysan. Sugaanta ay adeegsadeen, waxa ay u badan tahay tiraabta
qaafiyad iyo xarafraac leh oo aad mooddo in ay tahay tixo maanso. Dhinaca kale,
waxa ay xoogga saareen in ay ilaaliyeen xurmadii uu Xeerku lahaa oo aanay wax ka
dhimin murtiyayntu iyo in ay ereyadaa kookooban qaadsiiyeen inta ugu baaxad
ballaadhan ee Xeerar ah. Inta aanay ka hadal dhigaalka Xeerka, waxa ay
filasoofiinta Xeerka dejisay isa saareen labo qodob oo isku dhafan, dhinac kale
na loo akhrisan karo. Waa wax runtii adduunuyada ku yar in ay abwaannada iyo
filasoofyadu isku dhafaan labadan arrimood ee ku dhex duugan murtidan
‘‘Eebbahay Xugun buu iga abuuray, Aabbahayna Xeer buu ii dhigay’. Waa
midda koowaade, waxa ay aqoonyahankaasi tibaaxeen sida ay aqoonta aadamaha iyo
abuurka Ilaahay iskugu xidhan yihiin. Tan labaad na, waxa ay tilmaamaysaa in ay
bulsho kastaa ba marto labo marxaladood oo is xiga; tan hore waa marxaladda ay
umaduhu dhashaan, laga bilaabo kolka ay lab iyo dhedig yihiin ilaa inta ay
bulsho ama beel meel degan ka noqonayaan. Marxaladda labaad na waa kolka ay
umaddu is garato oo ay dir ahaan iska soocdo umadaha kale ee deriskeega ah,
iyada oo ay u caddaadeen waxa ay la wadaagto iyo waxa ay kaga duwan tahay ba.
Sidaa daraaddeed bay odayadii Xeerka ilaalinayay ee danbe ugu doodeen in ay
leeyihiin Xeer iyaga ka dir sooca dadka kale sida ay murtida kor ku xusani
caddaysay9.
Intaa dabadeed, waxa ay odayadu10 ka hadleen
oo ay qaab murtiyaysan u dhigeen hordhac tilmaamaya qiimaha Xeerka iyo sida uu
lagama maarmaanka ugu yahay bulsho kaste oo rabta in ay yagleesho nolol aayo
leh. In kaste oo ay adagtahay in la soo koobo murtidaas ku nuuxnuuxsanaysa
mahuraannimada Xeerka iyo waxtarkiisa, waxa aan ka soo qaadanaynnaa dhawr aan is
leenahay waa kuwa ugu macne fog. Murtida odhanaysa ‘Xeer la'aan waa la
xooloobaa’, Waxa si quman loogu hubsaday falsafadda ah in ay fikirka, talada iyo
hab-dhaqan lagu tashadaa aadamaha ka dir sooco nafleyda kale ee Eebbeheen dunida
innagula uumay11. Kolkaa, si da’da yari ay u ilaashato Xeerka iyo
dhaqanka soo jireenka ah, waxa loo laqimi jiray ilaa maanta ay Xeer la’aantu la
macne tahay in loo guuray bahda xoolaha12 ee aan xil saarrayn.
Kolkaa, haddaan Xeer la dejisan ama la ilaalin oo aan haybaddiisa la dhawrin,
waxa iman in uu aadamuhu xoog iyo xeelad ba isku adeegsado si uu u kala xaq
baxo. Isla murtidaa hore macneheega, waxa si qayaxan u macnaynaya murtiyaha kale
ee ay ka midka tahay: ‘Xeer waa dayr iyo dallad’. Murtidan xeesha dheer leh waxa
lagu daleeyay sawir iyo humaag soo jiidasho leh oo nolosha aadamuhu ka maarmin;
waa deyr iyo dallad la hoos galo.
Xubin kaste oo ka tirsan bulshadaa Xeerka dhigatay,
waxa uu dareemayaa amaan iyo nabad gelyo anf iyo maal ah. Dhanka kale, Xeerku
waxa uu daawo u yahay dadka inta ay naftoodu beenta u sheegto oo iskula haasaawa
in ay muruqooga wax walba ku gaadhayaan. Sidaa aawadeed baa loo yidhi: ‘Xeer waa
xakame’. Sawirka suugaaneed ee isna halkan lagu qurxiyay waa xakamaha ee looma
qaadan oo qudha xarafraaca, waxa se loo doortay oo kale macnaha ah in uu
xakamuhu yahay qalab loo adeegsado dabbaalidda faraska ee aan loogu talo galin
in uu dhaqaaqa uga ba’o.
Xeerku, haddaba ma aha kadar adag oo bulshada u
diidaysa dhaqaaqa iyo dhaqanka, balse waa xakamaha ka waabinaya gefka iyo
galista dabinnada fawdada iyo jaantaaroganta!
Kolka labadaa lagu daro midda kale ee odhanaysa ‘Xeer
waa ciidankaaga oo aan casho kaa dooneyn’, waxa la ogaan karaa sida ay lagama
maarmaanka u tahay in bulshada laga raarido haybadda Xeerku leeyahay iyo qiimaha
cadaaladda. Iyada oo dhabtaa ku salaynaysan, waxa ay bulshada Xeerka lihi si
xasilloon oo aan welwel lahayn uga adeegataa deegaanka ay kolkaa joogan. Si kale
oo qurxoon waxa looga arkayaa qiimaha Xeerka murtida soo socota ee ‘Xeer iyo
xariirba waa la huwadaa’. Waxa halkan lagu tilmaamayaa sida ay bulshadu ugu
faani karto Xeerka iyada u gaarka ah ee ay kaga duwan tahay umadaha kale. Faanka
iyo dareenka qiimaha ay bulshadu ku yeelanayso Xeerkeega waxa dheer kalsoonida
aan ku qabaynno nolosheenna iyo hantideenna kolka aan Xeerkaa hir gelinno. Taasi
na waa midda ay ku qotomiyeen murtida ‘Xoolo way ku gabaane Xeer kuma gabo’. Si
ka sii xeel dheer, waxa qiimaha Xeerka tilmaamaysa murtidan isbarbardhigtay Xeer
iyo xumaan oo innoo tustay in Xeer la’aani tahay xumaan dhamaanteed. Murtidu
waxa ay tidhi:
‘Xeer waa lagu tarmaa xumaanna waa lagu tirmaa’. Sidaa
aawadeed, bulshadii ilaashata Xeerka iyo caddaaladda ayaa nabad ku taranta oo
tanaadda. Saddexleydan ‘Xeer ninkii dhigay waa u darajo, ninka ku dhaqmana waa u
deyr, ninka ka danaystana waa ku denbi.’ oo ka mid ah murtida kuwa ugu xeesha
dheer, waxa ay odayadu innagu tusaaleeyeen inta qaybood ee uu
bulshada Xeerku saamaynta ku leeyahay ifka iyo
aakhro.
Waa deelley la miisaamay oo lagu xusay duulkii tegey ee
Xeer-dhaqmeedkan dejintiisa Eebbe Weyne ku ikraamay oo ilaa inta ay ifka joogaan
duulku abtirsadaa ay ku faani doonaan, abaalka aakhira na hay Ilaahay ku baryi
doonaan. Waxa kale oo anay murtidu a tegin cid kaste oo ku dhaqanta Xeerkan in
uu yahay deyrkii iyo daladdii aan hore u soo xusnay. Qaybta ugu danbaysa oo ah
midda ugu
culus waa ciddii Xeerka garanaysa oo eex iyo ogaan u
garamarta dan ay leedahay na ku fushata oo cid kale ku
duudsida.
Qaybta ugu danbaysa ee murtidaa sare ku xusan, waxa ku
cad in uu Xeer-dhaqmeedkani ku salaysan yahay Diinta Islaamka iyo cabsida Eebbe.
Dooddaa waxa xoojinaya murtida soo socota ee si toos ah u caddaynaysa xaqiiqda
ah in ninka Xeerka ka boodaa uu godob ka galay Ilaahay iyo Diintiisa Islaamka.
Sidaa aawadeed, ‘Xeer_diid waa Alle_diid’ ama ‘Xeer wax ma dhaafo lama na
dhaafo’!
|
Aden belelo (qaybtii 1
aad)
Murtiyaynta Xeer-dhaqameedka
Soomaalida
“Xeer Ciise” Tusaale
ahaan
Aadan Xassan Aadan
Hordhac
Raggu waa:
_
Didiye iyo Dabbaale.
_
Aayo_reeb iyo Eela_reeb.
_
Soof_eeg iyo Suul_eeg.
_
Bogsiiye iyo Belaliye.
_
Hedlade iyo Hurde.
_
Xeer_la_joog iyo Xoolo_la_joog
_ Talo_keen iyo Talo_raac.
Sidii Soomaalida caadada u ahayd, murtidaa suugaanaysan
ee kor ku xusan oo kale ayaa Xeerka lagu kaydiyay. Waa murti ay falaasifada iyo
indheergaradku ku waariyeen ereyo kooban oo xanbaarsan macne qoto dheer oo kala
saafaya qaybaha ay ka koobantahay bulshadu. Labada erey ee kala ah murti iyo
Xeer waxa uu mid walba iskiisa u tilmaamayaa hanti ballaadhan oo ay soomaalidu
lahayd welina aan ka sal guurin. Si kale haddii aan u dhigno, Soomaalidu waa dad
lagu yaqaanno Xeer-dhaqmeed soo jireen ah kuna caan baxay murtiyaynta
dhaqdhaqaaqyada nolosha iyo dhigaalka maahmaahda. Iyada oo uu Xeer-dhaqmeedku
yahay dhab la wada ogyahay oo ay ka marag kaceen dadkii soomaalida la dhaqmay,
waxa hubaal ah oo aan weli loo fiirsan in uu Xeerkaasi soo-jireenka ahi ku
kaydsan yahay weedho-murtiyeed suugaanaysan oo maalin walba loo cuskado dood iyo
dardaaran, labada ba. In kaste oo dadka in badani ay isku qaldaan murtida iyo
maahmaahda oo ay si mid ah u wada qeexaan, maahmaahdu waa diiwaan ka mid ah
diiwaannada ay soomaalidu murtideeda ku duugtay oo leh tix iyo tiraabba. Sida uu
sheegay Axmad Faarax Cali ‘Idaajaa’, maahmaahdu “waxay ku timaaddaa
ereyo kooban oo murtida ay ku hulluban yihiin darted loogu xisho, loona
adeegsado.”1 Sidaasi mid ka sii qoto dheer waxa u qeexay
maahmaahda Maxamad Baashe kolkii uu lahaa: “Maahmaahdu waa isir run ah oo ka
soo jeeda nolol run ah,waxana loo adeegsadaa doc kasta oo nolosha ka mid ah,
dhacdo kasta waxa loo heli karaa maahmaah ku habboon oo qabanaysasi fahamkeedu u
fududaado.”2 Sidaa aawadeed, aragtidayda, maahmaahdu waa
weelkaasi lagu kaydiyay inta ugu badan ee murtida Soomaaliyeed; si kale haddii
aan u dhigno na, maahmaahdu waa murti, murti kastaase maahmaah ma aha. Haban ku
sii durkee, waxa hubaal ah oo an marag iyo daliil iiga baahnayn in ay murtidu ku
timaaddo suugaanta inteeda kale na sida gabayga, geeraarka, jiiftada iyo badaha
kale ba. Haddaan u soo noqonno dhanka Xeerka, waxa lagu qeexaa in uu yahay
qodobbo iyo qaynuun ku salaysan dhaqan lagu heshiiyay. Kolka laga yimaaddo
qeexidda Xeerka iyo salka dhigaalkiisa, waxa ay qoraallada iyo aqoonyahanka
soomaaliyeed badhkood sheegaan in uu ahaan jiray Xeerka soomaalidu mid aan
qornayn oo ay da’iba da’da ka danbaysa dhaxalsiiso.3 In kaste oo ay
dooddaasi jirto, waxa ka sal adag doodda ah in uu Xeerka maanta aan ka
hadlaynnaa ahaa mid qornaan jiray oo ay duruufaha taariikhiga ah; sida qaxa
magaalooyinka iyo colaadihii deganaansho-la’aanta ka abuuray deegaannadeennu ay
keeneen in qaabka maanta uu u yaallo ee kor-ka-xifdiga lagu ilaaliyay. Tusaale
ahaan, waxa aan soo qaadanaynnaa ‘Xeer Ciise’ oo ah Xeerka maanta uu
Ciisuhu ku dhaqmo, mararka qaarkood na loogu yeedho ‘Xeerkii Siti’
iyada oo loo tiirinayo meeshii lagu dejiyay ama loo fadhiistay ugu danbayn.
Haddaba, sadarrada soo socda ee qormadeennan waxa aan ku eegi donnaa sida
quruxda badan ee loo murtiyeeyay looguna ilaaliyay Xeer-dhaqmeedka Soomaaliyeed
guud ahaan, tusaale ahaanna ka Beesha Ciisaha.
Xeer Ciise mise Xeer
Soomaaliyeed?
Inta aynaan gudagalin nuxurka maqaalka, waxa ila
habboon in aan wax ka ifinno weydiinta kor ku xusan. Su’aashan waxa dhaliyay
magaca meesha fog ku dhacay ee (Xeer Ciise) iyo xaqiiqda ah in uu Ciise xubin ka
yahay bulsha-weynta Soomaaliyeed. Waa mid haddaba la isweydiin karo Xeerku in uu
yahay waxyi si gaar ah ugu soo da’ay Beesha Ciise iyo in uu ahaa hanti ay la
wadaagaan Soomaalida inteeda kale. Waa midda horee, isaga oo aan Ciisuhu Xeerka
lahaanshihiisa u diidin Soomaalida inteeda kale, waxa ay iyagu –waa Soomaalidee-
Beesha Ciisaha ku xurmeeyaan Xeerka iyo kala danbaynta.4 X. Cabdalle
X.Cismaan oo aan ka soo werinnay waxa uu arrintaa u cuskaday dhawr maanso oo uu
ka soo guuriyay suugaanley soomaaliyeed oo ku abtirsada soomaali kale oo aan
Ciise
ahayn. Waxa uu raggaa ugu hoarraysiiyay Gurraase Xaaji
Cali Xirsi oo Reer Qorraxay ahaa:
Tawfiiq Ciise Madoobiyo
Talyankii Faranjaa leh
Teendho reer Berberaad iyo
Turkigii xukumaa leh
Tuhun Shuunka Amxaariyo
Nin la soo tashadaa leh.
Waxa kale oo uu soo qaatay Abshir Faarax Nuur oo ku
magac dheer ‘Abshir-Bacdle’ kana hadlayay shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta
Soomaaliyeed:
Yaan la is xaqirine beenta waa, laga
xishoodaaye
Ragga noo xanuunsaday dunidu, nama xasuusnayn
dheh
Xeerbeegti Geeska Afrikay, xul u ahaayeen
dheh
Garta xubinta lala eegto waa, ku xuddunnaayeen
dheh
Waxa uu ku sii biirshay raggaa hore gabayaaga iyo
af-yaqaanka caanka ah ee Saalax Xaashi Carab oo yidhi:
Sabankii horoo tegey
…….
Soomaalida tastuuriyo
Sida talada Ciisaha
Tiir Xeerka dhaabiyo
Rag tanaad ah baa jiray
Tol_hoggaamis baa jiray
Tixahaa aan kor ku soo xusnay, waxa ay xoojinayaan sida
Xeerku ugu caan baxay magaca ‘Xeer Ciise’ Soomaalida inteeda kale na
ugu ogolaatay. Iyada oo ay sidaa tahay, Xeerasha laga tix geliyo Soomaalida
deegaannadeeda qaar ka mid ah waxa loogu yeedhaa: “Xeerkii Cakaaro, Xeerkii
Gaddoondhawe iyo Xeerkii Yaaqle”5 oo ah tilmaanta meelihii lagu
dejiyay Xeerashaas. Haddii aan garawsannay in aanay deeggaannadani ahayn dhulka
Ciisuhu dego, waxa innoo caddaan karta sida ay Soomaalidu uga sinnayd
Xeerdhaqameedkan. Dooddeennan, waxa marag u noqon karta oo xoojinaysa dhacdo
taariikhi ahayd oo ku sinnayd dhammaadkii lixdameeyadii qarnigii 20aad oo ka
dhcday Soomaaliya.Ka dib kolkii ay isla qabsan kari waayeen mabaadi’dii dawladda
cusub ay ku salaysnayd iyo Xeer-dhaqmeedyadii salka ku hayay Shareecadda
Islaamka ee ay Soomaalidii hore ku dhaqnayd, ayay xukuumaddii madaxa uu ka ahaa
Maxamad Xaaji Ibraahin Cigaal -Alle ha u naxariistee- ku dhawaaqday guddi wadani
ah oo laga soo xulay gobollada dalka oo dhan, kala na taliya arriaha khuseeya
Xeer-dhaqmeedka Soomaalida6. Han u soo noqdee, waxa hubaal ah inta la
ogyahay in aanu jirin qoraal sugan oo caddaynaya taariikhda dhabta ah ee Xeerka
Ciisaha la dejiyay7. Waxay iigu muuqataa in Xeerka Ciisaha dejiyay
badhtamihii iyo dhamaadkii qarnigii 16aad. Xilligaasi, waxa nolosha Ciisaha iyo
Soomaalida ba guud ahaan ku soo kordhay labo arrimood oo geddiyay habnololeedkii
isbedello laxaad leh na ku sameeyay dhan walba; waa burburkii ku dhacay
dawladdii Harar ee Adal iyo imaanshaha qaxii weynaa ee Gaallada (Oromo)
iyo dhanka kale, isballaadhintii ka bilaabantay Yurub ee ay Boortaqiisku
hormuudka ka ahaayeen oo guud ahaan Geeska Africa aad u saamaysay gaar ahaan na
Soomaalida. Labadaa arrimood iyo dhiillooyin kale oo ka sii dhashay waxa ay
keeneen qax ballaadhan iyo barakac aan xad lahayn oo dadkii u ceshay nolol adag
oo reer guuraannimo. Kadib kolkii ay noqotay in nolol cusub la yagleelo oo ay
meesha ka bexeen haybaddii dawladeed iyo kala danbayntii ay wadatay, waxa ay
talo ku iba beeshay in Xeerkii wixii laga xusuusto waayaha cusub looga
faa’iideysto oo la waafajiyo. Xeerasha la dejiyay iyo mabaadi’da guud ee lagu
saleeyay waxa inta badan loo dhigay si suugaanaysan. Sababaha sidaa loo yeelay
waxa ugu miisaan culus in aanay haysan qalab wax lagu qoro oo waariya Xeerka
lagu na ilaaliyo. Sidaa aawadeed, waxa loo baahday ereyo kooban oo murtiyasan si
da’da joogtay iyo dadka iman doona ba uu ugu fududaato kor-ka-qabashada Xeerku.
Arrintaa waxa fududeeyay Soomaalida oo ah bulsho murtida ku abtirsata, suugaanta
na hodan ku ah oo kalsooni badan ku qabta. In kaste oo uu Xeerku sidaa wada
ahaa, haddana suuragal ma aha in aan halkan ku soo wada koobno. Sidaa aawadeed
waxa aan soo qaadan doonnaa tusaaleyaal badan oo sugaya suugaanaynta iyo
murtiyaynta Xeerka.
|
Qaybtii 4aad
Dr
Afrax
4. Gunaanad: Intixaanka
waqtiga
Gorfayntii an ku soo falanqaynay ubucda qoraalkan, ilaa
imminka arrimaha waxaan ka abbaarayney dhanka wanaagsan. Hayeeshee taa
micneheedu ma aha inay meesha ka maqan yihiin dulduleello iyo dhinacyo welwel
iyo walaac leh. Faraq weyn ayaa u dhexeeya dhawr iyo siddeetan sano horteed
markii la boqray Ugaaskii Xasankii ku xigey ugaaska dhawaan la caleema-saaray,
Mustafe MaxamedIbraahim. Isbeddelka xilligu xilka ugaaska maanta wuxuu ka
dhigayaa mid aad uga culus kii ugaasyadii hore. Sida Soomaalida kale, Ciise wuxuu ku jiraa xilli
kalaguur ah, kala-guur wajiyo badan: kala-guur miyi iyo magaalo, kala-guur
qabiilnimo iyo qaranimo, kala-guur qolonimo iyo qofnimo. Qofkii shalay haybta
qudha ee uu iska dhex arkaa ahayd bahda (reerka) maanta waxaa ku soo biirtay
hayb qaranimo oo ay ku wada abtirsadaan dad ka kala yimid qabiilooyin iyo
qowmiyado kala duwan. Taa waxaa ka sii daran xubnihii reerka ee shalay ahaa isku
dan, isku dabaqad, isku degaan, isku dowlad (dowlad-hiddeeddii an soo
tilmaannay), maanta inataba way ku kala tageen amase way ku kala duwan yihiin.
Magaalowga iyo dowladnimada casriga ah ayaa ugu weyn arrimaha soo biiray ee
gilgilay habhiddedkii iska degganaa. Hal tusaale haddaan soo qaadanno, mabdi’ii
ahaa saddexda Ciise wadaago, dhulkii Ciise manta wuxuu noqday dhul ay dowladi
leedahay, waliba saddex dowladood oo kala gaddisan kalana xuduud ah. Xeerkii
Ciise waxaa garab yimi xeer dowladeed oo lagu khasban yahay in loo wada
hoggaansamo.
Duruufahaas adag ee soo kordhay ayaa ah sababta weyn ee
ay shan iyo toban sano u qaadatay in la boqro ugaas cusub. Bilmatal, waraysi aan
la yeeshay Maxamed Macallin Cismaan, Guddoomiyihii Guddida Qabanqaabada boqridda
Ugaas Mustafe, wuxuu ii sheegay inay muddo qaadatay dood ay isku mari waayeen
laba aragtiyood oo kala gaddisan, kuwaas oo qolo soo jeedinaysey ugaaska cusub
in laga qabto miyiga qolana magaalada, halka berigii ugaasyadii hore aaney jirin
magaalo miyiga la tartanta.
Labadii aragtiyood waxaa adkaatay tii magaalada. Waxaa
la doortay wiil reer magaal ah oo ku dhashay magaalada
Diridhabe.
Ugu dambayn, sida ay qortay Suzanne Lilius, “Ciise
ilaa iyo imminka wuxuu ku guulestey inuu ku fara adaygo haya’dihiisii hidde
ahaaneed … haseyeeshee mustaqbalka inay awood u sii yeelan doonaan inay u sii
jilib dhigaan duruufaha kala-guurka ee ku sii fara-adaygaan maamul-hiddeedkooda
ku dhisan wada lahaanshaha dhulka, xeerka iyo ugaaska, waa la eegi doonaa.
Hadday taa ku guulaystaan markaa waxay noqon doonaan dad ay dunidu wax badan ka
barato.” (Lelius, 2010.).
Qeexid :
1.
Dib ayaan ka micnayn doonaa sababta aan u doortay cinwaankan isaga
ah.
2.
Jeerinku waa geed aan laga boodi karin lagana dusi Karin. Micnuhu wuxuu yahay,
xeerka dhinacna lagama mari karo, sina looma jabin karo.
3.
Hoggaamiye, la higsade.
4.
Micnaha, Xeerka ciise wuu mamnuucayaa aar-goosiga, ciddii ku kacdana waa godob
iyo dambi weyn.
5.
Xeerka waxaa laga soo qaadaa kab qodobbadiisana dhagaley oo ah xargaha isku xira
dhinacyada kabta.
6.
Ugaas Xasan Xirsigii ugu dambeeyey wuxuu wariyey inuu cararay oo uu dhuuntay
markii uu ka war helay in loo soo socdo.
Wuxuu ahaa wiil yar oo reer miyi ah. Sidii loo
baadi-goobayey ayaa markii dambe laga dhex helay geed caday ah, kolkaas ayaa
la
qabtay sida ugaadha! (Ali, 2010).
Ilaha la Tixraacay:
1.
Abdisalam M. Issa-Salwe, The Collapse of the Somali State, HAAN Publishing,
London: 1996.
2.
Aden Xasan Aaden, “Murtiyaynta Xeerka”,
Halabuur, Vol. 4.1&2. 2009.
3.
Ahmed Sheikh Ali Burale, Trans. Mohamed Mohamed Sheikh,
The Somali Customary Laws - Xeer Soomaaligii
Hore,
Somali Community Literacy centre, Addis Abeba:
2008.
4.
Ali Moussa Iye, Le Verdic de l’Arbe (Go’aankii Geedka),
published by the author, Djibouti:
1990.
5.
Ali Moussa Iye,Trans. Suzanne Lilius, The Search for the Ugaas
in
the Xeer Tradition, DCOM, Djibouti:
2010.
6.
Ali Moussa Iye, “The Issa Xeer …,” Halabuur, 4, 1&2, 2009.
7.
Cassanelli, Lee V., The Shaping of Somali Society:
Reconstructing
the History of a Pastoral People, Philadelphia:
University of
Pennsylvania Press, 1982. Somali Customary Law and
Traditional
Economy, (2003)
8.
Kapteijns, Lidwien “ Women and Somali Pastoral Tradition:
Corporate Kinship and Capitalist Transformation”,
Paper
Presented at The Annual Meeting of The African Studies
Association,
Baltimore, November 1-4, 1990.
9.
Lilius, Suzanne, Politics and Ethics, Tradition and Renewal,
Halabuur, 4, 1&2, 2009.
10. Mooge Dirir Samatar, Ataqlid Al-Mutawarith Fi
Towliyat Al-Ugas,
Djibouti: 1995.
11. Somali Customary Law and Traditional Economy,
PDRC,
Garowe: 2003.
|
Qaybtii 2aad ee Dr
Afrax
2. Salka uu ka soo jeedo
ismaamul-hiddeedka Ciisuhu
Ismaamul-hiddeedka Ciisuh wuxuu ku abtirsadaa tusaale
cadna u yahay hiddaha soo-jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed. Ummadaha ifka ku
dhaqan mid waliba waxay leedahay hidde iyo dhaqan u gaar ah. Astaamaheeda gaar
ahaaneed waxaa u yeela baya’dda ay ku dhaqantahay, habnolleedka ay adeegsato iyo
duruufaha waaweyn ee soo mara taariikhdeeda. Soomaalidu ma aha sidaa si ka
duwan. Waxaa la hayaa wax badan (sida luqadda iyo raadka dhulka ku haray) oo
muujinaya Soomaalidu inay tahay ummad fac weyn oo qarniyo badan lahayd hab
pulsho-siyaasadeed oo ay isku maamusho. Sida ummadaha kale, wuxuu ahaa hab ka
dhashay saddexda shay ee kor ku xusan. Waxaa udub-dhexaadu ahaa xeer aan qornayn
haseyeeshee la wada xafidsanaa yahay lana wada ilaalin jirey. Wuxuu ahaa “xeer
taabbagal ah oo dhan walba ka dhammaystiran” sida uu qoray Ahmed Sheikh Ali
Burale “Wax kasta oo jirey qodobbo ku aaddan ayaa xeerka ku jirey. Waxaa dajin
jirey duqeyda iyo waxgaradka bulshada waxaana lagu guddoomin jirey shirweyne ay
isugu yimaadaan dadweynaha degaanku” (Ahmed, 2008, p.1).
Qodobbada Xeerku waxay ahaayeen wax muqaddas ah oo ay u
wada hoggaansan yihiin xubnaha bulshadu iyagoon cidna ka baqayn cidina khasbayn,
‘Gardiid waa Alle-diid’ ayaa la wada aamminsanaa. Waxaa lagu dhaqmi
jirey kala dambayn xeerkaas ku salaysan oo looga dambeeyo guurtida beesha ama
gar-wadeenka bulshada (Cassanelli,1982).
Taasi waxay beeninaysaa dadka ku andocooda Soomaalidu
ina inay ahayd dad aan hidde u lahayn sharci loo hoggansamo iyo kala
dambayn.
Cilmibaaris ay samaysay Xarunta Horumarinta iyo
Cilmibaarista Puntland, PDRC, oo ku soo baxday bug magaciisu yahay Somali
Customary Law and Traditional Economy, (2003) waxay hubisay Soomaalidu inay
lahaan jirtey laba nooc oo xeer-hiddeed ah. Kan koowaad wuxuu ahaa xeer guud oo
ka dhexeeya beelaha iyo bulshooyinka kala duwan. Wuxuu ahaa mid ku dhisan
mabaadi’ iyo halbeegyo la wada dhawro, lagu xisabtamo, la isku qaddariyo la isku
Dunta Ismaamul-hiddeedka Ciisaha... kaashado, laguna xalliyo khilaafaadka,
colaadaha iyo dhibaatooyinka dadka dhex mara. Arrimaha lagu maarayn jirey waxaa
ka mid ahaa mag-dhowga iyo kufsiga.
Nooca labaadna wuxuu ahaa xeer gaar ahaaneed
oo ka kooban qodobbo ku kala aaddan arrimaha ka soo if-baxa dhinacyada
badan ee nolol-maalmeedda daka (ipid, p. 20).
Xeerkan oo loo dajiyey arrimaha bulsho-dhaqaale, wxuu
lahaa xeer-hoosaadyo loo kala dajiyey qaab-nololeedyada kala duwan ee
Soomaalida, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin xooladhaqasho, qodaal iyo
bad-ku-nool. Marka Soomaalida laga hadlayo ama la darsayo waxaa la caadaystey in
looga hadlo sidii ay wada yihiin reer guuraa xoola-dhaqato ah; ambaqaadkaasi ma
aha mid ka run-sheegaya xaqiiqda jirta. Way jirtaa Soomaalidu inay u badnaan
jirtey xooladhaqato, taa micneheeduse ma aha inay sidaa wada ahayd ama imminkaba
wada tahay.
Ka
dib markay diinta Islaamku ku faaftay gayiga Soomaaliyeed waxay raad-reeb weyn
ku yeelatay fekerkii Soomaalida iyo xeerarkii la isku maamulayey oo noqday kuwo
ay si weyn uga dhex muuqato caqiidada Islaamku.
Xilligii ay gumeyteyaasha reer Yurub soo galeen gayiga
Soomaalida, dabayaaqadii qarnigii 19aad, Soomaalida waxaa u dhisnaa ismaamullo
kala gaddisan oo ka kooban saldanado, beelo, bulshooyin iyo magaalooyin, kuwaas
oo ay mid waliba lahayd xeer ay isku maamusho. Badankoodu waxay
isku
maamuli jireen xeer-hiddeedyadii aan kor ku soo
sheegnay.
Waxaa kaloo jirey ismaamullo ku camal-fala iyo meelo
looga camal-falo shareecada Islaamka (eeg buugga kor ku
xusan).
Quwadihii gumeysiga reerYurub markii ay yimaadeen waxay
soo kordhiyeen xeer saddexaad: sharciyada casriga ah ee dowladaha maanta jira.
Hannaankas cusb ee soo kordhay iyo sharciyadii uu la yimid ee lagu hirgaliyey
xoog iyo awood dowladnimo wuxuu si weyn u wiiqay labadii sharci ee hore loogu
dhaqmi jirey: xeer-hiddeedkii iyo shareecadii Islaamka. Intaa uun ma ahee wuxuu
kala daadiyey guud ahaanba ismaamul-hiddeedkii soo jireenka ah. Wuxuu kala
furfuray duntii isu xajinaysey ismaamulhiddeedkaas (eeg Issa-Salwe, 1996). Wuxuu
qiima tiray qiyamkii la tix galin jirey iyo halbeeggii lagu kala sooci jirey
xumaha iyo samaha. Wuxuu kala daadiyey tiirarkii waxtarka lahaa ee
qaab-dhismeedka ismaamulka beelaha. Arrintan maamulladii gumeysigu way ku sii
kala xag jireen. Waxaa ugu darraa kii Talyaaniga. Wuxuu xoojiyey reernimada
dhinacyadeedii dhibaatada lahaa. Tusaale ahaan kaalintii hoggaamiye- dhaqameedka
wuxuu u rogey xiriiriye dowladdu mushaar siiso una adeegsato danaha ay ka
leedahay beesha dhexdeeda (Kapteijns, 1990).
Soomaaliya markay xornimada qaadatay dowladihii
hoggaanka qabtay iyana waxay ku sii socdeen uun waddadii maamulkii gumeystuhu u
jeexay la-macaamilka beelaha iyo hoggaamiyeyaashooda. Sidaa ayuu ku wiiqmay
ismaamul-hiddeedkii soo jireenka ahaa, laguna illaawey wax badan oo ka mid ah
qodobbadii xeer-Soomaaliga, haybaddii hoggaamiye-dhaqameedka iyo habkii la isu
maamuli jirey hidde ahaan.
Kolkii uu dagaalka Sokeeye burburiyey dowladdii
Soomaaliya, 1991kii qabiilkiina dib loogu laabtay ayay meelo badan waxay
beelihii dib u bilaabeen inay boodhka ka tumaan hab-hiddeedkii ay mashaakilkooda
ku xallin jireen iyo xeerarkii ay ku dhaqmi jireen wixii laga xasuusan
karey.
Taasi meelaha qaar (sida Somaliland iyo Puntland) waxay
wax ka tartay soo celintii wadajirka iyo kala dambaynta, waxayna caawisay in la
bakhtiiyo dabkii colaadaha lana dhisto ismaamul dowladeed marba intii is oggol.
Hayeeshee taa micneheedu ma aha inuu soo noolaaday is-maamulhiddeedkii
“beri-samaadka” maxaa yeelay dadku dadkii ma aha, milaygu milaygii ma aha,
meeshuna meeshii ma aha. Waa weel la isku dayayo in lagu rido saab aan
saabkiisii ahayn. Wax badan lagama xasuusto sidii uu u ekaa saabkiisii dhabta
ahaa, inta xasuusanna kuma badna inta daacadda ka ah in lagu rido, halka berigii
hore daacad laga wada ahaa!
3. Ismaamul-hiddeedka
Ciisaha
3.1.
Tilmaantiisa Guud
Haddaba, ismaamul-hiddeedka ay gaarka u leeyihiin dadka
Soomaaliyeed ee ku abtirsada tol-weynaha Ciise, waa mid ka yimi tubtaas dheer ee
ay soo qarda-jeexeen geeddi-socdka taariikhda ummadda Soomaaliyeed iyo habkii ay
ku soo dhaqmi jirtey. Gaar ahaan wuxuu tusaale wacan u yahay ismaamul-hiddeedka
reer guuraaga Soomaaliyeed – waa is-maamul xoola-dhaqato, Haddana waa hannaan
habka uu u shaqeeyo iyo dhumucda ay leedahay falsafadda uu ku dhisan yahay cid
kastoo u fiirsataa ay arki
karto inuu yahay mid la tartami kara, meelaha qaarna
ugaba horreeya, hababka casriga ah ee maamulka bulsho-siyaasadeed, sida aan ka
arki doonno qaybaha soo socda. Wuxuu muujinayaa inay been sheegayaan kuwa ku
andacooda inay guud ahaan xoola-dhaqatadu, gaar ahaanna
Soomaalidu
yihiin bulsho dambaysa oo aan awood u lahayn inay
hirgaliyaan ismaamul hore u marsan. Tusaale ahaan Xeerka Ciisaha
halkudhegyadiisa murtiyaysan ee ay ka midka yihiin ‘Ciise waa wada Ciise,
ninna nin caaro ma dheera’ iyo qodobbada ka yaal dadka lagu magacaabay
‘Biri-ma-geydo’ waxay muujinayaan sida awooweyaashii hore ee
Soomaaliyeed ugu baraarugeen aqoonsiga iyo ilaalinta mabaadi’da sinnaanta iyo
xuququul-insaanka boqollaal sano ka hor qoritaankii Axdiga Geneva ee caalamku
maanta ku dhaqmo.
Waxaa xusid mudan, marka arrimahan wax laga qorayo ama
laga hadlayo badiyaaba waxaa si gaar gaar ah loo abbaaraa Xeerka iyo
Ugaaska Ciise; waxaa soo raaca guddiyada ku lug leh, sida Gendaha iyo
Guddida. Halkan waxaan jeclahay inaan farta ku fiiqo inuu jiro dhisme guud oo
haya’dahaasi ka yihiin tiirarka uu ku dhisan yahay. Waa dhisme u samaysan qaab
dowladeed. Haddii si kale loo dhigo, waa hab bulsho-siyaasadeed oo ay isku
maamusho bulsho leh degaan u go’an iyo dan midaysa. Sababtaa awgeed ayaan u
doortay halqabsiga ah ‘Ismaamul-hiddeedka Ciisaha’ ee hal-ku-dhegga u
ah qoraalkan. Ujeeddadaydu waxay tahay inay caddaato in arrintani ay tahay
ismaamul dowladnimo oo hidde-raac ku dhisan, kaas oo aan loo baahnayn
in lagu dhudhumiyo halbeegga dhismaha dowladaha casriga ah ee maanta dunida ka
jira. Waxay ahayd dowladnimo ku sargo’an milaygeeda iyo meesheeda, ka jawaabaysa
baahida dadkeeda, ku guulaysatey inay maarayso arrimaha bulshadeeda iyo iny si
joogtaysan u hesho kalsoonida dhammaan dadka ay khusayso, guul in badan ka weyn
tan ay isla arrimahaas ka gaadhaan badi dowladaha casriga ah ee maanta jira. Waa
taa sababta aan u leeyahay waxaa jira wax badan oo ay dowladdaas reer-guuraaga
ka baran karto dowladnimada casriga ahi.
3.2.
Fasafadda iyo mabaadi’da asaasiga ah ee
Ismaamul-hiddeedkan
Qof kastoo yare eega dunta uu ka samaysan yahay ama
nuxurka ku duugan ismaamul-hiddeedka Ciisha, waxaa si fudud ugu muuqanaysa qota
dheerida dhumucdiisa falsafadeed.
Waxaa kaloo u soo baxaya mabaadi’da uu ku dhisan yahay
inay yihiin kuwo ay ku dhan yihiin mabaadi’da asaasiga ah ee lagu
diiwaan-galiyey xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee halbeegga u ah
ilbaxnimada casriga ah e maanta, iyadoo habkani uu ahaa mid in badan ka
horreeyey xeerarkan casriga ah. Falsafaddaas iyo mabaadi’deeda waxaa ka mid ah
kuwa hoos ku taxan:
3.2.1. Talo-wadaag. ‘Ugaas ma
gooyee wuu guddonshaa”.
Waa dimoqraaddiyad loo maro waddo ka duwan kana
daacadsan tan loo maro “dimoqraaddiyadda” casrigan lagaga dayday reer Galbeedka,
taas oo ku dhisan is-tustuska codaynta shicbi-weynaha, u tartanka baarlamaanka
iyo ku tartanka axsaab dadka indha-sarcaadisa. Taa beddelkeeda, halkan waxaa
yaal talo-wadaag dhab ah. Si uu tal-wadaaggu u noqdo wax sugan oo aan lahayn
daldaloollo, uuna u fududaado, ugu horrayntaba dhismaha waxaa laga bilaabay in
la xaddido laba iyo toban Aqal ama Dab (lafood) oo uu ka
koobmo Ciisuhu. Go’aaminta wax kasta oo wada khuseeya beesha waxaa la hubiyaa
inay u dhan yihiin laba iyo tobankii dab. “Ciise ma u dhan yahay” ayaa
hal-hays ah. Gole ay ku dhan yihiin duqey uu waxgaradnimo u soo wakiishay mid
kasta oo ka mid ah 12ka aqal ayaa isla gaadhaya dhammaan arrimaha muhiimka ah ee
is-maamulka, sida dajinta xeerka, doorashda Ugaaska, dhisidda Gendaha
(Golaha xeer-dajinta) iyo doorashada guddiyada, sida guddida xulidda
Ugaaska oo ka kooban 144 iyo guddida hawl-fulinta ee ka sii farcamaysa guddidaas
ballaadhan. Gendaha oo ka dhigan baarlammaankii matalayey 12ka aqal iyo guddi ay
sii xilsaaraan ayaa ka baaraandegaya go’aannana ka diyaarinaya dhammaan arrimaha
muhiimka ah ee beesha khuseeya, ka dibna Ugaaska ayaa la hor dhigayaa, asaguna
wuu ansixinayaa kuna ducaynayaa. Faahfaahinta sida la-yaabka leh ee uu u
shaqeeyo tala-wadaaggani ka eeg buugaagta Mooge Dirir Samatar (1996) iyo Ali
Muse Iye (1990). Waxaad kaloo ka eegtaa qoraallada Cabdillaahi Sheekh Axmed iyo
Ismaaciil Cabdi ee ku daabacan isla wargeyskan.
3.2.2. Sara-marinta sharciga.
Mabda’a halkudhegga u ah dunideennan casriga ah ee la
yiraahdo sarraynta sharciga’ (supremacy of the law) waxaa muuqata
fekereyaashii Ciise inay si weyn ugu baraarugeen una go’aamiyeen boqollaal sano
ka hor. Xoogga ay arrintaa saareen waxay ku caddahay sida ay u tira badan yihiin
murtida iyo maahmaahyaha dadka maskaxdooda iyo xasuustooda loogu daabacayo
mabda’aas asaga ah. Waxaa ka mid ah:
Xeer waa geed jeerin ah.2
Xeer_diid waa Alle_diid.
Xeerla’aan waa la xooloobaa.
Xeer wax ma dhaafo lamana dhaafo.
Eebbahay xugun buu iga abuuray aabbahayna Xeer buu ii
dhigay.
Xeer ninkii dhigay waa u darajo,
Ninka ku dhaqma waa u deyr,
Ninka ka danaystana waa ku denbi.
3.2.3. Caddaaladda iyo sinnaanta.
Sida saramarinta xeerka, hiddahan an darsayno
tixgalinta weyn ee uu siiyey sinnaanta dadka iyo caddaaladda bulshada dhexdeeda
waxaa laga garan karaa murtida suugaanaysan ee ku soo aroortay,
sida:
Ciise waa wada Ciise ninna nin caaro ma
dheera.
Walaalkaa maragga ku fur magtana la
bixi.
Gartu Ilaaheeday taqaan.
3.2.4. Nabad.
In
kastoo uu Ciisuhu la dego qowmiyado aan Soomaali ahayn oo had iyo jeer colaado
ka dhex oogmi jireen, sida Cafarta iyo Orommada, darisna uu la yahay beelo kale
oo Soomaaliyeed, haddana xeerkooda iyo hab-dhaqankooda hidde waxaa ka muuqata
inuu yahay mid nabadda si weyn u qiimeeya, si weynna uga door bida dagaalka.
Dagaalka waxay u arkaan wax la galo marka laga fursan waayo uun. Taas waxaa
astaan u ah xeerka oo dhigaya Ugaasku inuu noqdo aabbe nabadeed. Waxaa ka
reebban inuu dagaal guddoomiyo, marka laga reebo xaalado aan caadi ahayn, sida
marka beesha lagu soo duulo ayna weydo xal aan ahayn inay sharafteeda difaacdo.
Tan kale oo muujinaysa dhaqankani inuu yahay dhaqan ay nabaddu u tahay mabda’
sare oo la ilaaliyo waxaa weeyaan murtida badan ee lagu diiwaan-galiyey
mabda’an. Murtidaas waxaa ka mid ah:
Waxaad Geed ku helaysid, Guluf laguma
doono’.
Oday dhiig ka tallaabsaday dhabar3 ma
noqdo.
Colaad ha ku degdegin, tu sokeeyana haba ku
darin.
Dagaal Ciise waa mar oo mar labaad ma
leh.4
|
Dunta Ismaamul-hiddeedka Ciisaha
iyo
Duruusta laga Baran Karo (qaybtii
1aad)
Maxamed Daahir Afrax
- Gogoldhig
Waynaan dhaagine dadyohow
Abkeen dhaqan buu lahaa
Xeer uu dhigtay buu lahaa
Hab uu dhawrtuu lahaa
Ku_dhaqan sharci buu lahaa
Caqiido dhabuu lahaa
Dhammaan gacal buu ahaa
Dhaxdiyo dhalashuu ahaa
(Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube)
Dadka magacoodu yahay ‘Soomaali’ ee uu tixdan
kore kula hadlayo abwaan Shube, marka uu leeyehay “dadyohow”, ma run
baa in ay “abkood” iyo awooweyaashoodii hore lahaan jireen arrimaha uu
tirinayo: “dhaqan” xuma-diid ah, “xeer” ay
“dhigteen”, “hab” dhisan oo ay isku maamulaan oo la wada
“dhawrto”, “caqiido” diini ah oo u jahaysa dhanka
samaha?
Eray kooban, ma run baa Soomaalidu hidde ahaan inay
lahayd hab bulsho-siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, talo-wadaag, ku-dhaqan
sharci la wada ilaaliyo laguna kala dambeeyo; mise waxaa run ah tilmaanta taa ka
horjeedda ee ay warbaahinta reer Galbeedka iyo wax-ka-qorayaal ajnabi u badan ku
celceliya Soomaalidu hidde ahaan inay tahay raacato aan waxba isku raaci karin,
dhaqankooduna ka arradan yahay “hab” iyo is-maamul wadareed oo ku
dhisan “xeer” iyo “ku-dhaqan sharci” lagu kala dambeeyo loona
wada hoggaansamo? (eeg Ali, 2010). Labadaa aragtiyoo ee iska horjeeda tee baa
run ah? Jawaabtu waxay tahay, labada waxaa run ah tii loo helo markhaati ku
dhisan xaqiiq la wada arki karo ama la taaban karo. Si ay jawaabtu noogu
fududaato, bal aan u fiirsanno arrinta aan kaga xog-warramayo sadarrada soo
socda.
Waxaa jira hawgal baaxad weyn oo waayadan socdey, kaas
oo muddo sannad ka badan ay u guntanaayeen qayb weyn oo ka mid ah bulshada
Soomaaliyeed. Sida laga wada war-hayo, waxaa muddo lagu hawllanaa geeddi-socod
lagu xulayey laguna boqrayey ugaas cusub oo ay yeelato bulshda Ciisaha oo
ugaasla’aan ahayd muddo 15 sannadood ah, ka dib geeridii, Allaha u naxariistee,
Ugaas Xasan Xirsi oo geeriyoodey 1994kii.Geeddi-socodkan dhaqaaqiisii waxaa ka
soo baxday arrin la-yaab leh, arrin aan hore u soo marin Soomaalida maanta:
hawlgalkan habka loo ambaqaaday, hiddaha loo cuskaday, hilinka loo maray, hawsha
dadka u guntaday tiradooda iyo tayadooda, hawl-kalkaalka ka baxsan beesha ee
meel walba ka soo gurmadey, warfidiyeenka mikrofoonnada la daba yaacay,
wax-qorayaasha qalinka haabhaabtay, waxgaradka Geeska Afrika ee hambalyada iyo
bogaadintu kala goi’ weydey, beelaha Soomaaliyeed iyo xitaa qowmiyadaha kale
(Orommo, Cafar, Amxaaro Adari) ee wufuudda, lacag-ururinta, xafladaha iyo
hadiyadaha sawaxankoodu isu baxay, dowladaha ku tartamay damaashaadka lagu soo
dhaweynayo Ugaaska la boqray; intuba waxay noqdeen wax aan hore u dhicin, wax
soo jiita indhaha dunida danaysa Geeska Afrika. Su’aal baa halkan ka soo
boodaysa: arrintani maxay ku mutaysatay xiisaynta heerkaa
gaadhey?
Maxay uga duwantahay hoggaamiyedhaqameeddada
Soomaaliyeed ee bil kasta qaar cusub lagu caana-shubo laba Calina is weydiin,
ama warkoodu cidhifka dhaafin? Haa, tani way ka duwantahay caleema-saarrada kale
ee waqtigan xaadirka ah loogu cimaamado hoggaamiyedhaqameeddada ay beelaha
Soomaaliyeed marba qaar hor leh sii kala sarrifayaan. Haa, waa arrin mudan intan
oo xiisayn ah iyo waliba in ka sii badan. Jawaabtani sida ay sax u tahay waxay
noo caddaan doontaa marka aynu gaadhno qaybaha soo socda ee qoraalkan iyo
qoraallada kale ee uu xambaarsanyahay tirsigan gaarka ah ee wargeyska
Halabuur.
Eray kooban oo hordhac ah, in kastoy arrintani salka ku
hayso hidde iyo dhaqan Soomaaliyeed, xeerka Ciisuhuna yahay xeer Soomaaliyeed
(Aaden 2009), haddana waxaa jira wax badan oo Soomaalida kale ka lumay oo
Ciisuhu weli hayo iyo dhaqan-hoosaad aad u qiima badan oo Ciisaha u gaar ah,
xeerkiisu ka tarjumayo, in lagaga daydana mudan, sida aan ku arki doonno
faahfaahinta dambe.
Intase aanan taa u galin halkan waxaan u soo socdey,
anigoo ka mid ahaa qalinleydii uu soo jiitey dhaqaaqan la-yaabka leh, waxaan in
muddo ah u fiirsi iyo u kuurgal ugu jirey dunta uu ka samaysan yahay, falsafadda
uu cuskan yahay iyo qaabka uu u dhisan yahay ismaamul-hiddeedka soo
jireenka ah ee bulshada Ciisaha. U fiirsigaas waxaa iiga soo baxay wax aad u
xiisa badan. Wax beeninaya sawirka ay Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba, ka
bixiyaan warfidiyeenka iyo qalinleyda an kor ku soo xusay, kuwaasoo
hidde-raacaya tilmaantii maskax-maalkii gumeysiga reer Yurub ka bixin jireen
Afrika, sida uu farta ku fiiqayo Ali Musa Iye (2010).
U
fiirsiga Xeerka Ciisah, u kuurgalka dhumucda falsafadeed ee
ismaamul-hiddeedkooda, iyo la-socodka waddadii dheerayd ee loo marayey xulidda
iyo boqridda ugaaska cusub, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim (eeg qaybta
dhacdooyinka) intaba waxaa iiga muuqdy wax markhaati cad u furaya erayada
Cabdulqaadir Cabdi Shube maansadiisa ku sheegayo: Soomaalidu inay tahay ummad
lahayd xadaarad dheer iyo hab-dowladeed sharcigu cid walba ka sarreeyo, kaas oo
ay dajiyeen indheer-garad aqoontooda iyo adduun-araggooduba aad u sarreeyaan.
Waxaa ii muuqatay Ciisaha manta joogaa inay ka soo jeedaan awoowayaal aad u
maskax badnaa aadna u dadaalay. Waxaa cad Ciisuhu inay ku fara adaygeen dhaxal
qaali ah oo Soomaalida kale ka lumay, haddaan ku baraarugnana noo wada noqon
kara wax aan ku faanno, ka tilmaan-qaadanno, isagana difaacno magac-dilka
xilligan burburka loo kala ordayo fool-xumaynta
magacan“Soomaali”.
Qoraalkan waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha
kula wadaago dhinacyo muhiim ah oo ka mid ah wixii iiga soo baxay u fiirsiga
arrinkan aan siinayo cinwaanka guud ee ah ‘ismaamul-hiddeedka
Ciisaha’1; Waxaa kaloo qoraalka laga dhex heli doonaa jawaabta
su’aashii an ku furay ee ahayd, run ma tahay tilmaanta uu Soomaalidii hore ka
bixiyey abwaan Shube.
Arrimaha ku saabsan xeerka iyo Ugaaska Ciise waxay
nasiib u yeesheen ururin iyo darsid aaney helin hiddaha ka jira dhinacyada kale
ee Soomaalida. Waxaa dadaal weyn sameeyey aqoonyahanno ay hormuud u yihiin Dr.
Cali Muuse Ciye, Mud. Mooge Dirir Samatar, marxuum Cumar Macallin iyo rag kale.
Qalinley iyo aqoonyahan kale ayaa iyana dhawaan curiyey qoraallo cusub oo ku
daaban isla wargeyskan aan gacanta ku haynno.
Sidaa awgeed qoralkan looma baahna inuu ku celceliyo
wax looga hadlay qoraallada kale. Taa beddelkeeda wuxxuu diiradda saarayaa
gorfaynta iyo iftiiminta dhinacyo aan weli laga hadlin ama wax ku filan laga
qorin, kuwaas oo ay ka mid yihin tilmaanta guud ee ismaamul-hiddeedka Ciisaha,
falsafadda uu ku hirto, mabaadi’da asaasiga ah ee uu ku dhisan yahay, tiirarka
dhismihiisu ku taagan yahay, xikmadaha u gaarka ah ee uu ku mudan yahay in lagu
qiimeeyo lagana faai’daysto, iyo duruusta ama casharrada ku habboon inay ka
barato kagana dayato Soomaalida kale iyo kuwa ay ka baran karto ama kaga
cibrad-qaadan karto dunida inteeda kale. Hayeeshee intaas oo dhan ka hor, waxaan
guudmar koban ku samaynaynnaa muuqaalka guud ee ismaamulhiddeedka Soomaalida,
siiba xeer-hiddeedka ama waxa loo yaqaan ‘Xeer-Soomaaliga’ ee uu cuskan
yahay ama tusaalaha u yahay Xeerka Ciise.
|
Sunday, January 23rd, 2011 | Posted by goulled
Xafladan lagu gar-daadinayey Buugan cusub ee
Xeer-Dhaqameedka ‘Xeer-Ciise’ waxa ka soo qeybgalay Abwaano, ay ka mid yihiin,
Abwaan Axmed Aw Geedi, Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdule Yuusuf Shaacir, Xildhibaan
Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, prof Aadan Xaaji Cali, Boobe Yuusuf Ducaale,
aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.
Buugan Cusub ee ka hadlaya Xeer-dhaqameedka
‘Xeer-Ciise’ waxa qoray oo isku soo uruuriyey Qoraaga reer Jabuuti Cabdalla
Xaaji Cusmaan Ceeleeye.Prof Aadan Xaaji Cali oo ka tirsan Jaamacada Hargeysa oo
soo akhriyey buugan ayaa waxa uu dadweynihii nasiibka u helay ka siiyey
sharaxaad, inta uu ka kooban, waxa uu ka hadlayo iyo arrimo kale Mar uu Prof ka
hadlayey cutubyada uu Buugani ka kooban yahay ayaa waxa uu sheegay inuu Buuggani
ka kooban yahay Sagaal Cutub oo is barkan, isla markaana uu yahay Buugg si
farshaxanimo leh loo qoray, waxaanu ku dooday in Buuggan Xeer-Dhaqameedka
‘Xeer-ciise’ uu yahay Buuggi ugu horeeyey ee ku qoran Af-Soomaali, isla markaana
si mug leh oo faah-faahsan uga hadlaya Xeer-Ciise, waxaanu yidhi “Buuggu waxa uu
ka kooban yahay 253-Bog oo xambaarsan 9-Cutub oo kala ah; Cutubka koowaad, oo ka
warramaya bilawgii Xeerka, dhulka, maahmaahyada Xeerka iyo qodobbo kale. Cutubka
labaad, oo ka warramaya qodobbada Dhiigga. Cutubka saddexaad, oo ka warramaya
xeerka Dhaarta. Cutubka Afraad, oo isna ka warramayaa xeerka Dhaqaaqilka.
Cutubkaa Shanaad,waxa uu ka warramayaa xeerrar Qubane ah. Cutubka Lixaad,waxa uu
ka warramayaa xeerka kab Ugaas. Cutubka toddobaad, qabashadii Ugaaska cusub.
Cutubka siddeedaad waxa uu ka warramaya Garnaq la qaaday. Cutubka sagaalaad waxa
lagu soo qaatay rag ka mid ah geesiyaashii hore ee nabadda iyo xeerka ku dhaadan
jirey amma dadka wax taray.”
Waxaanu Aadan Xaaji Cali ku tilmaamay Buugan Xeer-Ciise
mid aad u qiima badan, isla markaana ay ku duugan yihiin Xeerka-Ciisaha oo uu ku
tilmaamay inuu ka mid yahay Xeerkani hanaan wanaaga xeerka
Soomaalida.
Qoraaga Buugga Xeer-Dhaqameed “Xeer-Ciise” Cabdalla
Xaaji Cusmaan Ceeleeye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Buuggan
qoritaankiisu waxa uu Igu qaatay muddo lix sannadood ah. Inta badan Qodobbada
xeerka ee ku qoran Buugga waxa aan ka qoray ruug-caddaaga dhaqan-yahanka ah ee
la yidhaahdo Jaamac Muuse Miicaad oo hadda ku nool magaalada Jabuuti.”
Mar uu Qoraagu ka hadlayey Xeerka Ciisaha waxa uu yidhi
“Xeerka Ciisaha ayaa badhtamihii qarnigii 16aad loo fadhiistay, isla Qarnigaana
la dhammeys-tiray, iyada oo tan iyo waagaa facba waliba uu fac kale u soo
tebinayey sidaana inagu soo gaadhay.”
Qoraaga Buuggan Cabdalle waxa uu ka sheekeeyey
cutubyada uu buuggani ka kooban yahay oo uu tilmaamay Qodobada uu ka kooban
yahay waxa ka mid ah Qabashada Ugaaska Ciisamaha.isla markaana waxa uu ku
dhiirigeliyey dhalinyarada inay si qoto dheer u akhriyaan
Buugan
Intaa Kadib Waxay dadweynihii madashaasi ka soo
qeybgalay su’aalo weydiiyeen Qoraaga Buuggan, isaga oo isna kawada
Jawaabay.
Abwaan Axmed Aw Geedi iyo Sacdiya Sheekh Muuse, ayaa
iyaguna si weyn uga hadlay Qiimaha uu buugan u leeyahay dadka, gaar ahaan
Jiilasha da’ayarta, waxaanay mahadnaq iyo bogadin u jeediyeen Qoraaga
Buugan
Sunday, January 23rd, 2011 | Posted by goulled
|
MOUMIN BOUH WAIS,
Arta
BEESHO HUMAGSIYO
HIRAANSI DHAQAN KALEY
HEELADA U TUMATOO
HOOSIIS HADH MOODOO
HAYBADAY LAHAYD IYO
MIDNIMADII HILMAATO
HURGUMADA QABIILKIYO
HABAAS U KU DHOWDO
JIHADIIBA KA HALOOSAN
DIRIIR BAA HILAACO
DHALIYARO IS HAYSO
HIRDIMO AY DHEX OOLO
HADAF QUDHA WADAGO
HUFAN OO AQOON BADAN
IYO ILAAHAY HORWEIN BU
KU HANUUNSHAY KHEYRKO
KHALADKII HELO SAXAY
EE HALYEEYADA U SAARA KACAY
HAWLAHAY LA HAAYEEN
HEEROHOODI U KA BAXAY
CIDLA HARIGA GEYSTEE
ALLE HOOS FADHISTEE
LA HASAAWAY YEE
YIDHI
ADIGAA HADEEYA AH
ADIGAA HANUUN BADAN
WAXA DUNIDA HADHIYEE
HOS IYO KOR KEE YAAL
WAXAY SAMADU HASIYO
WAXA SOO HAMEEN DHIXI EE
DHULKA WALI KU SOO HOYAN
WIXII HORAY U TAGEY IYO
WAXA MAATA HOWLGALI
WAX KASTI BA HALKUU YAAL
ADIGAA HANTOO GARAN
WABA KAA HALAABEEN
EE HOGAAMIYE HALYEY OO
HAYBAD IYO KARAAMADLE
BOQOR NOO HEEL EEBOW
KU HADADAQAAYE
HADH GALMEED DHARAAREED
HAMEEN SEEXAD DIIDE
BILO HEEGANAYE
HEERYADU DUL SAAREYD
ISAGOO HILMAAMEEN
KOLA HOOWL KU MUDANEYN
ISAGAA KA HUFAN CEEBE
HOROW GARASHADIISII
HAGOOGTII DULSARAYD
HAGARLI I ILAAHAY
UGA QAAD MIDKUU HUBAY
HULADII BANAANEYD
BOQOR HAYBED LA YIMID
MUSTAFAA ALKII DAGEY
HAMUTII IYO HARAADKII
HIKII MAATA NAGA DUUL
CUMAR HA U HOREEYE
DURBA HEESO LOO CURI
BEESHUNA HALKAY JOOGTO
HABAYIYO SALAAN IYO
CIYAARTA U MA KALA HADHIN
ANIGUNA DUCAAN HURAY
DEEQ TI U HABOONAY
EE ABAYAAL HANUUN HELA
HAGAR DAAMO IYO CIIL
IFKA HOOG HA MUDANINA
QABRIGANA IFTIIN HELA
MARTI LO HANWEIYAHAY
LA HAREERO JOGOO
HORDHACII JANADA IYO
HURDO RAXA BADAN HELA
JIDKANA SIDA HILAACIYO
HINTAAQ LI I KU KUUD MARA
HADOW GIYO CACEEDANA
HARADII RASUULKIYO
HADHKA EEBE JOOGSADA
OO XISABLI I JANADA HELA
BOQOKANA MID HIBI IYO
HAYBAD IYO KARAMA LE
HAMEEN DHALAD AYAAN BADAN
HAYIN AANA DHEELIYIN
HA KA DHIGO ILAAHAY
ALLAH GARAD LA AMINO
AQLI IYO AQOON BADAN
IMAAN KU BUXOO
UDGOONO RASUULKII
SUNIHIISA OGOO
DADKU WADA ADEECAAN
HAKA DHIGO ILAAHAY
ABAABULE BULSHEEDO
EEXIYO INGAAR IYO
XUMMO LAGA ILAASHO
BURHAANTIISU IIFTO
GEESKA WADA ILEYSOO
INQILAAB SHISHEEYIYO
AFADA DAGAALKIYO
QOLOQOLADA ASOO
MIDNIMADA ADKEEYO
DHIDIBADA U AASOO
DUCADIISA LA AQBALO
HAKA DHIGO ILAAHAY
ALLEY MIDUU CISEEYO
CIDAN AWLIYAAD IYO
CUDUD U KU XOOJOO
CAWADIISA AWGEED
CIRKU U DAROORO
DHULKU U CAKAROO
CADOWGIISU SHIIQOO
CIMRIGIISU RAAGA
HAKA DHIKO ILAAHAY
AMIIN MID LA AQBALO
MOUMIN BOUH WAIS
,Arta
|
Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha |
|
|
|