THE HISTORY OF SOMALI DIR CLAN: TAARIKHDA BEESHA DIREED DIR
Saturday, August 26, 2017
Monday, August 21, 2017
BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN-XILIBAAN XASAN ISAAQ YACQUUB (GEESCADE)
XILIBAAN XASAN ISAAQ YACQUUB (GEESCADE):
BEESHA REER AWSACIID WAA BEEL DEEGAANO BADAN LEH BALSE WAXAAN KU
SABIRNAY IN QARANKA SOOMAALIYEED BADBAADO RABO MAANTA
Xildhibaan Geescadde
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdule(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Xildhibaan Geescadde
Xilibaan Xasan
Isaaq Yacquub Gees Cade oo isagu ku sugnaa shirka soomaalida ee
wadanka kenya Mudada ka socday ayaa sheegay in Beesha Reer aw Saciid
ay Saami Culus ku leedahay Deegaanada Soomaaliya, Xilibaanka oo sii
Hadlayana waxa uu Yiri Sidan ,
Beesha Reer
Awsaciid waxa ay kala dagaan Gobolo kala duwan iyo Deegaanobalaaran
oo kukalo baahsan dalka oo dhan ku waas oo leh dagmooyin iyo
tuulooyin faro badan waana lala dagaa beesha deegaanadaas qaarna
iyada kaligeed ayaa dagta ,
Deegaanada beesha
reer awsaciid waxa ka mida ,
Gobolka Gedo
Dagmada
Baardheere gaar ahaana Tuulada Hureeyn tuulada Dhoobleey iyo
TuuladaDeqaani Tuulada Markableey waxaa daga beesha oo qurainta
kalle waa lala dagaa,
Beesha waxeey ku
leedahay Dhulkaan dhul Daaqsin iyo Waraabka Beeraha labadaba waxaana
Saaran 12 Mator oo waraab ah oo ay ledahay beesha reer Awsaciid
Gobolka Bay
Beesha Reer
Awsaciid waxay ka dagtaa Buur waxaana si gooniya udagnaa Tuulada
BuuloFulaay Dagmada Ufuroow waxaan ku leenahay Dhul Beereed xaga
Roobka iyo daaqsin wayn oo xoolaha Reer Awsacid Ku dhaqmaan,
Gobolka Shabeelaha Hoose
Beesha Reer
awsaciid waxa ay si xoogleh wax uga dagtaaDagmada Qoryooleey taas
oo Daaqsin ahaan si wayn aan ujogno xaga beerahana waxaan ku
leenahay dhul balaaran,
Gobolka Jubada Dhaxe
Dagmada Saakoow
waxeey beeshu ku leedahay ama ka dagan dad aad u badan oo gaaraya
Boqolkiiba %40 Caanaha iyo Qoryahana anaga Keena Tuulooyinka
BaroowDiinle Buulo Cadeey Baarka Muumin Dhooroow iyoDhakaajo waxaa
nala daga Soomaali kalle Balse Aqlabiyada Anagaa Leh Tuulooyinkaas
oo aan ku leenahay Beero waween iyo Daaq Faro Badan TuuladaDhakaajo
oo qorshuhu ahaa in loo aqoonsado Dagmo Buuxda waxey la Kulantay
Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya Naafeeyay
Gobolka Jubada Hoose
Deegaanka
Qooqaani iyo Dhoobleey Waxaan ku leenahay Deegaan waynTuulada
BeerXaani waxaa si madax banaan udaga 40% kiiba beesha oo kaliya
inaga ayaana Keena Caanaha iyo Qoryaha Gobolka oo dhan Tuulada
BuuloGuduud iyoYoontooy waxaan ku leenahay Daaqsin iyo Beero
Labadaba iyo Lix Matoor
Hiiraan
Waxa ay Beesha
Reer Awsaciid Ka Dagtaa Deegaanada Soosocda,
Dagmada
Baladwayne Tuulada Kabxanleey waxaana noo saaran ilaa iyo Sideed
Matoor oo waraaba Deegaan Daaqsined oo Baadxad Badan waan ku
leenahay,
Banaadir
Beesha Reer
Awsaciid waxa ay dagantahay 30%kiiba gaar ahaana Caasimada
Soomaaliya Ee Muqisho
Waqooyiga Soomaaliya
Waxa ay beesha
Rer awsaciid ka dagtaa Dagmada Gibileey Gaar ahaana Tuulooyinka
sheek iyo meelo kaloo badan
Marka anagu
waxaan nahay beel baaxad badan oolagu xisaabtami karo Waxana
Xilibaanada Soomaaliyed ka Helnay Hal Xilibaan waana is kaga
Qanacnay Maadaama Maslaxada Soomaaliya Laga Talinayo Maanta Ayuu
Yiri Xilibaanku
Beesha Reer
Awsaciid Waxa ay ukala Baxdaa Sidan
-
1- Abkeey Xaaji oo Aderkii Ah
-
2- Faarax Saciid
-
3- Abiikar Saciid
-
4- Sacdi Saciid
-
5- Nuur Saciid
-
6- Cali Saciid
-
7- Cismaan Saciid
-
8- Xuseen Saciid
-
9- Xasan Saciid
-
10- Cumar Saciid
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdule(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Beesha Magaadle Maxamed-Xiniftire Mahe Dir iyo Deegamadooda
Ceerigaabo=Beesha Magaadle oo Dooratay Boqor.
Mar 04, 2010 at 02:19 AM
Ceerigaabo(Qarannews) Shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimaaddeen Cuqaal, Guurti, Aqoonyahanno iyo Waxgaradka kale ee Beesha Magaadle ayaa waxa halkaas beeshani shaaca ka qaadeen in ay beel ahaan isla garteen samaysashada boqorkan, sidoo kalena Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) ay u garteen una magcaabeen in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle, iyagoo sidoo kalena sheegay toddobaadka soo socda in ay caleemo-saari doonaan kuna caano-shubi doonaan
Beesha Magaadle Maxamed-Xiniftire Mahe Dir iyo Deegamadooda
Marka hore waxaan ku bilaabay magaca illaahay sareeyoon weenaaye
Marka xigta Magaadle waa Maxamed-Xiniftire waxuu ka sii yahay Mahe Dir waxuuna ka sii yahay Dir waxuuna kasii yahay Dir Irir waxuu ka sii yahay Irir-Samaalle waxuu ka sii yahay IJI waxuu ka sii yahay Inna Xaam(haam) Xaam na waa Inna Nebi Nuux (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).
Taariikhda beesha magaadle waxaa loo kala saaraa mid qadiim ah ,mid dhexe iyo xadiis ah ama waqtiga hadda la joogo.
Beesha Magaadle waxay degaan ahaan degan tahay guud ahaan Somaliland , gaar ahaan tuulooyin ka tirsan goboladda Sanaag iyo Togdheer.
Sida Godcaanood oo ka tirsan degmadda Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka Qurilugud, Coodanle, Wadaamo-goo oo iyaguna ka tirsan Degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
waxay leedahay laba Caaqil iyo hal Boqor beeshu oo kala ah;
1.Caaqil Faarax Xaaji Cabdi Ow-Daahir
2.Chief Caaqil Axmed-Rashiid Xaaji Jaamac Ow-Maxamed
3.Boqor Maxamuud Shiekh Osman Nuur (Timacade).
Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde)
Muddo bil iyo badh gaadhaysa oo beeshani gudaha dalka iyo debeddiisaba shirar kala is daba joog ah ku yeelatay waxannu beel ahaan marka hore isla garannay oo isla oggolaannay iskuna raacnay in ay beeshu samaysato boqor. Kaas oo aannu u garannay Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) in uu noqdo Boqorka Beesha Magaadle". Sidaas waxa yidhi Caaqil-Faarax Xaaji Cabdi oo ah caaqilka Beesha Magaadle. Wuxuna caaqilku intaas kusii daray. "Boqor-Maxamuud Sheekh-Cismaan Nuur (Timacadde) waxa la caleemo-saarayaa laguna caana-shubayaa maalinta taariikhdu tahay 07/03/2010".
Waxana Cuqaasha iyo Guurtida kale ee iyaguna shirkaas ka hadlay ka mid ahaa
- Guurti Nuur Xaaji Cabdi
- Guurti-Aadan Siciid Cabdi iyo
- Guurti-Cali Cabdi Daahir.
Dhinaca kalena Boqorkan la doortay oo ah nin dhallin yaro ah ayaa taariikh ahaan ah mid kazoo jeeda boqortooyo hore (Magaadle) oo isir ku leh intooda badan beelaha waaweyn ee Reer Sheekh-Isixaaq.
Source.Qarannews/Ceerigaabo
Saturday, August 19, 2017
Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Maanta Qada Sharaf Gaalkacyo Kula qaatay Odayaal dhaqameed (Sawiro)
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Fedaraalka ah ee
Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta qado sharaf waqooyiga
Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda
Gobolka Mudug gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.
Qadada waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka qado sharafta ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Sugule waxaana looga wada hadlaayey balan qaad hore uu sameeyey Gudoomiye ku xigeenka iyo waxyaabaha ka hirgalay balan qaadyadaasi.
cowslafil.com
Qadada waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka qado sharafta ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Sugule waxaana looga wada hadlaayey balan qaad hore uu sameeyey Gudoomiye ku xigeenka iyo waxyaabaha ka hirgalay balan qaadyadaasi.
cowslafil.com
Wednesday, August 16, 2017
Tuesday, August 8, 2017
Monday, August 7, 2017
Sunday, August 6, 2017
QURAANYOW MAXAMED Barnaamij Gaar ah boqorka beelaha direed boqor abdikhadir ismaa’iil yussuf
QABAAILKA QURAANYOW MAXAMED , SURRE
Dabruube iyo intuu Dhalay. Madigaana waa beel Dabruube ah ayuu nala wadaagay nin Dabruube ah
Dabruuwe
Mohamed.
SUBCLANS
AND FAMILY TREE The Dabruuwe clan has five major subclans, whose there
mnemonics is: Rage dabruwe.Yusuf dabruuwe Weheliye dabruuwe. also dabruuwe and
bimal they are brothers tree is as following: The Mathigaan or Madigaan is a
sub subclan of Dabrube, the Subclan of Dabruuwe and is one of the tribes that
inhabits in Ethiopia and Somaliland. Historically, the Mathigaan were mainly
pastoral and farmers who separated from other Dabruuwe in nearly 400 years ago,
however, the record of written documents and inherited information from
ancestors is well reserved in lower shabelle. The Dabrube tribes lived in
different parts of somalia and Ethiopia, but they each had their history an
Beesha
wexey u kala baxdaa:
Raage
Dabruwe
Yusuf
Dabruwe
Wehliye
Dabruwe
Beesha
Madigaana waa Dabruube beel ka tirsan oo luntay, Kuna baahsan Ethiopia iyo
Wooqoyiga Somalia
Tuesday, August 1, 2017
Aweis Issa (Aweeeys Awaare Ciise ) Wareeysi uu siiyay Georgia Straight
International Zeitschrift F o r I n f o r m a t i v e P e r s p e c t i v e s o n W o r l d E v e n t s
About · Submissions · Archived Issues · Home
|
An African Odyssey East Africa Trip, 2010
Photography by Kate Curry & Aweis Issa Part 1 Downtown Nairobi Copyright 2010 International Zeitschrift Aweis at Koinange Street, Nairobi Copyright 2010 International Zeitschrift Aweis at City Council of Nairobi Beautification Park Copyright 2010 International Zeitschrift Nairobi intersection: Parliament Road and City Hall Copyright 2010 International Zeitschrift Jomo Kenyatta burial site Nairobi (first President of independent Republic of Kenya) Copyright 2010 International Zeitschrift Aweis at Kenyan Parliament Copyright 2010 International Zeitschrift Kenya Methodist University Building HUB Copyright 2010 International Zeitschrift Kenya Methodist University Building HUB Copyright 2010 International Zeitschrift Aweis Issa at Nairobi pub patio Copyright 2010 International Zeitschrift White Cap Lager in Nairobi Copyright 2010 International Zeitschrift Kenya Comfort Inn Pub ceiling art Copyright 2010 International Zeitschrift Nairobi Traffic Copyright 2010 International Zeitschrift Nairobi Copyright 2010 International Zeitschrift Kate @ Nairobi Railway Station prior to going to Mombasa Copyright 2010 International Zeitschrift Nairobi train station platform Copyright 2010 International Zeitschrift All aboard for Nairobi Copyright 2010 International Zeitschrift All aboard! Aweis on the Rift Valley Train going to Mombasa Copyright 2010 International Zeitschrift
Part 2 · Part 3
|
We believe the following organizations are making a difference for the better in this world and encourage you to consider supporting them.
|
SAFIIRADDA SWITZERLAND FADUMO INSAANIYA OO KA HADASHEY BANDHIGGA BUUGAAT...
Fatuma Abdullahi Insaniya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Jump to: navigation, search
Fatuma Abdullahi Insaniya (Somali: Fadumo Cabdulaahi Insaniiyaa, Arabic: فطومة عبد الله إنسانييا) is a Somali diplomat. She is the Ambassador of Somalia to the United States, based at the Somali embassy in Washington, D.C..[1] Appointed on 2 April 2015, she is the first woman to be assigned to the office.[2]
References[edit]
- Jump up ^ "Somali cabinet appoints five new ambassadors". Goobjoog. 2 April 2015. Retrieved 4 April 2015.
- Jump up ^ "Former Senior politician named new Ambassador to Kenya". Halganka. 3 April 2015. Archived from the original on 9 April 2015. Retrieved 4 April 2015.
This Somalian biographical article is a stub. You can help Wikipedia by expanding it. |
SAWIRO: Waa kuma Wasiirka Beesha Biimaal ee had & jeer ka dhexmuuqda siyaasadda dalka? (AKHRI)
Waa kuma wasiirka Beesha Biimaal ee had iyo jeer ka dhexmuuqda masraxa siyaasadda dalka Soomaaliya? Waa wasiir ku xigeen marka aad u fiirsato ka sareeeya wasiir, kana shaqa badan dhamaan wasiiradii soo maray beesha Biimaal.
Waa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen oo wasaaradaas ka shaqeynayay in mudda ah tan iyo bilowgii dowladdan rasmiga ah ee hadda waqtigeeda gebagebada ah.
Wasiir Cabdalla ayaa ah dhalinyaro aad u firfurcoon marwalbana lajaanqaada siyaasadaha kala duwan ee ka soo cusboonaada dalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdalla waxa uu ka qeybqaatay xallinta dagaal beeleedyo, nidaaaminta ciidamada dowladda si gaar ah waxaa u ra.yi badan ku lahaa in ciidama qaranka Soomaaliya ay u ekaadaan qaab qaran oo labaabi. Iyo sumada qabiilka.
Wasiirka ayaa horseed ka noqday in ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidama deegaanka lagu qarameeyo degmada no50 oo tan markaas aanan cidna ku dhiiran in degmada lambar Konton laweeraro oo ay dowladda u aqoonsatay meel ay masuul ka yihiin cutubyo katirsan ciidamada militariga Soomaaliya.
Mudane Cabdalla ayaa sidoo kale heshiisyo dhowr ah la saxiixday dowladaha Italy, Egypt, Turkey, UK, si kor loogu qaado tayada iyo waxtarka ciidamada xoogga Dalka.
Wasiir Cabdalla ayaa sidoo kale lagu xusuustaa in uu ahaa masuulkii ugu horeeyay ee furay tabarka ciidanka isku dhafka qaranka oo kismaayo laga bilaabay xilligii xukuumadii xiirane khudbad taariikhi ahna ka jeediyay.
Wasiir Cabdalla aya sidoo kale had iyo jeer ku saacideeya xubnaha kadhashay beesha uu ku matalo dowladda wax allaala wixii ilaalo, ama saad ah marka ay doonayaan in ay booqdaan gobolka ama meela kale oo ay doonayaan in ka soo fuliyaan danaha beesha.
Mudane Cabdalla ayaa muujiyay dowrka ay ka ciyaari karaan dhalinyarada hadii jaanis loo siiyo ka mid noqoshada xukuumadda; balse dhabta ayaa waxa ay tahay in aanan taariikhda wasiirada beesha Biimal laga heleyn sida uu Cabdalla ugu muuqday masraxa siyaasadda 4tii sano ee la soo dhaafay.
Waxaana u aqoonsanay wasiirka kaliyah ee matalay korna u qaaday magaca iyo jiritaanka, sumcadda beesha Biimaal ay ku dhexlahyd xukuumadihii kala duwanaa tan iyo 2012kii.
MUURINEWS.COM—BAYDHABO JANAAY
ISHA WARARKA OO…DHAN
https://hiiraan.com/news/2015/apr/wararka_maanta21-91139.htm
http://muurinews.com/2016/06/16/akhri-waa-kuma-wasiirka-beesha-biimaal-ee-had-jeer-ka-dhexmuuqda-siyaasadda-dalka/
Beesha Gurre Oo Canbaaraysay Horumar-Diidka Korodhka Deegaanka
Jigjiga( Cakaaranews ) Jumce 18ka March 2016, Kulan ay yeesheen beel-waynta Gurre oo uu hogaaminayo ugaaska beesha gurre islamarkaana ujeedadiisu ahayd canbaaraynta horumar-diidka korodhka deegaanka iyo waliba taageeraha go’aankii baarlamaanka DDSI ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba kulankan beesha oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiinta, Odayaasha, Aqoonyahanada beesha ayaa waxaa ugu horayn kahadlay ugaaska beesha Gurre Ugaas Maxamed Ugaas-Guure ugaas-Guuleed kana mid ah salaadiinta DDSI oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga hadlayo danaha iyo aayaha beesha Gurre ee dagta sadexda degmo ee kala ah Guro-boqosa, Guro-dhaamoole, iyo Qarsaadhuule,oo awal hore kamid ahaan jiray Gobolka Afdheer balse hada kalafadhigii baarlaamka DDSI lagu ansixay inay kamid noqdaan Gobolka Liibaan iyadoo xukumada iyo XDSHSI ay isla qaateen xalna u arkeen in sadexdaa degmo aysan kamid ahaan karin gobolka afdheer sababtuna tahay fogaanshaha xarunta gobalka, dhanka jidadka iyo gaadhsiinta adeegyada horumarineed.
Sidookale waxa uu ugaasku hadalkiisa kusii daray in ay beesha-Gurre ay kamid tahay beelaha dega degaanka somaalida itoobiya. Goobaha ay daganyihiina ay yihiin kuwo nabagalyadoodu taamtahay horumarkuna uu ka hanqaaday islamrkaana ay ka jiraan adeegyadii aas asiga ahaa iyo waliba adeegyadii kaabayaasha dhaqaale isagoo ugaasku uga mahdceliyay xukumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar balanqaadka iyo dadaalka uu ugu jiro horumarka gaar ahaan jidka laamiga ah ee dhawaan lagasamayndoono wadada isku xidha Goro-dhaamoole ilaa jarati. Sidookale wuxuu uguuska carabka ku adkeeyay aadna u canbaareeyay isagoo ku hadlaya codka beesha Gurre dadka hadalada borobogaandada ah ay kasoo yeedhay ee jooga Kenya inaysan matalin beesha gurre islamrkaana aysan aqoonin meel ay sedaxda degmo ay ku yaalaan danta beesha gurana aysan ku xidhnayn qurbo-joog balse ay ku xidhantahay qaran-joogta. Waxaana si buuxda u tageeraynaa go’aanka ay xukuumada iyo baarlamaanka DDSI ku ansixiyeen in sadexda degmo ay kamid noqdaan Gobalka liibaan. Maadaama oo ay dan utahay shacabwaynaha ku dhaqan sadexdaas degmo.
Wuxuuna ugaasku isagoo hadalkiisii siiwata yidhi in ay dadkaas la sheegay ee meelahaa kahadlay ay yihiin fadhi kudirir aan deegaanka waligood arag, islamarkaana dadkii sumcada lahaa ee wadanka kiinya joogay ee beesha Gurre matali kara ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada. Waxa uuna uguusku hadaladiisii kudaray in dadka wanaagsan ee taageerada iyo hormarka deegaanka ka qaybqaata ee kiinya jooga ay yihiin dad aad ufarabadan oo beesha ah tusaale ahaana loo soo qaadan karo Xaaji Ismaaciil iyo sheikh Nuux oo ah dadkii kaqayqaatay dhisida masaajidada iyo dugsiyada degmooyinkaas beeshu degaan.
Ugudanbayna wuxuu ugaasku carbka ku adkeeyay in odayga lagu magaacbo Khaliif Cadaawe, uu yahay oday da’ah oo wax uu ka ogyahayna jirin xaalada deegaanka islamrkaana ku tilmaamay propogaandiste warbaahinta dhaxmarinaya wax aan sal iyo raadlahayn, waxbana aysan ka ogayn dadkii matalayay beesha Gurre ee daganaa wadanka kiinya oo uu soo kaxaystay caruur yarayar oo aan matalikarin beesha.
Dhanka kale waxaa isna Madashan kahadlay Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo kamid ah aqoonyahanada beesha Gurre isagoo sheegay inay jiraan dad meelaha qurbaha hadal maalayacni ah oo aan waxba kajirin lataagan, islamrkaana dano gaar ah leh oo aan deegaanka waligood imanin gurina kulahayn aqoonina dagmooyinkaas meel ay kuyaalaan ,namana matalaan dadka beesha matala waa kuwo danta beesha yaqaana. Sidookale waxa uu xusay in ka aqoonyahano ahaan ay aad u taageersanyihiin go’aankii uu ansixiayay baarlamaanka DDSI. Dhankakale wuxuu canbaarayn kulul usoojeediyay isagoo kuhadlaya magaca beesha-Gurre dadka fadhi kudirika ah ee la sheegay inay melahaas ka hadleen. Isagoo waliba diiday in uu magac dhabo ninkaas kuna tlmaamay hadaladiisa kuwo qof waalani yidhi.
Gabagabadii kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Maxamed Shaqlane Jaamac oo ku hadalaya magaca dhalinyarada sedexda degmo ee ay dagaan beesha gurre isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda beesha gure ee isugu jira ganacsatada odayaasha iyo dhaliyarata jooga Kenya ay yihiin kuwa ka dharagsan horumarka deegaanka islamarkaana tageersan go’aankii barlamaanku ansixiyay iyada oo uu goaankaasii uu dan u ahaa bulshada dagan sadexda degmo. Wuxuuna intaa kusii daray in ninka la sheegayo uusan jiko xitaa ku lahayn sadexda degmo islamarkaana uu soo aruursaday ciyaal yaryar oo aan beesha matali Karin.
Sikasataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in kulankii maanta beesha gurre ay siwada jir ah uga soo horjeedsadeen islamarkaana canbaarayn kulul u soo jeediyeen nin lasheegay inuu soo galiyay warbaahinta hadalo xaqiiqda ka fog oo propogaando ah, isagoo iska dhigayay in uu matalayo beesha Gurre.
General Abdi Kariim Yusuf Adan Dhagabadan iyo Aaskiisi
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta ka qeyb galay aas Qaran oo loo sameeyey Abaanduulihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Marxuum C/kariin Yuusuf Aaden (Dhegabadan) oo gelinkii danbe ee maanta lagu aasay deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Galgaduud, waxana ka hor intii an laga qaadin Maydka Marxuumka magaalada Muqdisho waxaa salaadda Janaasada ku tukadey madaxda ugu sareysa dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in marxuum Dhegabadan uu ahaa wadani geesi ah oo dalkiisa u soo shaqeeyey xili adag oo dalka laga xoreynayay cadowga soo duuley ee Al-shabaab.
“Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo Marxuum Dhegabadan oo ahaa geesi waqti badan galiyey la dagaalanka kooxda Argagixisda ah ee Alshabaab iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdaas shar wadayaasha ah ee baneystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.
Masjid ku yaallo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Salaada Janaasada lagula dukaday Marxuum C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada, waxaa dhamaantood ka muuqatay sida ay kaga xun yihiin geerida Jeneraal Dhaga badan oo ahaa nin aad u shaqo badan.
Meydka Marxuumka ayaa loo qaaday Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu aaso.
Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa lagu xasuusan doonaa Dagaalkii adkaa ee Shabaab uu la galay iyo markii Shabaab laga saaraayay magaalada Muqdisho dagaaladii uu hogaaminaayay Dhaga badan.
Saraakiisha ciidamada Milateriga Somaliya ayaa si qiireysan uga tacsiyadeeyay geerida Generaal Dhaga badan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Khudbadii General Dhegabadan
https://www.youtube.com/watch?v=KoUK0VcGvX4
https://www.youtube.com/watch?v=U2sYG-hnX6c
Subscribe to:
Posts (Atom)
Blog Archive
- ► 2012 (418)
-
▼
2017
(97)
-
▼
August
(67)
-
►
Aug 01
(6)
- General Abdi Kariim Yusuf Adan Dhagabadan iyo Aas...
- Beesha Gurre Oo Canbaaraysay Horumar-Diidka Korodh...
- SAWIRO: Waa kuma Wasiirka Beesha Biimaal ee had & ...
- Khudbadii Faadumo Insaaniya Ee MPLS MN 3
- SAFIIRADDA SWITZERLAND FADUMO INSAANIYA OO KA HADA...
- Aweis Issa (Aweeeys Awaare Ciise ) Wareeysi uu sii...
-
►
Aug 06
(23)
- Bilicda Biyo Dhaceenada Iyo Jawiga Buuraha Ceelka...
- Dabruube iyo intuu Dhalay. Madigaana waa beel Dabr...
- Daawo;-Salaadiinta Iyo Waxgaradka Beesha madigaan ...
- CALEEMA SAARKII UGAASKA BEESHA QUBEYS
- Calema Saarka Ugaaska Besha ahmed Farax Qubays Hob...
- Waxgaradka Beesha Direed ayaa ku baaqay in lajooji...
- QURAANYOW MAXAMED Barnaamij Gaar ah boqorka beelah...
- War Boqorka Belweynta Dired oo Baaq Nabadeed U Dir...
- Shirka beesha direed Nairobi Kenya
- Boqorka direed iyo 3da gudomiye xisbi j somaliland...
- Barnmaaij Gaar ah Qowmiyada Direed
- SHIRKII BEESHA DIREED EE WOQOOYIGA AMERICA (MINNEA...
- TARIIKHDA BEESHA DIR..SULDAAN BASHIIR MAXAMED GEEL...
- DAAWO, BESHA BIYAMAAL OO SI KULUL ULA HADASHAY WAS...
- Shirkii beesha akisho wayn Nairobi
- Deegaamada gure ama akisho ee afdheer deegaanka so...
- Shirwaynaha Horumarinta Beesha Gaadsan Burco Lagu ...
- Beesha gaadsan ee Ethiopia REER DHAWEYD GADSAN
- beesha Biimaal oo u jawaabtay beeshaa Hawargidir
- guulihii beesha biimal Kalasoxiriir abdiaziiz1111@...
- DHAANTO biimaal/gaadsan
- Dhaanto gaadsan fananka axmed budul
- Axmed Budul (Hargeisa) New Dhaanto Somaliland 2014
-
►
Aug 07
(11)
- BIIMAAL Part 3
- BIIMAAL Part 1
- BIIMAAL Part 2
- BIIMAAL Part 5
- Amaanti Boqortooyada biimaal YouTube
- Taariikhda Dahabiga Ah Ee Ay Beesha Biyamaal Ku Le...
- DHAGEYSO:-Taariikhda Dahabiga ah ee ay Beesha Biya...
- Taariikhda Soomaaliya Dagaalkii Biimaal iyo Talyaa...
- barnaamij gaar ah caleema sar ugaas biimaal muqdis...
- BAAQ KA SOO BAXAY SULDAANKA BIIMAAL / Press Releas...
- Caleema-saarka Suldaanka Guud Ee Beelaha Biyo-maal...
-
►
Aug 08
(13)
- MADAXDA Somaliland iyo midhowga beesha Direed
- SHIRWEYNHII BEESHA SURRE DIR EE KENYA KUNA SAABSAN...
- ugaaska beesha surre
- Xasuuqii Loo Geystay Beesha Qubeys ee Reer Kabxanl...
- Xasuuqii Loo Geystay Beesha Qubeys ee Reer Kabxanl...
- TAAGERIDA BEESHA DIREED 3 GOBOL
- War-Murtiyeed Shirkii Beesha DIR ee UK. London 5.1...
- Ugaaska Beesha Ciise MADOOBE DIREED iyo Heesti Ug...
- Hees uu qaar ah Ugaaska Beesha Ciise Madoobe Dir ...
- Heesti hobo hobee hobalay.wmv
- Soo dhawayntii Ugaaska beesha Samaroon
- Soo dhawayntii ugaaska beesha samaroon
- Boon oo qaadey koobka soo dhaweynta Ugaaska
-
▼
Aug 26
(10)
- Kulanka Qurbo Joogta Gurra Dhamole ee North Ameri...
- Qurbo joogta Gurra Dhamoole ee Minnesota oo shiray...
- GURRA DHAMOOLE gobalka AF DHEER Beesha Direed
- Gurra Dhamolle biya la'aanta degamada Somalida Eth...
- beesha GURRE ee USA hormarka GURRA DHAMOOLE
- Nairobi = Waxgaradka Xeraale Oo Sheegay Ehelusun...
- Shacabka ku dhaqan degmada Xeraale oo ka cabsi qab...
- Warkii Kalsan Tv Ee Suldaanada Iyo Odayaasha Beesh...
- Geeri doontee 2 Fananda Weyn Saynab Cali Baxsan
- Waraysi Saynab Xaaji Cali Baxsan : By Cumar Seerbi...
-
►
Aug 01
(6)
-
▼
August
(67)