Last update: Arbaco - 07
Oct 2009
Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban
uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u
yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay
qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo
taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa'iideysto.
Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada
iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah "Somali
Youth League", Leegana waa iyadoo af Talyaani ah "Lega dei giovani
Somali".
Markaan
soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa
naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii,
isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay.
Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah:
dawlad la'aan, daryeel la'aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo
dugaagnimo.
Curashadii Fikradda
Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda
lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u
naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso.
Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo
uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed,
iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u
yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska.
Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah
ooy ka mid ahaayeen:
- Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii
labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey
dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa
ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah
oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba.
xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana
soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.
- Waxaa
waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo
fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya.
- Waxaa
waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga
Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka
dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga
ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa
qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha.
Yaasiin
wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar
ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa:
garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa'uddiinka iwm.
Maalin maalmaha
ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8
dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah
in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargelieyey
in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah: Amerika, Ingiriiska, Ruusha iyo
Faransiiku ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda
gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo
Libiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma
danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in
qof waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha
ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu
yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir
Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad
Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u
naxariisto.
Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah
oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka,
yey noqon doonaan 13ka asaasayaashu? Intee manta ifka ku nool? Sidee loo dhisi
doonaa xisbiga? Muxuuse oran doonaa Dhiinsgii Ingiriisku?
Dhismihii
Xisbiga
Sidaan
qeybtii hore ku
xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan
asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa
kuwaan:
1. Yaasiin Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
2. Cabdulqaadir Shiikh
Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan
Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax
Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi
Nuur 12. Maxamad Cabdalla
Xayeesi
6. Maxamad Cali
Nuur 13.Cali Xasan Maxamad "Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
Asaasayaashi Xisbiga SYL
waxaa manta ifka ku nool aniga oo ah Daahir Xaaji Cismaan oo ku nool magaalada
Ottawa, dalka Kanada oo 80 jir ah iyo Cali Maxamad Xasan "Verdura" oo ku nool
Qoryooley, Soomaaliya oo isaguna 80 jir ah. Runahaan, Xisbiga SYL waxaa dhisay
oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray. Annagu
waxaannu ahayn dhallinyaro Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu
horreeysay qaaday.
Ugu
horreeyntii, waxaan qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada "via Roma" ee
Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi
ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd
15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaamijkii Xibiga
oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka
xusuusto:
- In loo
halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda
Soomaaliyeed.
- In
shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
- In
xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada,
iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin
la'aanteed.
- In af
Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta
Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
- In
shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
- In la
tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda,
quursiga, iskala takoorka iwm.
Kuwaas ayey
ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa. Qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen
xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada dhammaan waa la isku wada
waafaqay. Yaasiin wuxuu kaloo noo soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo
Guddoomiye-xigeen. Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin xubno ka
soo jeeda qabaa'ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil
oo mustaqbalka wiiqda xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la
tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:
- Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin - Guddoomiye
- Xaaji
Maxamad Xuseen - Guddoomiye-xigeen
Yaasiin
Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la
go'aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga
ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca
ah "Somali Youth Club" ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo
yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u
go'an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka
imaan kara xaggiisa.
Subaxdii 15 Maajo 1943, waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno
xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu dalbayey
ruqsada Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga mudane Cabdulqadir Shiikh
Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga.
Dhiinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri " Waa idiin
oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi
ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo
wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka iyadoo hadda lagu jiro
xilli dagaal oo xasaasi ah" Annaguna waxaan niri hawraarsan.
Xagge
wax ka bilaabi doonnaa, mar haddii Xisbigii la furay?
Sidaan
ku xusay qaybtii 2aad,
waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan diiwaangelinno Xisbiga. Isla
markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan
afar qol ka kireeysannay daar u dhow Afarirdoodkii Xamar. Afartaas qol waxaan u
adeegsannay fasallo lagu barto farta Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Ingiriiska.
Waxaan qorannay macallin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya.
Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo
Kafee oo lacag jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto
Raadiyaha, laguna akhristo jaraa'idka si loola socdo akhbaarta
adduunka.
Waxaan
kaloo qaadnay tillaabooyin ku aadan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la
hirgeliyey calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaaraka xubinimada
(membership card) iyo qorallo qeexaya mabaadii'da Xisbiga. Waxaa xubnaha lagu
qoray tabarucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya, oo
aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno 20% mushaharkayaga.
Habeenka axadda waxaa loogu talagalay in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha
iyo in lala qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.
Shan
ilaa lix bilood markuu furanaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh.
Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta
Cismaaniya. Wuxuu yiri "Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo
ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan hawsha
Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad
lug ku leedihiin iyo in kale". Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu
ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa
xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay
Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey
Xisbiga.
Muddo
yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u
farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa.
Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku
cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey
dhawaaqa oo keliya.
Laga
bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil.
Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan
yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada,
odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas
wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo
koobi karin.
Bishii
Maajo 1947 ayaa waxaa la go'aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga,
lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:
- Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni
aan la loodin Karin.
- Damaca
gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil
loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo
maamulkiisii.
- Axsaab
Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha
oo Xisbiga laga horkeenay.
Galab
ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas
khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo
ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi
siyaasi ah, oo dagaal ba'an kula jira gumeeysiga.
Ayaamo
ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan
u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu
dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah. Wuxuu ka dardaarmay in jaga Xoghayaha
Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee
Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay
Beledweeyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu la kulmay
Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha
u naxariistee.
Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka
sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad
ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi
wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii
1956.
Qoraaladii hore, waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii
1947 ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid mudan in, bishii
Juun 1946 uu Wasiir Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane Bevin soo
jeediyey in gayiga Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku
gacanta ku hayey, la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaada, Qaramada
Midobayna kor ka ilaaliyaan. Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay
Ruuushka iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas oo
waafaqsanaa himiladeena iyo bartilmaameedka siyaasadeed. Dhanka kale,
Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya Hindisaha Ingiriiska, damacweeyna ka qabay
Soomaaliya, ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga
Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo.
Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948
Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar
imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska
iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd
xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee
shacabka Soomaaliyeed .
Intaan
guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada
Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula
dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib,
Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan
Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:
- Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay
maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda uu u geeystay ummadda
Soomaaliyeed.
- Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu
keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini
Karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir
ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.
Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey
in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba
hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska. Waxaa buuq,
sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu
maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya
Talyaani, Talyaani. Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy
cududooda muujiyaan. Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo
bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay
go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto
Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.
Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro
horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa.
Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray
Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, waa
isqaybinay. Qaar waxaan u dirnay Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar
ku qaadeen Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana
lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako).
Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo
hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay
taallada Xaawo taako.
Dhacdadii Dhagaxtuur.
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay
kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey
inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy
Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi
Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u
maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan
marnaba dalka lagu soo celin Talyaani. Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay
safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday
dahabkoodii.
Bishii
Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi
doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah
Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Ingiriiska wuxuu
soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka
mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu
jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas
loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas
ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa
halkaas lagu dhaawacay.
Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid
ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga oo Daahir ah,
Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.
21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad
Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani
ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa
maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay
“Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa
Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin
iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida
Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.
Ka dib
markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto.
Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo,
Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey
wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas
rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo
beeneeyey.
Waxaan
jeclahay inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay aniga iyo Xubinta
Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay in wakiilka Filibiin uu u nugul
yahay Leegada. Aniga oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay
inaan xiriri hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii waa isbaranay. Aad
ayuu noo taageeray, asagoo na siin jiray xog iyo akhbaar muhim ah. Waxayse iigu
darnayd maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billawihii aad ku disheen
Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo argagaxsan ayaan ku iri wax qalab ah oo
aan hayno ma jiro. Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse u qaatay in
asaga naftigiisu ku jiray halgan gobanimadoon ooy ka ahayd taariikh uruurin.
Waxaa
dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo
sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay
nin Talyaani ah. Anigu markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada
(Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay. Anigoo ka khudbeeynaya
Naadiga habeen Axad ah sidii caadadu ahaan jirtey, waxaan iri “ Waxaa habboonaan
lahayd in 8 Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga dilay”. Subaxdii ayaa
Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la ii musaafiriyey magaalada Eyl.
Leegadu
waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha
Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii,
dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada.
Waxaa
farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka
Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u
naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda
Leegada.
Guushii
halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali
ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan
hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.
Isha Qoraalkan
Yaasiin
Cusmaan "Dhagaweyne"