Thursday, January 28, 2010

Quranyow Maxammed Xiniftire Dir iyo Tuuf Garre

QURANYOW MAXAMED XINIFTIRE (GARRE)


Bari hore ayaa waxa Quranyow oo ka timid " naaneys" kii Quranka wax ku daweeyay ama " Quraamiyow" waxa uu la kulmay nin odey ah oo la oran jiray Tuuf oo ahaa ina Gardheere Samaale iyo Gabar uu dhalay oo xanuunsaneysa, waxaa la yiri Quranyow oo ahaa nin sheekha ayaa Tuuf wuxuu u daweeyay gabadhisi Makko ee xanuunsaneysay. Halkaan xiriir ayaa ka abuurmay oo Quranyow oo Gadhleh iyo nanaysta Quranyow u baxday iyo Tuuf Gardheere Samaale iyo walalkii Umaacia ayaa wada xididay kadibna sameystay xiriir xididnimo iyo walaal nimo ka dib markii ay galeen xilli ay Booranta Oromo iyo Arsi ay hoos galeen.

Gadhle ( Quranyow) Maxammed Xiniftire waxa uu guursaday Mako oo u dhashay Laba wiil oo ah Ilma Quranyow:

Furkesho ( Furkisho) oo dhalay 7 wiil Hoodkooy, Huredeeq, Daarawa, Birkaya, Hooytare, Kalweesh, Suubukitre.

Iyo Asaare oo Furkisho walaalkiis ah oo dhalay Baana iyo Kiliye. Waana ilma Xiniftire Maahe Dir. Quranyowga wexey sheegan Tuuf oo Sodog u ahaa Quranyow islamarkaan dhihi jiray Adeer baan kuu ahay iyo Quranyow in ay dhaxalka isku darsadeen oo uu Tuuf xoolihiis u dhiibay Quranyow Gaare kuna yidhi wilashiisi sidii Suul Goroyo Gaabta hadii aad ka hadhaan wiilkan adeerka u ahay qabana qabadheyda.

DADKA GARE WAA LABO:

1) Midi waa Tuuf waana Tuuf Gardheere Samaale: Gardheere wuxuu dhalay Garre iyo Umaacia

TuuF wuxuu dhalay labo wiil:

Ali ( Afarta Gember Ali) iyo Adoola (Afar Reer Muug)

Ali wuxuu dhalay: Tawulle, Kaluula, iyo Subdhaw

8da Adoola



Adoola wuxuu dhalay Qalweyn, Odomai, Kalmassa, Bursani, Tubadi, Reer Mug, Maid, Maqaabil,


2) Qeybta Badan ee Dadka Garre Waa Dir oo waa Quranyow Maxammed Xiniftire


Qarnigii 1500 ayaa waxaa Konfurta Somalia u hayaamay beelo Maxammed Xiniftire ah oo ay Ka mid yihiin Biimaal, Badimaal, Gadsan iyo Quranyow Maxammed Xiniftire oo ay walaalo yihin beelaha Isaaq, xiligan waa xiligii Axmed Gurey Cidamadiisi ay Jabiyeen Amxaarada Kiristanka ah oo Adeegsaneysa hubkii PORTAQEESKA IYO QIBTIGA (COPTICS OF EGYPT) MASAR.

Waxaa ay rumeysanyihiin Garraha qeybt Gardheere Samaalaha ah Tuuf ( Adoole iyo Ali) in ay Quranyoow maxammed xinftire Adeer u yihiin oo ay isla dhaqmeen, mid noqdeen kadib markii ay hoos galeen xukunkii Gaalada- Oromada ah ee Booran iyo Aruuso.

Waxaa ay sheegan in: Quranyow Maxammed oo Dir ah kana ah Maxammed Xiniftire Mahe Dir rumeysana in ay la dhasheen Biimaal Maxammed, Bajimaal Maxammed iyo Isaaq Maxammed iyo Madaluug Maxammed oo ay Quranyowgu dhahaan waa ina Xiniftire.

Say doontaba ha ahaatee, Gardheere Samaale wuxuu dhalay Tuuf iyo Gabadh la oran Jiray Makko, Quranyow Maxammed oo Sheikh Quraan ah ayaa Gardheere la kulmay oo gabadhisi xanuunsaneyso, Quranyow ayaa sheikh Quraan ahaa oo Saaray Quraan. Odeygii Gardheere Samaale oo dhalay Tuuf Gardheer, Garrena ah waxaa uu ugu yeeri jiray Quranyow Adeer sababta oo ah waa ka fil weynaa Dir oo Samaale ayuu toos u gali jiray.

Quranyow markii uu daweyay gabadhii Mako eey walaalaha ahayeen tuuf waxaa u hirgashay inuu yahay sheikh wax Quraamiya, Odeygii Tuuf abihii wuxuu siyay Mako oo ah gabadhii u dhalay.

Quranyow oo la baxay Aw Qurraanyo noqdayna sheeikh weyn ay Oromada Gaalada ah ee Boranta dhex dagay iyo Raxanweynta Digil.

Quranyow wexey u kala baxaan: Furkisho (Forkisho) iyo Asarre.

Waxaan ay diidaan in ay yihiin dadka ay ku milmeen sida Raxanweynta Bay iyo Boranta NFD. Marka, Tuuf iyo Quranyow walaalo ma noqon karaan ayay yirahdan Quranyowga waayo hadii ay walaalo yihiin sidee buu u guursaday Quranyow gabadha Makko ileen Walaashi abe iyo hooyo dhaleen ma geeyee.

MADOO BE DIR/ MADAXWEYNECIYAAR SOMALI- CIYAARAHA DIRKA GALBEED











FANANADII NIMCO JAMAC EE DALKA DIREED DJABOUTI

Blog Archive