Monday, July 23, 2018

A false claim on Biimaal’s Traditional Leadership Institution-By Abukar May 14, 2012



Loolankii Tana River Ee Beesha Warday Cali iyo Doorashadii Isaaq -Cabdi Jooni (Isaaq Dir /Ciise Muuse)

Loolankii Tana River
 
 
Sida horeba u soo sheegay Deeganka Tana River waxaa wada dega soomaalida gaar ahaan beesha Warday Cali (Dir), Ormo iyo Pokomo, muddo dheerna waxay isku haysteen kuraasta degmadaas, muwaafaq xumada ka dhalatay awgeed wax u dooda ayaa la waayay oo xitaa kuraastii looma kordhin oo wali waxay haysataa 3 kursi oo isticmaarku uga tagay halka demooyinka la mida ah ay heleen ugu yaraan 6 kursi. Mar waxaa xafiiltamayay Warday Cali iyo Ormo oo la isku yidhaahdo Kushitic waxaana faaiido ku qabay Pokomo oo ah Bantu, dhawaanna waxaa dagaal dhiig faro badan ku daatay dhex maray Ormo iyo Pokomo taasoo keentay in ormo u soo hoyoto Soomaalida oo u badan meeshaan Tana river kuna catowday Kushitinimo iyo waliba Muslinimo. Waxaana warday Cali Madexweyne Dir cafisay Ormo Kuraastiina Qaybsaday iyaga Ormo, qolodii Pokomo hal kursi xitaa ma helin, waxayna warday Cali Heshay Kursgii Seneterka oo uu Helay Cali Buule,iyo sedex xildhibaan halka Governerka iyo hal xildhibaan heleen Ormo, Pokomana meesha ku qaday.
Beelahii xoogaystay kuweese qaday

Beesha Garre iyo Warday cali ayaa codkoodii mideeyay waayo doorshadaan ka hor Garre hal xildhibaan bay ka heleen Mandheere oo waxay meesha ka foociyeen Beesha Dagoodiye, halka Warday hal kursi kaliye lahaayeen maantana 4 heleen ka dib markay mideeyeen codkoodii. Waxaase sanadkan la filayay in Beesha Isaaq oo beel taariikh dheer ku leh bariga afrika marna lagu qiyaasay wixii ka horeeyay sanadkii 1991 dii , Isaaqa ku nool Bariga Afrika inuu u dhigmo amase ka badan yahay Isaaqa ku nool Soomaliland. Waxay cad wayn iyo cudud ku lahaayeen East leigh(Kamakunji Seat) oo waligeed isku haysteen Kikuuyu iyo Soomali Isaaq gaar ahaan faamiliga Reer Aar( Ciise muuse ee Habar awal).



Doorashadii tan ka horaysay waxaa ku guulaystay Cabdi Jooni (Isaaq/Ciise Muuse) oo ka helay Qoladii Kikuuyo, boob ay sameeyeen kikuuyadiina uu ka soo dhacsaday, deedna lagu celiyay doorashadii. Nasiib darose waxaa dhacday nin iska joogay UN gaar ahaan Pakistaan somalida qaarkeed u yeedheen si uuna kursiga ugu fariisan Jooni qabyaald darteed, ololhiina waxaa loo bedelay waxuu tageeraa gooni goosad Somaliland ah iyagoo sawir beena oo ah Siilanyo iyo Jooni la isku macmalay oo dadkii quraafaad laga dhaadhiciyay ( Ogow Faarax Macalin waxuu kursigiisii ku waayay Somaliland buu booqday oo Olole dacaayd lagu furay). Isaaqa waxaa la filayay inay kursi ka helaan Isiolo oo ah meeshii Ingiriisku dajiyay balse ma noqon oo reer Isaaq waxay noqdeen waxaa qurbaha u hayaama, wax dhintay iyo wax Hargaysa iyo Burco aaday. inshallahu waxaa rajayn in doorashada tan xigta lagu xisaabtamo oo isaaq soo cleiyo haybadii uu ku lahaa bariga Afrika. Waxaan xasuustaa ka hor 1991kii in Isaaq ugu madaxtinimo badnaa Soomaalida sida Wasiiro Xoghaye joogto, Jannano iyo maareeyaal maantana ha sheegin oo waxaa moodaa in lagu sameeyeeyay Isir sifeen(Ethnic cleansing) oo aan u aanaynayo Isaaq laftigiisu u sabab yahay, waayo isuma hiilin oo waxay ku mashquuleen xagaas iyo Somaliland

Doorashadii Kenya: Qabaa’ilka Soomaalida Siday U Kala Heleen Kuraasta(Laba Kaclayntii Beelaha Garre Iyo Warday Plus Qaditaankii Isaaq) 17 March, 2013

17 March, 2013

Doorashadii Kenya: Qabaa’ilka Soomaalida Siday U Kala Heleen Kuraasta(Laba Kaclayntii Beelaha Garre Iyo Warday Plus Qaditaankii Isaaq)

Doorashadii Kenya: Qabaa'ilka Soomaalida Siday U Kala Heleen Kuraasta(Laba Kaclayntii Beelaha Garre Iyo Warday Plus Qaditaankii Isaaq)
Doorashadii Kenya: Qabaa'ilka Soomaalida siday u kala heleen Kuraasta(Laba Kaclayntii Beelaha Garre iyo Warday Plus Qaditaankii Isaaq)

Dalka Kenya dhawaan waxaa ka dhacday doorasho taariikhiya, ka dib markii dalkaas loo sameeyay Dastuur cusub oo Degaanada ku baahsan (counties) ogow Kenya way diiday federaalka oo waxay door biday in degmooyinkii markii xornimada la qaatay jiray loo sameeyo gudoomiye deegaan (County Governer), lana tuuro degmooyinkii tirada badnaa ee ay sameyeen madaxwenayaashii dalka soo maray.
 
Haddaba Soomaalida Kenya waxay heshay seddex degmo oo aan lagu tarxin oo kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, waxay kaloo aqlabiyad ka yihiin hal degmo oo ah Tana river waxaana la wadaaga qoomiyadaha Ormo iyo Pokomo, sidoo kale waxay degi jireen degmada Isiolo oo hadda looga batay ka dib markii Soomaalidu ka sii yaraatay gaar ahaan beesha Isaaq oo u badnayd Ingiriiskuna uga tagay. Bal aynu eegno isda qabaailka Soomaalidu u kala heleen kuraasta Barlamaan, wakiilada haweenka iyo badhasaabyada deegaanka.
 
Aan ku horayno Seddex Degmo ee u gaarka ah Soomaalida loona yaqaanay Gobalka waqooyi bari(NE) ee Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera mid walba waxaa la siiyay 6 xildibaan(MP), 1 wakiil haween, 1 Seneter iyo Badhasaab Deegaan(County Governer). Mandheera badhasaabka oo ah jagada ugu muhiimsan waxaa helay Cali Rooba Beesha Garre, Wajeera Badhasaabku waa Axmed Cabdillaahi Beesha Dagoodiye; halka Gaarisa uu helay Badhasaabku Nadiif Aden Jaamac beesha Ogaadeen. Haweenka seddex demgo waxaa kala qaatay Wajeer Dagoodiye, Mandheera Murale, Gaarisa Ogaadeen. 18 xildhibaan ee seddex degmo waxay u kala heleen Ajuuraan 1, Garre 4, Muralle 2, Dagoodiye 4,Ogaadeen 7.
 
 
Loolankii Tana River
Sida horeba u soo sheegay Deeganka Tana River waxaa wada dega soomaalida gaar ahaan beesha Warday Cali (Dir), Ormo iyo Pokomo, muddo dheerna waxay isku haysteen kuraasta degmadaas, muwaafaq xumada ka dhalatay awgeed wax u dooda ayaa la waayay oo xitaa kuraastii looma kordhin oo wali waxay haysataa 3 kursi oo isticmaarku uga tagay halka demooyinka la mida ah ay heleen ugu yaraan 6 kursi. Mar waxaa xafiiltamayay Warday Cali iyo Ormo oo la isku yidhaahdo Kushitic waxaana faaiido ku qabay Pokomo oo ah Bantu, dhawaanna waxaa dagaal dhiig faro badan ku daatay dhex maray Ormo iyo Pokomo taasoo keentay in ormo u soo hoyoto Soomaalida oo u badan meeshaan Tana river kuna catowday Kushitinimo iyo waliba Muslinimo. Waxaana warday Cali Madexweyne Dir cafisay Ormo Kuraastiina Qaybsaday iyaga Ormo, qolodii Pokomo hal kursi xitaa ma helin, waxayna warday Cali Heshay Kursgii Seneterka oo uu Helay Cali Buule,iyo sedex xildhibaan halka Governerka iyo hal xildhibaan heleen Ormo, Pokomana meesha ku qaday.
Beelahii xoogaystay kuweese qaday

Beesha Garre iyo Warday cali ayaa codkoodii mideeyay waayo doorshadaan ka hor Garre hal xildhibaan bay ka heleen Mandheere oo waxay meesha ka foociyeen Beesha Dagoodiye, halka Warday hal kursi kaliye lahaayeen maantana 4 heleen ka dib markay mideeyeen codkoodii. Waxaase sanadkan la filayay in Beesha Isaaq oo beel taariikh dheer ku leh bariga afrika marna lagu qiyaasay wixii ka horeeyay sanadkii 1991 dii , Isaaqa ku nool Bariga Afrika inuu u dhigmo amase ka badan yahay Isaaqa ku nool Soomaliland. Waxay cad wayn iyo cudud ku lahaayeen East leigh(Kamakunji Seat) oo waligeed isku haysteen Kikuuyu iyo Soomali Isaaq gaar ahaan faamiliga Reer Aar( Ciise muuse ee Habar awal). Doorashadii tan ka horaysay waxaa ku guulaystay Cabdi Jooni (Isaaq/Ciise Muuse) oo ka helay Qoladii Kikuuyo, boob ay sameeyeen kikuuyadiina uu ka soo dhacsaday, deedna lagu celiyay doorashadii. Nasiib darose waxaa dhacday nin iska joogay UN gaar ahaan Pakistaan somalida qaarkeed u yeedheen si uuna kursiga ugu fariisan Jooni qabyaald darteed, ololhiina waxaa loo bedelay waxuu tageeraa gooni goosad Somaliland ah iyagoo sawir beena oo ah Siilanyo iyo Jooni la isku macmalay oo dadkii quraafaad laga dhaadhiciyay ( Ogow Faarax Macalin waxuu kursigiisii ku waayay Somaliland buu booqday oo Olole dacaayd lagu furay). Isaaqa waxaa la filayay inay kursi ka helaan Isiolo oo ah meeshii Ingiriisku dajiyay balse ma noqon oo reer Isaaq waxay noqdeen waxaa qurbaha u hayaama, wax dhintay iyo wax Hargaysa iyo Burco aaday. inshallahu waxaa rajayn in doorashada tan xigta lagu xisaabtamo oo isaaq soo cleiyo haybadii uu ku lahaa bariga Afrika. Waxaan xasuustaa ka hor 1991kii in Isaaq ugu madaxtinimo badnaa Soomaalida sida Wasiiro Xoghaye joogto, Jannano iyo maareeyaal maantana ha sheegin oo waxaa moodaa in lagu sameeyeeyay Isir sifeen(Ethnic cleansing) oo aan u aanaynayo Isaaq laftigiisu u sabab yahay, waayo isuma hiilin oo waxay ku mashquuleen xagaas iyo Somaliland

Doorashadii 1964 Baardheere waxaa baarlamaanka kasoo galay laba xildhibaan - Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir


Fadlan : Tariikhda Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir nala wadaaga hadii aad haysaan ama Sawirkiisa
 
 
 
Doorasho baarlamaan oo ku celis ahayd “by election” oo la qabtay 15/01/1960, Luuq waxaa kasoo galay laba xildhibaan (Cabdikarim Xussen Malakh, Raxanweyn iyo Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir). Doorashadii 1964 Baardheere waxaa baarlamaanka kasoo galay laba xildhibaan (Keenadiid Amed Yuusuf, Ajuuraan iyo Xaaji Sid Bakar Shariif Cismaan, Raxanweyn) guud ahaan geyiga Soomaalida waxaa laga yaqaan halkudhegga “Baardheere waa beled Ajuuraan”.

Blog Archive