Friday, August 24, 2012

Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali : kuwa la soo dhoodhoobay ee ugaasyada lagu sheegayo nama hakin karaan”


Dhawaan waxaa lagu wadaadaa in uu ku furmo xarunta gadiidka booliiska ee Magaalada muqdisho anisixidii qabya qoraalka ee looga fadhiyo in ay ansixiyaan ku dhawaad 825 oo ka mid ah odayaasha dhaqanka oo laga kala keeni doono Goboladda Dalka oo dhan, lakiin sida uu sheegay Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali Ugaas Xuseen oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Rasmiga ah ee Beesha Biimaal in uu dareemay in uu ka jiro xafiiska ra’isulwasaaraha is bar baryaac u dhexeeya ugaasyada dhabta ah ee beesha Biimaal iyo ugaasyo macmil ah oo uu ku tilmaamay kuwo gardaro oo ay hoosta ka wadaan xildhibaan iyo wasiir uu ku shegay in ay ka soo horjedaan Ugaasyada dhaqanka ee beesha aqoonsan tahay kuwaas oo kala ah

1. Ugaas Axmed Ugaas Sid Cali Ugaas Xuseen
2. Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali
3. Iyo Ugaas Faarax Cabdi Shiikh

Blog Archive