Sunday, March 11, 2018

Firkii Hore Ee Beesha Direed iyo Tarikhdooda- Ancient Dir Folklore

Beelah Direed ee konfurta Somalia (Mudug/Galgaduud/Sh.Hoose) dagan waxa
ay sheegan in odeyga Direed uu dhalay Afar wiil oo kala ah:



Madaxeyne Direed oo curad ah, Mahe Direed oo ku xigeen ah, iyo labada
kale oo kala ah Madoobe Direed iyo Mandaluug Direed oo ugu yar da'a
ahaan marka la eego.




Taarikhiyan waxa ay rumeysanyihiin Dirka Galbeedka iyo Konfurta dagan
dhoor qodob oo ku saabsan tariikhda hore.


1)Dadka Direed in ay ka yimaadeen dhankan Galbeedka bilawgii, kunsano
ka hor.



2)Magaca Dir in uu macnahiisu yahay "Fir" ama Ab. Oo lagu macneyn karo
geesi ama Dhiire.


3)Konfurta Dirta dagan wexey rumeysan yihiin in ay Dirka xukumi jireen
Saladiin loo yaqiin ROOBLE oo ahaa ilaaliyaasha Xeerka iyo caadada
beesha.


Rooble- Xeerbeegti,Qareemo, amanduuleyaal,Roobdoonayal,iyo mareynta
reerka ayaa lagu aqoon jiray.Guud ahaana waxa ay ilaalin jireen xeerka
oo Dirku rumeysnaa in ay ka dhaxleen Dir Aji abkoodi hore. Madaxdan oo
loo aqoon jiray Roobleyaash dadku wey ixtiraami jireen ila heer xitaa
isha laguma godi jirin, oo xitaa "ILKULULe" ayaa loo aqoon jiray.



4)Waxa kaloo ay rumeysan yihiin in Zeylac magalada la yiraahdo ay Dir
badan soo jidatay qarnigii (700 AD) halkaas oo ay ka soo dageen Asxaab
badan oo Rasuulka(Caleyhi salatu wa salaam) u soo diray magaalada
Zailac Hijradii koowad. Oo dadka Direed iyo Canfarta (Oday Caliga) ay
waagii danbe ka wada asaseen labo boqortooyo oo la kala dhihi jiray
CIFAT iyo Cadal.


5)Dirta koonfurta iyo Galbeedka dagan waxa ay rumeeysan yihiin oo kale
in 1400 ay dhaceen dagaalo far badan oo xabashida iyo muslimiinta is
dagaaleen. Ilaa ay xabashida oo adeegsaneysa (Portugees)burtaqiis ay
cagta mariyeen boqortooyoyinkii Musliminta oo kuwa Direed ee Cifat iyo
Awda ka mid ahayeen.


6)Dhamaan waxa ay rumeysan yihiin Dirka in ay door weyn ka ciyaareen
fidinta diinta Somalia iyo Ethiopia dhexdooda.
Sheekhyada waaweyn ee geeska Afrika sida Sheikh Xuseen Bali, Aw
Barkadle, Awbarre iyo qaar kale ay Cadal iyo Cifad ka soo jeedan.


4)Beelaha Biyomaal iyo Suure iyo Guure waxa ay sheegan in 1600-1750 ay
u soo guureen duleedka dalka (Gobalada dhexe iyo labada wabi dhexdooda)
mudo yar ka dib dagaladii Axamed Gurey iyo Amxaarada.

Blog Archive