Gabeygaan waxa loogu magac daray raga haatan la baxay Damal Muuse oo Dir Rooble la dhihi jiray !!!!! Waa cajaib
Majeerteen iyo 
Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey 
Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku 
noqday:
- Bah Dir majnuun inay wada tahaan, marag u haystaaye
 - Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode
 - Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere
 - Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe
 - Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne
 - Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso
 - Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto
 - Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne
 - Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay
 - Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane
 - Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne
 - Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso
 - Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba
 - Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e
 - Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede
 - waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye
 - Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye
 - Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye
 - Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre
 - Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane
 - Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye
 - Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne
 - Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe
 - Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne
 - Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane
 - Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya
 - Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha
 - Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya