Monday, July 9, 2018

Sawiro Caleemo Saarka Suldaanka Guud ee Biimaal Maxamed Xiniftire (Sawiro)

Daawo Siday U dhacday Xaflada Caleema Saarka Suldaan Dr Ibraahim C/hi Cadow


 Kulan weynaha lagu caleema saarayey Suldaanka Guud ee Beesga Biimaal, Suldaan Dr Ibraahim C/hi Cadow oo ka dhacay Degmada N0 50 ayaa waxa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan eebulshada deegaanka iyo Marti sharaf kale.

Marti sharaf kala duwan oo ka kala timid Gobalada Banaadir, Shabeekada hoose, jubbooyinka iyo Urur wakiil ka ahaa Gobolada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa nasiib u yeeshay in ay goob joog ka ahaadaan xaflada Caleema saarka Suldaanka Beel-weynta Biimaal.


Waxaa sidoo kale Xaflada ka qeyb galay Golaha Wadatashiga Beesha Biimaal, Golaha Samata bixinta Deegaanka, Ururka Daryeelka Bulshada iyo ururo kalae.



Taliska Ciimada Deegaanka iyo Taliska Ciimada amisom ayaa iska kaashanaeyey sugidda Amniga goobta xaflada lagu qaabtay.
Xaflada ayaa waxa loo asteeyey halka loo yaqaan shanta Geed oo ah goob inta badan lagu qabto kulamada iyo munaasabadaha waaweyn.



Waxaa goobta lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka, Suldaanka ayaa loo dhisay aqal Soomaali, afaafka hore laga dhigay dhiil iyo ameeel iyo waxyaabo lagu muujinayo dhaqanka soo jireenka ah.



DSC00817Markii Suldaan cadow uu soo gaaray goobta Xaflada, ayaa waxa uu galay aqalka soomaaliga loo dhisay, wuxuu kasoo qaatay tusbax iyo Riir meesha ku diyaarsanaa, inta albaabka uu soo istaagay ayuu salaan u taagay dhamaan kasoo qeyb galayaasha kulanka.
Marti sharaf kala duwan oo xaflada ka hadlay ayaa dhamaan ka sheekeeyey soo nooleynta dhqanka soo jireenka ah, waxaana ay ugu baaqeen Suldaanka inuu Beeshiisa ku hogaamiyo dhabaha toosan.
Waxaan idin soo gudbin doonnaa, sawiro kale oo dheeraad ah iyo Muuqaalada Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay oo ay ku jirto khudbada Suldaanka.
DSC00724Kooxda Bar-baarta Gaashaaman oo ka mid ah garabyada ugu culus marka la gaaro xafladaha ayaa suugaan kala duwan soo bandhigay, waxaana intooda badan ay ku cabireen dhaqanka soo jireenka ah ee Beel-weynta Biimaal iyo sida ay u maroorsdeen kooxo yar oo aan raja ka leheyn hormarka Beesha.

DSC00713 DSC00714 DSC00715 DSC00716 DSC00717 DSC00718 DSC00719 DSC00721 DSC00722 DSC00723 DSC00724 DSC00725 DSC00726 DSC00737 DSC00749 DSC00750 DSC00751 DSC00752 DSC00753 DSC00754 DSC00767 DSC00778 DSC00779 DSC00780 DSC00781 DSC00782 DSC00783 DSC00784 DSC00785 DSC00786 DSC00787 DSC00788 DSC00789 DSC00790 DSC00791 DSC00792 DSC00793 DSC00794 DSC00795 DSC00796 DSC00797 DSC00798 DSC00799 DSC00800 DSC00801 DSC00802 DSC00803 DSC00804 DSC00805 DSC00806 DSC00807 DSC00808 DSC00809 DSC00810 DSC00811 DSC00812 DSC00813 DSC00814 DSC00815 DSC00816 DSC00817 DSC00818 DSC00819 DSC00820 DSC00821 DSC00822 DSC00823 DSC00824 DSC00825 DSC00826 DSC00827 DSC00828 DSC00829 DSC00830 DSC00832 DSC00833 DSC00834 DSC00835 DSC00836 DSC00837 DSC00838 DSC00839 DSC00840 DSC00841 DSC00842 DSC00843 DSC00844 DSC00845 DSC00856 DSC00859 DSC00861 DSC00871 DSC00873 DSC00881 DSC00890 DSC00891 DSC00908 DSC00919 DSC00925 DSC00928 DSC00929 DSC00936 DSC00937 DSC00938 DSC00939 DSC00940 DSC00941 DSC00942 DSC00960 DSC00961



Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Blog Archive