Saturday, May 5, 2018

Abtirsiinyada Direed Afarta Direed iyo Adeerkood iyo Sida ay ugaga Daydeen Qabaailka Somaliyeed iyagoo Faal u Arka in Afar iyo Adeer ay Ayaan iyo Nasiib iyo Naruura Ku Dheehantahay




Dirbaa ugu horeyay oo aasasay Xeerkii Aji iyo Abtirsiinyo Afar iyo Adeer Ah. 600dii boqol ee sano  la sood hafayna dalkii wuxuu wada noqday 4 iyo Adeer.




Qoraalkaan waxa uu ka hadlayaa 2003 kii qoraal aan kaga hadlay in Abtirsiiyada Somalida oo dhan ay ka koobantahay qabiilada oo badanaa ku abtirsada Afar iyo Adeer oo ay oga daydan hanaanka beesha Direed oo bilowgii lagu magacaabay Afarta Direed- Madoobe, Mahe, Mandaluug iyo Madaxweyne Direed iyo Adeerkood Digaale.

Waxaa jirta in ka Dib Dir Aji uu dhalay Afar iyo Adeer oo ay tarmeen in Qabiil walaba oo Somaliya oo laysku Dayay ka dib in la sameeyo abtir la yiraahdo waxaa naruura ah in Afar iyo Adeer laga dhigo iyadoo looga dayanayo Ab Saxankii ugu horeeyay ee Aji laguna Day day beesha Direed.


Gabey boqol sano ka badan jira oo uu  tiriya abwaanka weeynaa ee Ali Xasan Seenyo oo beesha  reer Agoon Surre  ka soo jeeday ayaa waxaa ku jirtay tix uu uga hadlayay Aji Direed Afartiisa wiil iyo adeerkood iyo sidey Zailac ilaa Doolow dadka daga ay faal uga dhigteen ku dayashadiisa iyagoo mooda in ay ku xadikaaran ayaanka iyo dadnimada Aji Dir.

https://beeshadireed.blogspot.ca/p/beesha-suure-xeerkii-hore-ee-beesha.html

Waakan Qoraalkii aan Qoray 2003




Muddo haatan laga joogo 1400 sano ayaa Odeyga Direed dajiyay Xeerkii ugu horeeyay uuna ka soo kicitamay Waqooyi Galbeed iyagoo ay fidinayaan afarta Direed(Maahe, Madaluug,Madoobe iyo Curadka Madaxweyn) iyo adeerkood (Digaale) xeerkii Aji ayaay qabsadeen beelahii Sagaalka Samaale iyo Qowmiyadihii kale ee dalka ku dhaqnaa ama geesta Africa. 110 Qabiil ayaa qaatay xeerkii Direed ee xeer aji waana tan sababta ay dad badan u yidhahdaan odeyga Direed wuxuu dhalay cadad ah 114.


Waa dhab Samaale wuxuu bilaawgii ka koobnaa 9 qabiil oo maanta aynu u naqaano 9kii Samaale oo ay ka joogaan beelaha Sida Meeyle Kunshiile Uur Midig ama Xawaadle, Huuber, iyo sida Cawaramalah.

Hase ahaatee markii uu xeerka aji Soo baxay oo dadkii geeska Africa ku wada noola ay qaateen Xeerkii Direed ee Xeer Aji dhamaan dalka wixii ku noola wexey noqdaan Aji Dir oo 110 beelood oo dalka dagi jiray ayaa ku biiray qaatayna hab dhaqameedka iyo xeerkii cusbaa oo ku saleysanaa Xeer Ajiga. Magaca Umadii sameysmatayna waxaa uu noqday Aji ama Kuwii xeerka Samaa oo Markii danbe isku badalay Samaaleh ama kuwii lahaa xeer samaa-Leh. Beenaha la abuuray mudooyinkan danbe waxaa ka mida in la yiraahdo Samaale waxaa uu ka yimid Soomaal (Soo-maal)oo ku saleysan hasha soo-maal oo kale.

Waa been ee Samaaleh wuxuu ka yimid Dhaqan iyo Hide iyo Xeer uu keenay Dir Aji oo Dad fara badan qaateen iyaagoo u arkaya hab nolaleedkaa Direed mid sare oo Samoleh, Ka dib 9kii beelood ee ka koobnaa 110 qaateen Xeer ajigii waxaa ay umadii geeska Africa ku nooleed noqotay Aji ama kuwii qaatay Dhaqankii Samaada-lahaa ama Somali. Waana Sababtan dadku u arkaan in ay ka askumeen Dir xitaa Dir oon Dhalin dadkoo dhan hadana Somalida Maxayga ku hadla waxaad ku arkeysa in ay Dir saa u arkaan oo dhaqankooduna Dir aasaasay. Tusaale ahaan : Xeerka iyo Dhaqanka kaliya loogama dayan Dir ee xitaa abtirsiinyadooda sida:afarta Direed(Maahe, Madaluug,Madoobe iyo Curadka Madaxweyn) iyo adeerkood (Digaale) ayaa la raacay. Qabiilkasta oo Somaaliya ku nool waxaa uu raacaa "formula" habkii Direed ee Afarta iyo Adeerkood bal daras qabiilkaad doonto waa Afar iyo Adeere: 4 Absame iyo Adeerkood, 4 Habar Gidir iyo Adeerkood, Xawaadle 4 Cabdale iyo Adeerkood Samafale, 4 Habar Awal iyo Adeerkood Makaahil, 4ta iyo adeerku qabiil aan laheyn waa yar yahay. Afarta Cabdale iyo Adeerkood Habar Deel oo ah qeyb kamida Beesha Surre ee Dir ayaa gabyaagoodi weynaa Ali Xasan Seenyo ayaa tilmaamay boqol sano ka hore tilmaamay oo sheegay in ninkii burjiga Aji iyo xeerkooda kudayashadiisi hore raba inuu arko ha dhexmaro Somali weyn oo dhan hana soo arko sida ay beeluhu ula wada baxeen Afar iyo Adeer isagoo sheegay in ay ahayd astaan Burji raadis ah oo ay waaqfaal ku donayeen in ay ayaanka Aji yeeshan.


Qoraal Cusub oo 2016 Internedka la soo Galiya ood mood in uu ku saleeysanyahay Tariikhdaan Surre Dir ee boqolalka Sano Soo jirtay


(Hadhwanaagnews) Thursday, March 17, 2016 15:46:24
Majeerteen (inta badan) wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Maxamuud Saleebaan iyo adeerkood Cali Saleebaan.



Beelaha dega Soomaalilaan ilaa geeska koonfureed ee Soomaaliya haybtooda waxa ay Intood badani ka siman yihiin inay ka kooban yihiin afar walaalo ah iyo adeerkood. Beelaha Soomaalida ah ee ku nool deegaanka Geeska Afrika ayaa haybtoodu tahay afar iyo adeerkood. Afartu tiro ahaan waxa ay sheegtaan inay  badan yihiin, halka adeerkoodna la yidhaa wuu yar yahay, in kastoo aan la hayn tiro-koob sax ah. Bal aynu halkan ku soo bandhigno Haybtaasi ka kooban afar iyo adeer.

ü  Majeerteen (inta badan) wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Maxamuud Saleebaan iyo adeerkood Cali Saleebaan.

ü  Sacad Muuse (inta badan) wuxuu ka kooban yahay afarta ilma abokor iyo adeerkood Makaahiil.



 Gadabuursi wuxuu ka kooban yahay afarta ilam Samroon iyo adeerkood Gobe


ü  Mareexaan wuxuu ka kooban yahay afarta Amaanreer iyo adeerkood Xasan

ü  Habargidir waxa ay ka kooban tahay afarta ilma Madarkicis iyo adeerkood Duduble
ü  Absame wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Absame iyo adeerkood Gelimeys
ü  Mudulood wuxuu ka koobaxan yahay afarta ilma Cismaan iyo adeerkood Hillebi
ü  Biyomaal wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Eremegge iyo adeerkood Dabruub
ü  Xawaadle wuxuu ka kooba yahay afarta ilma Samatalis iyo adeerkood Awsan
ü  Reer Xamar (Banaadiri) wuxuu ka kooban yahay afarta Banaadiri iyo adeerkood Shaanshi
ü  Garante Samaale wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Saransoor iyo adeerkood Hoon
ü  Jareerweyne wuxuu ka kooban yahay ilma Makanne iyo adeerkood Shiidle
ü  Luwaay wuxuu ka kooban yahay afarta Kulmis iyo adeerkood Miingaay
ü  Begedi ( Deegaanka Awdheegle) wuxuu ka kooban yahay afarta Abbaa-Abbaa iyo adeerkood Uraabe
ü  Reer Daafeed wuxuu ka kooban yahay shanta caleemood iyo adeerkood.
 


Blog Archive