Saturday, December 15, 2012

PROF. AXMED I. SAMATAR: "Soomaaliya waxaa u billaabatay Rajo cusub oo ay kaga baxayso Fowdada iyo Colaadaha"


Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, haatanna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya uu u billowday xilli cusub oo ay kaga baxayso fowdada.



Mudane Samatar wuxuu sheegay in doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia ay u horseedayso dalka inuu ka baxo muddo dheer oo uu colaado kusoo jiray uuna u gudbo in dib loo dhiso dalka, sidoo kalena lasoo celiyo dhaqaalihii oo muddo hore lumay.



"Isagu [Xasan Sheekh] waa nin daneynaya dalka," ayuu yiri Prof. Samatar oo ah guddoomiyaha dhinaca siyaasadda ee xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah xisbiyadii ku tartamay doorashadii madaxnimo ee Muqdisho ka dhacay bishii Sepmeter ee lasoo dhaafay. "Hoggaamintiisa waxay Soomaaliya u horseedaysaa mustaqbal ifaya oo ah mid ay Soomaaliya dib ugu dhalanayso."



Soomaaliya waxay muddo sannado ah la daalaa-dhacaysay dagaallo sokeeye oo ay dad badan naftooda ku waayeen, waxaana doorashadii ka dhacday Muqdisho ay noqonaysaa tii labaad oo si xorriyad ah uga dhacda caasimadda muddo 42-sano laga joogo.



"Dalkeennu wuxuu noqonayaa halkii ugu horreysay oo ka tirsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaaraha oo ay ka dhacdo doorasho xor ah oo murashaxiin laga guuleystay uu ku ogolaaday in looga adkaaday doorashada, isla markaana qira in in doorashadu ay ku dhacday si xor ah," ayuu yiri Prof. Samatar.



Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u tahay doorashadan oo kale markii labaad, iyadoo 1967-kii ay Soomaaliya noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka hooseeya saxaaraha Afrika oo ay ka dhacday doorasho lagu adkaaday oo labadii murashax ee tartamayay ay ogolaadeen.



Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaysa tii afaraad oo dalka soo marta, iyadoo ay ka horreeyeen dowladdii uu hoggaaminayay marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), marxuum C/rashiid Cali Sharma'arke oo labaduba ahaa kuwo rayid ah iyo dowladdii uu hoggaaminaya marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku qabsaday xukunka awood milateri.



"Ma jiro dowlad Afrikaan ah oo xorriyadeeda qaadatay sannadkii 1960-kii oo ay ku dhacday mid la mid ah dhibaatada ku dhacday Soomaaliya," ayuu yiri Samatar oo intaas ku daray: "Soomaaliya waxaa u billaabatay rajo cusub oo ay kaga baxayso Fowdada."



Prof. Samatar wuxuu sheegay in 15 sano ka hor aan la qiyaasi karin mustaqbalka Soomaaliya, balse ay xaaladdu hadda si aad ah uga duwan tahay xilligaas, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay hadda ka muuqdaan rajooyin cad-cad oo muujinaya inay ka bixi karto colaadihii muddada soo socday.



Ugu dambeyn Prof. Samatar wuxuu sidoo kale sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay isku dayeen inay burburiyaan dhaqanka Soomaalida, sido kalena hoggaamiyeyaashii kooxaha ayuu ku eedeeyay inay afduubeen fursadihii Soomaaliya soo maray iyagoo eeganaya danahooda gaarka ah, balse labada dhinacba ay iyagu burbureen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya





Blog Archive