Sunday, July 1, 2018

Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin-Beesha Gurgure Madaxweyn Dir ( Tacsi 2015 Nov 3dii)


Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin Oo Todoba Sano Kahor Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

Beesha Gurgure Madaxweyn Dir

November 3, 2015

 

Waxaa Maanta oo kale sanadkii 2008-dii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya Allaha u naxariistee marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee soo maray hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi oo ahayd hormuudkii fanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa geeridiisu timid ka dib markii ay la soo derseen xanuuno iyadoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn ee kaalinta weyn  ka soo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed kaas oo uu kusoo jiray ku dhawaad 50 sano, waxaana abwaanka lagu xusuustaa riwaayado iyo heeso badan oo lagu soo bandhigay masraxyada dalka, kuwaas oo aan marnaba duugoobeyn

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ma ahayn oo keliya abwaan wax curiya ee wuxuu sidoo kale ahaa heesaa cod halaasiya leh dadkuna aad ugu riyaaqaan marka dhagahooda ay soo gaarto hees uu ku luuqeeyo Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Taariikh Nololeedkii Abwaan Cabdi Muxumed Amin

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, waxaa uu ku dhashay Gabiley 1935-tii, Waxaa uu ahaa Sugaan yahan iyo Abwaan Soomaaliyeed

Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa.

Waxaa dalka Sweden lagu daabacay, buug loogu magacdaray Diiwaanka Hilin Hayaan, oo lagu uruuriyay murtidii, maansooyinkii iyo heesihii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Waxaa buugan daabacay ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxaana uu ka kooban yahay buugan ilaa 296 bog.

Abwaanka Cabdi Muxumed Amiin ayaa ahaa Suugaanyahan aad ay u tixgeliso bulshada Soomaaliyeed oo caanka ka ahaa waddanka Somalia.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah:-

Haddii Dayaxii La Tagay”, Ma Doonayaan in aynu Dowlad ahaano”, Dadka Dhinica ka raac, ururka Caafimaadka, Muufow, Muufo Macaan.

Abwaanka waxaa uu leeyahay ilaa 120 hees, waxaa uu ahaa Wadani.

 

 

 

Allaha u naxariisto Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo xalay ku geeriyooday Nairobi

 

Allaha u naxariiste Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ka mid ah abwaanada Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ayaa barqanimadii maanta lagu aasay, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan iyo qaar ka mid ah abwaano iyo fanaaniin.


Marxuum Cabdi Muxumed Amiin oo ku xanuunsanayay mudooyinkan Cusbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xanuun is biirsaday oo ay ku jirtay Beer xanuun uu u dhintay.


Allaha u naxariistee Cabdi Muxumed Amiin oo aad loogu soo xusuusan dooni suugaantiisa kala duwaneyd ee u badneyd kuwa wadniga ayaa waxaa uu dhashay sanadkii 1935-tii, waxaana uu ku dhashay Deegaanka Gabilley oo u dhaxeysa Magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa.


Abwaanka wuxuu fanka ku soo biiray 1953-dii, isagoona xilligaas usoo wareegay Magaalada Muqdisho oo inta badan waxbarashadiisa ku qaatay, waxaana uu ka mid noqday hal abuurayaal caan ah oo alifay heeso Wadani ah.





Dhowaan ayay aheyd markii Suugaantii uu sameeyay Abwaanka lagu soo bandhigay Buug, waxaana suugaantiisa oo ka koobneyd afar marxaladood oo ka bilaabatay 62-dii ilaa 2006-dii waxaa lagu qoray buug loogu magac daray "HILIN HAYAAN" kaasoo lagu soo daabacay Dalka Sweden.


Dadka soomaaliyed ayaa abwaan Cabdi Muxumed ku soo xasuusan doona Heesihiisa caanka ahaa Sida Heestii CEYNAANKA NOO HAAY, LAANGARUUSAL iyo heestii caanka aheyd ALLOW MAXAAN GUD ABEESA GALAY, heestaasoo abwaanka laftiisa ku qaaday Magaalada Cadan ee Dalka Yemen sanadkii 1980-kii, xilligaasoo lagu dilay Dalka Ethiopia rag ay saaxibo ahaayeen.


Sidoo kale dadka soomaaliyed ayaanay ilaabi doonin heestii LAANGARUUSAL oo ay ku luuqeysay fanaanada Saado Cali Warsame, waxaana heestaas uu fanaanku alifay xilligii dalka uu ahaa cago barar, isla markaana dadka tujaarta ahi ay iibsan jireen Laangaruusalka, oo xilliyadii hore ahaa gaariga kan ugu qaalisan.


Allaha u naxariistee Abwaanka ayaa ifaka kaga tagay saddex wiil iyo shan gabdhood, waxaana Abwaan Cabdi Muxumed Abwaan oo dhowaan tagay Magaalada Nairobi uu doonayay inuu kaga sii gudbo Magaalada LKondon, halkaasoo ay ku casuumeen kooxo fanaaniin ah oo dooneysa inay bandhig faneed ku soo bandhigaan.

 

Saturday, 11 April 2015

"Maxaan Keligeey Hammiyay" Cabdi Muxumed Amiin


Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUNwuxuu ahaa mu’allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wada socdeen. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud. Allah ha u wada naxariisto.

 

 Xabbaduhu Cabdi wey dhaawaceen wuuse ka badbaaday. Dabadeed Yemen ayuu u qaxay. Magaalada Cadan wuxuu ku tiriyay hees ay ka muuqdaan murugo iyo ciil fara badan. Laakiin wadata rajo iyo guul uu hubo oo uu higsanayo. Sheekada Cabdi Muxumed waxaan ka dhegeystay wareysi saacad ah oo uu weriye Yusuf Xasan uga qaaday abwaanka magaalada Djibouti oo uu markaa joogay. Wareysiga hadda ka hor ayay sii deysay BBC.

 

 

 

 

Maxaan hog abeeso galay

 

Maxaan halaqyo ugu tegey

 

Maxay miciyo i heleen

 

Maxaan waabaay hirqaday

 

Oo Maxaan geerida ka harayee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Maxaan keligeey hammiyay

 

Kuwii hiil iigu xigay

 

Hareertay maxaan ka dayay

 

Muxuu igu dumay habeen

 

Oo Maxay ilmo hibiq i tidhiyee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Maxay talo iga hab tidhi

 

Maxaan hiil mooday Jiin

 

Oon sidii caanaha hirqaday

 

Habsaamay oon hadalka gabay

 

Oon u hoyday meel aanan hubinee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Badweynta maxaan hirqaday

 

Maxaan gacan haadis galay

 

Maxaan xumbo halabso idhi

 

Intaan naftu iga haf odhan

 

Kalluunle ayaa i helayee

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya

 

 

 

 

Hobeey Caashaq huursanow wah

 

Hobeey Hurdan taaganow wah

 

Hobeey Ubax ii hireey wah

 

Hobeey Guul aan hubooy wah

Hobeeya hobeey hobeeyaa

Hobeeya hobeey Hobeeya.

 
 
 
 
 
 

Daawo Gabayadii iyo Heesihii Cabdi Muxumed

 

Blog Archive