Sunday, March 4, 2012

Wuhan SOMALIS Guangzhen Somalida Dalka Shiinaha Joogta

Videos from Wuhan Somali Students Association-29 May 2010
Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Soomaalida ku nool dalwaynaha Shiinaha. Waxaa dhawaan ka dhacay Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dhul waynaha shiinaha, kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen soomaali ku kala nool Gobolada kala gadisan ee shiinaha. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay safaarada Soomaalida ee dalka shiinaha, Ganacsato soomaaliyeed ee ka kala ganacsatada Gobolada Ganacsiga ee YIWU iyo Guangzhou iyo ardey soomaaliyeed ee wax kabarata Jaamacado ku kala yaala Gobolo kala gadisan oo wadanka shiinaha ah. Shirweynahaan ayaa u jeedadiisu ay ahayd sidii ay isukaashan lahaayeen Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool wadanka shiinaha oo aan horey taariikhda sidan oo kale meel isugu wada imaan dad intaas tiro le’eg oo soomaali ku nool wadanka shiinaha oo ka kala timid gobolo kala gedisan. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada wuhan Jaamacadeheeda kala ah Huazhong university of science and technology, Wuhan University, china Geo-science university iyo Tongi Medical Collage.
Kulamada ayaa bilaambay 01/02/2010 waxayna ku ekaayeen 02/05/2010 iyadoo inta badan aan loo kala kicin shirar badan oo is xig xigey Ergedii ka soo qeyg gashey Shir weynaha Soomaalida ee wadanka Shiinaha waxay kala ahaayeen :- 1. Qunsulka Safaarada soomaaliyeed ee Wadanka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kulane 2. Gudoomiye xigeenka Gudiga Ganacsatada YIWU Mudane Siciid Jaamac Mire 3. Hogaamiyaha Ergada Guanzghou Mudane Cali Macow Xaaji 4. Dr. Xuseen Abshir Xasan 5. Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee WUHAN Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Qooje 6. Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee Jilin Maxamed Rashaad Sh. Cali 7. Wakiilka Ardeyda Xian Cabdiweli 8. Ganacsade Guangzhou Cabdullahi Mumin 9. GanacsadeGuangzhou Cabdiraxmaan Jeylani 10. Ganacsade Guangzhou Cali Catoosh 11. Ganacsade YIWU Maxamuud Saney 12. Ganacsade YIWU Maxamuud Salaad. 13. Ardey Cabdulqadir Faarax Maxamuud Jilin 14. Ardey xasan Axmed Ibraahim Jilin 15. Ardey Cabdullaahi Haadi huanghou 16. Gudoomiye Ku xigeenka WSSU Feysal Axmed Salaad 17. Xiriirayaha WSSU Cabdifataax Cumar 18. Waacidka Wuhan University Axmed Maxamed Cal 19. Xogahay Tongi Maxamed Cumar Shirarka qaatey mudadi labada bari ah oo ahaa kuwa kala gooni gooni u ah ugu danbeyntii hal meel la isgu yimid ayaa waxaa la iskula gartey mudo sadex bil gudaheed ah in jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalwayaha Shiinaha loogu sameeyo Maamul. Waxaana Habeenimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 02.05.2010 dhamaan Ergadu ka qeyb galeen Xaflad aad u balaaran oo ay ku sugayeen ardey Gaareysa 300 sadex boqol oo wax ka kala barta jaamacadaha Wuhan, kuwaas oo halkaas ay kula hadlaan wafuuda kala gadisan ee ka kala timid gobolada. Dhamaan dadkii ka hadlay xaflada ayaa u soo jeediyey ardeyda Waano iyo talooyin ku aadan waxbarashadooda iyo isku xirnaanta soomaalida wadankaan. -In wax barashadooda ay ku dadaalaan. -In lagu dadaalo diinta iyo ku dhaqankeeda -In ay dhowraan shuruucda iyo dhaqanka dowlada ay martida u yihiin -Iney dhowraan sharafta Somaalida inta ay joogaan dalka shiinaha -In baahi loo qabo isku xirnaanta Soomaalida ku nool dalka shiinaha Dr. xuseen Abshir Xasan oo ka hadlay xaflada ayaa tilmaamay Muhiimada uu leeyahay Kulankaan oo aan Abid taariikhda wadankaan horey uga dhicin maadaama dadka soomaaliyeed ay sanadihii u danbeeyey ku soo badanayeen wadanka shiinaha, Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Wuhan Maxamed Cabdiraxmaan Faarax ayaa uga mahadceliyey dhamaanba sida ay u soo ajiibeen waqtigana u dhowreyn qeybihii kala duwanaa ee lagu casumey shirkaan. Qooje waxuu ku tilmaamay Ganacsatada Soomaaliyeed kuwa ah aqoonyahono isla markaana horey u soo ahaan jirey ardey garanayana Xaalada ardeyda, waxayna mar walba si hagar la’aan ah u garab istaagan yihiin ardeydooda soomaaliyeed iyagoo u arka iney yihiin Mustaqbal wadanka Soomaaliya . Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Shiinaha Mudane Cawaale cali kulane oo ka hadlay Xaflada ayaa isna si diiran u soo dhaweeyey howsha ardeyda waxuuna ku tilmaamay mid si aad ah uu ugu faraxsan yahay, waxuuna balan qaadey in ardeyda ay safaaradu mar walba garab istaagan tahay. Intii ay socotey xafladaan ayaa waxaa Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Wuhan ku soo bandhigeen Riywaayado, heesta calanka barnaamijyo iyo waliba Muxaadaro diini ah oo si toos ah khadka Teleefoonka uu uga soo qeyb qaatey Shiikh Cabdirsaaq Aaadam oo Magaalada Muqdisho Jooga. Maxamed khadar

Blog Archive