Sunday, July 30, 2017

Ab Tirsiinyada Reer Xamarka - Somali Banaadiri Geneology and Chart




http://karanle.blogspot.ca/2015_03_01_archive.html

Thursday, July 27, 2017

Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Somaliland Suldaan Abshir Xasan Oo Lagu Caleemasaarey Deegaanka Goray xamse | December 12, 2016

Isniin.12.12.16Harg(SM)Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Somaliland Suldaan Abshir Xasan Oo Lagu Caleemasaarey Deegaanka Goray Ee Katirsan Kalabeydh Gobolka Gabiley + SAWIRRO

Hargeysa, (SM) — Beesha Akisho ee katirsan Beelaha Somaliland ee Dega Gobolka Gabiley ayaa maanta Suldaankii Guud ee Beeshaasi  ay doorteen Lagu caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Kalabeydh Gobolka Gabiley Suldaan Abshir Xasan Cali oo ay ku caana shubeen Salaadiin iyo madaxdhaqameed lagu soo Casuumay Xaflada Caleemasaarkiisa Guud ahaanba Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Somaliland.

Munaasibadan Xafkada Calaeemasaarka Suldaanka Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali si heersare ah loo soo agaasimay oo ashaqraar iyo ilqabatin leh ee lagu caleemasaarayay Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Dhinaca Somaliland Suldaan Abshir Xasan Cali waxaana kasoo qeyb galey Caleemasaarka Xaflada Suldaanka inta ugu badan ee Salaadiinta Somaliland Ugaasyo,Cuqaal,Siyaasiyiin,Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Guurtida iyo Golaha Wakiilada Culumaa,udiin,Haweenka iyo Bulshada Gobolka Gabiley,Madaxda Xisbiyada Qaranka,Masuulyiin iyo Marti Sharaf kale oo tira badan.

Suldaanka lagu Caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Gobolka Gabiley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Dhinaca Somaliland Ururada Bulshada Rayidka ah,

Suldaanka lagu Caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Gobolka Gabiley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali oo ugu horeyn halkaa ka Hadley madasha Caleemsaarkiisa ayaa sheegay in uu Suldaan u yahey Guud ahaanba Beesha Akisho ee Somaliland degta iskamarkaana, uu ugu wada shaqeyn doono Cadaalad iyo Sinaan iyo xeerkii dhaqan lahaan jirey waxaanu Suldaanku ku dheeraadey in aanu isagu shakhsi ahaan xilka dhaqan ee lasaarey u ogolin olole iyo doonasho,iyo awood iyo xiniinyo uu leeyahey balse uu yahey xil loo gartey oo ay beeshu u igmatey una dooratey sidaa daraadeedna aanu dhinaciisa wax uu ka hagran doonaa jirin isagoo u mahad celiyay guud ahaanba Salaadiinta,Ugaasyada,Cuqaasha,Siyaasiyiinta,masuuliyiinta iyo marti sharafta mudan iyo marwaba leh ee kasoo qeyb galey Caleemasaarkiisa soona ajiibey caano shubka iyo martiqaadka Xaflada.

Suldaanka Guud ee Sacad Muuse Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(sabeyse),oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraadey in aan madaxda dhaqanka iyo Salaadiinta guud ahaanba looga baahneyn in ay ku milmaan Siyaasada isagoo kasoo horjeestey hadalada Salaadiin kale oo Suldaanka la caleemasaarey ku booriyay in uu ka ag dhawaado Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada,waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Ugaas Xawaareeye,Ugaas Ibraahim Cabdi Kaahin(Jilba Dhige),  Suldaan Shariif Batuun,Ugaas Maxamed Cabdilaahi(jabane),Ugaas Cabdirisaaq Koosaar,Suldaan Xasan Hobohobo,Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame,

Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo ka Hadley Munaasibada Caleemasaarka ayaa isagu sheegay in ay soo dhaweynayaan Salaadiinta kasoo biirey Sariflayaasha maadaama uu Suldaan Abshir Xasan Cali yahey Suldaankii sadexaad ee Sariflayaasha kaga soo kordhey Madaxdhaqameedka Somaliland.

 http://salaanmedia.com/?p=149613



 http://www.abtirsi.com/view.php?person=2768&abtirsiLang=1

Mahamud "Akisho" Ali Madahweyne


Bookmark this person



Children born by ???
  • Miyyo Mahamud Ali
  • Asabo Mahamud Ali
  • Igo Mahamud Ali
  • Obo Mahamud Ali
  • Kurto Mahamud Ali
  • Orad "Heiban" Mahamud Ali
  • Kiyo Mahamud Ali
  • Ittu Mahamud Ali
  • Lujo Mahamud Ali
  • Dayyo Mahamud Ali
  • Bitto Mahamud Ali
  • Eijo "Eijjeso" Mahamud Ali
  • Siblings (mother not known)

    1. Mahamed "Gure" Ali Madahweyne
    2. Jide Ali Madahweyne
    3. Garire Ali Madahweyne
    4. Layile Ali Madahweyne
    5. Dayo "Warday" Ali Madahweyne
    6. Jarso Ali Madahweyne


    You have to be signed in to add children or details

    unday, May 15, 2011

    BOQORTOOYADA AKISHO ALI MADAXWEYNE DIR

    BOQORTOOYADA AKISHO ALI MADAXWEYNE DIR

    --------
    1. Cali
    2. Madaxweyne
    3. Dir
    4. Aji
    5. Irrir
    6. Samaale
    7. Xiile ('Il)
    8. Abroone (Waalid)
    9. Looxaan
    10. Kaamil (Xaashi)

    Father: Madaxweyne Dir Aji
    Children:

    1. Maxamuud (Akisho)
    2. Maxamed (Guure)
    3. Jiide
    4. Gariire
    5. Layiile
    6. Warday


    Maxamuud (Akisho) Cali Madaxweyne
    Abtirsi:

    1. Maxamuud (Akisho)
    2. Cali
    3. Madaxweyne
    4. Dir
    5. Aji
    6. Irrir
    7. Samaale
    8. Xiile ('Il)
    9. Abroone (Waalid)
    10. Looxaan
    11. Kaamil (Xaashi)


    Father: Cali Madaxweyne Dir
    Children:

    1. Miyyo
    2. Bitto
    3. Daayyo
    4. Luujo
    5. Ittu
    6. Kiyo
    7. Curad (Heebaan)
    8. Kurto
    9. Obo
    10. Igo
    11. Asaabo
    12. Eejo (Eejjeso)

    Siblings:

    1. Maxamed (Guure)
    2. Jiide
    3. Gariire
    4. Layiile
    5. Warday





    Waa boqortooyo hore oo xoogaha aad moodo baryahan danbe in xoogeedi wiiqmay qaar badana ay konfurta, galbeedka, iyo waqooyiga Itoobiya ku kala firdhatay. Qaar kalen galbeedka Somaliya iyo waqooyiga ay u kala kaceen. Beelo fara badan ayaa Akisho ku abtirsada qaar badan xitaa aan Akisho la moodin sida Obo, Guure, iyo beelo kale.

    Magaca Akisho waxaa lagu macneeyaa kii cayilnaa oo afka oromada lagu dhaho (Ayisho) waa naaneys, Sida Gurgurahaba uu magaciisu naaneys macnaheedu tahay (Ganacsade) oo af Somaligii hore la dhihi jiray Gurgure sida kalmada (Gorgortanba) ay halkaas ka soo jeedo. Itoobiyana Gurgure waxaa loo yaqaan ganacsatada afafka Harariga/Oromada.

    Boqortooyoyinkii hore ee Gurgure-Layiile-Akisho waxaa ay u bax sheen magalada Diraa Dhabe (ama meeshii uu Dir Waranka ku dhuftay(Dhabey) qarnigii 1400. Akishada iyo Gurgurah iyo beelah Madaxweyne Direed waxaa ka dhashay boqortooyoyinkii Ifat--Adulis iyo waliba halyeeygii weynaa ee Axmed Gurey.

    Tarikho hore oo tilmamaya ayaa jira in Boqoradii Caraweelo ay aheyd naag Akhisho. Labadii boqol ee sano ee la soo dhafay hase ahaatee boqortoyadii akisho waxaa ku dhacay dib u dhac iyo burbur.


    Akisho

    From Wikipedia, the free encyclopedia

    Akisho (var. Akisha, Akishe; also known as Gurre) is a Somali subclan, part of the larger Dir group whose members live in Ethiopia and northern Somalia. The Akisho are a subclan of the Ali Madaxweyn Dir, and they are reputed to be descendants of the eldest sons of the Madaxweyn Dir.

    Akisho is one of the oldest clans in the Horn of Africa. According to Somali history, two of the oldest monarchies in the region, the Ifat and Adal Sultanates, were Akisho.[citation needed] However, the inhabitants of the Ethiopian province/kingdom of Ifat spoke a South Semitic language related to Amharic.[1]

    The Akisho inhabit both Somaliland and Ethiopia. In Somaliland, Akisho members live in the southern Woqooyi Galbeed Province, Wajaale, Ala’ibaday, and Gabiley. In Ethiopia, where the Akisho are the most widespread Somali group, Akisho members inhabit Jijiga, Baale (Nagelle), Baabule, Fayaanbiiro, Qabri-Bayah, Fiq, Hara-Maaya, Harar, and Dadar.

    Akisho members are predominantly adherents of Sunni Islam, though one might find a Christian Akisho in the Shewa area of Ethiopia. Other Akisho groups and their related clans are reputed to have migrated from Somali Ethiopian region all the way up North as far as the country Chad, the Sudan, and Northern Eritrea are said to be inhabited by these lost Dir groups.[citation needed]

    The Akisho name is originally derived from "Cayisho" which means in old Somali the (Cayilsan) "Fat One", and in Oromo Akisho.[citation needed] Also the other nickname of the Akisho, Guure, is derived from one who doesn't "hear" because they did not speak the Oromo language when they settled among the Oromo of Bale and Arsi around 1600.[citation needed] Similarly, the Gurgure who are very closely related to the Akisho, use a nickname and were referred to the Oromo and Somalis as the traders or Gurgure from the old Somali and Oromo word "gorgortan" which means one who sales and trades.

    According to the folklore historians of the Southern Suure Dir of the Mudug region, the Akisho and the Gurgure madahweyne Dir produced some of the most famous Somali folk heroes like the Somali queen Araweelo who was Warre Miyo. Also the Akisho and Gurgure clans were instrumental in spreading the Muslim faith in the hinterlands of Ethiopia. The Sheikh Abba Hussein in Southern Ethiopia is said to be of Dir, as well as Awbarkadleh and Awbuube who are two major saints of the Somalis.

    The Warre prefix in front of many Akisho clans names means "the Clan of" or reer (WaaReer) in proper Somali. For example, the Warre Miyo are referred to Reer Miiyo in Somalia, but Warre Miyo in Ethiopian Somali and Oromo regions. Other clans related to the Aksiho are the Gariire, Warre Dayo,Gurgure, Layiile, and Aw Said's of Lower Jubba.

    The Akisho (Gurre) clan consists of 12 major subclans:

    Waro-Miyo
    Waro-Bito
    Waro-Dayo
    Waro-Luujo
    Waro-Ito
    Waro-Kiyo
    Waro-Heebaan
    Waro-Kurto
    Obo
    Igo
    Asaabo
    Eejo

    [edit] References
    Back to top


    Somaliland: The Akisho[Akesho]: whether they live in the town of Gebileh, their relationship with Isaaks and whether they have political representation in the current government



    The information in contained in this Response was provided by Matt Bryden, a consultant and Somali specialist now working with the United Nations Institute for Research on Social Development (UNRISD) in Nairobi (16 June 1998). He stated that the Akisho "are related to (if not part of) the Dir clan family, and live mainly between Jigjiga [in Ethiopia] and Hargeysa, where they tend to live in a somewhat subordinate status to the majority clans, although in Somaliland they have been awarded a seat in the constituent assembly. They face no general threat of persecution in any of the areas in which they live." The Research Directorate was unable to corroborate the Akisho's participation in the constituent assembly nor whether they face "persecution."

    According to the Ethiopian Review the Akisho may be more numerous in Ethiopia than they are in Somalia (30 Apr. 1996). For additional information on the Dir clan and the Akisho sub clan, please consult Patrick Gilkes' The Price of Peace: Somalia and the United Nations 1991-1994 pages 144-148, and the appendix of Somali clan families.

    This Response was prepared after researching publicly accessible information currently available to the Research Directorate within time constraints. This Response is not, and does not purport to be, conclusive as to the merit of any particular claim to refugee status or asylum.

    Reference

    Bryden, Matt. UNRISD, Nairobi. 16 June 1998. Letter received by electronic mail.

    Gilkes, Patrick. September 1994. The Price of Peace: Somalia and the United Nations 1991-1994. Bedfordshire, UK: Save the Children Fund, UK.

    Additional Sources Consulted

    Africa Confidential [London]. January - May 1998. Vol. 39. Nos. 1-11.

    _____. January - December 1997. Vol. 38. Nos. 1-25.

    Africa Research Bulletin: Political, Social and Cultural Series [Oxford]. January - May 1998. Vol. 35. Nos. 1-4.

    _____. January - December 1997. Vol. 34. Nos. 1-11.

    Country Reports on Human Rights Practices for 1997. 1998.

    Horn of Africa Bulletin [Uppsala]. Vol. 10. Nos. 1-2.

    _____. Jauary - December 1997. Vol. 9. Nos. 1-10.

    The Indian Ocean Newsletter [Paris]. January - June 1998. Nos. 793-815.

    _____. January - December 1997. Nos. 747 - 792.

    Electronic sources: IRB Databases, LEXIS/NEXIS, Internet, World News Connection (WNC).

    Two oral sources consulted could not provide information on the requested subject.
    Copyright notice: This document is published with the permission of the copyright holder and producer Immigration and Refugee Board of Canada (IRB). The original version of this document may be found on the offical website of the IRB at http://www.irb-cisr.gc.ca/en/. Documents earlier than 2003 may be found only on Refworld.


    Wednesday, July 12, 2017

    Liiska Xubnaha Baarlamaanka Dowlad Gobleedka Galmudug State (Surre Dir) oo lasoo dhameystiray








    AQriso Liiska Xildhibaanada Galmudug oo la soo dhameystiray


    LIISKA MUDANAYAASHA BAARLAMAAANKA MAAMULKA GALMUDUG;
    No Magaca Beesha Degmada
    1 Maxamed Mire Axmed Madhibaan Dhuusamareeb
    2 Maxamed Xassan Xuseen Madhibaan Cadaado
    3 Khadiija Cadaan Jimcaale Tumaal Ceeldheer
    4 Cabdulqaadir Cabdullaahi Bariise Murusade/Habaradinle Galhareeri
    5 Garaad Yuusuf Maxamuud Murusade/Habaridinle Galhareeri
    6 Cabdikarin Macalin Axmed Murusade/Abakar/Israfil Ceelbuur
    7 Maxamed Geedi Cawaale Murusade/Abakar/Saciid Ceelbuur
    8 Cabdikarin Cumar Axmed Murusade/Cabdalle Galhareeri
    9 Mahad Sheekh Cali Cibaar Murusade/Cabdalle Galhareeri
    10 Farxiya Xasan Cali Murusade/Habar ceeno Ceelbuur
    11 Cabdullaahi Maalin Gaafow Murusade/Habar ceeno Ceelbuur
    12 Salaad Axmed Ceynte Murusade/Habar ceeno Ceelbuur
    13 Cumar Maxanuud Mahadalle Murusade/Habar Maxamed Ceelbuur
    14 Cali Gacal Casir Murusade/Habar Maxamed Ceelbuur
    15 Cabdiwali Aadan Cabdi Surre/Fiqa-muxumad Balanbale/Xeraale
    16 Cabdirizaaq Xuseen Maxamuud Surre/Fiqa-muxumad Balanbale/Xeraale
    17 Bashiir Axmed Xuseen Surre/Cabdalla Saleebaan Galgacyo
    18 Xareed Cali Xareed Surre /Qubeys Galgacyo
    19 Canab Maxamed Cosoble Surre/Qubeys Xarardheere
    20 Cabdullahi Xersi Maxamed Surre /Qubeys Hobyo
    21 Max’ud Aaden Cusmaan Waceysle/Caligaaf Galcad
    22 Cabdullaahi Imaan Afrax Waceysle/Absuge Ceeldheer
    23 Yoonis Muxudiin Xaaji Max’ed Waceysle/Maxamedcadde Xarardheer
    24 Cabdullahi Xirsi Wardhere Waceysle/Cabdiraxman Ceeldheer
    25 Mukhtaar Macalin Cabdullaahi Waceysle/Marrooyin Ceeldheer
    26 Sh. Ciise Macow Gacal Waceysle/Abdi Macalin Galcad
    27 Cali Xasan Cali Calasoow Waceysle/Dhegaweyne Galcad
    28 Hassan Cabdullaahi Maxamed Habargidir/Saleelbaan Hobyo
    29 Maxamed Hasan Geelle Habargidir/Saleelbaan Cadaado
    30 Mahad Cilmi Cali Habargidir/Saleelbaan Cadaado
    31 Cabdullaahi Faarax Jimcaale Habargidir/Saleelbaan Hobyo
    32 Cabdullahi Cumar Maxamud Habargidir/Saleelbaan Cadaado
    33 Faysal Axmed Cabdulle Habargidir/Ceyr Xarardhere
    34 Yuusuf Xassan Cali Habargidir/Ceyr Dhuusamareeb
    35 Nuur Cali Sahal Habargidir/Ceyr Balanbale
    36 Xuseen Xirsi Shidane Habargidir/Ceyr Balanbale
    37 Cabdirashiid Yuusuf Axmed Habargidir/Ceyr DXarardhere
    38 Axmed Yuusuf Ciyoow Habargidir/Ceyr Dhuusamareeb
    39 Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey Mareexaan/Reer Warsame Balanbale
    40 Farxiyo Cabdullaahi Sheekhdoon Mareexaan/ Reer Dalal Caabduwaaq
    41 Bashiir Diiriye Shariif Mareexaan/Reer Dalal Caabudwaaq
    42 Xassan Ali Dhuux Maxamuud Mareexaan /Reer Xersi Caabudwaaq
    43 Duraan Cali Fareey Mareexaan/Wegerdhac Caabudwaaq
    44 Cabdi Xaashi Jaamac Mareexaan/Wegerdhac Caabudwaaq
    45 Cabdullaahi Xaashi Warsame Mareexaan/Reer M. Guled Caabudwaaq
    46 Dr. Cabdisalaan Diini Mareexaan/Wegerdhac Caabudwaaq
    47 Bosteeyo Jaamac Cali Mareexaan/Wegerdhac Caabudwaaq
    48 Cabdixakiin C/llaahi Warsame Mareexaan/Reer Nuur Balanbale
    49 Nadiif Maxamed Guuleed Mareexaan/Celi Caabudwaaq
    50 Cabdi Sugulle Guuleed Mareexaan/Reer Siyaad Xuseen Caabudwaaq
    51 Axmed Sheekh Yuusuf Habargedir/Saruur Xarardheere
    52 Daahir Cabdi Shiiqoow Habargidir/ Saruur Xarardheere
    53 Liibaan Cabdullaahi Xasan Wadalaan/Cali Kuulle Ceeldheer
    54 Dr. Maxamed Cabdullaahi Cali Xaskul/Cabdi Idde Xarardheere
    55 Caasho Maxamed Warsame Duduble/Qadhoob Xarardheere
    56 Axmed C. Max’ed Cago Madow Duduble/Maxamed Camal Ceelbuur
    57 Xasan Maxamed Axmed Geedi Dudble/Aarsade Ceelbuur
    58 Bile Maxamuud Diiriye Dudble/Maqlasame Ceelbuur
    59 C/llahi Xassan Maxamed Xayle Dudble/celi Dhuusamareeb
    60 Xirsi Axmed Maxamed Carab Saalax Gaalkacyo
    61 Abuukar Warsame Cali Saruur Xarardheere
    62 C/llaahi Cabdi Cabdulle Duduble/ Awradeen Celbuur
    63 C/naasir Axmed Yuusuf Surre/ Qubeys Hobyo
    64 Maxamed Cilmi Afrax Duduble/ Maxamed Camal Celbur
    65 Maxamed Cabdi Guuleed Afrax Duduble/Maqalsame Dhusamareeb
    66 Maxamed Tahaliil Biixi Mareexaan/ Reersiyaad Balanballe
    67 Maxamed Xuseen Tahaliil Cali Sacad/ Culus Cadaado
    68 C/dahir Maxamed Xirsi Aadan Sacad/ Wuqujire Galkacyo
    69 C/qaaddir Cali Diirshe Cumar Sacad/Wuqujire Hobyo
    70 Liibaan Cabdi Cali Mareexan/ Reer Siyaad Xuseen Dhusamareeb
    71 Daahir Weheliye Siyad Saruur/ Cali weheliye Xarardheere
    72 Maxamed Shiikh Axmed Maalin Saruur/ Cali weheliye Xarardheere
    73 Maxamed Faarax Aadan Mareexaan/ Celi Dhusamareeb
    74 C/weli Cali Maxamuud Shiikhaal/loobage Gaalkacyo
    75 Qaasim Maxamed Cali Shiikhaal/loobage Gaalkacyo
    76 Muxyadiin Axmed Maxamed Shiikhaal/loobage Gaalkacyo
    77 C/kariin Maxamed Cusmaan Ciiro Shiikhaal/loobage Gaalkacyo
    78 C/qani Aadan Garagaar Surre / Cabdalle C/waaq
    79 Maxamed C/qaadir Xaashi Sacad/ Wuqujire Galkacyo
    80 Maxamed Cabdi Faarax Sacad/ Cabdalle Cadaado
    81 Maxamed Axmed Max’ed Afrax Waceysle/ Haaruun Galcad
    82 Maxamuud Diini Xasan Sacad/ Odow Galkacyo
    83 Muxyadiin Sh. Cabdullaahi Shiikhaal/ Loobage Caabudwaaq
    84 C/raxmaan Xuseen Faarax Mareexaan/ reer Guuleed Faarax Dhuusamareeb
    85 Cabdi Xasan Cilmi Saleemaan / Maxamed Cabdi Xarardheere
    86 Axmed ShiikhNuur Warsame Beesha Shanaad/ Madhibaan Galkacyo
    87 Maryan Cali Abtidoon Saleemaan/Abukar Hobyo
    88 Faadumo Cabdi Weheliye Saruur Xaradhere





    Liiska Xildhibaanadda Gulmudug_1
    Liiska Xildhibaanadda Gulmudug_2http://www.allgedo.com/wp-content/uploads/2015/06/Liiska-Xildhibaanadda-Gulmudug_4.jpg

    Tuesday, July 4, 2017

    Xilli Tirsiga Soomaalida. Somali Astronomy




    Laashin Iyo Hal abuur
    http://laashin.com/?p=1369
    Export date: Tue Jul 4 23:43:53 2017 / +0000 GMT


    Xilli Tirsiga Soomaalida.




    SANADKA SOOMAALIDA.
    Soomaalidu waxay leedahay kaltiris soo jireen ah sida kaltirsiga hilaadeedeed ee sanadka Miilaadiga ama Hijriyada, Kaas oo loo yaqaanay DABSHID, NAYRUUSH ama Nayruusba.
    Waxa la xusi jiray sanadkiiba hal mar sida ciidaha oo kale, Waxa taas inoo cadaynaysa heestan caanka ah meerisyadan aan kasoo dheegay "NAYRUUSKU WAA CIID, WAA NAGI ADUUNYADA"
    Hadaba habeenkani Waxa uu dhici jiray ama uu ku beegnaa habeenka ay bisha ugu horaysa ee Xagaaga (SAMALAHO) ay tahay 20.Aragti kale waxay odhanaysaa habeenkani waxa uu dhacaa hadda dabayaaqada bisha JULAAY 21keeda.
    Habeenkan reeraha ama beelaha soomaalida ah ee meel wada dagani way isusoo bixi jireen iyagoo faraxsan, waxaanay shidi jireen DAB kadibna samada ayay u tuuri jireen, Waxa habkaas loo yaqaanay DAB-TUUR.
    Arintaasna waxa inoo cadaynaya Meeriskii uu ku lahaa Alle ha u naxariistee ABWAAN QAASIM (* Dabshidkii haduu galo ayaa, Dhuxulihii Daadin).
    Isla habeenkan soomaalidu waxay dhigan jireen ALLA-BARI, waxaanay qali jireen Neef adhiya oo lab "ORGI", dabadeen inta ay haragiisa jeexaan ayay qoorta u sudhi jireen GURIGA ama QAALINTA ugu quruxda badan geela.Habkaasna waxa loo yaqaanay "SABBUUX".
    Isla habeenka dabshidku waa habeenka ay soomaaliddu IDAHA ka gudhiyaan Maqasha, marka ay habeenkan kasoo wareegto 100-120 habeen waxa SUMALKA lagu daraa Idiha, laakiin baryahan danbe wax yaabo badan iska badalay oo waa laga yaabaa in SUMALKA idaha lagu daro iyadoo aanay buuxsamin xitaa Boqol habeen.



    Guud ahaan habeenka dabshidku isagoo ah sanadka cusub, BILAHA soomaalida laga bilaabo habeenka uu galo oo ah 20ka bisha Xagaaga ugu horaysa, illaa 60ka habeen ee ku jira labada bilood ee xagaaga ugu danbeeya iyo 90ka habeen ee sadexda bilood ee dayrta ku jira oo lagu daray 40ka habeen ee jiilaalka ugu horeeya, Soomaalidu isku darkooda waxay tidhaahdaa (200 EE HABEEN JIILAAL).



    Sidoo kale laga soo bilaabo 20ka habeen ee bisha labaad ee jiilaalka ugu danbeeya ilaa 30ka habeen ee ku jira bisha jiilaalka ugu danbaysa, isku darkooda soomaalidu waxay u taqaanaa (50ka HABEEN EE IS-YEEL YEEL)



    Sidoo kale laga bilaabo 50ka habeen ee IS-YEEL YEEL ilaa 30ka ku jira bisha ugu horaysa ee gu'ga haddii uu roobku di'i waayo, isku darkooda soomaaliddu waxay u taqaanaa (SIDEETANLAHA)(80LAHA).



    guud ahaan sanadka soomaalidu waxa uu ka koobanyahay 365 habeen, waxa jira bilo 29 ku dhamaada, waxa kale oo jira bilo 31 ku dhamaada sanadka soomaalida.



    Soomaalidu sidoo kale waxay dhaqan xeel dheer la wadaagaan CARABTA waayo waxay u adeegsadaan HAL-beeg ahaan dhacdada wakhtigaas dhacday, Sida Nabigeena muxamed SCW, sanadkii uu dhashay loo odha jiray CAAMUL FIIL, iyana sanadkii ay dhasheen rag soomalida aad uga caan ah sida SAYDI MAXAMED,CALI DHUUX iyo barbaarkale loo yaqaanaa sanadkii GOBAYSANE.
     



    Xilli Roobaadka SOOMAALIDA.



    Bottom of Form



    1. GU'



    1. Seerma-waydo: - Waa bisha ugu horaysa ee roobka gu'ga dhibicdiisa la arko marka laga reebo saban xumaadka iyo barwaaqo sooranka waayo saban xumaadka waxa laga yaabaa in uu dib uga dhaco xiligii uu di'i jiray roobku, halka laga yaabo in uu hore usoo maro oo jiilaalkii oo aan dhamaan roobku bilaabmo. BIshan roobka da'a waxa ay soomaalidu u taqaanaa GU' SOOR.
    2. Cawl:- Waa bisha labaad ee gu'ga, waxaana bishan sidaad magaceedaba ka aragto loogu bixiyay sida uu muuse cali faruur ii sheegay CAWSHA ayaa aad u dhali jirtay, Bishan dadka qaarkeed waxay u yaqaanaan CANDHO-QOYS waayo waa bisha loogu ladan yahay nolosha reer miyiga oo waa badhtanka gu'ga, xooluhuna aadbay u dhalaan, waana xilliga inta badan uu dhaco guurka soomaalidu.



    3. Dirir Sagaala/ Dirir sakaaro:- Waa bisha sadexaad waxaana iyadana dhalijiray sida la sheegay sakaarada,oo lagu magacaabi jiray, Dirirku waa 7god, oo isku koox ah waxaanay soomaalidii hore aaminsanayd hadii dirirku dayasha la fadhiisto in uu khayr badani jiri doono, waxay badanaa soomaalidii hore ku ducaysan jireen, ((ALLAHAYOOW DIRIRKA DAYAXA DUSHA NOOGA SAAR)) sidoo kale bishan dadka qaar waxay u yaqaanaan SED-BUUX waayo waa bisha loogu ladanyahay nolosha reermiyiga, waana bisha badanka sakada la bixiyo sidaan u maqlay.



                                                                2. Xagaa.



    1. Samalaho:- waa bisha ugu horaysa xagaaga waxaana da'a roob shuux shuuxa oo loo yaqaano CADAR-XAGAA. bishan waxa koonfur kasoo kaca daruuro guulaamaya oo wata qabaw iyo tiix badan oo leh onkod laakiin ma biyo dhigaan dhulka sida la ii sheegay. Bishan xooluhu kuma xasilaan geedaha, ruuxii shaqo qabsan lahaana waxa ka habsaamiya baqashada roobkaas uu ka jirsanayo.



    2. Karan:- bishani waa bisha labaad ee xagaaga waxaana da'a roobka loo yaqaano XAYSKA oo aan soo dhaafin dhulka gubanka ah ee xeebta u dhaw. Bishan deegaanada qaarkood waxa looga yaqaanaa DIXILE. Bishan waxa aad u dhala riyaha taasina waa sababta ay dumarka soomaalidu ugula baxeen magaca DAR-DHIGA.



    3. Waran-weer:- bishani waa bisha sadexaad ee xagaaga. Bishan dhirtu waxa ay bixisaa ubax udgoon oo kadibna waxa ka dhasha dhirta qaarkood cayayaan loo yaqaano DHUUG. Dhuugu waa xayawaan badanka geela cuna oo aan lagu mahadin. Waxa kale oo bishan la dareemaa kulayl aad u badan waayo wax bishan dabayaaqadeeda ama dhamaadkeeda kadib bilaabma roobkii Dayrta. Deegaanada qaar waxa looga yaqaanaa Maal-madoone.



    3. DAYR.



    1. Dayr Halalood:- Bishani waa bisha ugu horaysa ee dayrta, waxa laga sheegaa soomaalidii hore inay magaceedan ugu bixiyeen ama ay odhan jireen, "Dayrtu waa Innan oo(Gabadh oo) way xishootaa oo maalintii matimaado ee habeenkiibay da'daa". Taas oo la leeyahay magaca Halalood wuxuu markii hore ahaa Hablood.



    2. Dayr Habis:- Waa bisha labaad ee dayrta. Bishan kamaan helin wax macluumaad ah oo aan ka ahayn in deegaanada qaar looga yaqaano DAAF.



    3. Dambarsame (Gudban):- waa bisha sadexaad ee dayrta, waa bil aad u dhaxan badan oo deegaanada qaar looga yaqaano DAYRO-DHAAF. Waxa kale oo la yidhaahdaa bishan GABADDANO oo looga jeedo Dhaxan badan oo dabayl wadata.



    4. JIILAAL.
    1. Daalalo: - waa bisha koowaad ee jiilaalka ugu horaysa, xooluhu adhi iyo ishinba way oomaan.



    2. Toddob: - waa bisha labaad ee jiilaalka, bishan waxa da'a roob lagu lug' go'o oo aan la mahadin oo loo yaqaano NAYLO-JALIYE. Waa roob dhulku liqo maa; daama oo aanu mudo 40neeyo ah qalalnaa.



    3. DAYDO/DIRAAC: - bishani waa bisha sadexaad ee jiilaalka, deegaanada qaarkood waxa looga yaqaanaa inay tahay GU' inay tahay, waana deegaanada galbeed ee roobka GU'gu kusoo horeeyo marka loo eego dhanka Bari. Deeganada qaarkoodna waxa haysata abaar aad u daran iyo kulayl xad dhaaf ah, waayo dhamaadka jiilaalka ka dib waxa bilaabma roobkii gu'ga.
    Waxa inoo cadaynaya inay bishani GU' iyo Jiilaalba tahay heesahan caanka ah.
    GU: - "Sida DIRAACDOO, dalkeena haysa, ama dhul dooglaad, qalbiga deeqdee".
    JIILAAL: - "Inanyahay DIRAAC iyo, Dirir hooray kala wacan."



    MAALMAHA SOOMAALIDA
    Sida aan ka helay qoraal uu Internet.ka uu ku qoray Qoraa sare BOOBE YUUSUF DUCAALE waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran.



    Wuxuu yidhi ["Aniga iyo Xasan Sh.muumin waxa na dhex maratay sheeko ku saabsan magacyada maalmaha soomaalida lagasoo bilaabo 1993kii, 7 sano ka dib oo ku beegnayd 3dii bishii May ee 2000 ayaan Xasan oo ah Aabihii Hiddaha iyo Caadooyinkii soomaalida gabigeedaba waxaan kula kulmay Gurigiisa oo ku yaala Boorama aniga oo wakhtigaa u tagay cilmi baadhis aanu u wadnay Akaadamiga nabada iyo horumarka. Galabtaas ayaan mar labaad waydiiyay Su'aashii ahayd (Magacyo Maalmood Malahayn ka hor intaynaan isticmaalin Maalmaha Carabiga?) waxaanu ku jawaabay {{{{HAA}}}}.
    ((Waxaynu lahayn Magacyo Inoo gaar ah balse carabta ayaa dhulkeena kusoo duulay oo Afrika dalal ka mid ah siday ugu soo duuleen ayay inagana inoogusoo duuleen. Duulitaankooda waxa ay kusoo gabanayeen magaca DIINTA. Duulitaankoodaa waxa ay ku dhaqan iyo luqad badaleen wadamo badan sida MASAR, LIIBIYA, AL-JEERIYA, TUUNIS, MAROOKO iyo MURITAANIYA."]



    Hadaba sida aan ka xaqiijiyay qoraalo badan iyo abwaano waawayn, waxa jira sadex nooc oo magacyo ah ila eega waa ku wane.



    ----Qaybta 1aad-------------Ku salaysan XIDIGISKA1. Agaali (Sabti).
    2. Case (Axad).
    3. Lamme (Isniin).
    4. Sade (Salaasa).
    5. Carte (Arbaca).
    6. Uguux (Khamiis).
    7. Agaax (Jimce).
    ----Qaybta 2ad-------------Ku salaysan dhacdo farxadeed.1. Nagaad (Sabti).
    2. Sunni (Axad).
    3. Sanni (Isniin).
    4. Koodaar (Salaasa).
    5. Goonyaad (Arbaca).
    6. Ugbaad (Khamiis).
    7. Hoyaad (Jimce).



    ----Qaybta 3aad-------------Ku salaysan Ciyaar madadaalo oo deegaanka waqooyi looga yaqaano BIITOOY LAABO nooc ka mid ah hababkeeda.



    1. Sooroga (Sabti).
    2. Koobin/Koowin (Axad).
    3. Laammin (Isniin).
    4. Lamatoka (Salaalasa).
    5. Koodaar (Arbaca).
    6. Hakisa (Khamiis).
    7. Hakis-Bila (Jimce).



    Sadexdan mid uunbaa laga qaadan karaa, waxaana la hubaa in labada qaybood ee hore ay yihiin kuwo da'a wayn halka ka sadexaad lagasoo wariyaya ABWAAN XASAN SH.MUUMIN (ALLE HA U NAXARIISTEE) kolba kii aad qaadataa waa kuu sax inkasta oo deegaanba qaar ka caanyihiin.
    HADII markaa aynu ku darno qayb kale oo ka gudbadhigan (turjuman).



    Midda Carabtu adeegsato:
    1.Manayso (Sabti)
    2.Malkow (Axad)
    3.Mallabo (Isniin)
    4.Malsed (Salaasa)
    5.Malafar (Arbaca)
    6.Malshan (Khamiis)
    7.Malkulan (Jimce)
    Qaybtan dambe waxaa gudbadhigay Siciid. “Mal” waxaa loo soo gaabiyey, aragtidayda, “maalin.” Malkow waa “maalinta koowaad.” Sidaas baana loo sii wadayaa.
                 Midda ingiriisku adeegsato:



    1- Malqor:- Sunday (maalinta qorraxda),
    2- Malday:- Monday (maalinta dayaxa),
    3- Maldus:- Tuesday (maalinta Tiw[Mercuty],[Dusaaga]),
    4- Malwod:- Wednesday (maalinta Woden,[Venus], [WaxaroXidhka])
    5- Thursday (maalinta Thor,,[Mars], [Farraaraha])
    6- Friday (maalinta Frigg,[Jupiter], [Cirjeex])
    7- Saturday (maalinta Saturn, [Saturn],[Raagaha]



    Top of Form



    WAKHTI BEEGA SOOMAALIDA.



    Caano maal: - Waa 12 saacadood oo ay qoraxi soo jeedo ama ay dhacday (HABEEN, MAALIN).
    Maalin: Waa inta qoraxdu soo jeedo.
    Habeen: Waa inta qoraxdu samada ka maqantahay.



    MAALIN GALIN HORE:-
    1. Arooryo: saaacad badhkeed ka dib markay cadceeddu soo baxdo.
    2. Barqo-yar: Arooryo ilaa 8.30 saacadood,
    3. Xiksin: 8.30 – 9.30,
    4. Barqo-kulul: 9.30 – 10.30,
    5. Hadh-soo-kor: 10.30 – 11.30,
    6. Hadh: 11.30 – 12.30,



    MAALIN GALIN DANBE:-
    1. Duhur: 12.30 – 14.00,
    2. Duhur dabadii: 14.00 – 15.00,
    3. Casar dheer: 15.00 – 15.30,
    4. Casar: 15.30 – 16.30,
    5. Casar gaaban: 16.30 – 18.00,
    6. Maqrib: 18.00 – 18.30,



    HABEEN GALIN HORE:-



    1. Fiid: 18.30 – 19.30,
    2. Caweys: 19.30 – 21.30,
    3. Saq dhexe: 21.30 – 02.00,



    HABEEN GALIN DANBE: -
    1. Jiidh: (Dawn)/Doomay: - xilliga suxuurta (3:00 am).
    2. Arooryo Hore: Cadceed soo-baxa ka hor, (4:00 am).
    3. Waaberi: Sagalka cadceed soo-baxa ka soo horreeya, (5:00 am).
    4. Arooryo: 06.00 – 06.30,



    Afkeena soomaaliga waxa intaas u dheer socdaaladooda waxay ku saleeyaan wakhtiga ay ku suganyihiin hadba.



    1- Waa-bari → Jarmaado”
    2- Hadh → boqoole
    3- Galab → carraabo
    4- Fiid → hoyasho
    5- Caweys → dheelmasho
    6- Saqdhaxe → guure.iyo
    7- Jiidh → kallahaadBottom of Form



    CILMIGA XIDDIGAHA (Astronomy)



    Diinteenu maxay qabtaa cilmiga xidigaha ama in la barto godadka dayaxa?



    ILAAHAY KOREEYE, wuxuu quraankiisa ku leeyahay: -
    (وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ), Suratu yuusuf wuxuu ilaahay inoogu sheegayaa sidan ("DAYAXA WAXAANU U SAMAYNAY MANAAZIL AMA GODAD UU DAGO IYO JID UU KU SOCDO ILAA UU KUSOO NOQONAYO HALKII LOOGU TALAGALAY").
    Sidaa darteed, barashada cilmiga xidigaha waxba Kama qabto diinteenu in labarto, balse waxa uu inoogu sheegay inay xiddiguhu yihiin quruxda samada "وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ" Ilaahay wuxuu ku dhaaranayaa samada iyo Xiddigaha u saxiibka ah.
    Ogaada akhyaareey, DIINTEENA SUUBANI MA OGOLA shay kasta oo wax lagaga sheegayo QAYBKA ILAAHAY. Rabbi Korreeye wuxuu leeyahay
    (قُلْ لَا يَعْلَمُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللَّهُ) Qul: waxaad tidhaahdaa Nabi alloow Waxba Kama ogi Cilmiga Samada iyo Dhulka balse ilaahay uunbaa OG cilmigooda".



    Intaa hadii aan kaga gudbo waxay diintu ka qabto, Waxaynu uga hadlaynaa barnaamijkan in aynu ku barano afkeena hodan nimadiisa iyo heerka uu ka gaadhay cilmiga xiddigaha, balse waxaynu iskaga digaynaa xumaantii iyo curaafnimadii loo isticmaali jiray xiddigaha ee faalka u badnaa waayo ilaahay cadaabtiisa ayaa lagu mudanayaa hadii lagu dhaqmo wuxuu kaa nahyiyay Nabigeenii subaana S.C.W



    HORDHACA GODADAKA DAYAXA IYO XIDDIGISKA



    in dhaqankeena meel wayn kaga jirtay waxa ina tusaya.



    Abwaankii waynaa ee Cabdi Gahay (AHU) wuxuu yidhi:-
    * Affagaale Urur soo baxaan, Uur haween galaye,
    * Hooyadayba Aar gudaya bay, Aragtay waagiiye.



    Abwaan haybe (AHU) wuxuu yidhi:-
    * Haddaan saxal wareegeysta iyo, Kawshax idin waalin
    * Haddaan cirirka soo waantiyaa, idinku soo weecan
    * Haddaan wahanka Naaf soommanaa, waaban degelkiinna



    Abwaan Xasan ganay waa kii lahaa:-
    Fooxlaha, faraaciga tarmiyo, faal rogrogitaanka
    Faruuryaha runtii diidayee, fidiya daacuunka
    Fahmo-xumada shicibkii heshiyo ficilkan yaa keenay?



    Hal-abuur Weedhsame qudhiisu wuxuu yidhi:
    * Garba raar guduudkii ximraha, kooshin garab yaalla
    * Gudban iyo garbiyo daalalada, cirirka guurguura
    * Jidka gacanle afagaaladiyo, dirirka guudkeena
    * Garbi mooro taalliyo god baas, guusha laga raadi!!



    Gogol dhiga barnaamijka Xiddigaha iyo Godadka dayaxa.



    Waxa uu dayaxu soo baxaa 28 habeen, Habeenkastaaba wuxuu leeyahay magac ay ku naanaysaan oo ah hadba xidigta uu la fadhiyo DAYAXU, balse hadii aanu la fadhiyain dayaxu xiddig ee uu laba dhexdood fadhiisto waxa looyaqaanay iyana KARMO, ama waxa la yidhaahdaa wuu KARMEEYAY. Dayaxu inta habeen ee aanu soo bixin waxa layidhaahdaa DUBAD, ama dayaxi wuu DUBADAY.



    Markasta waa in aad ogaataan in CILMIGIA XIDIGAHA IYO XIDDIGISKU ay isku yihiin sida Qabiil iyo Qabyaalad oo ka horena banaan yahay ka danbana reeban yahay.



    GODADKA DAYAXA.



    Dayaxu wuxuu soo baxaa 28 habeen, laba heebna wuu dubadaa. Hadba dhawr hab ayaan helay oo 28 GOD magacyadooda loo yaqaanay.



    1. Habka koowaad:-



    ------------Todobada Raqaha (Guga)1. Faraaci/Godan/Hoggaan
    2.Listan
    3.Lixo/Urur
    4.Cadcaad/Laxo-kor/gal-gaal/Lax-mar
    5. Aggaalli-guduud/Aggaalli-waranley/Saco
    6. Aggaalli-cad/Aggaalli-caanood/Saco-ka-dambeye
    7. Afaggaal/Durdur
    -----------Todobada Naafaha (Deyrta)8. Naaf-cade/Canbaar
    9. Naaf-madoobe
    10. Naaf-sagaaro/Afqeys/Tar
    11. Majin/Dhayle
    12. Koxdin/Kuxdin-awr
    13. Naaso-gaallo/Dirir-dhawr
    14. Dirir
    ------------Todobada Daalaliga (Xagaaga)15.Garbo
    16.Bayaxow/Kabrasan/Garbo-dambe
    17.Gudban/Dameer
    18.Libcas
    19. Xoor/Dalaallo-xoorey
    20. Mareego dheer/Uur-weyn-dambe
    21. Madhan/Baho
    -----------Todobada Cirirka (Jiilaalka)22. Cirir/Faruur
    23. Jed/Jed-gabbarre
    24. Jed-dhiriqle/Ridmo
    25. Jed-gacanle/Ban-horo/Kuman-hore
    26. Rad dambo/Kuman-dambe/Jed-dhuruqle
    27.Joog-madoobe/Duganti/Cirir-duugato
    28. Meecaad/Farangaag/Meecaad-Gibille
    Xigasho:- Qoraa, Hal-abuur da' yar Maanmaal Buureed Gurxan 1



    2. Habka labbaad:-
    1. Xagaa (summer) is marked by              • Naaf group: 1. Naaf Cadde (white naaf),
    2. Naaf Madobe (black naaf),
    3. Afqoys,
    4. Kuxdin Hore,
    5. Kuxdin Dambe,
    6. Dirir-day (semi-dirir), and
    7. Dirir.
    2. Dayr (autumn) is marked by              • Dalalle group:
    1. Garbo,
    2. Gudban,
    3. Lib Casse,
    4. Hor Dameer,
    5. Hor Cadde,
    6. Mareega-Dheer, and
    7. Bah.
    3. Diraac (winter) is marked by              • Faraci group:
    1. Faraci,
    2. Listaan,
    3. Lixo (the six),
    4. Cadcad,
    5. Saco (the cows),
    6. Nujusi, and
    7. Afa-gaal or Naasa-Gaal (camel's breasts)
    4. Gu (spring): is marked by              • Cirir group:
    1. Faruuryo,
    2. Jid Gabarre,
    3. Jid Gacanle,
    4. Jid-Dhiriqle or Dheregle,
    5. Rab Hore,
    6. Gog Madobe, and
    7. Rab Dambe.
    Xigasho:- http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_calendar
    3. Habka Saddexaad: -
    Faraaci:-
    1. Foocaar
    2. Godan
    3. GodXoor
    4. Laxo
    5. Laxmar
    6. Agaali Caanood
    7. Agaali Waranley
    Naafo: - 1. Affagaale
    2. Naafo-cadde
    3. Naafo Madoobe
    4. Tar
    5. Kuxdin awr/Koxdin awr
    6. Kuxdin Cawo/ Koxdin cawo
    7. Mijin.
    God Dirir:-
    1. Babac
    2. Bayaxaw
    3. Garbo
    4. Gudban
    5. Libcas
    6. Madhan
    7. Mareego dheer
    God Cirir:-
    1. Faruur Cirir
    2. Jid Gabarre
    3. Jid Canbaar
    4. Jid Barbaar
    5. Jid Dhiriqle
    6. Rab Hore
    7. Rab Dambe
    Xigasho: - Xiddigiye Maxamed Muuse (Cag-jar)



    Top of Form
    AFEEF:-



    Danbi wayn weeye in la aamino quraafaadka iyo wixii qayb ka waramaya ee ruux kuu sheego balse waxaynu u baranaynaa inay ahaanjireen Caadooyin iyo Dhaqan jaahili somalideenu kala sinayd wadamada caalamka wakhtigaas.
    15 GOD oo Dayaxu Dago iyo Waxa loo yaqaano qofka dhasha.




    1. Mareego dheer: - Godkan Somalidu Gabadha dhalata waxay odhan jireen waa Xoolo-badi waliba reerka ay u dhaxdo ayay hodan ka dhigaysaa, sidaa darteed yaradkeedu wuu ka badnaa ka gabadha caadigga ah.



    2. Madhan: - Godkan waxa la yidhaahdaa ruuxa dhashaa taran badan ma yeesho, oo ubad wuu ka madhanyahay.



    3. Libcas: - godkan waxa la yidhaahdaa ruuxa dhasha ayaan iyo cawo u gaar ah ayuu leeyahay. Ama waa qof hibo leh.



    4. Koxdin awr: - Godkan Ninka dhasha waxa la odhanjiray Geelu uma batto.



    5. Tar: - Godkan ruuxa dhasha waxay soomaalidu odhan jireen Tolkiisuu u wanaagsanyahay sida Xagga talada, U gargaarka, Wax siinta iyo wax alaale iyo wixii ay u baahnayihiin. Waxay somalidii hore ku maahmaahi jireen, Naftaadana Naaf u dhalo, Tolkaagana Tar u dhalo.



    6. Naafo Madoobe: - Godkan ruuxa dhasha waxay soomaalidu tidhaahdaa waxa uu noqdaa Hogaamiye ama Aftahan ama Qof- sharaf leh iyo magac leh.



    7. Naafo Cadde: - Godkan qofka dhasha soomaalidu waxay tidhaahdaa Taran iyo Tigaatin ma dhigo, waxaana laysku habaari jiray baryihii hore "Naafo Cadde' reerkaaga bi'isay "



    8. Mijin: - Godkan soomaalidu waaxay tidhaahdaa ruuxa dhasha wuu Lexe-jeclo Xun yahay oo hadii wax looga baahdo maba quudho.



    9. Maraq dhiigle: - Godkan soomaalidu waxay tidhaahdaa ruuxa dhasha wuxuu noqdaa qof dagaal badan oo aan budhka iyo toorayda marnaba dhigin.



    10. Agaali Caanood (Xoorey): - Qofka dhasha soomalidu waxay yidhaahdaan waa qof Xoolaha u xanaano badan.



    11. Bayaxaw: - Godkan ruuxa dhasha soomaalidu waxay u taqaanaa inay baadidiisu iska timaado oo aan ladoonin hadii ay lumaan, sidoo kale qofka dhashaa waa qof maal badan yeesha ayay aaminsanaayeen.



    12. Garbo: - ruuxa dhasha waxa la odhan jiray geelba Faruurta ma qabto (Ma raaco/Ma maalo/Ma arooriyo) ama ma qabto hawlaha faraha badan ee geelu leeyahay. Badanaa ruuxan waxa ay soomaalidii hore u diri jirtay haduu Nin yahay Wax barasho, Badanaana wuxuu ku danbayn jiray Wadaad.



    13. Godan: -Soomaalidu waxay tidhaahdaa godkan ruuxa dhashaa GOBLAN ama GAAJO mid uunbaa u danbaysa.



    14. Gudban: - Godkan ruuxa dhasha soomalidu waxay aaminsanaayeen in uu noqondoono Aftahan ama Shiishaa khatara.



    15. Laxo: - Waa urur xidigo ah oo ka kooban 6 xiddigood taas oo soomaalidu ay tidhaahdo (Markay Laxo Dhacaanbay Laxo Dhashaan) oo macnaheedu yahay IDUHU intuu dayaxu laxaha la daggan yahay ma irmaanaadaan





    Xigasho:-


    BUUGA XILITIRSIGA SOOMAALIDA EE MAXAMED AXMED BADAL


    W/D Cabdirisaaq Xuseen Guuleed.

    Links:
    1. https://www.facebook.com/cabdirisaaq.buureed

    Blog Archive