Tuesday, January 23, 2018

Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley. xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa. Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo bixi doono’’ Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno. Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’ Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay ka sheqeeyaan horumarkooda. Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo wanaagsan’’ Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen ,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno C/raxmaan Xaaji Timacade News Desk Gabiley ,Somaliland


Maayarka cusub ee Magaalada Gabiley oo ka qayb galey Mu naa sabad Beesha Akisho ku Maamuustay xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley.



xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho


Gabiley (TNN)- Xaflad balaadhan oo dabaal dag ah oo loo qabtey Xildhibaan mahdi maxamed xa ashi oo ka mid ah golaha deegaanka Degmada gabiley,ayaa waxaa kasoo qayb galey xildhibaan ada golaha Deegaanka,madax dhaqameed,masuuliyiin ka socdey xisbiga ucid iyo Maayarka maga alada gabiley iyo kuxigeenkiisa.

Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadley xildhibaan Mahdi maxamed Xaashi oo sheegay inuu casuumay maanta xildhibaanada golaha Deegaanka gabiley iyo marti sharaftaba waxaana ka mid ahaa kalmidihii uu madasha ka jeediyay ‘’waxaan umahad Naqayaa dhamaan dadkii isoo doortey ee ilaa midka cadceed ii Taagan.maantana xafladana iisoo diyaariyey waxaan idin lee yahay Meel kasta oo aad joogataanba guuleysata xilkaa aad ii doorateen aan sifiican uga soo bixi doono’’
Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan Cali dulduul oo ku dheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarka gobolka kana dhabeeyaan balan qaad yadii ay umada uqaadeen wakhtigii olalaha waxaanu yidhi ‘’waxaanu idiin balan qaadey haddii aanu nahay golahii degaanka ee aad doorateen inaanu isbarabar taagno baahida ka jirta gobolkeena iyo dhibaatada haysata dadkeena,dadkayga waxaanu leenahay hadii aan garataan waxa xaqla idiinku leeyahay anakana waxaydin naga heli doontaan waxaad xaq uleedihiin ee itaalkayaga ah,maantana waxaanu diyaarunahay waxqabad iyo taariikh wanaagsan ka tagno.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho suldaan maxamuud sh.cumar waxaanu ku dheeraadey ahmiyada uu horumarku uleeyahay gobolka,waxaanu la dardaar may xildhibaanada golaha deegaanka waxaanu yidhi ‘’waxaa la idinka rabaa inaad sinaan iyo calaada kumaamushaan dadkiina,inaad muujisaan horumar isku duubni,wada tashi si aad u gaadhaan himilada aad hiigsaneysaan.si,aad taariikhda meel wanaagsan uga gashaan’’
Waxakale oo halkaasi ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe,xoghaya arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka maroodijeex waxaaney xildhibaanada kula dardaar meen wada jir iyo horumar gobolka , oo ay ka sheqeeyaan horumarkooda.

Waxa kale halkaasi ka hadley xildhibaan ka tirsan golah guurtida somaliland oo kasoo jeeda beesh Akisho waxaanu mahadnaq iyo dardaraan u jeediyey xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti shafta kale ee ka qayb gashay waxaanu yidhi ‘’waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada cusub labada waxaan leeyahay hambalyo,xildhibanadii hore waxaan leeyahay waxa wanaagsan baad qabateen. Kuwan cusubna waxaan leeyahay waxa dhiman idinka ayaa la idinka sugayaan,inaad umadan u horseedaan horumar iyo himilo wanaagsan’’

Gabagabdii waxaa xafladaasi soo afmeeray gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ku dheeraadey sida ay ugu heelan yihiin horumarka gobolka oo ay gaadhsiiyaan gobolada kale,waxaanu u mahadnaqay xildhibaanka oo qabtey xafladan balaadhan waxaanu yidhi ‘’Aniga oo kuhadlaya afka golah deegaanka gabiley waxaanu idiin balan qaadeynaa inaanu gacmaha isqabsano oo aanu iskuqabsano midnimadooda,wada jirkooda,horumarkooda. Oonu gaadhsiino horumarka aynoo soo doorteen ,dadka reer gabiley ee nasoo doorteyna waxaanu leenahay waadnaga helaysaan hawshii aad noo soo doorateen haddii aad idinkuna sifiican noola shaqaysaan,hadii aad na tilmaan taan oo aad si wanagsan noo tilmaantaan ,anaguna sifiican oo waxku oola ayuunu idiinku shaqaynaynaa . golahii hore waxaan udirayaan hambalyo.talada iyo rayga fiican waxay ku jirtaa maskaxdiin ,gacmihiina , wixii qaldan naga qabta oo na tilmaam wixii wanaagsan nagu taageera . waxaanu ku farax sanahay walaalkayo oo qiimo weyn nagu leh ee ay beeshani soo doorato sida qiimaha badan ee aad noosoo dhaweysaan,waxaan kusoo gabogabaynayaa in aynu gacmaha isqabsano,oo ay horumarka ka shaqayno


 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland









Tuesday, January 9, 2018

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO

Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Beel Waynta JAARSO









Jaarso waa qabiil soomaaliyeed kana mid ah bahwaynta Direed , qabiilka jaarso wuxuu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia kuwa ugu badan dad ahaan iyo dhul ahaanba

.

Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilkii soomaaliyeed ee ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopian Waxaana la odhan jiray JAASRO SULTANATE, boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray iyaguna dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha,jaamacadaha iyo schoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray SULTANATE OF DAWARO ( Dawaro Waa Jilib ka mid beesha Jaarsi ).

waxyaalaha in la xuso ubaahan ama ay ku faanaan umada Jaarso waxaa ka midka ah oo taariikhda u gashay beesha jaarso ay ahayd qabiilkii soomaaliyeed ee ugu horeeyay kaasoo dagaal fool ka fool ah la galay dawlad ay xabashi lee tahay, Beesha Jaarso waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeer soo jireen misena caan ah kaas oo  ay isku maamulaan, xeerkaas oo la yidhaahdo Xeerka Jaarso kaasoo lagu aas aasay Tuulada Tuli Cagaagane.


Beesha jaarso waxay ku fadhidaa dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia, waxayna ku xoogan yihiin Ismaamulka Somalida Ethiopia iyo Kan Oromada, Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba af oo kala ah Afka Somaliga iyo Afka Oromada, markaan lee nahay afka oromada inta ku hadasha waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 45% inta ku hadasha afka somaligana waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 55% , beesha jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta umada ay wada degaan taasina waa dabeecadaha ay ku caanka yihiin.

Beesha Jaarso deegaanada ay ku nool yihiin waxaa ka mid ah :
             1. Degmada Jigjiga
             2. Degmada Jinacsani
             3. Degmada Ajasa Koora
             4. Degmada Baabili
             5. Degmada Gursum
             6. Degmada Hawaday
             7. Harar,Haramaya,Diridawa,Naserat,Baali,Dhangago
             8. Degmada Tuli Guuled
             9. Waxay Kale oo Ay Ku Nool Yihin Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Kililka Oromada
            10. Gobolka Liibaan
Hadaan usoo noqono beeshu waxay ka kooban tahay lix (6) jilib oo waa wayn waxayna kala Yihiin:
1. Wara dhaqo            ( Reer Dhaqo )
2. Wara sayo              ( Reer Sayo)
3. Walaabi
4. Wara Oogo           (Reer Oogo)
5.  Dawaro
6. Oroma
Erayga  Waro waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay  Reer
1. Wara Dhaqo iyaduna waxay usii kala baxdaa  Tobadaba (7) Jilib.
  • Wara Yan’a
  • Wara Yaanyo Igo
  •  Wara Maxamed
  • Wara Yaanyo Guyo
  • Wara Akaako
  •  Wara Areelo
2. Wara Sayo iyaduna waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Buuko
  •   Abiye
  •  Oroma
3. Walaabi waxay ukala baxdaa sadex (3) jilib oo waa Wayn
  •  Wara Cusmaan
  •  Wara Cumar
  •  Baalcad
4. Dawaro
5. Wara Oogo
6. Orama

F.G. Fadlan wixii Talo iyo Tusaaleba Ah ama Sixid Aad Iga Saxaysid Wixii Ka Qaldan Qoraalkan iigu Soo Hagaaji Ciwaankan  jaarsocommunity@hotmail.com

Blog Archive