Wednesday, August 24, 2022

Sheikh Yuusuf Al Kownin (Kaweyne) AWBARKADLE SHEIKH DIREED EE BOQORTOYADA IFAT IYO SIDUU U MUSLIMIYAY JAZIRADA MALDIVES

,Qarnigii 1150kii Taqriibaan waa Xiligii Sheikha Direed Ee Weyna Sheikh Yusuf Al Koowniin ama Aw Barkhadale oo ahaa ninkii Qorey alifayna higaada Quranka Alif La Kordhabee, Alif La hoos Dhabee, oo ka soo jeeday Boqortooyadii Ifaat waa boqortooyadii Direed ee ka horeysay Adal Kingdom ee Axmed Gurey. 


Sheeikh Aw Barkhadle oo ay sheegaan beesha Dir Surre in uu ahaa Fiqi Somaliyeed kee ugu horeeyay macaliminta Quranka ama Fiqiyada Surre Dir waxa ay sheegaan in loox quraanka iyo habka Anqaasta loox lagu dhigaba isaga laga dhaxlay iyo fidinta diinta iyo Tariiqooyinka.

Sheikh Awbarkhadle waxa uu dacwo u diray Jaziirada Maldives ee India Oceanka ku taala oo uu Muslimiyay Boqorkooda oo Budhist ahaa King Dhovemi oo markii uu muslimayna loo bixiyay Sultan Muhammad al-Adil, noqdayna daaci weyn oo jaziirada oo dhan muslimiyay. Diintana ku faafiyay Ilaa India.

Sheikh Beesha Direed Waa laga xusaa ilaa hada Jasiirada Maldivas. Sheikh Yuusuf Alkownin ama Kaweyne Aw Barkhadale.Taarikhda Weey xustaa.

Sheikhyada ugu waaweyn Ee Dir ku abtirsada waxaa ka mida Sheikh Xuseen Al Bale oo isaguna Dir ka soo jeeda oo muslimiyay qoowmiyadaha oromoda ee Bale ilaa Guji ilaa Dhulka Booranta dagan. Misaajidka Xuseen Al Bale waxaa haystay oo xukumi jiray Sheikhyo ka Soo jeeda Magaalada Marka oo wada ahaa Dir Surre iyo Biimaal ba.


Blog Archive