Tuesday, December 12, 2017

Kulan Looga Hadlayey Dhaqanka Oo Marka Ka Dhacay, Wax badan Ka Ogow Shanta Biimaal iyo Adeerkood iyo Nabadoon Cabdow Bood-Makaay(Sawiro)



DSC00968
DSC01080
Cabdow Shacabdi Bood Makaay, Nabadoonka Kalafow Waa Odeyga dhexda ki jira
DSC00971 DSC00976 DSC00977 DSC00979 DSC00984 DSC00985 DSC00986 DSC00987 DSC00991 DSC00993 DSC00994 DSC00999 DSC01000 DSC01002 DSC01003 DSC01004 DSC01008 DSC01009 DSC01029 DSC01034 DSC01043 DSC01045 DSC01047 DSC01048 DSC01049 DSC01054 DSC01057 DSC01058 DSC01059 DSC01062 DSC01064 DSC01065 DSC01067 DSC01075 DSC01077 DSC01078 DSC01079 DSC01081 DSC01082 DSC01083 DSC01084 DSC01085 DSC01086 DSC01088 DSC01089 DSC01091 DSC01092 DSC01094 DSC01095 DSC01096 DSC01097







DSC01099ulan weyne ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada Beel-weynta Biimaal oo ay ka mid yihiin, Culimaa’udiinka, Duqeyda dhaqanka, Waxgaradka, Dhalanyada Haweenka iyo mas’uuliyiinta Beesha ayaa looga arinsanayey arimo ku saabsan dhaqanka Beesha.
Gogosha shirka waxaa fadisay Beesha Kalafow, seeme Biimaal oo horey uga mid aheyd afarta Ermege oo qaaraan iyo ku dhaqanba la aheyd Beesha reer Ugaas Sacad Ermege.
Kulankan oo Beelaha Biimaal ay goob joog ka ahaayeen waxaa ka horeeyey kulan hore usoo dhex maray Sacad Ermege iyo Kalafow Seeme Biimaal, oo Ood wadaag ka ahaa arin kasta.
Waxay isku soo raaceen in Kalafow uu gooni u istaag uu sameeyo uu ka duu duubto dhaqankii iyo qaaraankii uu la wadaagi jiray Sacad (reer Ugaas) islamarkaana uu ahaado Beel ka mid ah beelaha Biimaal sida afarta Ermege iyo Adeerka oo Dabruube ah oo hada ay ka dhigaan shan Biimaal iyo adeerkood.
Shirarkii ay yeesheen oo ay isku soo afgarteen in loo kala qaado howlahooda ayaa is afgarashadooda waxaa qeyb ka ahaa in kulan weyn loo qabto Biimaal si loo ogeyssiiyo natiijooyinka kulamadii hore usoo baxay, loona weydiisto Ogolaasho la mid ah tan laga helay Sacad oo horey ay ugu mideysneyd Kalafow.
Shirka ayaa marka hore waxa daah furay mid ka mid ah Culimada Kalafow ee Gogosha fadisay, waxaana warbixin uu ka dhiibay shirarkii hore u dhacay iyo natiijooyinkii laga gaaray iyo halka maanta uu joogo, waxaa ka daba hadlay Odayaal matalayey Sacad Ermege oo shirka ka sheegay in Kalafow Seemee Biimaal uu xor u yahay rabaanshihiisa ayna soo dhaweeyeen hadii ay yihiin Beesha reer Ugaas ee Sacad, ayna ku gowracanyihiin go’aanka uu Biimaal-weyne ka qaato.
Waxa ugu dambeyn lasoo jeediyey in Biimaal oo alla uu ka dhigay qowmiyad jirta oo xilliyadii hore loo soo maray jufooyinka iyo beelaha ay noqdeen kuwo isku darsaday dhistooda iyo adeegyadooda si ay uga gudbaan waqtiga markaasi culeyska badnaa, ay hada xaq u leeyhiin in Ood wadaagooda ay kala qaataan.
Beesha Kalafow oo meesha ka saartay hadaladii hore u jiray sida afar Biimaal iyo adeerkood oo hada ka dhigtay Shan Biimaal iyo adeerkood ayaa Nabadoon u dooratay Cabdow Shacabdi Bood Makaay oo ah Odey dhalinyaro oo wax badan fahamsan.

Blog Archive