Saturday, March 24, 2012

Gabayadii hore Ee Isaaq Sheegaya Inuu Dir Yahay


GABAYADA ISAAQ KU SHEGAYAAN CIDA AY YIHIIN OO AY TIRIYEEN AFTAHANADA BEESHA ISAAQ

Abwaanadaas ku gabyey gabayada kore dhammaan waxay cadeeyeen isir ahaan ciday yihiin oo ah Daarood…

Ismaaciil Cigaal Bulaale(isaaq)

Adaa Dir iyo Daarood dhex dhigay dab iyo baaruude

Dacar gelisey reerihii ahaa ul iyo diirkeede

Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye

Maxamuud Dheeg (Isaaq)

Dir iyo Irir baanu nahay labada daamoode

Dabatada faraha dheer leh iyo Diini iyo Boontu

Meeshay kasoo dalabsadeen yeyga degi wayday.



Axmed Ismaaciil Diiriye (Isaaq)

Miisaannay Ciisow tixahaad madalka keenteene
Macaan baa Ilaahay ka dhigay Malabki Doocaane
Dhegtii maqashay oo idili way mahad naqaysaaye
Madmadoow ma gelin xaajadaa soo mudh-bixiseene
Mabsuud buu ka yahay reer Isaaq meelu joogaba'e
Waad mahadsantiin dhalashadaad muruq u yeesheene

Axmed Ismaaciil Diiriye (Isaaq)

Na soo gaadhe Ciisow tixahaad soo gudbinayseene
Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye
Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne
Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede
Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane
Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene



Abwaanadaan iyaguna waxay cadday nayaan isir raac ciday yihiin oo ah Dir labada gabay ee Axmed Ismaaciil Diiriye gabaygiisa waxaad ka dhan dhansan kartaa ehelinimada ay isku reerka yihiin Ciise(Ciise oo qabiil Dir ah) oo uu marna walaal tinimo ku tilmaamay marna wada dhalasho oo Abwaanadu gabay ahaan inta badan u isticmaalaan wada dhalashada iyo walaaltinimada dhanka abtarsiinyaha…

Qamaan Bulxan (Ogaadeen)

Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyo
Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo gooyo
Dunbuq iyo rasaastana hadduu debecsanuu siiyo

Gaygaan waxaa tiriyey Abwaan Daarood ah oo ku tilmaamaya Isaaq inay Dir yihiin mana dhicin gabyaa Isaaq ah oo beeniya gabaygaas Dir nimada ku tilmaamay waxaase dhacday in Gabyaa la Oran Jiray Yawle xaqiijiyey oo ku gabayey, gabay aanan helin hal sadar ka badan oo ahaa… Isaaq waa Dire e hadduu duulaan soo kiciyo…

Isku soo wada duuboo waxaad ka garan kartaa gabayadaas isir raaca ay kala ahaayeen Qabiilada (Harti, Ogaadeen, Abuskuul), iyo Isaaq oo kala ahaa Daarood iyo Dir… waxaa kaloo jirta in markii Somalidu shirar ama wax qaybsi isugu timaado in beesha Isaaq ku qayb qaadato qabiil ahaan qabiilka la yiraahdo Dir oo ah qabiilka Abwaanadii hore ku gabyeen in Isaaq yahay qabiilkaas. Wax garadka, Isimada Beelaha Somaliyeed oo aan ahayn Isaaq markaad waydiisid Qabiilka beesha Isaaq reerka ay isir raac galaan waxay kuu cadaynayaan in Isaaq isir ahaan yahay Dir. Haddii aad odayashaasha iyo wax garadka beesha Dir waydiiso cidda Isaaq isir ahaan galo waxay si toosa oo aan gabasho lahayn kuugu sheegayaan inuu galo Isaaq Habare Xiniftire Maahe Dir.

Aqoonta loo lahaa beelaha Isaaq isir raacoodu markuu ahaa Dir waxaa ayaamahaan danbe soo shaac baxday oo yar iyo wayn beesha qabiilka Isaaq shaaciyeen in ay yihiin Carab oo ka soo jeedaan Haashimiyiin arintaasi waxay keentay jaah wareer aan la garanayn cid la rumaysto Isaaqa hadda sheegaya inay yihiin Carab, ma odayadii hore ee Isaaq oo sheegayey inay yihiin Dir, ma wax garadka iyo Isimada beelaha kale ee sheegaya in Isaaq yahay Dir!!!.

Waxaad ka garan kartaa Dadka taariikhda wax ka qora oo aan ahayn Somalida inay jaah wareer ka qaadeen oo qoraaladooda laba bog oo ay isku mid kaga hadlayaan aadan ka helayn mararka qaar waxaad arkaysaa hal qaafiyad (baaragaraaf) oo iska hor imanaya oo marna leh Dir marna leh Carab, waxaadba ila eegtaan labadaan qoraa ee Biritishka u dhashay…

Richard Burton oo ka qoray Isaaq wuxuu buugisa taalaabooyinkii koowaad 1846 ku qoray….

In sheikh Isxaaq oo ka soo jeeda xatramuut kayimi dhulkiisii isagoo ay weheliyaan 44 shiikh magaalada la yiraahdo Met(Myadh) oo ah meesha uu hadda ku aasan yahay, wuxuu guursaday naag xor ahayd oo la oran jiray Magaden(Habar Magaado) waxayna u dhashay Garxajis Awal and Arab; waxaa kaloo wax udhashay islaan adoon ahayd waxayna u dhashay jeclo(Habar Jeclo sambur(sambuur) iyo Rambad. Kadib qabiilooyinka waa wayn ee habar garxijis iyo Awal ayaa waxay doorbideen magaca habar oo sheegaya ama tilmaamaya Hooyo mar haddii aan la garanayn aabahihii(waa siduu u qoray).

Waasida uu qoraalkiisa udhigay Richard Burton, isagoo sii wata qoraalkiisii wuxuu qoray…

Raad raaca abtirsiinyaha ilaa hadda Somalidu utaqaan waa Dirr(Dir), Aydur(?) Darud(Daarood) iyo Hawiye, markii loo eego qaybo magacyada qabiilada Dir iyo Aydur oo aan la hubin laakiin magacyadoodu waa Eese(Ciise), Gudabirsi, Ishak(Isaaq) iyo barsuuk…

Richard Burton or Richard Francis Burton (British consul, explorer and Orientalist, was born at Barham House, Hertfordshire, on the 19th of March 1821 Died 20-Oct-1890… Sexual orientation: Matter of Dispute) In his book, The first Foot Steps 1846 wrote …

Sherif Ishak bin Ahmed left his native country Hazramaut, and, with forty-four saints, before mentioned, landed on Makhar,—the windward coast extending from Karam Harbour to Cape Guardafui. At the town of Met, near Burnt Island, where his tomb still exists, he became the father of all the gentle blood and the only certain descent in the Somali country: by Magaden, a free woman, he had Gerhajis, Awal, and Arab; and by a slave or slaves, Jailah, Sambur, and Rambad. Hence the great clans, Habr Gerhajis and Awal, who prefer the matronymic— Habr signifying a mother,—since, according to their dictum, no man knows who may be his sire(sire = male parent, male ancestor).



The old and pagan genealogies still known to the Somal, are Dirr, Aydur, Darud, and Hawiyah, according to some Dirr and Aydur, of whom nothing is certainly known but the name, are the progenitors of the northern Somal, the Eesa, Gudabirsi, Ishak, and Bursuk tribes.

Waxaad halkaas ka garanaysaa in ninkaa qoraaga ahi ku jaaah wareeray oo marna leeyahay waa Xatramuuti oo la yiraahdo Sharif Ishak bin Ahmed marna waxuu qoray wuxuu ku tilmaamayaa inay ka soo jeedaan qabiilka Dir…

Waxaa kaloo jira nin kale oo isku dayey inuu wax ka qoro qabiilada Somalida ninkaas oo la yiraahdo I M Lewis isagoo ku jaah wareersan wuxuu ku qoray buuggiisa blood and bone….

Markii loo eego Qabiilka Isaaqu waxay sheegtaan inay ka baxsan yihiin oo ay isir raac toosa ay yihiin Carab, kaliya ay kula xiriiraan qabiilka Dir la yiraahdo guur Aabahood ka guursaday. Somalida kalase waxay u tixgaliyaan ama u arkaan inay si buuxda u yihiin Dir. Marka waxay u muuqaataa in Isaaq Carab ka dhigeen Isir raacooda si u helaan ixtiraam una ilaashadaan kobcinta awoodooda iyo isku filaanshahooda iyagoo 400, 000 qof 1958 kii ahaa.

Isla qoraagaasi wuxuu buuggiisa kale ee fahanka bulshada Somali iyo Somaliland( Culture History and Society-Ioan M Lewis P- 4) wuxuu ku qoray…

Dhab ahaan markaan u hadalno Isaaq waxay ka soo jeedaan Dir kuwaaso iyaga iyo Hawiye laysla xiriiriyo oo laysku yiraahdo Irir.


Ioan M. Lewis in his book blood and bone p104 wrote:




Thus while the Isaaq regard themselves as a separate clan-family tracing their agnatic origins directly to Arabia and only acknowledge a connexion by marriage with the Dir, other Somali regard them as of full Dir affiliation. It would appear that Isaaq have Arabicized their genealogy as a means of acquiring prestige and in keeping with their growing strength and their separate identity as an independent group numbering some 400,000 souls (in 1958)



I.M Lewis states, ” strictly speaking the Isaaq are derived from the Dir, who together with the Hawiye are linked as “Irir” at a higher level of genelogical grouping.” In his book, Understanding Somali and Somaliland Society : Culture History and Society-Ioan M Lewis P- 4

Buugiisa kale ee la Yiraahdo Nomadic Democracy wuxuu ku qoray in Somalida oo dhammi Isaaq u tixgaliyaan isir raac ahaan Dir waxuu kaloo ku caddeyey in waayadaan danbe soo baxayso inay gooni ka yihiin oo ay isir raac ahaan ka soo jeedaan Carab

I M Lewis states, “all Somalis regard the Isaaq as lineal descendents of Dir” and he notes their recent development of ,”independent agnatic descent from Arabia. (P-142, Nomadic Democracy)



Jaah wareerkaasi maaha mid ku kooban dadka aan u dhalan Somalida oo kaliya ee waxaa iyana ku jaah wareeray oo ay dhinacay u qaadaan garan waayey Somalida Abwaano ka mid ah. Taasna waxaad ka garan kartaa Abwaano Somali ahi oo aan ahayn Isaaq gabayo ay tiriyeen iyagoo mid ay u raacaan garan waayey Dir iyo Carab waxaana ka mid ah Gabayadaas…

Gabaygaan oo aanan garanayn Magaca Ninka tiriyey Qabiilkiisu se waa Daarood

Taariikhda duuga ah markaan, dib uga faaloono
Diiwaanka waxa kuugu yaal waa, Dir baa nahaye
Maantana Durriyad baan nahay, baad nagula doodeene
Hadba inaad dad noo sheegataan, waa dayuusnimo e

Gabaygaan oo uu tiriyey Abwaan la Yiraahdo Fakad(Daarood)



War Dir haddii aad tihiin amase Irir, ma aanan diideene

Dab qaraabo idinkoon ahayn, haysku soo darine

Anigaaba kaa diir xigoon, duray wadaagnaaye

Doonbiro dirkii ay dhashayoo, duuban baa nahaye

Dad is raba inaad kala dishaan, waa habeen dumaye

Adunbaase dorraad nagu lahaa, duul kalaan ahaye

Durriyadaydun noo sheegateen, diide maanatana e



Waxaad ka garan kartaa gabayadaas, in jaah wareer ka jiro isir raaca maadaama ay marba meel sheeganayaan Beesha Isaaq oo aanay fadhiyin waayadaan danbe isir raac meel loo qaado waxna iska bedeleen sidii waayadii hore lagu ogaa ee ahayd Dir inay yihiin.

Haddaba markaad eegto intaas arimood oo kala bedelan, Odoyaashii hore ee beesha Isaaq oo sheeganaya inay Yihiin Dir Odoyaashii qabiilada kale oo uga markhaanti ka caya inay ahaayeen Dir iyo wararkaan danbe ee baahday oo ay beesha Isaaq ku sheeganayaan inay isir ahaan yihiin Carab. Qoraayaashii ajnabiga ahaa oo ku jaahwareeray ciday ku sheegaan iyo Abwaanadii danbe oo iyana jaah wareer ka qaaday… Waxaa haddaba is waydiin mudan qof hadduu hadba reer kuu sheegto qofkaas hadalkiisu mala rumaysan karaa oo arin Dhab ah maloo qaadan karaa?!!!... hadday jawaabtaadu maya noqoto maxay noqonaysaa beel dhan oo hadba reer sheeganaysa hadalkoodu soo waxaan dhab ahayn oo dhalanteed ah maaha?!!!!..

Blog Archive