Saturday, May 19, 2012

BIMAAL DIR'S STRUGGLE TO FREE SOMALIA 1900

BIMAAL DIR'S STRUGGLE TO FREE SOMALIA 1900

Muslim Brotherhoods in Nineteenth-Century Africa

By B. G. Martin

http://books.google.ca/books?id=o0XhcUWa1_4C&pg=PA188&dq=muslim+brotherhood+BIMAL&hl=en&sa=X&ei=M4e4T_z_IsqXiAL1n439Bg&ved=0CDIQ6AEwAA#v=onepage&q=muslim%20brotherhood%20BIMAL&f=false

Poverty in Somalia: Abdul Jama KORONTO VIDEO


Poverty in Somalia: Abdul Jama KORONTO VIDEO SURRE ACTIVIST!!!!

Vision:
Through global partnership-building and empowerment of communities, HPC strives for the eradication of extreme poverty and hunger through achievement of self-help initiatives that promote gender equality, access to universal primary education, promotion of higher learning, and development of sustainable environment
http://www.youtube.com/watch?v=bbQ2ezeKiOM

Shirkii Wadatashiga Beesha Surre ee Waqooyiga America Daawo Sawirrada .

Shirkii Wadatashiga Beesha Surre ee Waqooyiga America Oo Guul Ku Dhamaaday Daawo Sawirrada .

Wuxuu shirku ku bilawday jawi qurux badan , waxaa ka soo qeyb galay ergooyin ka kala socday gobolada dalalka Mareykanka iyo Canada, Kulankaas oo lagu qabtay gole weyn oo shirarka loogu talagay kaas oo lagu xardhay muuqaalo ka tarjumaya summadda qaranimada soomaaliyeed . marka laga yimaado inta golaha fadhiday waxaa khadkaTelefoonka kaga qeyb gelayey tiro lagu qiyaasay ilaa iyo laba kun oo qofood oo beesha ka soo jeeda kuna baahsan daafaha dunida iyadoo qaarkood ay u ahayd waqti danbe oo habeenimo taasina waxay markhaati u tahay sida ay u daneeynayaan horumarka beeshooda ,degaankooda iyo guud ahaan dalka hooyo in loo helo xal waara iyaguna ay qeyb ka noqdaan hormuudka baadigoobaya sidii dib loogu soo celin lahaa qaranimada soomaaliyeed.
Intaa ka dib waxaa kalmad soo dhoweyn ah soo jeediyey afhayeenka qaban qaabiyayaasha shirka Mudane Mursal Maxamed Maxamud Mursal iyo Amb. Abdullahi Abdicasiis oo ahaa ergadii ka timi Minneapolis. Sidoo kale waxaa ka hadlay Mohamed Siciid xaji Jirde oo ka hadlay xaaladda beesha iyo guud ahaan degaanada ,kaas oo sheegay in ay beeshani tahay beesha ugu degaanka badan, haba ku kala badnaato , balse tiro ahaan degta saddex iyo toban gobol isla markaana dhalasho iyo dhaqan la wadaagta guud ahaan beelaha soomaaliyeed lehna dhaqan soo jireen ah oo ay ku soo caana maashay kaas oo ku dhisan Nabad,Aqoon iyo Xushmad .taasina ay lagama maarmaan ka dhigeyso iney marwalba kaalin mugli leh ku yeelato hogaanka dalka iyo goboladaba iyadoo beelaha u ah udub dhexaad(social glue).
Amb Abdullaahi Abdi-Aziiz Xassan

Sidoo kale waxaa ku dheeraaday taariikhda beesha Sheik Hasan Sheik Ali-Salad oo ka mid ahaa ergadii ka timi gobolka Kentucky ee cariga mareykanka ,waxa uu sheegay in umadda Somaaliyeed intii gumeystuhu dalka yimi iyo intii ka horeysayba ay lahayd hogaan iyo dad lagu soo hirto waxna laga weydiiyo ,dadkaasina ay qeyb ka ahaayeen waxgaradka beeshan Surre,maantana ay lagama maarmaan tahay in ay kaalintoodii ka ciyaaraan si loo helo nabad iyo wada noolaasho magicii Somaaliyeedna kor loogu qaado.


Waxaa sidoo kale ka hadlay Siyaasadda Somaaliya iyo heerarkii ay soo martay Inj. Abdiraxman Mohamed Elmi Buraale ,waxaa uu si mug leh uga hadlay taariikhda Gobolka gedo wuxuuna sheegay inuu yahay Abihiis raggii ugu horeeyey ee laga soo doorto Gedo, maantana uu arko in ninka kasta oo geyigaa ka yimaada isla markaana degaan ku leh uu masili karo guud ahaan gobolka taasina ku timaado is afgarad iyo istixgelin.sidoo kale waxaa hadalo qiimo badan halkaa ka yiri Dr Mohamed Adan Jeelle,Sagal Ali Jama iyo Suldaan Ali Mohamud Guuleed.

 

Ugu danbeyn waxaa lagu soo dhoweeyey Inj. Jibriil Mohamed Siciid Afyare kaas oo soo bandhigay wax qabadkii ururka Cawslafil ee ka hawlgala cariga Mareykanka magaalada Minneapolis muddadii uu jiray taa oo soo jiidatay dhamaan ka soo qeybgalayaashii shirka kuna mutaystay amaan iyo bogaadin cadeeyeyna inuu wax weyn ka geli doono ololaha doorashada Madaxweynaha dalka Dr. Mohamed Abdiweli sheik.


Inj. Jibriil Mohamed Siciid Afyare (Guddoomiyaha Jaaliyada Ee North America)

Intaa dabadeed waxaa la guda galay labo qodob oo la doonayey in go’aamo laga soo saaro kan hore oo ahaa in la doorto guddi isku xira Odayaasha dhaqanka iyo beesha inteeda kale bacdamaa xaaladda beeshu ka duwan tahay xaaladaha beelaha kale oo aanay wada oolin bar qura, isla markaana ay muhiim u yihiin odayaashu go’aan ka qaadashada aayaha dalka taasoo ah marxaladda cusub ee ay siyaasadda wadanku gashay.,halkaa waxaa lagu doortay Guddi odayaal oo ka kooban todoba qofood Abdiraxman Ali X


Intaa dabadeed waxaa la guda galay labo qodob oo la doonayey in go’aamo laga soo saaro kan hore oo ahaa in la doorto guddi isku xira Odayaasha dhaqanka iyo beesha inteeda kale bacdamaa xaaladda beeshu ka duwan tahay xaaladaha beelaha kale oo aanay wada oolin bar qura, isla markaana ay muhiim u yihiin odayaashu go’aan ka qaadashada aayaha dalka taasoo ah marxaladda cusub ee ay siyaasadda wadanku gashay.,halkaa waxaa lagu doortay Guddi odayaal oo ka kooban todoba qofood ,

Guddiga Odaayasha

1- Inj.Abdiraxman Maxamed Elmi Buraale.

2- Mohamed Ali Xashi.

3- Abdulqadir Xasan Cigaal

4- Maxamed Siciid Xaji Jirde

5- Sh.Hasan Sheik Ali-Salad.

6- Abdullahi Xasan Adan Shirwac.

7- Sheik Hasan Mohamud Kare

8- Ali Dalmar .

kuwaas oo looga fadhiyo iney isku xiraan odayaasha iyagoo la kaashanaya Jaaliyadaha dibadda iyo dalka gudihiisaba . intaa ka dib waxaa la guda galay qodobkii labaad oo isagu xasaasi ahaa aadna mooday inuu ka waqti iyo hadal badnaa qodobka hore kuna saabsanaa doorashada hogaan ay ku mideysan yihiin jaaliyadaha beesha ee Waqooyiga America waxaana la soo jeediyey in la doorto hal sano oo ku meel gaar ah, loogana fadhiyo iney la yimaadaan Barnaamij wax ka qabanaya caqabadaha dhaqan dhaqaale iyo midnimada beesha Surre .waxaana halkaa lagu doortay

1- Inj. Jibriil Mohamed Siciid Afyare (Guddoomiye)

2- Abdirahmaan Mahdi Ali (Guddomiye Xigeen)

3- Sagal Ali Jama (Guddiga Haweenka iyo Dhaqaalaha)

4 Abdiraxman Ali Xashi (Guddiga Dhalinyarada iyo Abaabulka)

Sidoo kale waxaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddiga dib u eegista iyo daba galka.

1- Ali Mohamud Guuleed

2- Abirisaaq Ali Yare

3- Mursal Maxamed Maxamud Mursal..

Waxaa si kooban warbixin looga bixiyey isla markaana loo soo bandhigay sawiradiisa Musharaxa jagada Madaxweyne ee dowladda soo socota Mudane Dr.Mohamed Abdiweli Sheik oo barre ka ah Jaamacadda Makareeri ee ku taal dalka Ugandha , waxaa loo soo jeediyey amaan iyo in si buuxda loo taageero loogana qeyb qaato ololihiisa .

Musharaxa jagada Madaxweyne ee dowladda soo socota Mudane Dr.Mohamed Abdiweli Sheik

 

Waxaa loo guda galay gabagabadii iyo gunaanadkii shirka halkaas oo amaan loo jeediyey dadkii qabanqaabada shirka lahaa iyo dhamaan intii ka soo qeybgashay hadday noqon lahayd madasha iyo aaladda isgaarsiintaba waxaana looga cudurdaaray wallaalihii xagga isgaarsiinta kaga qeyb galay inaan la siin fursaddoodii hadalka, loona balan qaaday kulanka danbe in la siin doono mudnaanta koowaad,waxaa halkaa lagaga dhawaaqay fariin ka timi reer Minneapolis oo balanqaaday gogosha shirka sanadka danbe haddi alle idmo.


Ururka Heraale Youth Alliance SUURE DIR SAWIRO

Ururka Dhalinyarada Xeraale oo ka dhisan magaalada Nairobi

Ururka Heraale Youth Alliance oo ka dhisan magaalada Nairobi .






Kulan ay ururkaani ku qabteen magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu taageeray maamulka madaniga ah ee degmada Xeraale oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Macallin Maxamed Sheikh Xassan oo kamid ahaa odayaashii halkaas ka hadlay ayaa isna ku adkeeyay dadka deegaanka Xeraale inay ka shaqeeyaan maamulka deegaanka oo uu gudoomiyaha u yahay Bashiir Daahir.

“Waxaan ka codsanaynaa shacabka inay la shaqeeyaan maamulkooda”. Ayuu yiri Macallin Maxamed.

“Waligayo abaar waa arki jirnay ilaahay baanan baryi jirnay maahan in gaalo loo yeerto, waa inay ummada Soomaaliyeed isku tashataa”. Ayuu sii raaciyay mar uu ka hadlayay xaaladda abaarta.

Kulankan oo ahaa mid uu soo qabanqaabiyay ururka Heraale Youth Alliance ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay dadweyne isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo sidoo kalana ammaan loo soo jeediyay guddoomiyihii hore ee degmada Xeraale Tahliil Cismaan.





Guddoomiyaha ururkan Maxamed C/rashiid Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay taageerayaan maamulka uu hormuudka u yahay Bashiir Daahir Yuusuf.
“Waxaan taageeraynaa maamulka degmada Xeraale, waxaan kaloo ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay u gargaaraan dadka ay abaartu la dagtay ee ku dhaqan deegaannada gobolka Galguduud iyo guud ahaanba Soomaaliya”.Ayuu yiri Maxamed.





============================================================================












Blog Archive